Sabti 21-Sept-2024 {HMC} Siyaasi Abuukar ”Dowladda waa iney Baarta Dadka kasoo jeda Hiiran ee Itoobiya Hishiska lasoo Galay
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Sabti 21-Sept-2024 {HMC} Siyaasi Abuukar ”Dowladda waa iney Baarta Dadka kasoo jeda Hiiran ee Itoobiya Hishiska lasoo Galay
Sabti 21-Sept-2024 {HMC} Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay howlgal culus oo saaka ka dhacay qaybo kamid ah gobolka Bakool, kaas oo ay qaadeen ciidamada dowladda oo beegsaday goobo ay ku sugnaayeen kooxda AS
Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxa ay ciidamadu ku gaareen deegaanka Qeydar-Cadde oo hoos yimaada magaalada Xudur, waxaana xigay dagaal foolka fool ah oo u dhexeeyay labada dhinac, kaas oo dhaliyay khasaare kala duwan.
Saraakiisha milatariga Soomaaliya, gaar ahaan guutada 9-aad qeybta 60-aad oo howlgalkan qaaday ayaa shaaca ka qaaday inay beegsatay xarumo muhiim ah oo ay kooxda ku laheyd halkaasi, isla markaana ay jab culus ku gaarsiiyeen, gaar ahaan khasaare leh dhimasho iyo dhaawac, balse ma faah-faahin inta uu gaarsiisan yahay.
Sidoo kale saraakiisha ayaa sheegay in la wareegeen saldhig iyo xero tababar oo ay AS ku laheyd deegaanka Qeydar-Cadde oo hoostaga gobolka Bakool.
Waxaa kale oo ay saraakiishu intaasi kusii dareen inay howlgalkan ku furteen agabkii yiilay xerada, kaas oo ahaa saannad ciidan oo kala duwan.
Dhinaca kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhanka kooxda AS oo ku aadan howlgalka ka dhacay aagga degmada Xudur ee ay guulaha ka sheegteen ciidanka Xoogga.
Xaalad kacsanaan ah ayaa la warinayaa in weli ka taagan tahay deegaanka lagu dagaalamay oo qiyaastii 30km dhanka waqooyi galbeed ka xigay Xudur.
Gobollada Baay iyo Bakool oo ay ku xoogan yihiin maleeshiyaadka AS ayaa waxaa badanaa ka dhaco howlgallo ay si wadajir ah u sameeyaan Koonfur Galbeed iyo dowladda.
Sabti 21-Sept-2024 {HMC} Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in mar kale xaalad halis ah ay kasoo cusboonaatay degmada Kaaraan oo mar kamid ahayd degmooyinka ugu amniga xun ee gobolka Banaadir.
Ciyaal weero cusub ayaa dib uga soo baxay degmadan oo horay looga tirtiray kooxaha ciyaal weerada iyo sidoo kale burcadda hubeysan, kadib qorshe ay la timid dowladda.
Dadka deegaanka ayaa haatan ka cabanaya xaalad cusub oo kusoo korortay,, gaar ahaan soo noqoshada ciyaal weeraro oo halis ku aha shacabka ku dhaqan halkaasi.
Xaafadda Burka Diikow oo ka tirsan degmada Kaaraan ayaa lagu arkay kooxdan oo raxan raxan usocota, isla markaana dhagxeynaya guryaha, sidoo kalena dhibaateyda dadka shacabka ee lugeynaya.
Qaar kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa farriin u diray maamuka degmada iyo saraakiisha amniga, waxayna ugu baaqeen inay si deg-deg ah wax uga qabtaan xaaladda soo korortay.
Sidoo kale waxaa baraha bulshada si weyn loogu baahiyay muuqaalka kooxda ciyaal weerada oo dhibaato ka gaysaneydo degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir.
Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay ma’uuliyiinta gobolka Banaadir iyo laamaha amniga oo ku aadan cabashada kasoo yeereysa shacabka degmada Kaaraan.
Muqdisho ayaa muddooyinkii u dambeeyay ka nasatay kooxaha ciyal weerada, waxaana hadda laga digayaa in mar kale ay noqoto halis kusoo laabata dadka ku dhaqan caasimada.
Sabti 21-Sept-2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo::Yaasiin Ali Ahmed
Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud
Sabti 21-Sept-2024 {HMC} Israa’iil ayaa duqeyn naadir ah oo ay Jimcihi shalay ka fulisay caasimadda Lubnan ee Beyruut ku dishay 14 qof oo uu ku jiray abaanduule sare oo ka tirsan ururka Xisbullah.
Duqeynta oo lagu bartilmaameedsaday guri ku yaalla xaafadda ay dadka aadka ugu badanyihiin ee Daaxiya ee koofurta Beyruut, ayaa lagu khaarijiyay Ibrahim Caqiil oo ahaa abaanduulaha guutada ugu sarreysa Xizbullah ee loo yaqaano Radwaan.
Afhayeenka millatariga Isra’iil Daniel Hagari, ayaa sheegay in ay dileen Ibrahim Caqil iyo 10 sarkaal oo kale oo tirsan saraakiisha Xisbulah. Wuxuu sheegay in ay sii wadi doonaan ugaarsashada cadawga Isra’il si ay u difaacaan muwaadiniintooda, sida uu yiri.
Goor danbe oo xalay ah, ayay Xisbullah xaqiijisay dilka Caqiil. Bayaan ay soo saartay ayay ku sheegtay in Ibrahim Caqil uu ahaa halyeey dagaayhan ah oo ku biiray safka shuhadada saraakiishi ka horreysay ayay yiraahdeen. Xisbullah ma aysan sheegin halka uu ku dhintay iyo sababaha dilkiisa.
Akil ayaa kasoo mid noqday golaha ugu milatariga Xisbullah ee loo yaqaanno Golaha Jihaadka. Mareykanka ayaa cunaqabateyn ku soo rogay kadib markii lagu eedeeyay inuu ku lug lahaa qaraxii sannadki 1983-kii lagu weeraray safaaradda Mareykanka iyo saldhigi ciidanka badda Mareykanka ee Beyruut, halkaas oo lagu dilay in ka badan 300 oo qof.
Duqeynta lagu dilay Ibrahim Caqiil ayaa ku soo beegantay iyadoo ay sii kordheyso xiisad cusub oo u dhaxeysa Isra’il iyo Xisbullah, taasoo keentay cabsi laga qabo in dagaal buuxa uu ka qarxo Bariga Dhexe.
Sabti 21-Sept-2024 {HMC} Malaayiin qof oo ka mid ah shacabka waddanka Sri Lankans ayaa saakay oo sabti ah u dareeray goobaha codbixinta si ay u soo doortaan madaxweyne cusub.
In ka badan 17 milyan oo qof oo ka mid ah 22-ka milyan ee ku nool Sri Lanka ayaa isu diiwaan-geliyay in ay codadkooda dhiibtaam.
Waxay kala saari doonaan saddexda murashax ee doorashada ku tartameysa oo kala ah madaxweynaha hadda talada haya Ranil Wickremesinghe iyo hoggaamiyaha mucaaridka Sajith Premadasa iyo sidoo kale Anura Kumara Dissanayake.
Ciddi ku guuleysata xilka madaxtinimada ayaa waxaa sugeysa shaqo adag ah kor u qaadidda dhaqaalaha fadhiidka ah ee dalkaasi dhaca koofurta Aasiya, kaas oo aanan wali kasoo kabsan qalalaaso dhaqaale oo uu dhex fadhiyay 10-ki sano ee lasoo dhaafay.
Doorashadan ayaa ah tii ugu horreysay oo dalkaasi ka dhacda tan iyo marki uu dumay nidaamki dhaqaale ee Sri Lanka sannadki 2022-kim markaas oo dalka laga waayay sarrifka lacagaha qalaad, taasoo keentay in dad ay awoodi waayaan in ay soo iibsadaan waxyaabaha aas-aasiga u ah nolosha sida gaaska, dawada iyo cuntada.
Sabti 21-Sept-2024 {HMC} Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si adag uga hadlay aflagaadada baraha bulshada loo marsiiyo qabaa’ilka iyo siyaasiyiinta, kadib khudbad uu maanta ka jeediyey Masjidka Madaxtooyada Qaranka.
Xasan Sheekh ayaa maanta cadeeyey in dowladiisa aan laga difaacin baraha bulshada, isla markaana uusan raali ka aheyn in dadka Soomaaliyeed lasoo aflagaadeeyo.
“Walaalayaal hadalada xun hala joojiyo, waxaba ma tarto, waa aduunyo iyo aaqiro beel, nin siyaaasi ah oo dadka ka soo horjeeda aad u aflagaadeyso, waxaba uma tareyso,” ayuu yiri Xasan Sheekh.
Madaxweynaha ayaa si cad u sheegay in siyaasadda aysan ugu jirin, isla markaana uusan jirin qof uu u wakiishay inuu soo aflagaadeeyo qofkii ka aragti duwan dowladda.
“Ma rabno, siyaasad iyo xukun noogama jiro inaad darteen dadka u aflagaadeysaan, qof walaal ah aflagaadadiisa darajo ku gaari meyno, cid aan howshaas u dirsanay ma jirto, hada kadib waxaan rabnaa qofkii horay dadka u caayi jiray inuu joojiyo, kii soo caayi rabayna uu ka waantoobo arrintaas,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Xasan Sheekh.
Khudbadda Madaxweynaha waa dheereed, wuxuuna kaga hadlay arrimo badan, balse qeybtaan wuxuu diiradda ku saaray arrin dadka maankiisa ka guuxeysay muddo dheer, dowladii tiisa ka horeysana ay ku soo caana-maashay, waa ‘aflagaadeynta dadka ka soo hor jeeda siyaasadda xukuumadda.’
Kooxaha qabta shaqada uu Madaxweynuhu ka digay waxay xooganaayeen xiligii uu Farmaajo joogay xukunka, waxaana horay loogu bixiyey magaca CBB (Cayayaanka Baraha Bulshada) waxayna si abaabulan u aflagaadeeyaan siyaasiyiinta muujisa in aysan la dhacsaneyn siyaasadda xukuumadda markaas jirta.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dadka Soomaaliyeed alle uga baryey inuu is jecleysiiyo oo xumaanta ka fogeeyo “dadka Soomaaliyeed isma necba, inta yar ee ku dhex jirtana beerkooda burcad allaha isku mariyo,” ayuu yiri, Xasan Sheekh loogama baran inuu maal-geliyo kooxaha CBB-da loo bixiyey.
Sabti 21-Sept-2024 {HMC} Ra’iisul Wasaarihii hore dalka Maxamed Xuseen Rooble, Wasiiro, Xildhibaano, Saraakiil iyo masuuliyiin kale ayaa maanta ka qayb galay kulan lagu dhiiragalinayay ciidamada ammaanka oo lagu qabtay degmada Kaxda ee Gobalka Banaadir.
Masuuliyiintaan oo ciidamada ammaanka ku maray qaar ka mid ah baraha ay ku hubiyaan dadka iyo daadiidka ayaa aad ugu boggaadiyay shaqada culus ee ciidamada qaranka ay u haayaan Shacabka Soomaaliyeed.
Masuuliyiinta maanta isugu tagtay Kaxda oo Rooble iyo wasiirka Gaashaandhigga ay ugu horeeyaan ayaa tilmaamay in ciidamada amniga ay har iyo habeenba u taagan sugida amniga Caasimadda, isla markaana ay ku guuleysteen inay amni ku soo dabaalaan Muqdisho.
