Home Blog Page 208

RW Xamse oo ku si feeyay siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee Xiligan kuwa ku guul-darreystay

0

Khamiis 1, Jan 2026 {HMC} Ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa ku si feeyay siyaasiyiinta Soomaaliyeed , kuwa ku guul-darreystay inay la yimaadaan aragtiyo iyo barnaamijyo isbeddel leh , kama uusan tagin naftiisa inuu siyaasiiyintaa ku jiro.

Qodobkan waa mid ka mid ah meelaha ay ka dhaqaaqi la’dahay Soomaaliya , wuxuu siyaasi kasta doonayaa inuu jagada u sarreysa ee madaxweynaha illaa midda u hooseysa raadiyo isagoo aan heysan barnaamij ama qorshe , qeexid leh am sharraxaad ma keenaan siyaasiyiintu, waxay carrabka ku dhuftaan inay xil doonayaan iyo dhibaatooyinka jira inay xal u raadinayaan, ma aha inta badan inay dhihi karaan ; waxaan wataa barnaamij siyaasadeed oo dhibaatooyinka jira waddadan ama hab noocan ah ku xallinaya.

Intiina aan gudaha u gelin habka siyaasiyiinta Soomaaliya ay xilka u raadiyaan iyo sida siyaasiga lagu noqdo.

Marka koowaad hadda siyaasadda Soomaaliya waxaa xilalka isku beddelada dad tiro yar oo intooda badan siyaasadda soo galay, markii dawladdii dhexe ay burburtay dhismaha dawladihii dalka hoggaamiyeyna waxay ahaayeen kuwo ku sooo baxay daruufo, sida hoggaamiye kooxeedyo, ururradii Islaamiyiinta ahaa iyo isbahaysiyadii kale ee awoodda lahaa marka wax walba waxay ku soo soo bilowdeen marba qolo in lagu tijaabiyo, cid kasta oo timaadana cidda awoodda ku qabsan karta iyo qabiilada kuwa saameynta ku leh ayuu magacaabay , sidaana siyaasadda ku soo galay , isla waddadaa ayaa ahayd albaabka siyaasadda lagu soo galo Soomaaliya .

Marka hoggaamiye aan lagu dooran qorshe siyaasadeed xil loo dhiibo, wuxuu garanaya jidka uu isaga xilka ku helay isla waddadaa ayuu ku soo xulayaa xubnaha la shaqeynaya, taasi waa waxa keenaya wax kasta gaabis inay u socdaan iyo ma aragtay in qof kasta uu jecel yahay Soomaaliya isla isbeddel magacyada xilalka haya inay dhacaan , oo aan ula jeedo dawlad cusub oo hoggaamiye hore mid aan ahayn in doorashada ku soo baxo! Sababtoo ah waxaa lagu daalay inaysan wax badan horey u dhaqaajin, waxaana 34 sanno lagu jiraa wareeg aan dhammaad lahayn oo aragti xumo iyo qorshe la’aan siyaasadeed ah , taa oo ah waxa ka dambeeya wajiga aan tabarta lahayn ee Soomaaliya , halka ay ka timid!
Dhab ahaantii , haddii aysan bulshadu dooran hoggaamiye leh qorshe siyaasadeed oo xaqiijin kara isbeddel iyo wareegaan aan dhammaad lahayn tilmaam ka bixin kara waddada looga baxo, taasi dadku waxay isku afgarteen inan wax qorshe ah diirrada la saarin, haddii aan wax qorshe ah la dhaqangelina, waxaa la qorsheeyay fashil oo ah waxa maanta dhexda looga jiro.

Habaarka ugu weyn ee Bulsho dhexda u gasho , waa inaysan khaladkeeda wax ka baran oo ay ku celceliyo .

Xaqiiqdii waxay Soomaaliya u baahantahay kacaan xaaqaya siyaasiyiinta iyo hal-doorka maanta ee Soomaaliya oo ah kuwa fashilmay oo aan xishoon , ixtiraamna u heyn dadkooda! Eeg bilooyin ka hor nin dhallinyaro Mamdani ayaa ku guuleystay doorashadii duqa New York , isagoo waliba noqday duqii u horreyay ee Aqalka Cad si toos ah uga soo horjeesto oo lala dagaallamay dhinac kasta oo awoodda Mareykanka wax ka jaan geynaya ay usoo baxeen si uusan xilkaa u qaban, laakin intaa oo dhan way celin waayeen, taasi ma garan waxa ay ku suragashay? Waa in Mamdani uu bulshada ku qanciyay qorshe cad oo qof kasta uu fahmi karo sida loo fulinayo , kuwaasoo xal u ah dhibaatooyinka bulsho ee dadka New York — isla sidaa oo kale bulshada Soomaaliyeed , way aragtaa waxa lagu gaaro marka cadiifad qabyaaladeed, dano shaqsi iyo indho la’aan masiirka hoggaamineed lagu bixiyo waxa xiga.

Runtii wacyiga dadka Soomaaliyeed , waa mid dhintay, ma helayaan dadkaa hoggaamiye diiradda saara inuu raad taariikheed ka tago oo wax ka beddela xaaladan ?

Waa marka siyaasiyiintu ay noqdaan kuwa xishooda oo danaha guud si qorshe leh uga horumariyaan, danaha gaarka ah oo ah waxa hadda siyaasadda Soomaaliya ku dhisantahay!

Hadal heyn ka dhalatay dad u dhashay Israa’iil Markii ay ku istaageen Calanka Somaliland oo ay ku qoran yahay Kalmada Towxiidka.

0

Khamiis 1, Jan 2026 {HMC} Dad la sheegay inay ka soo jeedaan Israa’iil ayaa lagu arkay iyagoo dul maraya meel uu yaallay Calanka Towxiidka ku qoran yahay ee Maamulka Somaliland, xilli ay ku sugnaayeen mid ka mid ah madbacadaha ku yaalla magaalada Hargeysa.

Madbacaddan ayaa lagu daabacayay calamada Israa’iil iyo Somaliland, iyadoo ay booqdeen dhowr qof oo ka soo jeeda Israa’iil.

Muuqaalo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya shaqsiyaadkan oo dul maraya calanka Somaliland ee ku qoran yahay towxiidka, tillaabadaasi oo dhalisay hadalheyn iyo caro bulsho.

Qaar kamid ah bulshada ayaa ku baaqay in Somaliland muujiso sida ay uga xun yihiin falka ay ku kaceen shaqsiyaadkaasi, halka kuwo kalena ay ku tilmaameen muuqaalo been abuur.

Dhacdadan ayaa imanaysa xilli dhowaan Israa’iil ay ku dhawaaqday aqoonsiga ay siisay Somaliland, iyadoo go’aankaasi ay cambaareeyeen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dalalka caalamka.

Wasiir Fiqi oo ka Fal celiyay Warkii ay maanta soo saareen Siyaasiyiinta ka soo jeedo Goboladda Waqooyi ee ku jira Dowladda Soomaaliya.

0

Khamiis 1, Jan 2026 {HMC} Saaxiibadeen xildhibaanadu way hadleen waxayna ka hadleen inta aan ka ahayn Netanyahu iyo ictiraafkiisa!

Waxay eedeyn kakab ah dusha uga tuureen Dawladdihii Soomaaliya oo aan kala sooc lahayn oo ay ku jirto midda ay ka tirsan yihiin. Eedaymahaas oo intooda badan aan sax ahayn!

La yaab waxaa leh marnaba in aysan soo hadal qaadin gooni-goosadnimada iyo sida ay u khaldan tahay, iyo sidoo kale ictiraafka RW Netanyahu oo labadaba aysan ku midaysnayn dadka gobolada Somaliland la isku dhihi jirey isla degganaa!

Waxay ku hadleen magaca gobolada Somaliland la isku dhiihi jiray waxaana sawirka ka muuqday qeyb ka mid ah Xildhibaanada iyo wasiirada deegaanadaas ka soo jeeda, taasoo muujinaysa in aragtidaa aan lagu midaysnayn

Si kastaba

walaalaheen iyo saaxiibada xildhibaanada waxaa mas’uuliyad ka saaran tahay deegaanada ay magacooda ku hadlayaan khatarta ka soo fool leh iyo wadada halista ah ee ay qaadeen in mowqifkooda ku aaddan ay umadda u iftiimiyaan, weliba dhanka mowqifka dawladda ay ka tirsan yihiin is barbar taagaan!

Madaxii qeybta cilmi-baarista sirdoonka milatariga Israa’iil oo Geeriyooday.

0

Khamiis 1, Jan 2026 {HMC} Madaxii qeybta cilmi-baarista sirdoonka milatariga Israa’iil, Jen. Amit Sa’ar ayaa maanta la shaaciyay inuu u geeriyooday kansar maskaxda ah oo si daran u saameeyay.

Sargaalkan maanta geeridiisa la shaaciyay ayaa Xilkan waxaa loo magacaabay sannadkii 2020 illaa uu shaqada joojiyay bishii April ee sannadkii 2024, sida ay werisey Israel Hayom.

Mas’uuliyiinta Somaliland ee DFS ayaa sheegey in ay Muqdisho u joogaan Midnimo

0

Khamiis 1, Jan 2026 {HMC} Mas’uuliyiinta Somaliland ee Dowladda Federaalka ayaa sheegey in ay Muqdisho u joogaan ‘Midnimo’ ayna aaminsan yihiin in danta dadka Soomaaliyeed ay ku jirto wadajir.

Siyaasiyiinta oo ka kooban wasiirro, senator & xildhibaanno ma aysan cabaarayn Israa|l balse waxa ay sheegeen; in Soomaaliya ay 1960 kii ahayd laba dowladood oo kala ah;

Somaliland & Soomaaliya, si loo helo midnimo ay tahay in lagu laabto heshiiskii midnimada 1960 ayey dheheen, iyaga oo intaas ku daray in ; aan la qabyaaladeyn, la diimeyn, lana xannibin Somaliland oo aan xoog waxba loo qaban karin — sida ay warsaxaafadeedka lagu qoray.

Waxa ay Somaliland ugu baaqeen in ay ku soo laabato wada-hadallada Dowladda Federaaklka Soomaaliya.

DFS oo Sheegtay in ay dishay 29 Kamid ah AS oo ku sugnaa Deegaanka Jabad-godane.

0

Khamiis 1, Jan 2026 {HMC} Ciidanka Qaranka oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa xalay fuliyay howlgal lagu beegsaday goobo bartilmaameed ahaa oo maleeshiyaadka Khawaarijtu ay kaga sugnaayeen deegaanka Jabad-godane ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo lagu dilay 29 dhagarqabe oo isugu jiray Horjoogeyaal iyo Maleeshiyaad ka tirsanaa Khawaarijta.

Toddobaadkii la soo dhaafay, Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada caalamka waxa ay si xiriir ah u wadeen howlgallo lagu bartilmaameedsaday baro ay Khawaarijtu kaga dhuumanayeen deegaannada Jabad-godane, Alanleey iyo Xawaadley, oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Weeraradan ayaana lagu soo afjaray ilaa 135 dhagarqabe oo ka tirsanaa Khawaarijta.

Howlgalladii ugu dambeeyay ee lagu naafeeyay Khawaarijta ayaa si cad u muujinaya burburka ku yimid abaabulka iyo dhagartii ay maalmihii la soo dhaafay ka maleegayeen deegaannada nabdoon ee dalka, taas oo qeyb ka ah dadaalka ballaaran ee lagu doonayo in gebi ahaanba looga sifeeyo Argagixisada goob kasta oo ay ku dhuumaaleysanayaan.

Hantidhowraha Guud ee Qaranka oo maanta saxiixay Qorshaha Guud ee Baarista sannadka 2026.

0

Khamiis 1, Jan 2026 {HMC} Hantidhowraha Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta saxiixay Qorshaha Guud ee Baarista sannadka 2026, (Annual Overall Audit Plan – 2026).

Qorshahan sanadlaha ah ayaa hagaya dhammaan hawlaha baarista ee Xafiiska Hantidhowrka Guud, inta lagu jiro sannadkan, wuxuuna si cad u qeexayaa habka fulinta baarista hantidhowr ee hay’adaha dowladda, jihada guud, mudnaanta, iyo baaxadda baarista, mashaariicda, iyo qaar ka mid ah nidaamyada tiknoolojiyadda ee ay dowladdu adeegsato.

Qorshuhu wuxuu ku saleysan yahay Qiimeynta Khatarta (Risk Assessment), u hoggaansanaanta sharciga, iyo heerarka caalamiga ah ee hantidhowrista, isaga oo hubinaya in adeegsiga dhaqaalaha iyo lacagta caddaanka ah ee dowladda uu ku dhisan yahay u adeegidda danta guud.

Qorshaha Guud ee Baarista 2026 wuxuu ka kooban yahay dhammaan noocyada baarista ee ku qeexan Sharciga Hantidhowrka ee JFS, oo ay ka mid yihiin baarista warbixinada maaliyadeed, baarista mashaariicda ay maalgeliyaan deeq-bixiyeyaasha, baarista u hoggaansanaanta sharciga, baarista waxqabadka, iyo baarista nidaamyada tiknoolojiyadda iyo macluumaadka.

Ujeeddada Isku-dhafka noocyadan kala duwan ee baarista ayaa ah in Hantidhowrka Guud uu si buuxda u guto waajibaadka iyo mas’uuliyadda ka saaran fulinta shuruucda dalka iyo dhaqangelinta heerarka caalamiga ah ee hantidhowrista.

Natiijada laga filayo hirgelinta Qorshaha Guud ee Baarista 2026 waxaa ka mid ah horumarinta nidaamka maamulka maaliyadda dowladda, dardargelinta fulinta iyo dhaqangelinta talooyinka ka soo baxa baarista hay’adaha dowladda, iyo kordhinta kalsoonida dadweynaha.

Qorshuhu wuxuu sidoo kale gacan ka geysanayaa hagaajinta go’aan-qaadashada hoggaanka sare ee dowladda iyo xaqiijinta in dhaqanka isla-xisaabtanka iyo daahfurnaantu noqdaan kuwo si joogto ah ugu xididada nidaamka dowladnimada.

Somaliland ayaa si adag u beenisay e in dhulkeeda la keenayo qoxootiga Falastiin.

0

khamiis 1, January 2026 {HMC} Somaliland ayaa si adag u beenisay eedeymo ka soo yeedhay madaxda Soomaaliya oo sheegaya in Somaliland dib-u-dejin loogu samaynayo qaxooti Falastiiniyiin ah ama saldhig ciidan Laga dhisayo gudaha Somaliland.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in eedeymahaasi yihiin kuwo aan sal iyo raad toona lahayn, isla markaana looga gol leeyahay in lagu marin-habaabiyo beesha caalamka laguna wiiqo horumarka diblomaasiyadeed ee Somaliland.

“Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxay si adag u beeninaysa eedeymaha been abuurka ah ee uu jeediyay Madaxweynaha Soomaaliya, kuwaas oo la xidhiidha in Falastiiniyiin dib u dajin loogu samaynayo Somaliland ama saldhigyo ciidan laga dhisayo gudaha Somaliland.”

Wasaaraddu waxay sheegtay in xidhiidhka Somaliland la leedahay Dowladda Israa’iil uu yahay mid diblomaasiyadeed oo keliya, kuna saleysan ixtiraamka sharciga caalamiga ah iyo danaha madax-bannaan ee labada dhinac. Somaliland ayaa sidoo kale ku celisay inay ka go’an tahay xasiloonida gobolka iyo iskaashi caalami ah oo ku dhisan nabad iyo is-ixtiraam.

Tani ma aha markii ugu horreysay ee Somaliland lagu eedeeyo arrimo la xidhiidha qaxootiga Falastiin. Marar hore ayaa sidoo kale la faafiyay warar la mid ah, iyada oo warbaahinta qaar sheegtay in Somaliland lagu dejinayo qoxooti Falastiiniyiin ah, balse dhammaan eedeymahaasi waxaa mar walba beenisa Somaliland, iyada oo ku tilmaantay dacaayad siyaasadeed oo aan wax xaqiiqo ah ku dhisnayn.

Israa’iil oo ahayd dalkii ugu horeeyay ee aqoonsada Somaliland 1960 ayaa markale ku dhiiratay in ay noqoto dalka ugu horeeya ee aqoonsada, iyada oo hadda wada dadaalo ay doonayso in dowlada Maraykanku ay sidoo kale ku aqoonsato, inkasta oo uu Trump sheegay in aanu ku degdegi doonin.

Dowlada Soomaaliya iyo badiba waddamada ilaa hadda ka hadlay qadiyadan ee beesha caalamka ayaa kasoo horjeedsaday aqoonsiga Somaliland ee Israa’iil. Dhanka kale Israa’iil ayaa aqoonsiga Somaliland ku tilmaantay mid sharci ah.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb.

0

khamiis 1, January 2026 {HMC} Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb, caasimadda Dowlad-goboleedka Galmudug, halkaas oo si diirran ugu soo dhaweeyeen Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Madaxweyne ku-xigeenka, xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada Galmudug, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa inta uu ku sugan yahay Dhuusamareeb ka qeybgali doona Madasha Aragti-wadaagga ee Heritage, oo sannadkan diiradda lagu saarayo arrimo la xiriira siyaasadda, amniga, dib-u-dhiska hay’adaha dowladda Soomaaliya.

Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulamo la yeelan doona hoggaanka Maamulka Galmudug, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, isaga oo dhageysan doona aragtiyadooda iyo talooyinkooda ku aaddan nabadda, horumarka iyo midnimada dalka.

{DAAWO MUQAALKA} Puntland oo War Cusub Kasoo saartay Aqoonsiga Soomaaliland.

0

Qamiis 1, January 2025 {HMC} Puntland oo War Cusub Kasoo saartay Aqoonsiga Soomaaliland.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA