Home Blog Page 186

Xariir Cusub oo u Biloowday Soomaaliya iyo Myanmar.

0

Isniin 12 Jun 2026 {HMC} Dowladaha Soomaaliya iyo Myanmar ayaa maanta si rasmi ah u billowday xiriir diblomaasiyadeed oo cusub, ka dib munaasabad ka dhacday magaalada Kuala Lumpur ee dalka Malaysia.

Danjire Cali Maxamed Abuukar oo Soomaaliya u fadhiya dalalka Malaysia iyo Myanmar ayaa sheegay inuu muhiim yahay xiriirka cusub, isla markaasna ay sii xoojin doonaan.

“Soomaaliya waxay diyaar u tahay inay si dhow ula shaqeyso dalka Myanmar si loo horumariyo danaha aan wadaagno, loona xoojiyo xiriirka labada shacab iyo cilaaqaadka labada dowladood.” ayuu yiri Danjire Cali Maxamed Abuukar.

Sidoo kale, Danjiraha ayaa sheegay in ay xoogga la saari doono iskaashiga dhinacyada horumarka iyo danaha guud ee ka dhexeeya labada qaran.

Dhankeeda, Safaaradda dalka Myanmar ayaa si diiran u soo dhaweysay Danjiraha iyo diblomaasiyiintii ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan xiriirka cusub ee ay la yeesheen Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Trump oo si dhab ah u tixgelinaayo in uu soo saaro oggolaanshaha uu ku weeraraayo Mareykanka Iiraan.

0

Axad 11 Jun 2026 {HMC} Sarkaal ka tirsan Aqalka Cad ayaa u sheegay Bloomberg; in Trump uu si dhab ah u tixgelinayo inuu soo saaro oggolaanshaha weerar uu Mareykanka ku qaadayo Iiraan.

CNN, ayaa dhankeeda werisey hadda Trump inuu ku mashqulsan yahay xulashooyinka weerarrada milatari ee ka dhanka ah Iiraan.

Tilmaamaha oo dhan waxay muujinayaan Mareykanka inuu weerarri karo Iiraan, tallaabo sii murjinaysa xaaladda , xilli bannaanbaxyo ay ku dhinteen in ka badan 586 qof ay socdaan gudaha Iiraan.

Waxay Iiraan ku hanjabtay weerar kasta oo Mareykanka dhulkeeda ka geysto inay uga jawaabayso weerarro ka dhaca gudaha Israa’iil iyo saldhigyada Mareykanka ku leeyahay bariga dhexe.

 

{DAAWO SAWIRADA} Dowladda Suudaan oo ku dhawaaqday in ay Dib ugu Laabatay Khartuum, markii ay ka adkaadeen Kooxda RSF.

0

Axad 11 Jun 2026 {HMC} Caasimadda dalka Suudaan ee Khartuum ayaa maanta markhaati u ahayd isbeddel weyn, ka dib markii uu Golaha Wasiirada oo uu hoggaaminayo Dr. Kaamil Idiris ay si rasmi ah uga shaqo bilaabeen Caasimadda Suudaan.

Tallaabadan ayaa loo arkaa mid taariikhi ah, maadaama ay xukuumaddu dakaasi si toos ah uga hawlgalayso wadnaha caasimadda, taas oo muujinaysa kalsooni iyo dadaal loo galayo soo celinta kala dambaynta dalka Suudaan.

Caasimadda Suudaan ayaa ahayd mid aan degananyn tan iyo markii Abriil, 2023 uu dagaalka ka qarxay Khartuum, kaddib weerarkii ay kooxda fallaagada ah ee RSF ku qaadeen Madaxtooyada iyo Wasaaradda Gaashaandhiga iyo xarumo kale oo muhiim.

Bilaabashada shaqada xukuumadda ee Khartuum ayaa ku soo aadaysa xilli ay jiraan isbeddel ku yimid garab istaagga dowladaha gobolka u fidinayaan Dowladda uu hoggaamiyo Cabdufataax AlBurhaan.

Sida xogaha qaar tilmaamayaan, Sacuudi Carabiya ayaa qaaday tallaabooyin ay ku xoojinayso Ciidanka Qaranka Suudaan (SAF), iyada oo dalka Bakistaan kala gorgortamaysa heshiis hub oo qiimihiisu dhan yahay $1.5 bilyan.

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii Ugu Dambeeyay 11-01-2026.

0

Axad 11, January 2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineynaa Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY.

Xuutiyiinta oo hanjabaad adag u jeediyay Maamulka Somaliland.

0

Axad 11 Jun 2026 {HMC} Afhayeenka kooxda Xuutiyiinta (Ansar Allah), Gaashaanle Sare Yaxya Sariic, ayaa hanjabaad cusub oo adag u jeediyay Maamulka Somaliland, kadib wareysi uu siiyay idaacadda Sawt Al-Yaman.

Yaxya Sariic ayaa sheegay in dhaqdhaqaaqa Ansar Allah ay si dhow ula socdaan, sida uu hadalka u dhigay, “qorshayaasha cadowga Yahuudda” ee ka socda waqooyiga Soomaaliya, gaar ahaan Somaliland. Wuxuu Somaliland uga digay inay ka tanaasusho waxa uu ku tilmaamay xiriir iyo qorshayaal halis ku ah amniga Geeska Afrika.

