Home Blog Page 210

{DAAWO MUQAALKA} Xiligan Itoobiya ma aqoonsan kartaa Somaliland?

0

Qamiis 1, January 2025 {HMC} Xiligan Itoobiya ma aqoonsan kartaa Somaliland?

 

 

HOOS KA DAAWO MUQAALKA

{DAAWO MUQAALKA} Maxeey ka faaideysaa Soomaaliya Hogaanka Qaramada Midoobay oo ay maanta qabatay?

0

Qamiis 1, January 2025 {HMC}  Maxeey ka faaideysaa Soomaaliya Hogaanka Qaramada Midoobay oo ay maanta qabatay?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA

Ra’iisul wasaaraha XJFS ayaa la filayaa inuu u safro magaalada Dhuusamareeb.

0

khamiis 1, January 2026 {HMC}  Ra’iisul wasaaraha xukumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ee caasimadda dowlad goboleedka Galmudug.

Ra’iisul wasaaraha ayaa halkaasi uga qeyb galaya xiritaanka shirka Heritage oo muddo saddex maalmood ah ka socda magaalada Dhuusamareeb.

Shirkaan ayaa lagu soo bandhigay arragtiyo la xiriira dowlad dhiska Soomaaliya iyo sidii loogu diyaar garoobi lahaa mustaqbal ifaya oo waxbadan taraha bulshada Soomaaliyeed.

Ra’iisul wasaaraha ayaa halkaasi ka jeedin doona khudbad uu uga hadlayo xaaladda guud ee dalka gaar ahaan arrimaha la xiriira sidii loo ilaalin lahaa midnimada bulshada SooSoomaaliyeed.

Sidoo kale, gaba gabad Shirka Machadka Heritage ayaa la filayaa in laga soo saaro baaqyo iyo farriimo loo diri doono dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Somalia Assumes Presidency of the UN Security Council for January 2026

0

Thursday  1, January 2026 {HMC} The Federal Republic of Somalia has officially assumed the rotating Presidency of the United Nations Security Council (UNSC) for the month of January 2026. This development marks a historic achievement in the nation’s diplomatic resurgence, placing Mogadishu at the helm of the world’s premier body responsible for maintaining international peace and security.

The assumption of this high-level leadership role signifies a major elevation in Somalia’s standing on the global stage. It reflects the growing influence of Somali diplomacy and the international community’s confidence in the Federal Government’s ability to steer complex geopolitical discussions. For the duration of the month, the Somali delegation will guide the Council’s agenda, presiding over all meetings and facilitating dialogue among the fifteen member states on critical issues affecting nations across the globe.

As the holder of the presidency, Somalia is tasked with managing the Council’s program of work, which includes overseeing debates, adopting resolutions, and issuing presidential statements. This leadership position comes at a time of dynamic global challenges, requiring steady guidance to navigate matters related to conflict resolution, peacekeeping operations, and adherence to international law.

Diplomats view this presidency as a clear indication that Somalia has fully reintegrated into the international system as an active and influential partner. It offers the Federal Government a unique platform to shape global decision-making processes and advocate for sustainable solutions to security crises, both within Africa and beyond. The tenure is expected to focus heavily on strengthening multilateralism and collective security mechanisms.

Source Sona

PM Hamza and Chinese Ambassador Discuss Joint Stance Against Israeli Interference; Beijing Reaffirms Support for Unity

0

Thursday  1, January 2026 {HMC}  Prime Minister Hamza Abdi Barre received the Ambassador of the People’s Republic of China to Somalia, Mr. Wang Yu, at his office to coordinate a unified response to the “naked interference” by Israel against the territorial sovereignty of the Federal Republic. The high-level discussions focused on strengthening the defense of mutual interests anchored in robust political and security cooperation.

During the meeting, Prime Minister Barre articulated the Federal Government’s absolute commitment to defending national interests and strictly protecting the unity and territorial integrity of the country. He further elaborated on the government’s continuous efforts to eradicate terrorist groups, ensuring the realization of comprehensive security and stability throughout the nation.

Ambassador Wang Yu formally affirmed that the People’s Republic of China maintains full support for the territorial unity of the Federal Republic of Somalia. He stated that Beijing is committed to respecting the independence and cohesion of the Somali people, declaring that China stands firmly alongside the Somali government and its citizens in preserving their nationhood.

Prime Minister Barre expressed deep gratitude to the Ambassador for China’s principled solidarity and its rapid diplomatic reaction to the Israeli interference. He specifically highlighted Beijing’s clear position demonstrated during the recent United Nations Security Council session, where Chinese diplomats defended the unity, sovereignty, and territorial integrity of the Federal Republic against external threats.

Source Sonna

Madaxweynaha DFS ayaa si cad u diiday in saldhig ciidan oo Israa’iil leedahay laga dhiso Somaliland.

0

khamiis 1, January 2026 {HMC} Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya mar walba ku taagnayd xallinta arrimaha Somaliland si nabad ah, islamarkaana aysan marnaba adeegsan xoog, ama cadaadis diblomaasiyadeed.

Madaxweynaha ayaa caddeeyay in wadahadal iyo is-afgarad ay yihiin waddada kaliya ee ay dowladda dooratay, si ay ugu qanciso Somaliland inay timaado miiska wadahadalka.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay in Dowladda Turkiga door muhiim ah ka ciyaartay dhexdhexaadinta wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland, isaga oo tilmaamay in kulamo muhiim ah ay dhaceen sanadkii 2015, isla markaana Turkigu weli wakiil ku leeyahay Hargeysa si loo sii wado dadaallada nabadeed.

Dhanka kale, Madaxweynaha ayaa sheegay in Soomaaliya ay weli haysato taageerada beesha caalamka, isagoo sheegay in adag loo cambaareeyay aqoonsi sharci-darrada ah oo ay Israa’iil siisay Somaliland.

Wuxuu ka digay in haddii Israa’iil Somaliland u adeegsato saldhig ay ka weerarto danaha dalal kale, ay taasi keeni doonto weerarro ka dhaca Somaliland iyo Soomaaliya, taas oo uu ku tilmaamay khatar weyn oo aan faa’iido u ahayn cidna.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa si cad u diiday in saldhig ciidan oo Israa’iil leedahay laga dhiso Somaliland ama in Falastiiniyiin si qasab ah halkaas loogu raro, isagoo sheegay in tallaabooyinkaas ay sii hurinayaan colaadda isla markaana si buuxda uga hor imanayaan rabitaanka dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Soomaaliya oo noqotey Madaxweynaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Madoobay.

0

khamiis 1, January 2026 {HMC} Maanta oo taariikhda ku beegan tahay 1da bisha Janaayo waxaa si rasmi ah Soomaaliya ula wareegaysa xilka Madaxweynaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Madoobay.

Xilkaan ayaa waxaa bil kasta isu beddela 15-ka xubnood ee Golaha, waxaana ka hor inta aanay Soomaaliya qaban hayay xubin kale oo ka tirsan Golaha Ammaanka.

Waajibaadka Madaxweynaha Golaha waxaa kamid ah dejinta ajandaha kulamada, guddoominta fadhi kasta oo rasmi ah iyo wadatashiyada gaarka ah, iyo matalaadda Golaha marka la soo saarayo war-murtiyeedyo ama bayaano.

Sidoo kale, guddoomiyuhu wuxuu door ka ciyaaraa fududeynta wada-hadallada, isku-dhawaanshaha aragtiyada kala duwan ee xubnaha, iyo ilaalinta dhexdhexaadnimada geeddi-socodka go’aan-qaadashada.

Tillaabadaan ayaa Soomaaliya u noqon doonta fursad lagu muujinayo horumarka dalka ee dhinaca diblumaasiyadda iyo in la soo bandhigo xaaladda amni ee Soomaaliya.

Golaha Ammaanka ayaa ka kooban 15 xubood oo shan ka mid ah ay joogta yihiin sida Mareykanka, Shiinaha, Faransiiska, UK, iyo Ruushka.

Dowladda Soomaaliya oo ka mahadcelisay taageerada dunida ee ilaalinta midnimada dalka

0

khamiis 1, 1 2026 {HMC}  Dowladda Soomaaliya ayaa u mahadcelisay dalalka iyo hey;adaha caalamiga ah ee sida xilkasnimada leh u hor-istaagay damaca Israel ee ay ku doonaayeen in ay aqoonai u fidiyaan Maamulka Soomaaliland.

Qoraal ay soo saareen Dowladda Soomaaliya ayaa mahadcelin ballaaran logu jeediyay dalalka iyo hay’adaha caalamiga ah ee taageeray madaxbannaanida, wadajirka iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Xukuumadda XFS oo ka duulaysa mas’uuliyadda dastuuriga ah ee saaran, waxa ay mudnaan gaar ah siisay adkaynta midnimada dalka, iyada oo qaadday tallaabooyin siyaasadeed,kuwo sharci iyo hab diblomaasi ah oo lagu ilaalinaayo wadajirka dhuleed iyo madax-bannaanida Qaranka oomaaliya.

DONALD TRUMP MA AQOONSAN DOONO SAMLILAND! Sabab?

0

Arbaco 31, Dec 2025 {HMC} Xogtan hoose waxaan ka helnay diblomaasiyiin New York ku sugan oo isuga jira Soomaali, Kuweit, Turkey iyo Algeria.

HORDHAC.

Marka hore waa in aan oggaanno in kiiska aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland aanu khuseynin Soomaaliya oo keliya.

Waxaa jira dalal tallaabadan u arka mid halis ku ah ammaankooda qaranka.

Kuwaas oo aan sinnaba u oggolaaneynin in Israa’iil ay soo degto marinka Baabal-mandab iyo nawaaxigiisa. Dalalkaasi waxaa ugu tun-weyn Masar, Turkiga, Sacuudiga, Jibuuti iyo dhamaan waddamada Gacanka Carabta.

HADALKA TRUMP EE AHAA MA AQOONSANEYNO SOMALILAND.

Durbadii uu soo baxay go’aanka Israa’iil ee aqoonsiga Somaliland, saddexda dal ee aan kor kusoo xusnay waxa ay soo saareen qoraallo cambaareyn ah oo lahjad adag ku qoran.

Intaas kuma ay joogsane waxaa qoraallo sidaas oo kale ah soo saaray, dhamaan ururrada ay dalalkaasi ku jiraan, sida: Midowga Afrika, Ururka Islaamka, Jaamacadda Carabta, Golaha Iskaashiga Khaliijka iyo IGAD.

Sida ay xaqiijnayaan ilaha aan xogtan ka helnay; Trump marnaba ma fileynin in dalal waaweyn -oo ku yaalla Bariga Dhexe, ahna bah-wadaag aanu Mareykanku sinnaba uga maarmin- ay sidaas adag uga soo horjeesan karaan aqoonsiga Somaliland.

Waana arrinta ku dhalisay in uu laba tallaabo dib u gurto oo uu sheego in aanu markiiba qorshaha Israa’iil qeyb ka noqoneynin.

SHIR-YARE DHINACA TELEFOONKA AH.

Madaxda dalalka kasoo horjeestay aqoonsiga Somaliland ee rumeysan in tallaabadaasi ay halis weyn ku tahay amaankooda-qaran, waxaa wel-wel ku abuuray booqashada uu markaas Washington ugu soo ambabaxay raysalwasaaraha Israa’iil.

Waxa ay is-tuseen suurtogalnimada in uu wax ka beddeli karo mowqifka Trump.

Madaxweynaha Turkiga, Madaxweynaha Masar, Dhaxal-sugaha Sacuudiga iyo Amiirka Qatar ayaa shir socday ku dhowaan saacad iyo bar telefoonka kula qaatay Madaxweynaha Mareykanka.

Madaxda ayaa Trump si faahfaahsan ugu sharraxay qaab-dhismeedka Soomaaliya, dhibaatada ka iman karta in Israa’iil ay fariisato Geeska Afrika iyo in iyaga oo ka duulaya sugidda amaankooda-qaran aanay aqbali karin in arrintaasi ay dhaqan-gal noqoto.

Trump oo is-barbar-dhig ku sameeyay faa’iidada Mareykanka iyo Israa’iil ugu jiri karta aqoonsiga Somaliland iyo khasaaraha labadooda soo gaari kara haddii ay Washington lumiso xulafo istaraatiiji ah oo ay ku leedahay Bariga Dhexe; ayaa madaxda u ballan-qaaday in Mareykanku aanu aqoonsan doonin Somaliland.

Madaxda afarta dal ee Trump la halday ayaa markii ay hubsadeen mowqifka Washington, waxa ay codsadeen in Mareykanku uu markan Israa’iil ku cadaadiyo in ay go’aankaas ka laabato.

Trump waa nin ganacsi, tallaabo kasta oo uu qaadayana waxa uu ka dhex-raadiyaa fursado kale.

Markiiba waxa uu oggoolaaday in uu Israa’iil xoogga ku saaro sidii ay aqoonsiga Somaliland uga noqon lahayd.

Hase yeeshee waxa uu dalbaday in hoggaamiyayaashan -oo midkoona aanu saxiixin heshiiska Abraham Accords- ay kusoo biiraan. Sacuudigu horey ayuuba u sheegay in haddii ay Israel ku adkeysato aqoonsiga Somaliland aanu saxiixi doonin Abraham Accords.

KULANKA TRUMP-NETANYAHU & FADHIGA GOLAHA AMAANKA
Dadaalka Turkiga, Masar, Sacuudiga iyo Qatar oo dhabarka ay ka taagan yihiin inta badan dalalka Afrika, Islaamka iyo Carabta ayaa sabab u noqday in Mareykanku aanu Veto u adeegsan fadhigii Golaha Amaanka, keliya ma ahee uu halkaas ka caddeeyo mowqifkiisa aqoonsiga Somaliland. Waana lagu guuleystay.

Qofkii aad u dhageystay hadalkii Trump uu ka jeediyay shirkii jaraa’id ee Netanyahu ay wada qabteen, waxa uu dhowr-jeer kusoo celceliyay in heshiiska Abraham Accords la ballaarin doono.

Taas oo loo arkayay in waddamada muhiimka ah ee la shiray qaarkood ay saxiixi karaan, haddii uu Trump ka dhabeeyo ballan-qaadkiisa.

Waxaa muuqata in Soomaaliya oo kaashaneysa saaxibbadeed iyo dalalka ay dan-wadaagta yihiin, ay qeyb ahaan guul-weyn oo diblomaasiyadeed kasoo hoysay dadaalkii maalmahan socday ee looga hortagayay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo daaha ka qaaday 3 Qodob oo Israa’iil ku qasabtay aqoonsiga Somaliland.

0

Arbaco 31, Dec 2025 {HMC}  Madaxweynaha Soomaaliya, Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa ku eedeeyay Israa’iil in ay Somaliland u adeegsatay xoojinta saameyn ay ku yeelato Geeska Afrika iyo soo barakicinta Falastiiniyiinta si dib u dajin loogu sameeyo gudaha Somaliland.

Madaxweynaha oo wareysi siiyay Kanaalka Aljazeera aya digniin ka bixiyay in tallaabadan ay carqaladeynayso xasilloonida ayna ku soo beegantay xilli xasaasi ah oo Soomaaliya ku jirto dadaallada midnimada qaran.

newsinsideIntii uu booqashada ku joogay Turkiga, halkaas oo uu kula kulmay Madaxweynaha Recep Tayyip Erdoğan, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in Israa’iil ay raadineyso saameyn ay ku yeelato marinnada muhiimka ah ee badda, islamarkaana ay ku qancisay Somaliland inay Aqbasho qaxooti Falastiiniyiinta, Ogolaato saldhig milatari Israa’iili ah, iyo Ku biirista Heshiisyadii Abraham.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shaaca ka qaaday in Israa’iil horey joogitaan qarsoodi ah ugu lahayd gudaha Somaliland, isla markaana aqoonsiga cusub uu kaliya yahay rasmiyeynta waxa muddo dheer ka socday meelaha qarsoon, ee uusan keenin xaalad cusub.

Waxa uu xusay in Israa’iil aysan horey xiriir istiraatiiji ah ama dan gaar ah uga lahayn Geeska Afrika, isla markaana Soomaaliya ay ka naxday waxa uu ugu yeeray faragelin aan loo baahnayn oo sharci darro ah ay usoo bareertay Israa’iil.

Madaxweynaha ayaa intaa ku daray in inta badan bulshada caalamka ay cambaareysay tallaabadan, taasoo timid xilli Soomaaliya ay horumar dhab ah ka samaynaysay heshiisiinta qaran iyo xasilloonida.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in shirkado gaar loo leeyahay ay si sharci darro ah uga hawlgalaan Somaliland.