Home Blog Page 1870

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii Ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka

0

Jimco 20, Sep-2024 {HMC} Waxaan halkan idin kugu so gudbineynaa Wararkii Ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DANBEEYAY.

 

Soomaaliya iyo Kenya oo dhawaan qorsheynaya inay kala saxiixdaan heshiis cusub oo muhiim ah.

0

Jimco 20-Sept-2024 {HMC} Dowladdaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa dhawaan qorsheynaya inay qalinka ku duugaan heshiis cusub oo muhiim ah.

Heshiiskan oo ah dhanka Kalluumeysiga ayaa xilligaan waxa uu maraya heer geba-gebo ah, iyada oo dhawaana ay qalinka ku duugi doonaan Soomaaliya iyo Kenya, sida uu sheegay Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya Jabriil Ibraahim Cabdulle.

Safiirka ayaa sheegay mar uu la kulmay wasiirka dhaqaalaha buluugga iyo macdanta ee Kenya in haddii labada dal ay mideeyan awoodooda ay abuuri karto fursado badan oo bulshada labada dal faa’iido weyn u leh.

Wasiirka Kenya ayaa dhankiisa xoojiyay muhiimadda ay leedahay in la is-weydaarsado fikradaha iyo waaya-aragnimada Soomaaliya iyo saaxiibada kale ee gobolka, si looga faa’iideysto awoodda dowladaha deriska.

Dowladdaha Soomaaliya iyo Kenya oo xiriir wanaagsan ka dhaxeeyo ayaa qorsheynaya inay horumariyaan xiriirkooda iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha buluugga ah, kalluumeysiga iyo macdanta

Labada dal oo haatan xubin ka ah urur-goboleedka iskaashiga dhaqaalaha bariga Afrika ayaa raba inay xiriirkooda derisnimo uga faa’iideystaan sare u qaadista iskashiga dhanka dhaqaalaha oo dan u ah bulshada labada dal iyo kan gobolka.

Si kastaba, Soomaaliya iyo Kenya ayaa wadaaga xiriir soo jireen ah, iyaga oo iska kaashada dhinacyo badan oo muhiim ah, gaar ahaan amniga, ganacsiga, siyaasadda iyo waxbarashada.

Dowladda Soomaaliya oo si kulul ucambaraysay hub Itoobiya ay soo gelisay gudaha dalka.

0

Jimco 20-Sept-2024 {HMC} Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa War-Saxaafadeed ka soo saartay hub si sharci darro ah lagu soo geliyey dalka, kaasi oo laga keenay dalka Itoobiya, isla markaana la geeyey deegaanada Puntland.

Warkaan oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay aad uga walwalsan tahay ‘shixnad hub ah oo ay Itoobiya si sharci darro ah ugu dirtay’ gudaha Maamul-Goboleedka Puntland ee Soomaaliya.

“Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka

Soomaaliya waxa ay si kulul u cambaareyneysaa shixnadda hubka iyo rasaasta dhawaan la soo mariyay dhulka ee ka timid Itoobiya, lana geeyey gudaha Maamul-Goboleedka Puntland ee Soomaaliya,” ayaa lagu yiri warka DF.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in arrintan ay u aragto mid xad-gudub weyn ku ah madaxbannaanida Soomaaliya, iyo khatar weyn oo ku wajahan amniga Qaranka.

Warbixinno la xaqiijiyey ayaa sheegaya in laba gaari oo hub sida ay ka soo tallaabeen xadka Itoobiya, gudahana u soo galeen Maamul-Goboleedka Puntland, iyaga oo aan wax wadahadal diblomaasiyadeed ah la sameyn, taas oo si toos ah u jebineysa madaxbannaanida Soomaaliya.

“Tallaabadan ayaa keentay shaki weyn oo laga qabo sida ay Itoobiya ugu hoggaansameyso sharciga caalamiga ah iyo sida ay uga go’an tahay xasilloonidaradda Gobolka,” ayaa lagu yiri warkaan ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

Dhacdadan waxa ay daba socotaa shixnado hub ah oo sharci-darro ah oo horay looga soo gudbiyay Itoobiya, kuwaas oo lagu geeyey magaalooyin ka mid ah Maamul-Goboleedka Galmudug ee Soomaaliya.

“Shixnado kale oo hub iyo rasaas ah oo diyaarado lagu geeyey magaalada Baydhabo ee Maamul-Goboleedka Koofur-Galbeed ee Soomaaliya ayaa jira,” ayaa lagu yiri warka dowladda federaalka Soomaaliya.

Falalkan soo noq-noqday waxa ay muujinayaan tixgelin la’aanta joogtada ah ee Itoobiya ku hayso Madaxbannaanida Soomaaliya.

“Soomaaliya waxa ay ka dalbaneysaa Itoobiya inay si degdeg ah u joojiso tallaabooyinkan sharci darrada ah, kuwaas oo khatar weyn ku ah nabadda iyo xasilloonida Geeska Afrika.”

Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa bayaankaan ku tiri, “Waxaan ugu baaqeynaa saaxiibbada Gobolka iyo kuwa caalamiga ahba inay cambaareeyaan xadgudubkan, islamarkaana ay taageeraan dadaallada Soomaaliya ee lagu ilaalinayo nabadda iyo xasilloonida Gobolka.”

Ugu dambeyntii dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay weli sii adkeysaneyso go’aankeeda diblomaasiyadeed ee ku aaddan iskaashiga nabadda, oo ku dhisan ixtiraamka xeerarka caalamiga ah iyo madaxbannaanida dalalka oo dhan.

Somali Ambassador Presents Credentials to President Biden, Discusses Strengthening Bilateral Ties.

0

Friday 20 Sep 2024 {HMC} U.S. President Joe Biden formally received the diplomatic credentials of Somali Ambassador Dahir Hassan Arab at the White House, marking a significant step toward strengthening U.S.-Somalia relations.

During their meeting, Ambassador Arab and President Biden discussed enhancing bilateral cooperation, with a focus on Somalia’s development and the government’s ongoing efforts to improve the lives of its citizens.

Ambassador Arab also delivered a message from Somali President Hassan Sheikh Mohamud, reaffirming Somalia’s commitment to deepening ties with the U.S.

In recent remarks, Ambassador Arab expressed his intent to further strengthen diplomatic relations and called on the Somali diaspora in the U.S. to support these efforts. He emphasized the Somali government’s goals of fostering bilateral ties, promoting economic development, and advancing the education sector.

Kenya’s Sh6 billion Mpox budget not enough, groups say

0

Friday 20 Sep 2024 {HMC} Kenya’s proposed Sh6.7 billion Mpox response fund is not enough and has not been effectively prioritised, several groups have said.

They noted there was no provision for vaccine procurement in the proposed budget.

The groups, speaking in Nairobi, urged the government to refocus the allocation towards critical areas like vaccine procurement, advanced diagnostic tools and community sensitisation.

The government says that from the proposed fund, Sh800 million would go to temporary isolation spaces and Sh91 million for healthcare worker training.

The remaining funds will be allocated to efforts such as screening, procurement of PPEs and community-based surveillance.

“Mpox could follow the same path as Covid-19. The reported five cases today could turn into thousands, just like one Covid case led to more than 300,000 infections and nearly 6,000 deaths. We must act now before it’s too late,” said Dr Samuel Kinyanjui, country programme director at AHF Kenya.

He spoke at a media briefing in Nairobi.

However, the World Health Organization has many times said regardless of the strain, Mpox is not comparable to Covid, as authorities know how to control its spread.

Public Health PS Mary Muthoni said Kenya has confirmed only five Mpox cases, one each in Taita Taveta, Busia, Nairobi, Mombasa and Nakuru.

Every patient has since recovered.

Muthoni said the Ministry of Health, in partnership with county governments and key stakeholders, is actively strengthening preparedness measures at all border points to bolster Kenya’s public health defences.

“Our borders are the frontline in preventing the spread of diseases. Early detection, swift containment and seamless coordination between agencies are key to managing public health threats like Mpox,” she said recently when she visited Namanga border.

Of the allocated Sh6.7 billion, Sh10 million has been earmarked for screening at border points.

In the media briefing, the CSOs urged the WHO to expedite the review and approval of alternative Mpox vaccines to enhance affordability and accessibility by increasing the number of manufacturers.

Currently, the only available vaccine, MVA-BN, is priced at Sh12,900 per dose, making it prohibitively expensive for many.

Dr Kinyanjui stressed the urgent need to address these high costs through technology and knowledge transfers, including patent waivers, to enable regional vaccine production.

“These measures will increase vaccine supply, reduce costs and strengthen the global response to Mpox,” he said.

James Kamau from the Kenya Treatment Access Movement urged the government to take funding and accountability seriously.

“We are asking the Kenyan government to allocate funds specifically for disaster management including pandemics. In 2022, the National Treasury developed a Disaster Management Fund, but it has yet to be operationalised,” he said.

“As we work towards universal health coverage and the launch of the Social Health Authority, disaster management remains unaddressed through the SHA.”

Faith Ndung’u, advocacy manager of the Health NGOs’ Network, said civil society should be involved in the response.

“It is important for us to acknowledge the role of collective action,” she said.

“As civil society and communities, we are crucial in prevention, referrals and sensitisation, and we urge the Ministry of Health to empower us in these efforts.”

Nephak, the association of Kenyans affected by HIV, urged the government to prioritise community awareness and vaccine access, particularly for vulnerable populations such as people living with HIV.

“Mpox poses a serious risk to our communities, especially to children living with HIV. We must enhance community sensitisation for those most at risk. By educating communities on Mpox, we can mitigate fear, anxiety and misinformation,” said Nelson Otwoma, head of Nephak.

SOURCE 


By JOHN MUCHANGI

Xisbullah oo Weeraro Culus ku Qaaday Israel

Jimco 20-Sept-2024 {HMC} – Milatariga Israel ayaa sheegay in tobaneeyo gantaallo ah maanta Israel looga soo weeraray dhinaca Lubnaan, iyadoo ururka Xizbullah uu sheegay in uu bartilmaameedsaday saldhigyada ciidamada Israel.

“Qiyaastii 140 gantaal ayaa laga soo tuuray Lubnaan saacad gudaheed, laga soo billaabo 1:02 duhurnimo,” ayay afhayeen u hadashay milatariga Israel u sheegtay AFP.

Weerarka ayaa yimid ka dib markii milatariga Israel ay sheegeen in ay xalay daraasiin gantaalo ah ku garaaceen goob laga soo rido gantaallada oo ay sheegeen in loo diyaariyey in laga soo weeraro Israel.

Ururka Xixbullah ayaa sheegay in ay gantaallo badan ku garaaceen saldhigyada ciidamada Israel, iyaga oo uga aargudanaya duqaymaha koonfurta Lubnaan, xilli ay cirka isku sii shareertay xiisadda ka dhalatay qaraxyo ka dhashay aalado isgaarsiin oo lala beegsaday Xizbullah.

Kooxda ayaa sheegtay in ay “gantaallada Katyusha” ku garaacday ugu yaraan lix “xarumaha ciidamada” Israel iyo saldhigyo ah, oo uu ku jiro “saldhiga difaaca cirka ee ugu weyn”.

Israel weli kama aysan ka hadal qaraxyada ruxay Lubnaan toddobaadkan.

Muddo ku dhow sanad, ciidamada Israel waxay dagaal xooggan kula jireen kooxda Xamas ee Falastiiniyiinta, balse waxay si ku dhow maalinle ay gantaallo xuduudda isugu waydaarsanayeen Xizbullah.

Weerarada xuduudda ayaa waxay boqolaal qof ku dileen gudaha Lubnaan, kuwaas oo badankood ah dagaal-yahano, halka sidoo kale daraasiin ay ku jiraan askar ay ku dhinteen Israel.

Sidoo kale, tobanan kun oo shacab labada dhinac ah ayaa waxaa qasab ku noqday inay ka qaxaan guryahooda xuduudda.

Duqii Magaalada Gaalkacyo oo Xilkii iska Casilay

Jimco 20-Sept-2024 {HMC} –  Wararka ka imaanaya waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee maamul goboleedka Puntland, ayaa sheegaya in maanta uu si rasmi ah isku casilay duqii magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug Xasan Maxamed Jaamac (Xasan Jidka).

Duqa magaalada Gaalkacyo oo maanta kulan la qaatay qaar kamid ah bulshada magaalada ku dhaqan , ayaa shaaciyay in uu iska casilay xilkii duqa magaalada oo horey loogu doortay doorasho qof iyo cod ah oo magaalada lagu qabtay.

Xasan Jidka ayaa sheegay in uu go’aansaday in uu maanta banneeyo xafiiska uuna iska casilay xilkii loo doortay, waxa uuna cafis ka dalbaday bulshada magaalada Gaalkacyo , gaar ahaan kuwa uu sheegay in ay wax ka tabanayaan intii uu xilka hayay.

Duqa magaalada Gaalkacyo ayaana si rasmi ah u shaacin sababta keentay in uu xilka iska casilo, waxaana la filayaa in dhawaan la doorto duqa cusub ee magaalada Gaalkacyo ee beddeli doona duqa maanta iska casilay xilkii loo doortay.

{DAAWO MUQAALKA} Maxaa sababay in Gudoomiye Madaale uu dhax galo Bulshada Muqdisho?

jimco 20 -09-2024 {HMC} Maxaa sababay in Gudoomiye Madaale uu dhax galo Bulshada Muqdisho?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Howlgal ka dhan ah AS oo maalintii labadaad Socdo

jimco 20 -09-2024 {HMC} Howlgal ka dhan ah AS oo maalintii labadaad Socdo

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Hiiraan region administration warns Ethiopia over sovereignty violations along border

0

Friday 20 Sep 2024 {HMC}  The administration of the Hiiraan region in Hirshabelle state has warned the Ethiopian government about actions that threaten Somalia’s sovereignty along the Hiiraan-Ethiopia border.

In a statement released on Friday, the Hiiraan administration reaffirmed that Somalia’s borders are the responsibility of the Federal Government, represented by Hirshabelle, a member state of the Federal Republic of Somalia.

The Hiiraan administration stated that it would not tolerate any violation of the country’s territorial integrity, condemning efforts to form mercenary groups associated with al-Shabab terrorism in the region.

They urged security forces to strengthen border protection and called on residents to remain vigilant against what they termed as “enemy acts” aimed at undermining Somalia’s sovereignty.

Diplomatic tension between Ethiopia and Somalia has escalated following a controversial Memorandum of Understanding (MoU) signed earlier this year between Ethiopia and Somaliland.

Somaliland agreed to lease 20 kilometres (12 miles) of its coast for 50 years to Ethiopia, which wants to set up a naval base and a commercial port. Somaliland has said Ethiopia would give it formal recognition in return, although Addis Ababa has never confirmed this.

Somalia considers the MoU a breach of its territorial integrity, with the Somali government rejecting the deal and accusing Ethiopia of undermining its sovereignty.

SOURCE