Home Blog Page 209

{DAAWO MUQAALKA} Maxaa Dhacdooyin Culus ah oo Lagu Xasuusan Doona 2025.?

0

Qamiis 1, January 2025 {HMC}   Maxaa Dhacdooyin Culus ah oo Lagu Xasuusan Doona 2025.?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA

Maxay Puntland kadhahday Aqoonsiga Israa’iil Ay Siisay Somaliland?

0

khamiis 1, January 2026 {HMC} Maamulka Puntland ayaa si rasmi ah u cambaareeyay tallaabada Israa’iil ay ku sheegtay inay ku aqoonsatay Somaliland, iyagoo ku tilmaamay mid si cad u jebinaysa midnimada iyo wadajirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid, ayaa sheegay in uusan jirin gobol ka mid ah Soomaaliya oo si gaar ah u qaatay xornimo, isla markaana dhammaan gobolladu ay ka mid yihiin hal dal oo mideysan.

“Qayb ka mid ah Soomaaliya oo si gaar ah u qaadatay xornimo ma jirto. Gobol walba iskiis ayuu ahaa, balse dhammaantood waxay ku mideysan yihiin Soomaaliya,” ayuu yiri Wasiir Caydiid.

Wasiirka Warfaafinta Puntland ayaa si cad u adkeeyay in Puntland marnaba aqbali doonin kala qeybinta dhulka Soomaaliyeed.

Hadalkan ka soo baxay Puntland ayaa kusoo aadaya xilli ay jiraan falcelinno ka imaanaya dowladda federaalka iyo beesha caalamka, kuwaas oo intooda badan diidan tallaabo kasta oo wax u dhimaysa midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya.

Itoobiya oo War Cusub Kasoo Saartay Helida Marin Badeed Cusub.

0

khamiis 1, January 2026 {HMC}Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya, Gedion Timotheos (PhD), ayaa sheegay in dalabka Itoobiya ee helitaanka marin badeed hadda loo wajahayo si ka tarjumaya hannaan diblomaasiyadeed oo la aqbali karo, isla markaana dadaallada socda ay xoogga saarayaan sidii arrintan si wada-jir ah loo hirgelin lahaa.

Wasiirku hadalkan wuxuu ka jeediyay kalfadhigii 6-aad ee caadiga ahaa ee Golaha Wakiillada Shacabka ee 6-aad, oo dhacay 30-kii Diseembar 2025, halkaas oo uu kaga jawaabayay su’aalo ay xildhibaanadu ka weydiiyeen hammiga badeed ee dalka Itoobiya iyo hawlaha diblomaasiyadeed ee la xiriira.

Gedion Timotheos wuxuu ku tilmaamay raadinta Itoobiya ee marin badeed arrin qaran oo jiilal badan taabanaysa, kana sarreysa hal dowlad ama hal xisbi siyaasadeed, wuxuuna adkeeyay in arrintani weli tahay mudnaan qaran oo la wadaago.

Wuxuu xusay in Itoobiyaanka ku sugan gudaha iyo dibadda dalka, iyo sidoo kale safaaradaha Itoobiya, ay si firfircoon uga qayb qaadanayaan horumarinta helitaanka marin badeed ee dalka, isagoo tilmaamay in hawlaha diblomaasiyadeed ee hadda socda ay muujinayaan “calaamado dhiirrigelin leh.”

Wasiirku sidoo kale wuxuu u mahadceliyay muwaadiniinta ku dooday helitaanka marin badeed ee Itoobiya iyagoo adeegsanaya warbaahinta, inkastoo uu sheegay in aysan helin taageero toos ah oo dowladeed, isagoo ku tilmaamay ka-qaybgalka dadweynaha mid lama huraan u ah ilaalinta danaha qaran.

Hadalka wasiirka arrimaha Dibadda Itoobiya ayaa kusoo beegmay, iyadoo maanta ay ku beegan tahay sanad guuradii 2-aad ee kasoo wareegtay heshiiskii dhinaca Badda oo ay wada galeen Itoobiya iyo Somaliland, heshiiskaas oo socon waayay kaddib markii Dowladda Soomaaliya ay si adag uga hortimid.

Itoobiya weli ma sheegin in ay ka baxday heshiiskaas, inkastoo ay hoos u dhigtay fulinta qodobada heshiiska ku xusan. Waxaa xusid, Itoobiya kama aysan mid ahayn liiska dalalkii ka horyimid aqoonsiga Israaiil ee Somaliland.

 

 

Madaxweyne Cirro ayaa sheegay in dowlado kale oo badan ay dhawaan ictiraaf siidoonaan Somaliland.

0

khamiis 1, January 2026 {HMC}   Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa sheegay in dowlado kale oo badan ay dhawaan ictiraafi doonaan Somaliland.

Kadib aqoonsigii Israa’iil, xiisadda gobolka ayaa mar kale cirka isku shareertay, iyadoo dowladda Soomaaliya ay si weyn uga cadhootay tallaabada Israa’iil. Hase yeeshee, Madaxweyne Cirro ayaa sheegay in aqoonsigu aanu ku koobnayn Israa’iil oo keliya, balse ay jiraan dalal kale oo dhowaan ku dhawaaqi doona ictiraafka Somaliland.

“Waxaan ugu bushaaraynayaa shacabka in dowlado kale oo badan ay ku soo jiraan waddada, isla markaana ay inna ictiraafi doonaan, haddii Alle idmo. Ciddii ka xun ictiraafka Somaliland waxaan leeyahay danihiinna ku ekaada, Somaliland ictiraafkeeda cid joojin karta ma jirto,” ayuu yidhi Madaxweyne Cirro.

Waxa uu sheegay in dowlado badan oo cadaw ku ah Somaliland ay maanta soo shaac baxeen, balse Somaliland aanay cidna cadaw u ahayn. Si kastaba ha ahaatee, waxa uu xusay in shacabku u baahan yahay in ay ogaadaan dowladaha cadawga ku ah Somaliland, isla markaana ay cadaw u aqoonsadaan.

Inkasta oo Madaxweynuhu aanu faahfaahin dowladaha uu cadawga u aqoonsaday, haddana dowladaha sida adag uga soo horjeestay aqoonsiga Somaliland waxa ugu mudan Masar, Jabuuti, iyo Turkiga, kuwaas oo si cad uga horyimid aqoonsiga Somaliland.

Somaliland ayaa shalay wadatashi ugu yeedhay wakiilkeeda dalka Jabuuti, taas oo muujinaysa in xidhiidhka labada dhinac aanu wanaagsanayn wakhtigan. Jabuuti ayaa si adag uga hor timid xidhiidhka Israa’iil iyo Somaliland doodii u dambaysay ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Ugu dambayn, Madaxweynaha ayaa shacabka ugu baaqay in ay amnigooda ilaashadaan, isla markaana qof kasta oo muwaadin ahi noqdo ilaaliye iyo sirdoon. Waxa uu sidoo kale u mahadceliyay qaybaha kala duwan ee bulshada, sida culimada iyo xisbiyada siyaasadda, taageerada ay u muujiyeen xidhiidhka Israa’iil.

US ‘looking at’ revoking citizenship for Somalis convicted of fraud: White House

0

Thursday  1, January 2026 {HMC}  The US government is “looking at” the possibility of revoking citizenship from Somalis convicted of fraud, the White House said on Wednesday.

“It’s something the Department of Homeland Security, the Department of State is currently looking at right now,” spokesperson Karoline Leavitt told Fox News when asked whether President Donald Trump supports stripping citizenship from Somalis found guilty of fraud in the US state of Minnesota.

advertisements
Leavitt said the administration is prepared to pursue denaturalization, describing it as “a tool at the president and the secretary of state’s disposal.”
She characterized the initiative as a “whole-of-government” effort and a “top priority for the administration,” adding that the Justice Department is executing search warrants and subpoenas.

“People will be in handcuffs as a result of the fraud that Governor Walz has allowed to occur for many, many years,” she said, referring to Minnesota Gov. Tim Walz.

Leavitt said the Department of Homeland Security is conducting door-to-door investigations at potential fraud sites, while continuing deportations of undocumented immigrants in Minnesota communities.

In a separate social media post, President Donald Trump also commented on the matter, claiming that the alleged cases of fraud were directly linked to immigrants from Somalia.

Through his social media company Truth Social, Trump called for their deportation of people who entered the US illegally from Somalia, accusing them of “up to 90%” of the fraud committed in the state.

‘Perhaps the worst, and most corrupt, country on earth’

Trump also attacked Ilhan Omar, a member of the House of Representatives for Minnesota, repeating long-disputed allegations about her personal life without providing evidence.

“Much of the Minnesota Fraud, up to 90%, is caused by people that came into our Country, illegally, from Somalia. ‘Congresswoman’ Omar, an ungrateful loser who only complains and never contributes, is one of the many scammers. Did she really marry her brother?” he wrote.

Trump also described Somalia as “perhaps the worst, and most corrupt, country on earth.”

Separately, House Oversight and Government Reform Committee Chairman James Comer announced a hearing next month examining alleged fraud and misuse of federal funds in Minnesota’s social services programs.

Comer invited Gov. Walz and Attorney General Keith Ellison to testify before the committee on Feb. 10, 2026.

“American taxpayers demand and deserve accountability for the theft of their hard-earned money,” Comer said in a statement.

The Justice Department said Monday it charged 98 individuals in a wide-ranging fraud investigation in Minnesota, with Attorney General Pam Bondi stating 85 are of Somali descent.

FBI Director Kash Patel said Sunday that significant progress has been made investigating a “large-scale” fraud operation in Minnesota that administration officials claim exploited federal food aid programs for children during the COVID-19 pandemic.

The US Health and Human Services Department stopped all federal child care funding to Minnesota on Tuesday following the allegations.

Deputy Secretary Jim O’Neill and Assistant Secretary Alex Adams said on US social media company X that they were also establishing new nationwide requirements for child care payments.

The department said payments managed by the Administration for Children and Families would require documentation and photographic proof or receipts before funds would be distributed to states.

Source Hiiraan Online

Somalia thanks allies after Israel recognizes Somaliland, draws global criticism

0

Thursday  1, January 2026 {HMC}   government on Wednesday thanked its international partners for what it called steadfast support for the country’s sovereignty and territorial integrity after Israel became the first nation to formally recognize Somaliland as an independent state, a move that has drawn widespread condemnation.

The Ministry of Foreign Affairs said allied countries had shown “principled engagement and unwavering solidarity” at a moment it described as critical for Somalia’s unity, following Israel’s announcement last week recognizing the self-declared republic in the northwest.

advertisements

“Your enduring partnership has been instrumental in reinforcing our national stability and advancing the cause of peace, security and prosperity for the Somali people,” the ministry said in a statement.
Israel’s decision, announced Friday, has been criticized by several governments, which argue it violates international law and risks further destabilizing the Horn of Africa, a region already strained by conflict, political fragmentation and humanitarian crises.

Somalia’s federal government considers Somaliland an integral part of its territory and has repeatedly rejected any unilateral recognition of the region’s independence. Mogadishu says decisions over sovereignty must come through internationally recognized processes and dialogue within Somalia.

The Foreign Ministry said Somalia places “great value” on its long-standing diplomatic relationships, adding that cooperation with partner nations remains central to maintaining peace and stability at both regional and global levels.

Israel has not publicly detailed the legal basis for its recognition, but analysts say the move could complicate relations with African and Arab states, many of which continue to back Somalia’s territorial unity.

Somaliland declared independence from Somalia in 1991 after the collapse of the central government, following years of repression under dictator Mohamed Siad Barre. Despite maintaining relative stability, its own security forces and democratic elections, Somaliland has failed to gain formal international recognition for more than three decades.

Source Hiiraan Online

Shaqaalaha Muruq-maalka Dekedda Boosaaso oo Shaqada Laga Joojiyay,

0

khamiis 1, January 2026 {HMC}   Waxaa saaka gabi ahaanba istaagtay shaqadii dekedda magaalada Boosaaso, kaddib markii shaqada laga joojiyay shaqaalaha muruq-maalka (xoog-xaraashka) ee ka howlgala dekedda, taas oo ay maamusho shirkadda DP World ee laga leeyahay Imaaraadka Carabta.

Shaqaalaha muruq-maalka ayaa sheegay in DP World iyo maamulka dekedda ay si buuxda u diideen in ay gudaha u soo galaan dekedda, taas oo keentay in shaqadii dekeddu istaagto saaka, isla markaana ay xirmato gebi ahaanba. Shaqaalahan ayaa ahaa kuwo nolol-maalmeedkooda ka raadsan jiray dekedda, kuna tiirsanaa shaqada maalinlaha ah.

Shaqaalaha ayaa sidoo kale ka cabanaya amar cusub oo ay DP World saaka soo rogtay, kaas oo faraya dhammaan shaqaalaha dekedda in ay soo iibsadaan dhar shaqo oo gaar ah oo laga doonayo in lagu shaqeeyo wixii hadda ka dambeeya, iyadoo qiimaha dharkaasi ay yihiin kuwa qaali ah.

Arrintan ayaa si weyn u saameysay shaqaalaha muruq-maalka, kuwaas oo sheegay in aysan awoodin bixinta lacagtaas, maadaama ay yihiin shaqaale maalin-joog ah. Waxay sidoo kale xuseen in aysan xiran karin koofiyadaha iyo qalabka kale ee la farayo, maadaama ay yihiin xamaali alaabta madaxa ku qaada, isla markaana cimilada kulul ee Boosaaso aysan u sahlayn isticmaalka dhar iyo qalab culus.

Qaar kamid ah shaqaalaha dekedda ayaa saaka la hadlay warbaahinta, iyagoo si adag u cambaareeyay tallaabada lagu joojiyay shaqadooda, waxayna ka digeen in arrintan ay keeni karto kacdoon shaqaale, qalalaase iyo dhibaato nololeed haddii aan xal degdeg ah laga gaarin.

Illaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay DP World ama maamulka dekedda Boosaaso, balse xaaladda dekedda ayaa weli ah mid kacsan, iyadoo la filayo in saacadaha ama maalmaha soo socda ay arrintan ka dhalan karaan tallaabooyin kale oo ay qaadaan shaqaalaha shaqada laga joojiyay.

 

{DAAWO MUQAALKA} CXD Oo la Wareegay deegaano Muhiim ah iyo Saraakiisha oo War Cusub soo Saartay.

0

Qamiis 1, January 2025 {HMC}  CXD Oo la Wareegay deegaano Muhiim ah iyo Saraakiisha oo War Cusub soo Saartay.

 

HOOS KA DAAWO MUQAALKA

{DAAWO MUQAALKA} Taiwan oo Soo Saartay Hanjabaad Cusub

0

Qamiis 1, January 2025 {HMC} Taiwan oo Soo Saartay Hanjabaad Cusub

 

HOOS KA DAAWO MUQAALKA

{DAAWO MUQAALKA} Waa Maxay Ujeedka Safarka Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ee Dhuusamareeb ku tagayo.?

0

Qamiis 1, January 2025 {HMC} Waa Maxay Ujeedka Safarka Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ee Dhuusamareeb ku tagayo.?

 

HOOS KA DAAWO MUQAALKA