Home Blog Page 188

DFS “Shacabka Waqooyi Galbeed xitaa kuma raacsana siyaasiyiintooda goonigoosasho”

0

Axad  11 Jun 2026 {HMC} Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi oo la hadlay Teleefishinka Aljazeera ayaa wax laga weydiiyay faragelinta Israa’iil ee Dalka, Arrinta Caydaruus Al-Zubaydi, Somaliland, Dalalka Garab taagan iyo kuwo kale.

Ugu horrayn waxa uu ka hadlay arrinta Somaliland iyo gooni goosadka in ay isku raacsan yihiin in ay ka go’aan Soomaaliya inteeda kale, waxa uu tilmaamay in kala bar (50%) dadka waqooyiga ay leeyihiin Maamullo hoostaga Dowlada Federaalka.

Waxa uu carrabka ku dhuftay in Waqooyi Galbeed oo dhinac gaar ah noqday xitaa Shacabkooda & Dadkooda waxgaradka ah aanay rabin in ay ka go’aan Dalka intiisa kale, waxa uu ku bogaadiyay go’aankooda mustaqbalka wanaagsan leh.

“Somaliland kala bar waxa ay ku biirtay Dowladda Federaalka, keliya Waqooyi galbeed ayay siyaasiyiintooda wadaan ololaha gooni goosadka ah, iyanna Shacabkeeda xornimada usoo halgamay ma rabaan in dalka la kala gooyo” ayuu yiri, Axmed Macallim Fiqi, Wasiirka Gaashaandhigga XFS.

Madaxweynaha Somaliland ayuu dhinac dhigay Hoggaamiyii Golaha kumeel-gaarka ahaa ee Yemen, Caydaruus Al-Zubaydi oo maalmo kahor dalkiisa ka baxday, waxa uu Wasiir Axmed Fiqi tilmaamay in Mustaqbalka dhow uu Cabdiraxmaan Cirro mari doonno dhabbahaas.

Mar wax laga weydiiyay haddii ay jiraan Dalal Soomaaliya ay la kaashanayso arrinta difaaca faragelinta Israa’iil waxa uu ku jawaabay in ay jiraan Waddamo badan oo kahor yimid xadgudubka Yuhuudda ee Soomaaliya isla markaana ay dhinac taagan yihiin sida Sacuudiga, Masar, Turkiga, Qatar & Dalal kale.

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Axmed Macallin Fiqi ayaa wax laga weydiiyay arrinta la xiriirta in Caydaruus Al-Zubaydi uu safar ku maray Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ee Aadan Cadde isaga oo baxsad ah, waxa uu ku jawaabay in arrintaas ay Dowladda baarayso warna kasoo saarayso marka ay hesho xog lagu xaqiijinayo jiritaanka iyo beerinta warkaas.

Axmed Fiqi waxaa kale oo la weydiiyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay adeegsanayso Awood Militari si ay uga hortagto faragelinta Israa’iil ay ku hayso Dalka, isaga oo Suxufiga uu tilmaamay in ay Yuhuudda kamid tahay Dalalka awoodaha Militari haysato.

Wasiirka Difaaca Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi ayaa xusay in Soomaaliya ay la dagaalantay Gumaystayaal, waxaana uu Soomaalida ku sifeeyay dad aan is dhiibin oo in ka badan 600 oo sano u halgamayay in ay ka guulaystaan gumayste haystay oo ugu dambayn ka adkaadeen.

 

Ilhaan Cumar oo si qiiro leh uga hadashay dibadbaxyada ka socda Minneapolis.

0

Axad  11 Jun 2026 {HMC} Kumanaan kun oo qof ayaa isu soo baxay habeen kale oo mudaaharaadyo ay ka socdeen Minneapolis habeenkii Sabtidii, ka dib geeridii haweeney uu toogtay sarkaal ka tirsan waaxda socdaalka iyo canshuuraha ee Mareykanka (ICE) ee magaalada.

Goor sii horreysay, mas’uuliyiinta magaalada ayaa sheegay in 30 qof la xiray intii lagu jiray mudaaharaadyadii dhammaadkii toddobaadka, hal askari oo bilays ahna waa la dhaawacay ka dib markii “lagu soo tuuray baraf”.

Mudaaharaadyo looga soo horjeedo beegsiga soogalootiga ayaa ka dhacay Mareykanka oo dhan ka dib markii Renee Nicole Good oo 37 jir ahayd lagu toogtay gaarigeeda Arbacadii.

Maamulka Trump ayaa sheegay in wakiilka rasaasta riday uu doonayay inuu is difaaco. Saraakiisha deegaanka ayaa ku adkeystay in haweeneyda aysan wax khatar ah sababin.

 

Somaliland oo Si Adag ugu Jawaabay Madaxweyne Xasan Sheekh.

0

Axad  11 Jun 2026 {HMC} Wasiirka madaxtooyada ee Jamhuuriyadda Iskeed ugu Dhawaaqday Madaxbannaanida ee Somaliland Khadar Xuseen Cabdi oo goor dhow qoraal soo dhigay bartiisa X ayaa ka hadlay warkii kasoo baxay dowladda Turkiga ee ku aaddanaa aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland.

“Waxaa wax lala yaabo ah in 35 sano kadib oo ay iska indha tirayeen dadkeenna iyo qadiyadeenna, in dawlada Turkigu si lama filaan ah u ogaatay muhiimadda istiraatijiyadeed ee Somaliland. Waxaa ka sii niyad jab badan in garashadani ay isu rogtay cadaawad. Run fudud ayaa ah mid taagnaaneysa: kani waa dhulkeenna. HSM sharci iyo awood midna uma laha inuu halkan idin keeno-laakiin waxaanu leennahay sharci iyo awood aanu ku martiqaadno saaxiibadeenna” ayuu ku yiri qoraalkiisa barta X.

Hadalka wasiirka ayaa yimid maalin kadib markii wasiirka arrimaha dibada Turkiga Hakan Fidan oo ka hadlayay arrimo badan oo caalamka uu sheegay inay tahay nasiib darro weyn oo ku dhacday Somaliland isagoo kala jeeday aqoonsiga ay israa’iil ka heshay.

Isaga oo ka hadlaya ayuu yiri: “waxaan u arkaa aqoonsiga Israa’iill ee Somaliland inuu yahay musiibo ugu weyn oo ku dhici karta Somaliland. Maxaa noqon kara musiibo ka weyn tan oo ku timaadda bulsho Muslim ah, ama hay’ad siyaasadeed oo Muslim ah? Qofna ma aqoonsana, Israa’iil ayaana ku aqoonsatay. Ma aha sababta aad tahay, laakiin sababtoo ah waxaad u adeegaysaa ujeedo xun, siyaasadooda gobolka ah. Haddii Ilaah kuu oggolaaday arrintan, waa ceeb iyo ciqaab weyn dhab ahaantii. Tani waxay ka dhigan tahay in qofku u baahan yahay inuu is xakameeyo.” Ayuu yiri.

Ururka Iskaashiga Islaamka oo ka shiray aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

0

Axad  11 Jun 2026 {HMC} Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa shalay oo Sabti ahayd kulan ku yeeshay magaalada Jeddah ee dalka Sacuudiga, kaas oo ay kaga hadleen arrimaha Soomaaliya.

Ururka ayaa si gaar ah diiradda u saaray arrinta haatan taagan ee ah aqoonsiga ay dhowaan Israa’iil aqoonsatay Jamhuuriyadda Iskeed ugu Dhawaaqday Madaxbannaanida ee Somaliland, iyagoo sheegay inay taasi tahay “xadgudub”.

Xoghayaha Guud ee OIC Xuseen Ibraahim Daaha ayaa sheegay “in aqoonsiga qeyb ka mid ah gobollada Soomaaliya ee ay samaysay Israa’iil uu yahay xadgudub cad oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah, islamarkaana khatar ku ah amniga gobolka, isagoo xaqiijiyay in midnimada Soomaaliya ay tahay khad cas oo aan laga gudbi Karin.”

Dhanka kale, OIC ayaa sidoo kale isla soo qaaday arrimaha Falastiin iyo xaaladda Qasa, iyagoo isla gartay in lasii guda galo wejiga labaad ee xabbda joojinta.

Israa’iil oo heegan gashay iyadoo ka cabsi qabtay inuu Mareykanku farageliyo Iiraan.

0

Axad  11 Jun 2026 {HMC}  Israa’iil ayaa ka feejigan suurtagalnimada faragelin kasta oo Mareykanka uu ku sameeyo Iran iyadoo mas’uuliyiinta dalkaas ay wajahayaan mudaaharaadyadii ugu weynaa ee dowladda looga soo horjeedo muddo sanado ah, sida laga soo xigtay saddex ilo oo Israa’iil ah oo arrintan wax ka og.

Madaxweyne Donald Trump ayaa maalmihii lasoo dhaafay si isdaba joog ah ugu hanjabay inuu faragelin doono Iiraan wuxuuna uga digay taliyayaasha dalkaas inay awood u adeegsadaan dibadbaxayaasha. Sabtidii shalay ahayd, Trump wuxuu sheegay in Maraykanku uu “diyaar u yahay inuu caawiyo dibadbaxayaasha”.

Ilaha, kuwaas oo goobjoog ka ahaa la-tashiyada amniga ee Israa’iil dhammaadkii toddobaadka, ma aysan faahfaahin waxa feejignaanta sare ee Israa’iil loola jeedo ficil ahaan. Israa’iil iyo Iran ayaa bishii June waxaa dhex maray dagaal socday 12 maalmood, kaas oo Maraykanku la saftay Israa’iil isla markaana qaaday duqaymo cirka ah.

Wadahadal taleefoon ah oo ay yeesheen shalay, ayaa Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu iyo Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka, Marco Rubio waxay ka wada hadleen suurtagalnimada faragelinta Mareykanka ee Iran, sida laga soo xigtay ilo Israel ah oo goobjoog ka ahaa wada hadalka. Sarkaal Mareykan ah ayaa xaqiijiyay in labada nin ay wada hadleen balse ma uusan sheegin waxyaabaha ay ka wada hadleen.

Israa’iil ma aysan muujin rabitaan ah inay farageliso Iran iyadoo mudaaharaadyadu ay qabsadeen dalkaas, xilli xiisadda u dhexeysa labadan cadowga isku ah muddada dheer uu sare u kiciyay walaaca ay Israa’iil ka qabto barnaamijka Nukliyeerka iyo gantaallada ballistic-ga ee Iran.

 

Somalia’s FM Addresses OIC Emergency Meeting in Jeddah.

0

Saturday 10 Jun 2026 {HMC} The Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, H.E. Abdisalam Abdi Ali, delivered a speech on Saturday evening at

The extraordinary session of the Organization of Islamic Cooperation (OIC) Council of Foreign Ministers on the situation in the Federal Republic of Somalia, held in Jeddah, Kingdom of Saudi Arabia.

 

He emphasized the importance of strengthening joint efforts to safeguard Somalia’s territorial integrity, unity, and sovereignty, and to support the country in addressing current challenges.

OIC and 22 Muslim nations condemn Israeli FM’s Somaliland visit as illegal.

0

Saturday 10 Jun 2026 {HMC} Twenty-two Islamic countries and the Organisation of Islamic Cooperation (OIC) have strongly condemned what they called an illegal visit by Israel’s foreign minister to Somalia’s breakaway region, the self-declared Republic of Somaliland, saying it violated Somalia’s sovereignty and international law.

In a joint statement, the OIC and the foreign ministries of the signatory countries said they expressed “their strong condemnation of the recent illegal visit by the Israeli official to ‘Somaliland’ Region of the Federal Republic of Somalia on January 6, 2026.”

The visit by Israeli Foreign Minister Gideon Saar “constitutes a clear violation of the sovereignty and territorial integrity of the Federal Republic of Somalia, and undermines established international norms and United Nations Charter,” the statement said.

Reaffirming their “unwavering support for the sovereignty, unity, and territorial integrity” of Somalia, the signatories warned that “encouraging secessionist agendas are unacceptable and risk exacerbating tensions in an already fragile region.”

“Respect for international law, non-interference in internal affairs of sovereign states, and adherence to diplomatic norms are essential for regional and international stability,” the statement issued on Thursday added.

Israel should ‘reverse’ its decision

The statement also praised Mogadishu for its “commitment to peaceful international engagement, constructive diplomacy and adherence to international law,” and said the signatories would continue backing Somalia’s diplomatic and legal steps to “safeguard its sovereignty, territorial integrity and stability in line with international law.”

Israel announced on December 26 that it had officially recognised Somaliland as an independent and sovereign state, becoming the only country to do so. The move drew sharp criticism from several countries, many of which described it as illegal and a threat to international peace and security.

Demanding Israel to reverse its position, the OIC statement said Tel Aviv must “fully respect Somalia’s sovereignty, national unity and territorial integrity and honour its obligations in compliance with international law,” and urged the immediate withdrawal of Israel’s recognition of Somaliland.

Somaliland, which has lacked official recognition since declaring independence from Somalia in 1991, operates as a de facto independent administrative, political, and security entity, and its leadership unable to secure international recognition of independence.

The joint statement was signed by the foreign ministries of Algeria, Bangladesh, Comoros, Djibouti, Egypt, Gambia, Indonesia, Iran, Jordan, Kuwait, Libya, the Maldives, Nigeria, Oman, Pakistan, Palestine, Qatar, Saudi Arabia, Somalia, Sudan, Türkiye, and Yemen, as well as the OIC.

SOURCE:AA

China opposes foreign meddling in Tanzania in wake of contested election.

0

Saturday 10 Jun 2026 {HMC}  China’s top diplomat on Saturday warned against foreign interference in Tanzania at the end of a visit to the East African country.

Wang Yi is the first foreign minister to pay an official visit to Tanzania since post-election election protests late last year.

China, which has invested heavily in Tanzania in recent years, did not comment on the protests.

In a statement shared after the visit, Tanzanian authorities said Wang had congratulated the country for the “successful conduct” of the elections.

“China reiterated its full confidence in Tanzania’s leadership and institutions to manage internal affairs independently,” they added.

Tanzania’s sovereignty

Meanwhile, a Chinese foreign ministry statement said Beijing “opposes any external force interfering in Tanzania’s internal affairs” and stressed its support for the country’s “national sovereignty and security”.

After Tanzania, Wang is expected to continue his tour of African countries in Lesotho, where US tariffs have strained relations with Washington.

On Friday, Wang skipped what would have been a historic visit to Somalia – the first by a Chinese foreign minister since the state collapsed in 1991.

It had been planned at a high-profile moment just after Israel recognised the breakaway region of Somaliland.

SOURCE:AFP

Dowladda Sacuudiga oo Si adag u diiday Mar kale in La kala gooyo Dhulka Soomaaliya.

0

Sabti 10 Jun 2026 {HMC}  Waxaan diidnay isku day kasta oo lagu dhisayo maamullo kale oo barbar socda Dowladda rasmiga ah, kuwaas oo wax u dhimaya madax-bannaanida Soomaaliya.

Waxaan diidnay in la farageliyo ama lagu xadgudbo madax-bannaanida dal kasta oo ka tirsan Ururka Iskaashiga Islaamka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay awood u leedahay inay hoggaamiso wada-hadal mideeya dhammaan qeybaha dalka.

Ciidankii Kurdida ee SDF oo magaalada Xalab ee waqooyiga Suuriya , ka fuliyay weerarro Culus.

0

Sabti 10 Jun 2026 {HMC} Ciidankii Kurdida ee SDF ayaa magaalada Xalab ee waqooyiga Suuriya , ka fuliyay weerarro is qarxin ah oo ay geysteen xubno ka tirsan SDF, si ay u beegsadaan ciidanka dawladda Suuriya ee kula dagaallamaya gudaha Xalab, halka ay sidoo kale SDF fuliyeen weerar diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo ay maanta ku beegsadeen dhisme ay ku sugnaayeen wasiirka warfaafinta Suuriya iyo guddoomiyaha Xalab, ma jirin weerarkan wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay, sida uu qiray kanaalka Kurdiga ah ee Ruwad, wallow ay SDF iska fogeysay mas’uuliyada weerarradan.

Dagaallada ka socday gudaha magaalada Xalab ee waqooyiga Suuriya oo u dhaxeeya ciidanka dawladda iyo SDF, ayaa galay waji kale markii dagaalka dhulka looga adkaaday ciidanka Kuridada ee SDF, hadda waxay billaabeen weerarro ay u adeegsanayaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee is qarxiya oo ay maanta ku weerarreen dhisme ku yaal Xalab.