Home Blog Page 211

Wararka Ugu waa Weeyn Soomaaliya iyo caalamka 31-12-2025

0

Wararka Ugu waa Weeyn Soomaaliya iyo caalamka 31-12-2025

 

 

HOOS KA DAAWO MUQAALKA

{DAAWO MUQAALKA} Nabadadon Cabdi Gardheere” Waxaan Hormud u Noqon dona Dagalka Kala qeeybinaya Midnimada Soomaaliya.”

0

Arbaco 31, Dec 2025 {HMC}  Nabadadon Cabdi Gardheere” Waxaan Hormud u Noqon dona Dagalka Kala qeeybinaya Midnimada Soomaaliya.”

 

HOOS KA DAAWO MUQAALKA

{DAAWO MUQAALKA} Gudoomiye Xasan ayaa dadka Reer Hiiraan ugu baaqay in Midnimo lagu Garab istaago Soomaaliya.

0

Arbaco 31, Dec 2025 {HMC} Gudoomiye Xasan ayaa dadka Reer Hiiraan ugu baaqay in Midnimo lagu Garab istaago Soomaaliya.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA

{DAAWO MUQAALKA} Cumar Faaruuq ”Israa’iil hadii mar ay Soomaaliya Faraha lasoo gashay waxaa Billaabanaa Burburkeeda

0

Arbaco 31, Dec 2025 {HMC}  Cumar Faaruuq ”Israa’iil hadii mar ay Soomaaliya Faraha lasoo gashay waxaa Billaabanaa Burburkeeda

 

HOOS KA DAAWO MUQAALKA

DUQA BALADWEYNE:- ”Magaalada aan hogaamiyo waxay Muujisay u diyaarsanaanta isku heynta Dalka.

0

Arbaco 31, Dec 2025 {HMC}  DUQA BALADWEYNE:- ”Magaalada aan hogaamiyo waxay Muujisay u diyaarsanaanta isku heynta Dalka.

{DAAWO MUQAALKA} Shiikh Cali Duqoow” Muslimiinta waa in Ay ka hortagaan Damaca Yahuuda.”

0

Arbaco 31, Dec 2025 {HMC}  Shiikh Cali Duqoow” Muslimiinta waa in Ay ka hortagaan Damaca Yahuuda.”

HOOS KA DAAWO MUQAALKA

 

Faah Faahin 10 Wariye oo ku dhimatay Shil dhacay.

0

Arbaco 31 Dec 2025 {HMC} Shil gaari oo aad u murugo badan oo ka dhacay Gobolka Gwombe ee dalka Nigeria ayaa sababay dhimashada toddoba wariye.

Shilka ayaa dhacay xilli gaari bas ah oo ay leeyihiin Ururka Wariyeyaasha Nigeria ee (NUJ) oo ku sii jeeday arooska xubin ka tirsan ururka, oo ka dhacayay Degmada Kaltungo ee isla gobolkaas.

Wararka aan helnay ayaa tilmaamaya in taayir ka mid ah baska uu ku qarxay deegaanka Kumo ee Degmada Akko, taas oo keentay in baska uu ka baxo waddada kuna rogmado bar bannaan ah.

Taliyaha Ciidanka Badbaadada Waddooyinka Federaalka (FRSC) ee Gobolka Gwombe, Samson Kaura, iyo Xoghayaha Warfaafinta ee Dowladda Gobolka Gwombe, Ismaila Misilli, ayaa sheegay in toddoba wariye ay ku dhinteen shilka, halka afar kalena ay soo gaareen dhaawacyo kala duwan.

Meydadka dadkii dhintay ayaa loo qaaday goob meydadka la dhigo ee Gwombe, halka kuwa dhaawacmayna ay hadda ku jiraan isbitaalka iyagoo helaya daaweyn.

Wariyeyaasha ku dhintay masiibadan waxaa ka mid ah: Madaxii Shaqaalaha iyo Kaaliyaha Gaarka ah ee ee guddoomiyaha, kana tirsanaa Xafiiska Marwada Guddoomiyaha, Zara Umar; Agaasimaha Hawlgallada ee NTA, Haruna Kwami; Agaasimiihii Sawir-qaadista ee NTA, Isa Lawan; iyo Agaasimihii waraiyaasha hawlgabka ahaa, Musa Tabra.

Guddoomiyaha Gobolka Gwombe, Inuwa Yahaya, ayaa diray farriin tacsi ah oo uu ugu diray qoysaska dadkii geeriyooday, wuxuuna u rajeeyay kuwa dhaawacmay caafimaad degdeg ah.

Itoobiya oo Barlamaanka Horgeeysay Heshiiskii Somaliland kaddib Aqoonsiga Israa’iil.

0

Arbaco 31 Dec 2025 {HMC} Kalfadhigii ugu horreeyay ee Baarlamaanka Itoobiya ayaa su’aalo culus lagu weydiiyay halka ay ku dambeeysay xaaladda heshiiskii is-afgarad (MoU) ee Itoobiya laba sano ka hor la saxiixatay Somaliland, kaddib markii Israa’iil ay si rasmi ah u aqoonsatay Somaliland.

Xildhibaanada ayaa intii uu socday fadhiga waydiiyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya, Gedion Timothewos, iyo ku-xigeenkiisa—kuwaas oo kulanka joogay—inay caddeeyaan halka uu marayo heshiiskaasi iyo mowqifka Itoobiya ee Somaliland, Si kastaba ha ahaatee, labada mas’uul midkoodna si toos ah ugama jawaabin su’aalaha la xiriiray Somaliland.

newsinsideHeshiiska is-afgarad ee la saxiixay laba sano ka hor ayaa loogu talagalay in Itoobiya, oo ah dal aan bad lahayn, ay hesho marin badeed, isla markaana ay suurtagal noqoto kiraysiga saldhig milatari oo xeebta ah.

Tallaabadan ayaa dhalisay khilaaf diblumaasiyadeed iyo mid amni oo xooggan oo dhexmaray Itoobiya iyo Soomaaliya, taas oo Dowladda Federaalka Soomaaliya ku tilmaantay xadgudub ka dhan ah madax-bannaanideeda iyo midnimadeeda dhuleed.

Ugu dambayn, Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa ku heshiiyay bayaan wadajir ah oo lagu xallinayo khilaafka ka dhashay heshiiskaasi ay Somaliland lagashay Ethiopia, iyadoo Turkigu dhexdhexaadiye ka ahaa.

Wasiirka Arrimaha Dibadda, Gedion Timothewos, oo ka gaabsaday inuu si toos ah uga jawaabo su’aalahaas, ayaa sheegay in Itoobiya ay xiriir wanaagsan la leedahay inta badan dalalka dariska la ah, isla markaana ay kawada shaqeeyaan arrimo badan, Isagoo ka hadlayay su’aalaha ku saabsan dekedaha iyo marin-badeedka, wasiirku wuxuu xusay in ku lug lahaanshaha Itoobiya ee Badda Cas ay si istiraatiiji ah ula jaanqaaddo danaha fog ee dalka.

Wuxuu u sheegay xildhibaanada in Itoobiya ay lumisay marin-badeedkeedii natiijada waxa uu ku tilmaamay qorshe muddo dheer la dejinayay, isagoo carrabka ku adkeeyay in xal degdeg ah uusan suurtagal ahayn.

{DAAWO SAWIRADA} Sida u dhacay Banaabaxii Baladweyne Manta.

0

Arbaco 31 Dec 2025 {HMC} Banaabax Xoogan oo lagu diidan yahay Go’aankii Yahuuda ay ku Aqoonsatay Dal Madax Banaan Maamulka Soomaaliland ayaa manta Lagu qabtay Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan.

 

Boqolaal dadweyne ah oo ubadan arday, Macalimiin iyo Maamulka heer Gobol iyo heer degmo ayaa iskugu soo baxay tartamaha Magaalada Baladweyne. iyaga oo garab istaag buuxo u Muujiyay dowlada Soomaaliya.

Maamulka iyo Aqoonyahnadii hadlay ayaa diiday in la kala qeeybiyo dadka Soomaaliyed. waxaana ay shaaciyeen in Soomaaliland ay kamid tahay Maamul Goboleedyada dalka Ka jiro.

Sawir Qaadi Shariif Muxudiin.

Somaliland oo u yeeratay wakiilkeedii Jabuuti

0

Arbaco 31 Dec 2025 {HMC} Somaliland ayaa sheegtay in ay u yeeratay wakiilkeedii u joogya dalka Jamhuuriyadda Jabuuti.Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Somaliland ayaa war ay baahisay ku sheegtay in wakiilka u jooga Jabuuti loogu yeeary wadatashi salka ku haya xiisadda diblumaasiyadeed ee ka dhalatay aqoonsigii Israa’iil siisay Somaliland dhawaan.

Somaliland faahfaahin intaa dheer kama bixin, hase yeeshee waxaa ay tallaabadani ku soo aadaysaa iyadoo Jabuuti ka mid noqtay dalalka ka soo horjeestay aqoonsiga Somaliland ka heshay Israa’iil.

Wakiilka Somaliland u jooga Jabuuti waa Cabdilaahi Maxmed Daahir Cukuse oo horey sidoo kale u soo qabtay xilal wasiirnimo.