“Waxaan u diraynaa walaalaheenna Somaliland digniinta ugu adag, taas oo ah inay si degdeg ah uga laabtaan qorshahan Yahuudda ee khatarta ku ah Geeska Afrika. Haddii kale, waxaan qaadi doonnaa tallaabo kasta oo noo furan, oo ay ku jirto isticmaalka gantaalladayada dhexe ee ugu awoodda badan,” ayuu yiri Yaxya Sariic.

Afhayeenka Xuutiyiinta ayaa sidoo kale hanjabaad toos ah u jeediyay Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), isaga oo ku eedeeyay inuu yahay “wakiil cusub oo Israa’iil ah” kana shaqeynaya, sida uu sheegay, danaha cadow shisheeye. Yaxya Sariic ayaa ku booriyay shacabka Somaliland inaysan oggolaan burbur iyo qalalaase, isaga oo xusay in Somaliland ay 35 sano ku nooleyd nabad iyo horumar.

Hanjabaaddan ayaa imaneysa xilli ay sii kordhayaan xiisadaha siyaasadeed iyo kuwa amni ee ka taagan Geeska Afrika, gaar ahaan kadib booqashadii uu Somaliland ku tegay wasiirka arrimaha dibadda Israa’iil, Gideon Sa’ar, iyo isbeddellada cusub ee la xiriira xiriirrada diblomaasiyadeed ee Somaliland.

Warkan ayaa walaac hor leh ku soo kordhiyay xaaladda amni iyo siyaasadeed ee gobolka, iyadoo indhaha caalamkuna ay si gaar ah ugu sii jeedaan jihada ay u socdaan xiriirrada Somaliland iyo Israa’iil, iyo saameynta ay ku yeelan karaan amniga guud ee Geeska Afrika.

 

{DAAWO SAWIRADA} Maxeey ka wada Hadleen Cabdirashiid Janan Odayaasha Balad-xaawo.?

0

Axad 11 Jun 2026 {HMC} Taliska Hay,ada Sirdoonka iyo Nabad sugida qaranka Somaliyeed ee Nisa oo Howlo Shaqo ka wada Degmada Beled xaawo ee Gobolka Gedo ayaa la kulmay Odayaasha Dhaqanka deegaanka.

Taliyaha Nisa ee Jubbaland Abdirashiid Hassan Abdi nour janan oo uu Wehlinaayo Taliyaha Qaybta 43,aad ee CXDS Ayaa la kulmay Waxgaradka deegaanka oo ay ka wada hadleen xal u helida Shaqaaqo horay oga dhacday Deegaanka.

Taliye Janan ayaa odayaasha dhaqanka ka dalbaday in xal rasmi ah oo Nisa garwadeen ka tahay laga hirgaliyo Deegaanka iyaguna kaalin ka gaystaan.

Sudan announces government’s return to Khartoum from wartime capital.

0

Sunday 11, Jan 2026 {HMC} Sudan’s Prime Minister Kamil Idris has announced the government’s return to Khartoum, after nearly three years of operating from its wartime capital of Port Sudan.

In the early days of the civil war between the Sudanese Armed Forces (SAF) and the paramilitary Rapid Support Forces (RSF) in April 2023, the army-aligned government fled the capital, which was quickly overrun by rival troops.

The government has pursued a gradual return to Khartoum since the army recaptured the city last March.

“Today, we return, and the Government of Hope returns to the national capital,” Idris told reporters on Sunday in Khartoum, which has been ravaged by the war between SAF and RSF.

“We promise you better services, better healthcare and the reconstruction of hospitals, the development of educational services … and to improve electricity, water and sanitation services,” he said.

For close to two years, the Sudanese capital – comprised of the three cities of Khartoum, Omdurman and Khartoum North (Bahri) – was an active battlefield.

Entire neighbourhoods were besieged, rival fighters shot artillery across the Nile River, and millions of people were displaced from the city.

Between March and October, 1.2 million people returned to Khartoum, according to the United Nations.

Many found a city with barely functioning services, their homes destroyed and neighbourhoods pockmarked by makeshift cemeteries authorities are now exhuming.

The war is estimated to have killed tens of thousands of people in the capital alone, but the complete toll is unknown, as many families have been forced to bury their dead in makeshift graves.

According to the UN, the rehabilitation of the capital’s essential infrastructure would cost some $350m.

In recent months, the government has held some cabinet meetings in Khartoum and launched reconstruction efforts.

The city has witnessed relative calm, though the RSF has carried out drone strikes, particularly on infrastructure.

Army strikes RSF targets
Battles rage elsewhere across the vast country.

South of Khartoum, the RSF has pushed through the Kordofan region, after dislodging the army from its last stronghold in Darfur last year.

Sudan’s army on Friday said that it inflicted heavy losses on the RSF during a series of air and ground operations carried out over the past week in the Darfur and Kordofan regions.

In a statement, the military said its forces conducted strikes against RSF positions, destroying about 240 combat vehicles and killing hundreds of fighters.

