Home Blog Page 1852

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {24.09.2024}

Talaado 24-Sep-2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo::Mustaf Ali Addow

Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO

Puntland oo sheegtay ineey diyaar utahay wadahadal ay la galayso Dowlada Soomaaliya

0

Talaado 24-Sep-2024 {HMC} Deni ayaa xusay in Puntland ay dood adag qabto ayna rabto in lagu falaqeeyo meel fagaare ah garsoorayaalna ay ka noqdaan dadka Soomaaliyeed.

Wuxuu xusay in haddii ay Puntland khaldan tahayna lagu qanciyo haddii ay saxan tahayna laga garaabo mowqifkeeda.

“Waxaan halkaan ka cadaynayaa in Puntland ay diyaar u tahay wada-hadal furan maaha mid qarsoodi ah. Doodeena Soomaali markhaati haka noqoto, hadaan khaldanahay hanala arko, hadii aan saxanahayna Soomaali hanaloo garaabo” ayuu yiri Deni.

Waxaa uu tilmaamay in Puntland ay diyaar u tahay inay maal-galiso wadahadalladaas, isagoo ka digay in haddii xaaladda wax laga qaban in Soomaaliya lagu kala tagi karo isagoo tusaale ahaan u xusay Somaliland.

Hadalkan ayuu ka sheegay Munaasabad casho sharaf uu u sameeyay ka qeyb galayaasha Shir Sanadeedka Nabadda ee PDRC ee ka socday Garowe.

“Xiligan waxaa soo baxday in dadkii Soomaaliyeed qaarkood lagga saaro Soomaalinimadda, weliba masuuliyiin ay sidaas samaynayaan. Arintaas ma aha arrin iska dhacday ee waa mid la soo abaabulay sidday u muuqato, waxaan aad uga xumahay mas’uul dowladeed oo qowmiyad dhan u gafay inaan tallaab laga qaadin, dalkan meel khatar ah buu ku socdaa runtii” ayuu sidoo kale yiri Deni oo u muuqday inuu ka hadlayey khilaafka ka dhex curtay DF iyo maamulka K/Galbeed.

Isbedelada ka socda gobalka Geeska Afrika, ayuu sheegay in ay si kedis ah isku bedelayaan, waxyaabaha ka dhalanaya ay Soomaaliya saameyn weyn ku reebi doonaan, isagoo sheegay in uu walaaca la qabo madaxdii kale duwanaa ee qodobkan ka hadashay.

Deni ayaa sheegay in laga shaqeynayo kala geynta bulshada Soomaaliyeed, dawlad dhiska oo waqti badan laga soo maray iyo dhib badan ayuu sheegay in hadda madaxda DFS ay ka shaqeynayaan go’aano iyo marxalad halis badan oo dalka dib u celin kara, abuuri kartana Hoggaamiye kooxeedyada waqtigoodii wixii jiray.

Waxaa uu muujiyey walaaca halista ah ee Puntland ka qabto hanaanka dawladnimada Soomaaliya, oo kusii socda in lakala sheegto, qabaa`ilo iyo kooxo la abaabulay

shirweynaha Golaha Guud ee Qaramada Midoobay oo maanta si rasmi ah ufurmaya.

0

Talaado 24-Sep-2024 {HMC} Maanta oo Talaada ah ayaa lagu wadaa in ay si rasmi ah magaalada New York uga billowdaan khudbadaha hogaamiyaasha dunida ay ka jeedin doonaan, shirweynaha Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Shirkan oo ah kii 79-aad, ayaa waxaa ka qeybgayala kana hadli doona 76 madaxweyne, afar madaxweyne ku xigeen, labo amiir, 42 madax dowladeed, 9 ra’iisul wasaare ku xigeen, iyo 54 wasiir.Madaxda maanta ka hadleysa ayaa waxaa ka mid ah, Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden, Madaxweynaha Turkiga Racep Tayyip Erdogan, Amiirka Qatar, Sheikh Tamim bin Hamad al-Thani, iyo madaxweynaha South Africa Cyril Ramaphosa.

Isra’il oo duqeymo cirka ah ku garaacday qeybo ka mid ah dalka Lubnan.

0

Talaado 24-Sep-2024 {HMC} Saraakiisha Lubnan ayaa sheegay in duqeymo cirka ah oo ay Isra’il Isniinti shalay ku garaacday qeybo ka mid ah dalka Lubnan ay ku dishay 492 qof oo ay ku jiraan in ka badan 90 dumar iyo carruur ah.

Khasaaraha nafeed ee ka dhashay duqeyntaasi ayaa lagu sheegay tii ugu ballaarneyd ee ka dhacda Lubnaan, tan iyo dagaalki Isra’il iyo Xisbullah ee sannadki 2006-di.

Wasaaradda caafimaadka ee Lubnaan ayaa sheegtay in dadka ku dhaawacmay duqeynti Isniinti ay gaareen ilaa 1,645. Dhimashada ayay ku sheegtay ku dhawaad 500 oo ruux, oo ay ku jiraan 35 carruur ah iyo 58 dumar ah.

