Home Blog Page 189

Kumannaan Israa’iiliyiin ah ayaa telefoonnadooda maanta loogu diray farriin

0

Sabti 10 Jun 2026 {HMC} Kumannaan Israa’iiliyiin ah ayaa telefoonnadooda maanta loogu diray farriin aan la aqoonsan cidda dirtay oo loogu sheegayo; “Waan imaaneynaa… waa inaad cirka eegtaan saqda dhexe.” Sida ay ku warrameen Al Jazeera iyo telefishinka Israa’iil ka soo baxa ee Channel 12.

Farriintan ka hor , Ruushka ayaa mas’uuliyiintii ka joogay Israa’iil iyo qoysaskooda kala baxay gudaha Israa’iil, iyadoo aysan dawladda Ruushka illaa hadda sharraxaad ka bixin sababta ay tallaabadan u qaaday.

DFS oo mamnuucday dhammaan diyaaradaha militari iyo kuwa xamuulka ee ay leeyihiin ama ay kireysteen Imaaraadka.

0

Sabti 10 Jun 2026 {HMC} Dowladda Soomaaliya ayaa mamnuucday dhammaan diyaaradaha militari iyo kuwa xamuulka ee ay leeyihiin ama ay kireysteen Imaaraadka Carabta (UAE) in ay galaan hawada dalka, kadib markii la tuhmay in ay si qarsoodi ah u qaadeen hoggaamiye fallaago Yemeni ah oo “carar ku jira”, iyada oo aan oggolaansho ama xog ka hayn hay’adaha ammaanka ee Soomaaliya, sida ay sheegeen ilo-wareedyo amni.

Ilo-wareedyadaasi waxay intaas ku dareen in mid ka mid ah lix diyaarad oo militari iyo xamuul ah oo Imaaraadku ku soo degayeen garoomada Soomaaliya uu laba jeer jebiyay amarka dowladda federaalka, maalintii Jimcaha iyo Sabtida.

Dowladda federaalka ayaa ku hanjabtay in ay qaadi doonto tallaabooyin dheeraad ah.

Go’aanka lagu mamnuucay duulimaadyada Imaaraadka ma saameynayo diyaaradaha rayidka ah sida FlyDubai, sida ay ilo-wareedyadu sheegeen.

Hadalkii Wasiirka arrimaha dibada Masar.

0

Sabti 10 Jun 2026 {HMC} Masar waxay si cad u diidaysaa mashruuc kasta oo hal dhinac ah oo loogu magac daray “Somaliland”, maadaama uu si cad ugu xadgudbayo sharciga caalamiga ah, Axdiga Qaramada Midoobay, Ururka Iskaashiga Islaamka, Jaamacadda Carabta iyo Axdiga Midowga Afrika, gaar ahaan mabaadi’da ixtiraamka madax-bannaanida dalalka, midnimadooda dhuleed iyo faragelin la’aanta arrimahooda gudaha.

Masar waxay ku tilmaantay booqashadii Israa’iil ku tagtay “Somaliland” 6-dii Janaayo in ay tahay tallaabo sharci-darro ah oo khatar ku ah midnimada iyo xasilloonida Soomaaliya, isla markaana furaysa albaab khatar ah oo carqaladayn kara nidaamka caalamiga ah ee ku dhisan ixtiraamka xuduudaha, gaar ahaan Geeska Afrika iyo Badda Cas.

Masar waxay si buuxda u taageertaa Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxayna ku boorinaysaa beesha caalamka inay garab istaagto dhismaha hay’adaha dowladeed, ilaalinta midnimada, la dagaallanka argagixisada iyo horumarinta wada-hadalka gudaha, si loo xaqiijiyo amni iyo barwaaqo shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale Masar waxay bogaadinaysaa mowqifyada cad ee ka soo baxay dalal badan, Jaamacadda Carabta, Midowga Afrika iyo Ururka Iskaashiga Islaamka, kuwaas oo dhammaantood diiday aqoonsi kasta oo sharci-darro ah, isla markaana taageeray midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Masar waxay mar kale ku celinaysaa diidmadeeda buuxda ee qorshe kasta oo loogu adeegsanayo aqoonsiga mashruuca “Somaliland” si loo hirgeliyo ujeeddooyin sharci-darro ah, sida barakicinta shacabka Falastiin ama sii kala qaybin Marinka Qaza.

Ugu dambayn, Masar waxay adkaynaysaa inay mar walba ahaan doonto xubin firfircoon oo ka shaqaysa difaaca sharciga caalamiga ah, Axdiga Qaramada Midoobay, iyo danaha guud ee dalalka xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Islaamka, iyadoo diiradda saareysa ilaalinta madax-bannaanida dalalka iyo xasiloonida gobolka iyo tan caalamkaba.

Sacuudi Carabiya Ayaa Waxa kafurmay Shirka Ururka Iskaashiga Islaamka.

0

Sabti 10 Jun 2026 {HMC}  Waxaa dalka Sacuudi Carabiya ka furmay kulan horudhac ah oo aan caadi aheyn, kaasi oo ay yeelanayaan Golaha Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka, iyadoo looga hadlayo xaaladda gobolka, gaar ahaan aqoonsiga Israa’iil sheegtay in ay siisay Somaliland.

Shirkaan ayaa waxaa ka qeybgalaya wakiillo ka socda dalalka xubnaha ka ah ururka, iyadoo Soomaaliya ay uga qeyb galayo Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Cabdisalaam Cabdi Cali (Dhaay).

Wadahadalladan ka socda dalka Sacuudiga ayaa la filayaa in laga soo saaro bayaan adag oo mar kale lagu xaqiijinayo midnimada dhuleed iyo madaxbannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo ilo diblomaasiyadeed ay tilmaameen.

Ururka Iskaashiga Islaamka, oo ah ururka labaad ee ugu weyn adduunka marka laga reebo Qaramada Midoobay, ayaa horey u caddeeyay in Somaliland ay tahay qayb ka mid ah Soomaaliya, wuxuuna dhowr jeer oo hore digniin u diray Israa’iil si ay u ixtiraamto shuruucda caalamiga ah iyo deganaanshaha Geeska Afrika.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhankeeda wada dadaallo looga hortago damaca Israa’iil, kaasi oo ay gacan ka geysanayaan ururka OIC oo ka kooban 57 dal oo intooda badan diiday aqoonsiga Israa’iil.

Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa la filayaa inuu u safro magaalada Laascaanood .

0

Sabti 10 Jun 2026 {HMC} Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud ayaa la filayaa inuu u safro magaalada Laascaanood, xilligaan oo dalka ku jiro dadaallo lagu adkeynayo Minimada.

Wasiirka Warfaafinta Maamulka Waqooyi Bari, Axmed Cabdirisaaq Diiriye ayaa xaqiijiyay in Madaxweyne Xasan Shiikh imaan doono magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa tilmaamay safarka madaxweynaha yahay shaqo qaran, isla markaasna uu ka horreeyo diyaar garow ay sameeyaan dhinacyada uu quseeyo.

Hore Magaalada Laascaanood waxaa sannadkii 2025 booqday Ra’iisul wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, socdaalkaasi oo bud dhig u noqday aas aaska Maamulka cusub ee Waqooyi Bari oo hoggaankiisa la doortay 30 bishii Agoosto ee 2025.

Maamulkan ayaa saldhig u ah midnimada dalka, iyadoo Madaxweyne Cabdiqaadir Aw Cali Firdhiye dhowr jeer ku celiyay in aysan aqoonsaneyn Ictiraafka Israa’iil sheegtay in ay siisay Somaliland.

Ciidanka Xooga Dalka oo xoogga saartay howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ ee ka socda Shabeelaha Dhexe

0

Sabti 10 Jun 2026 {HMC} Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xoogga saartay howlgallada ka dhanka ‘AS’ ee xooggooda ka socda deegaanno katirsan Gobolka Shabeelaha Dhexe ee Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle, kaddib markii ay heshay xogo la xiriira dhaqdhaqaaqa ka dhanka ah ee halkaas ka socda.

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaya Dadka Deegaanka ee Macawiisleyda ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxa ay howlgallo dhulka ah ka fuliyeen deegaanno katirsan Gobolka Shabeelaha Dhexe oo muhiim u ah isu socodka Gobollada Banaadir, Galgaduud iyo Gobolkaas.

Saraakiisha howlgalka hoggaaminaya ayaa sheegay in ay heleen xogo badan oo la xiriira dhaqdhaqaaqa ka socda Gobolka Shabeelaha Dhexe oo ay wadaan ‘AS’ kuwaas iyaga ka duulayana ay qaadeen tallaabooyin kahortag ah sida ay hadalka u dhigeen.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay khasaaraha Qatar kasoo gaaray duqayn ku dhacday Safaaraddeeda Kyiv

0

Sabti 10 Jun 2026 {HMC} War kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa walaac looga muujiyay duqayn waxyeello gaarsiisay Safaaradda Qatar ee Ukraine gaar ahaan Magaalada Kyiv.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay u tacsiyayneyso Dalka Carbeed ee Qatar, waxa ay intaas kaddib in loo baahan yahay adkaynta dhaqangelinta mabaadi’da Caalamiga ah si gaar ah ilaalinta dhismayaasha Safaaradaha iyo shaqaalaha Diblumaasiyadeed.

“JFS waxa ay muujinaysaa walaac qoto dheer oo ay ka qabto khasaaraha soo gaaray Safaaradda Dowladda walaalaha ah ee Qadar ee ku taalla Magaalada Kyiv oo ah Caasimadda Ukraine ee ka dhashay duqayn, Waxa ay mar kale Soomaaliya adkaynaysaa mabda’a aasaasiga ah ee aan la taaban karin ee xarumaha diblomaasiyadeed sida uu dhigayo sharciga caalamiga ah, iyadoo carrabka ku adkaynaysa ilaalinta dhismayaasha safaaradaha iyo shaqaalahooda diblomaasiyadeed” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Magaalada Kyiv waxaa ka dhacday Duqayn Ukraine ay ku eedaysay in uu ka dambeeyay Ruushka, waxaa sii kordhaya Walaaca Dowladdaas ay ka muujineyso beegsiga uga imaanaya Dhiggeeda Moscow oo colaad xooggan kala dhaxaysa.

{DAAWO MUQAALKA} Dhimshada ka dhashay Dibad baxyada iiraan oo sare u kacday

0

Sabti 10 Jun 2026 {HMC} Dhimshada ka dhashay Dibad baxyada iiraan oo sare u kacday

HOOS KA DAAWO MUQAALKA

 

{DAAWO MUQAALKA} Dalalka Mareykanka Ruushka iyo Shiinaha oo isku heysta Greenland

0

Sabti 10 Jun 2026 {HMC}Dalalka Mareykanka Ruushka iyo Shiinaha oo isku heysta Greenland

HOOS KA DAAWO MUQAALKA.

 

FAAH FAAHIN Howlgalo Culus oo ka socda Sh/dhaxe.

0

Sabti 10 Jun 2026 {HMC} Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xoogga saartay howlgallada ka dhanka ‘AS’ ee xooggooda ka socda deegaanno katirsan Gobolka Shabeelaha Dhexe ee Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle, kaddib markii ay heshay xogo la xiriira dhaqdhaqaaqa ka dhanka ah ee halkaas ka socda.

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaya Dadka Deegaanka ee Macawiisleyda ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxa ay howlgallo dhulka ah ka fuliyeen deegaanno katirsan Gobolka Shabeelaha Dhexe oo muhiim u ah isu socodka Gobollada Banaadir, Galgaduud iyo Gobolkaas.

Saraakiisha howlgalka hoggaaminaya ayaa sheegay in ay heleen xogo badan oo la xiriira dhaqdhaqaaqa ka socda Gobolka Shabeelaha Dhexe oo ay wadaan ‘AS’ kuwaas iyaga ka duulayana ay qaadeen tallaabooyin kahortag ah sida ay hadalka u dhigeen.