It added that ground forces had succeeded in pushing RSF fighters out of wide areas in both Darfur and Kordofan, and that operations were ongoing to pursue remaining elements.

The RSF did not immediately comment on the army’s statement, and the information shared by the army could not be independently verified.

The conflict has left 11 million people displaced internally and across borders, and created the world’s largest displacement and hunger crises.

Recently, the UN described el-Fasher in North Darfur as a “crime scene” after gaining access to the largely deserted city for the first time since its takeover, marked by mass atrocities by the RSF in October.

International aid staff visited el-Fasher following weeks of negotiations, finding few people remaining in what was once a densely populated city with a large displaced population.

More than 100,000 residents fled el-Fasher for their lives after the RSF seized control on October 26 following an 18-month siege, with survivors reporting ethnically motivated mass killings and widespread detentions.

SAF soldiers have also been accused of committing atrocities during the brutal war.

Source Aljazeera.

Türkiye reaffirms ‘strong support’ for Somalia after Israel’s recognition of Somaliland.

0

Sunday 11, Jan 2026  {HMC} Türkiye emphasised its “strong support” for Somalia on Saturday and stressed its rejection of Israel’s recognition of the Somaliland region.

Turkish Deputy Minister Ambassador Musa Kulaklıkaya made the remarks as he chaired the 22nd Extraordinary Session of the Council of Foreign Ministers of the Organization of Islamic Cooperation, convened in Saudi Arabia to address Israel’s decision to recognise the region.

Kulaklıkaya “emphasised Türkiye’s strong support for Somalia, underlined the rejection of Israel’s recognition of the Somaliland region as being in contravention of international law,” according to a statement by the Turkish Foreign Ministry on Turkish social media platform NSosyal.

He “reiterated Türkiye’s unwavering support for all international efforts aimed at protecting the rights of the Palestinian people and achieving lasting peace and stability in the region.”

Sharp criticism

Israel announced on December 26 that it had officially recognised Somaliland as an independent state, becoming the only country to do so. The move drew sharp criticism across the region, describing the move as illegal and a threat to international peace and security.

Somaliland has operated as a de facto self-governing entity since declaring independence from Somalia in 1991, but it has not received international recognition as a sovereign state.

 

SOURCE:AA And TRT Africa

Trump oo lagu warramayaa inuu ku amray cutubyo ka tirsan ciidanka gaarka ah ee Mareykanka.

0

Axad 11 Jun 2026 {HMC} Trump ayaa lagu warramayaa inuu ku amray cutubyo ka tirsan ciidanka gaarka ah ee Mareykanka , inay diyaariyaan qorshayaal deg deg ah oo Mareykanka uu ku qabsan karo jasiiradda Greenland oo hoos tagta Denmark.

Isla markii warbixintan ay soo baxday , wuxuu Trump ku baahiyay bartiisa gaarka ah sawir uu meel sare saaranyahay oo lagu dul qoray ‘mar dhow’ ,taa oo loo qaatay in loola jeedo; “ Mar dhow waan idin dul joognaa.”

In kasta la taliyayaasha sare ee Trump oo ku jiro Stephen Miller, ay dhiirrigelinayaan in si dhaqso ah tallaabo loo qaado si Mareykanka u aqbsado Greenland, hadana ma noqonayso tallaabo fudud oo si xoog ah u dhacda ,

Sababtoo ah jasiiradan waxay hoos tagtaa Denmark, oo xubin ka ah NATO, waxaana xoog kasta oo milatari oo Mareykanka uu jasiiradan ku qabsado ay kicin kartaa xiisad ka dhex qaraxda NATO, xilli dalalka Yurub ay horey uga soo horjeesteen hanjabaada Trump ee qabsashada Greenland.

Dowladda Suudaan ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqday inay dib ugu soo laabatay caasimadda dalka ee Khartuum.

0

Axad  11 Jun 2026 {HMC} Dowladda Suudaan ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqday inay dib ugu soo laabatay caasimadda dalka ee Khartuum, ka dib muddo ay xukuumaddu si kumeel-gaar ah ugu shaqeynaysay magaalada Port Sudan.

Ra’iisul Wasaaraha Suudaan, Kamal Idris oo maanta warbaahinta kula hadlay gudaha magaalada Khartuum, ayaa xaqiijiyay in xukuumaddiisu ay si buuxda ugu soo guurtay caasimadda, si loo dardar galiyo u adeegida bulshada.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in dib loo billaabay duulimaadyadii caalamiga ahaa ee ka degi jiray Garoonka Caalamiga ah ee Khartuum.

Tillaabadan ayaa ka dhigan in xayiraaddii saarnayd hawada caasimadda laga qaaday, iyadoo diyaaradihii ugu horreeyay ee caalami ah ay shalay ilaa maanta ka soo degeen garoonka.

Magaalada Khartuum ayaa waxaa ka muuqda soo kabasho, iyadoo kumanaan ruux ay dib ugu soo laabteen, kuwaasi oo hore uga qaxay dagaalka Militeriga Suudaan iyo kooxaha RSF oo billaawday bishii April ee 2023.