Millatariga Isra’il ayaa digniin ku siiyay dadka rayidka ah ee daggan koofurta iyo bariga Lubnaan in ay ka baxaan aaggaasi, iyaga oo sheegay in ay ballaarin doonaan duqeynmaha ay ka billaabeen Lubnaan.

Tobnaan kun ayaa markiiba ka qaxay aaggaasi una jiheystay dhanka caasimadda Beyruut.

Weerarka cirka ah ee ay Isra’il ku qaadday Lubnaan Isniinti ayaa imayana, maalmo yar kaddib marki ay kumannaan qof ku dhaawacmeen weerar loo adeegsaday qalab is-gaarsiineed oo lala beegsaday xubno ka tirsan Xisbullah. Weerarkaas ayay Xisbullah ku eedeeysay Isra’il.

Mareykanka oo ciidamo dheeraad ah u diraya Bariga Dhexe xiili ay jiraaan…

0

Talaado 24-Sep-2024 {HMC} Waaxda Difaaca Mareykanka ayaa Isniinti sheegtay, in tiro aanan badneyn oo ciidamo dheeraad ay u direyso Bariga Dhexe, xilli ay sii xoodeysaneyso xiisadda colaadeed ee mandiqadda ka taagan.

Go’aankaan ayaa kusoo beegmaya kaddib marki ay duqeymo cirka ah oo ay Isra’il ku garaacday Lubnaan ay ku dhinteen ku dhawaad 500 oo ruux. Weerarkaasi ayaa waxaa ka horreeyay duqeymo ay Axaddii labada dhinac is weydaarsadeen.

Maj. Gen. Pat Ryder, oo ah xoghayaha warfaafinta ee xarunta Pentagon-ka ee Wasaaradda Gaashaandhiga Mareykanka, ma uusan sheegin tirada ciidamada iyo waxa ay qaban doonaan.

Mareykanka ayaa waxaa horay Bariga Dhexe uga joogay ciidan gaaraya 40,000 oo askari.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la kulmay Madaxweynaha Yemen Dr Rashad Maxamed

0

Isniin 23 Sep 2024 {HMC} Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo ka qaybgalaya Kalfadhigga 79aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, ayaa magaalada New York kula kulmay Madaxweynaha Golaha Hoggaanka Jamhuuriyadda Yemen Dr Rashad Maxamed Al – Alimi.
Kulan doceedka ay yeesheen Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha ayaa waxay uga wada hadleen adkeynta xiriirka iyo iskaashiga u dhaxeeya labada waddan ee walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Yemen, iyo sidii labada dowladood ay isaga kaashan lahaayeen horumarinta nabadda iyo aminga gobolka gaar ahaan marinka Badda Cas.

Wafdiga Yemen ayaa Soomaaliya ka codsaday in sanadka dambe 2025 marka ay la wareegto xubinnimada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay in Soomaaliya ay gacan ka geysato xasillinta colaadda Yemen, iyo sidii amni buuxa ay u heli lahaayeen shacabka Yemen.

Dhinaca Soomaaliya ayaa kulanka ku dalbatay in dowladda Yemen ay xoogga saarto adkeynta amniga soohdimaha u dhaxeeya labada dal, si aanay ugu suurtagelin kooxaha argagixisada ah in saanad u soo gudbiyaan dhinaca Soomaaliya.

DHAMMAAD

Maxaa looga Hadlay Kulankii dhaxmaray Wasiirrada arrimaha dibadda dalalka Soomaaliya Masar iyo Eritrea,?

0

Isniin 23,Sep 2024 {HMC} Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa magaalada New York kulan kula qaatay wasiirrada arrimaha dibadda dalalka Masar iyo Eritrea, Badr Abdelatty iyo Osman Saleh.

Wasiirrada ayaa magaalada New York ee dalka Mareykanka uga qayb gelaya kulanka 79-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Saddexda Wasiir ayaa ka wadahadlay qorshaha iskudubarid heer sare ah iyo rabitaanka siyaasadeed ee 3-da dal, si loo gaaro yoolalka iyo danaha ay wadaagaan Soomaaliya, Masar iyo Eritrea.

 

{DHAGEYSO} Warka Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {23.09.2024}

Isniin 23-09-2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdiqani Osoble

Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA HABEENIMO

{DAAWO MUQAALKA} Dowladda Soomaaliya oo Shaacisay Halka ay ka heshay Hubka u so Day.

0

Isniin 23,Sep 2024 {HMC} Dowladda Soomaaliya oo soo dhoweyneysa imaanshaha ciidanka Masaarida iyo maraaiibka sida saanadda ciidan ee Muqdisho.

“Danteena anagaa naqaana, sokeeyaheena iyo shisheeyaheena anagaa kala xulaneyno. Gobanimo!” – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Dowladda Soomaaliya oo Shaacisay Halka ay ka heshay Hubka u so dagay.

0

Isniin 23,Sep 2024 {HMC} Garoonka diyaaradaha Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Maamulka Galmudug ayaa waxaa loo dhisayaa garoon diyaaradeed oo Casri ah sida ay sheegeen Howlwadeenada gacanta ku haayo dhismaha Garoonka.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA