Home Blog Page 1837

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo xalay ka khudbeeyay Shirka Golaga Guud ee QM

0

Sabti 28-Sep-2024 {HMC} Raiisul wasaraha soomaaliya xamse cabdi barre ayaa shirka golaha guud ee loo dhanyahay ee qaramada midoobe waxa uu kaga hadlay sanadkaan dhibaatooyimka soomaliya soo foodsaartay iyo guulihii ay gaartay.

Waxa uuu soo hadal qaaday xiisada soomaliya kala dhaxeeysa itoobiya waxa uuna sheegay in ay muhiim tahay ineeysan soomaliya haatan indhaha ka dadan doonin xiisadaha ugu imaanaya itoobiya oo qalqal galinaya ayuu yiri jiritaanka soomaliya.

”Soomaaliya ayaa hada wajahaysa qatar xoogan oo kaga imaanayso falalkii ugu dambeeyay ee itoobiya kuwaas oo si cad ugu xadgudbaya sharafta dalkeena iyo dadkeena
iskudayga itoobiya ay ku doonayso qayb kamida soomaliya ineey ku darsato iyada oo loogu gabanayo helitaan marin biyood waa arrin sharci darro ah oo aanan loo baahneed”

Waxa uu dhanka kale raiisul wasaaruhu soo hadal qaaday in awalba itoobiya ay ufurnaayeen adeegsida dakadaha soomaaliya habka ganacsiga waxa una shegay in soomaaliya ay dadaal galinaysay iskaashiga gobolka intiisa kale balse heshiiskii dhaxmaray itoobiya iyo gobol kamid ah soomnaliya ee waqooyiga soomaliya waa mid qaldan oo halis ku ah jiritaankena qaranimo ayuu yiri xamse cabdi barre.

Intii uu kahadlaayay arimaha soomaliya ayaa raiisul wasaare xamse cabdi barre waxa uu soo hadal qaaday guulihii ay smaliya ka gaartay qaadista cunaqabatayntii hubka helida kursiga aan joogtada ahayn ee qaramada midoobe ee sanadkaan ku biiristii bulshada bariga afrika iyo dayn cafintiiba waxa uuna yiri.

”Sanadkaan ina dhaafay waxa uu aha mid si gaara muhiim innoogu ah oolagu asteyay hormaro wax u ool ah ay sooomaaliya samaysay waxa aan si gul ah udhameestirnay hanaanka deen cafinta oo noo ongolaanayo inaa si buuxda uso ceshato madax banaanideenii dhaqaale iyo inaan dib ukabis ku smayno nidaamka maaliydeed ee caalamiga ah”

Dhinaca kale waxa uu ka hadlay dagaalka bariga dhaxe iyo duqaymaha ay israel ka wado qaza waxa uuma yiri.

”Qaza xaalku waxa uu marayaa heer musiibadii ugu darneed ah waa wadan ay saarantahay xanibaad joogta ah iyo qalalaso aan kala joogsi lahayn oo abuuray musiibaduu ugu darneed ee bini aadanimo waqtigaan aynu ku jirno”

”kasokoow dilka macna darrda ah ee tobonaanka ragga ah haweenka iyo caruurta tan iyo bishii octoober ee ina dhaaftay in kabad 2 milyan oo falastiyiin ah ayaa ku jiro xabsi hawada sare ka furan”

Soomaaliya oo sanadkaan qaadan doonto kursiga aan joogtada ahayn ee qaramada midoobe ayuu raiisul wasaaraha sheegay in lagaaray waqtigii ay soomaliya uhadli laheed caalamka intiisa kale.

Wasiir Fiqi iyo Hakan Fidan oo kulan ku yeeshay magaalada New York.

0

Sabti 28-Sep-2024 {HMC} Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa kulan wax ku ool ah la yeeshay dhigiisa Wadanka Turkiga Hakan Fidan.

Labada masuul oo ku kulmay magaalada New York ee dalka Mareykanka ayaa ka wada hadlay ka miradhalinta wadahadallada Soomaaliya iyo Itoobiya oo gogoshu ay taallo Ankara.

Sidoo kale labada Wasiir ayaa ka wadahadlay xoojinta xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Turkiga oo aad saaxiib u ah.

Dadaaladda lagu doonayo in xal looga gaaro xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa wajahaya caqabado horleh, ayada oo dhawaan uu fashilmay wejigii saddexaad ee wada-hadallada labada dhinac oo qorshuhu ahaa inuu ka dhaco dalka Turkiga.

Turkiga oo haatan ah dhex-dhexaadiyaha u weyn ee labada dhinac dadaal badan ku bixinaya sidii xal looga gaari lahaa xiisadda taagan ayaa illaa hadda wax natiijo ah ka gaarin isku soo jiidka Soomaaliya iyo Itoobiya, waxaana hadda la qorsheynayaa in la isku arko wareeg 3-aad.

Sidoo kale waxaa god kusii dhaceysa rejada wada-hadallo toos ah oo yeeshaan madaxda Soomaaliya iyo Itoobiya, iyada oo dowladda Soomaaliya ay shaacisay in haatan aysan muuqan wax horseedi kara midaas, maadaama ay Itoobiya weli kasoo laaban dariiqi qaldanaa ee ay qaaday.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi oo arrintaan ka hadlay ayaa waxa uu yiri “Annaga nooma muuqato in Abiy Axmed inta uu kasoo jiireeyo dariiqaas qarda jeexa ah uu dowladda Soomaaliya lasoo xiriiro.”

Wasiirka ayaa sidoo kale wuxuu tilmaamay in aysan is-waafaqayn in ciidamada Itoobiya ay u joogaan nabad ilaalinta Soomaaliya, halka ra’iisul wasaare Abiy uu ka shaqeynayo ku xad-gudubka qaranimada Soomaaliya.

Itoobiya ayaa weli ku dhagan is-afgaradka sharci darrada ah ee ay la gashay Somaliland, kaasi oo u gacan gelinayo qeybo kamid ah biyaha Soomaaliya, halka Somaliland uga beddelaneyso aqoonsi, taas oo si weyn uga careysiisay dowladda federaalka Soomaaliya.

dagaal culus oo Muqdisho ku dhex-maray kooxda AS iyo ciidamada Dowladda.

0

Sabti 28-Sep-2024 {HMC} Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar toos ah oo ay xalay kooxda AS ku qaaday gudaha degmada Kaxda ee gobolka Banaadir, kaas oo muddo socday.

Weerarka oo uu dagaal xigay ayaa si weyn looga dareemay gudaha caasimada, waxaana dhawaqa iyo hubka ay is weydaarsanayeen labada dhinac laga maqlay meelo baxsan degmada Kaxda oo ah halka lagu dagalaamay.

Ilo wareedyo lagu kasoonyahay ayaa innoo sheegay in xubnaha kooxda AS ay bartilmaameedsadeen bar-koontarool oo ay ku sugnaayeen ciidanka Booliska, taas oo lagu magacaabo Buurta Cali Janaale, waxaana cabsi xoogleh ay soo wajahday dadka deegaanka.

Bartan oo lagu hubiyo gaadiidka ayaa lasoo wariyay in AS ay marka hore ku garaaceen qorayga Sabanka, waxaana kadib dhacay iska hor imaad foolka fool ah oo dhex-maray ciidamadii ku sugnaa goobta iyo raggii weerarka qaaday.

Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkan, maadaama ay ahayd xilli habeen ah oo aan la heli karin xog rasmi ah oo ku aadan dagaalka ka dhacay halkaasi.

Xubnaha weerarka soo qaaday ayaa goobta ka baxsaday, waxaana weli xaaladdu ay tahay mid kacsan, ayada raadka weerarkii xalay laga dareemayo degmada Kaxda.

Sidoo kale waxaa goobta la weeraray ku sugan ciidamada ammaanka oo iyaguna dadaallo dheeraad ah wada, kuwaas oo dagaal kala hortegay xubnaha weerarka soo qaaday.

Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay labada dhinac, kuna aadan weerarka iyo dagaalka xigay ee xalay ka dhacay halkaasi.

Weerarkan ayaa qayb ka noqonayo falalka amaanka dari ee haatan ka dhacaya gudaha Muqdisho, oo inta badan weeraro noocaan oo kale ah iyo qaraxyo ay ka fuliso AS.

{DAAWO MUUQAALKA}Cabdiraxmaan Cirro oo weerar afka ah ku qaaday madaxda Soomaaliland

Sabti 28-Sep-2024 {HMC} Cabdiraxmaan Cirro oo weerar afka ah ku qaaday madaxda Soomaaliland

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Muxuu yahay dembiga loo heysto fannaanka Soomaaliyeed ee Keynaan ?

0

Sabti 28-Sep-2024 {HMC}Muxuu yahay dembiga loo heysto fannaanka Soomaaliyeed ee Keynaan ?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Mareykanka oo soo afjarayo howlgalkiisa Ciraq dhammaadka sannadka danbe

0

Sabti 28-Sep-2024 {HMC} Bayaan ay si wada jir ah Jimcihi shalay u soo saareen Dowladaha Mareykanka iyo Ciraaq ayay ku xaqiijiyeen, in howlgalka ay Isbaheysiga uu Mareykanka hoggaamiyo ka wadaan ee Ciraq dhammaan doonto bisha September ee sannadka 2025-ka.

Mareykanka ayaa waxaa Ciraq ka jooga ciidan gaaraya 2,500 oo askari, halka 900 oo kale ay ka joogaan dalka deriska lah Ciraaq ee Suuriya. Ciidankaan ayaa qeyb ka ah Isbaheysi la sameeyay sannadki 2014-ki, kuwaas oo dagaal la galay kooxda Daacish, oo xilligaasi Ciraq iyo Suuriya kaga dhawaaqay Khalaafo Islaami ah.

Bayaanka faah-faahin dheeri ah kama bixin tirada ciidamada Mareykanka ee ka baaya Ciraq iyo saldhiga ay ka guuri doonaan.

Ra’isulwasaaraha Ciraaq Maxamed Shiica Al Sudani ayaa bishii Jannaayo billaabay wadahadallada dowladaha Ciraq iyo Mareykanka ee bixista ciidamada Mareykanka.

Wuxuu sheegay, in kasta oo ay mahadinayaan caawitaanka Mareykanka, ay haddana ciidamada Isbaheysiga ee jooga Ciraq boqdeen kuwo soo jiita xasillooni-darrada maadaama buu yiri ay bartilmaameed u noqdeen weeraro isla markaana ay qaadaan duqeymo jawaab ah oo aysan kala tashan dowladda Ciraq.

Ciidamada Maraykanka iyo kuwa kale ee isbahaysiga ayaa la filayaa inay ku sii sugnaadaan magaalada Erbil. Waddamada kale, ee qeybta ka ah howlgalkaan ayaa isugu jira Jarmalka, Faransiiska, Spain, iyo Talyaaniga.

Arsenal score twice in stoppage time to beat Leicester

0

Saturday 28 Sep 2024 {HMC} Arsenal scored twice in stoppage time to earn a dramatic victory over Leicester.

A Wilfred Ndidi own goal in the 94th minute and a close-range Kai Havertz strike in the ninth minute of stoppage time denied a Foxes side who were within reach of an unlikely point at Emirates Stadium after clawing back a two-goal deficit in the second half.

Gabriel Martinelli had given the dominant Gunners a deserved first-half lead when he steered home Jurrien Timber’s cross, before providing the pass for the second, converted by Leandro Trossard, on the stroke of half-time.

Leicester had managed only one touch in the Arsenal area before the break, but they reduced the arrears a little over a minute into the second half when James Justin’s header from Facundo Buonanotte’s free-kick struck Havertz on its way in.

Justin doubled his personal tally in spectacular fashion shortly after the hour mark, meeting Ndidi’s left-wing delivery with a swerving volley that beat David Raya via the inside of the post.

If Arsenal were momentarily stunned by Leicester’s recovery, they soon recovered their poise and Mads Hermansen produced two superb saves to keep the Foxes level, denying Havertz with a point-blank stop before keeping out Trossard’s shot – moments after giving the ball away inside his own area.

But Trossard’s late effort was deflected past the Danish goalkeeper by Ndidi before Havertz struck from close-range to complete the scoring.

Victory lifts Arsenal level on points with Manchester City, who could be overtaken by Liverpool if they beat Wolves at Molineux in Saturday’s late game.

Gunners survive almighty scare
Arsenal fans must have been scratching their heads as the game entered second-half stoppage time, as Leicester closed in on a draw that had barely seemed possible at the halfway point of the contest.

Notwithstanding a Justin shot which was blocked by Riccardo Calafiori, the first 45 minutes took place almost entirely inside the Leicester half, with Bukayo Saka and Martinelli both going close before the Brazilian’s 20th-minute opener.

Calafiori stung Hermansen’s palms and Havertz sent a header narrowly wide from Trossard’s cross, before the Belgian – back from suspension after his dismissal against City last weekend – gave the home side a richly deserved two-goal cushion.

Justin’s first of the afternoon came almost out of nothing and, buoyed by his header, the Foxes continued to venture forward and eventually restored parity through the defender’s spectacular swerving strike.

Time appeared to be running out for Arteta’s team, who had registered more than 30 shots – including 14 on target – and racked up 14 corners as the clock ticked past 90 minutes.

Hermansen did brilliantly to keep out goalbound efforts from Havertz and Trossard before denying Calafiori and substitute Ethan Nwaneri as the Gunners piled forward in increasing desperation.

But they were finally rewarded for their pressure and persistence with just over three of the allotted seven minutes of added time remaining, before Havertz completed the scoring with virtually the final touch of the game.

SOURCE BBC

Ra’iisul Wasaare Hamza oo kulan la qaatay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay.

0

Jimc 27 Sep 2024 {HMC} Ra’iisul Wsaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Ra’iisul Wasaare Hamza Abdi Barre, ayaa madasha kalfadhiga Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kula kulmay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Xoghayaha Guud ayaa wada hadalkooda diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo wada shaqeynta ka dhaxeysa Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay, iyada oo Soomaaliya ay isu diyaarineyso inay la wareegto xubinnimada kursiga Golaha Ammaanka ee Q.M. 2025 – 2026.

Waxaa kale oo labada hoggaamiye ay ka wada hadleen hawlgalka Qaramada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya UNSOM, oo Xoghayaha Guud uu soo dhaweeyay soo jeedinta dowladda Soomaaliya ee ku saabsan qorshaha mustaqbalka xafiiska Qaramada Midoobay iyo dhinaca kale qorshaha kadib bixitaanka ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya

Kulankaan waxaa ka horeeyey kulan kale oo weyn oo Ra’iisul Wsaare Ra’iisul Wasaare Xamsa uu la yeeshay Madaxweynaha dalka Mareykanka Joe Biden, intii lagu guda jiray shirka guud ee Qaramada Midoobay ee magaalada New York.

Kulanka Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga iyo xiriirka istiraatijiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Mareykanka.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa uga mahadceliyey dowladda Mareykanka iyo shacabkeeda taageerada joogtada ah ee ay siiyaan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhinacyada muhiimka ah ee amniga, dib-u-dhiska dowladnimada, iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada caalamiga ah.

Ra’iisul Wasaare Xamsa iyo Madaxweyne Biden ayaa mar kale xaqiijiyay madax-bannaanida, midnimada, iyo gobonimada dhuleed ee Soomaaliya, iyagoo qiray in ay muhiim u tahay xasilloonida gobolka Geeska Afrika.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {27.09.2024}

Jimc 27 Sep 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu Soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Yaasiin Ali Ahmed

Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA HABEENIMO

{DAAWO MUUQAALKA} Wararkii ugu Danbeeyay Soomaaliya iyo Caalamka.

0

Jimco 27-Sep-2024 {HMC} Waxaan halkan idin kugu so gudbineynaa Wararkii Ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn. 24 09 2024

Waxaa Caawa Warka So Jeedinaayo Wariye Cabdi Raxmaan Macalin Muuse

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DANBEEYAY