“Socdaalkeena degmada Kaxda waxa uu cadeyn u yahay in Muqdisho amni tahay, qof walbana meesha uu rabo uu tagi karo, ku dalxiisa dalkiina oo taga daafaha magaalada, soo dega degmooyinka quruxda badan, kuna dhiirigeliya ciidamada qaranka shaqadaan quruxda badan ee naftooda ay u hureen,” ayuu yiri R/wasaarihii hore dalka Maxamed Xuseen Rooble.
Sidoo kale masuuliyiintaan waxaa kamid ahaa Wasiirka gaashanadhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo sheegay in dowladda Soomaaliya ay shaqo culus ka heyso sugidda amniga qaranka, isla markaana guulo waaweyn laga gaaray qorshihii lagu nabadeyn lahaa guud ahaan dalka.
“Magaalada Muqdisho iyo hareeraheeda waa nabad, dhawaana dalka oo dhan ayaa la isku furayaa, dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an in qof kasta oo muwaadina, meel kasta oo uu joogo uu helo amni uu ku noolaado, waana gaari doonaa,” ayuu yiri Wasiir Jaamac.
Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in Muqdisho ay amnigaan ku heshay qorshaha dowladda iyo dadaalka ciidamada qaranka oo fogeeyey, siina eryanaya duurka fog kooxihii Khawaarijta ahaa ee dadka dhibaatey jiray.
“In dalkaan aan amni ku soo dabaalno waxaan ku gaari doonaa inaan dhiig badan u shubno, shacabka Soomaaliyeed-na ay nagu garab istaagaan,” ayuu hadalkiisa ku sii daray wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Jaamac.
Sabti 21-Sept-2024 {HMC} Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta khudbadiisii Jimcaha, isagoo ka hadlay muhiimada ay leedahay midnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed.
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa ka digay halista cadowga shisheeye ee kala qaybinta umadda Soomaaliyeed, isagoo sheegay in dadka Soomaaliyeed hadii ay midoobaan aysan jirin cid soo farogeli karta arrimaheeda gudaha, soona damaaci karta dalka.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa adkeeyay fulinta go’aanka xukuumadda ee ku aaddan la-dagaallanka hubka sharci-darrada ah, kaasi oo la mamcuunay in laga ganacsado, laguna heysto gudaha caasimadda Muqdisho.
“Hub in laga ganacsado waa sharci darro cid laga yeelayo ma jirto, waxaad rabto ahaaw, yaan lagu keydin gurigaaga, dowladda waa kula dagaalami doontaa, gurigaaga ayaa saq dhexe laguugu soo dhici doonaa, yaan lagu sirmin arrintaas,” ayuu yiri Xasan Sheekh.
Madaxweynaha ayaa sheegay in ciidamada amniga ay waaran u soo jara doonaan gurigii ay ogaadaan in hub lagu keydiyo, kadibna ay saq dhexe u daada doonaan, “sharaf malihid hadii gurigaaga hub sharci darro ah lagu keydiyo, waana iska kaa qabaneynaa,” ayuu yiri Xasan Sheekh.
Madaxweynaha ayaa digniin u diray dadka ka ganacsada hubka, “dad badan ayaa xiran qaarna waa lagu daba joogaa, waxaan u digeynaa dadka hubka isugu dhiiba beelaha, xumaanta aan joojino oo nabadda kaalmeyno walaalayaal,” ayuu yiri Xasan Sheekh.
Madaxweynaha ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay leeyihiin wadan barwaaqo ah, “walaalayaal caqligu hadiin soo noqdo, u noolaada sida looga noolyahay aduunyada, dalkaan deganaasho ayuu u baahan yahay, dunida ayaa naga yaaban,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Xasan Sheekh.
Jimco 20-Sept-2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahmaan Muuse Hagar
Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud