Home Blog Page 212

{DAAWO SWIRADA} Banaabax Xoogan oo ka Socda Baladweyne.

0

Arbaco 31 Dec 2025 {HMC} Banaabax Xoogan oo lagu diidan yahay Go’aankii Yahuuda ay ku Aqoonsatay Dal Madax Banaan Maamulka Soomaaliland ayaa manta Lagu qabtay Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan.

 

Boqolaal dadweyne ah oo ubadan arday, Macalimiin iyo Maamulka heer Gobol iyo heer degmo ayaa iskugu soo baxay tartamaha Magaalada Baladweyne. iyaga oo garab istaag buuxo u Muujiyay dowlada Soomaaliya.

Maamulka iyo Aqoonyahnadii hadlay ayaa diiday in la kala qeeybiyo dadka Soomaaliyed. waxaana ay shaaciyeen in Soomaaliland ay kamid tahay Maamul Goboleedyada dalka Ka jiro.

 

Diyaaradda ugu halista badan dunida Oo duqaymaha ka fulisay Soomaaliya.

0

Arbaco 31 Dec 2025 {HMC} Maraykanku ayaa qaaday tallaabo cusub oo istiraatiiji ah oo uu ku xoojinayo joogitaankiisa millatari ee gobolka Kariibiyaanka. Markan ma aha in uu ciidammo u dirayo ama maraakiib dagaal, balse waa in uu adeegsanayo tignoolajiyada casriga ah ee diyaaradaha aan duuliyaha lahayn. Tallaabadan ayaa timid xilli ay sii kordhayaan caqabadaha la xidhiidha amniga xuduudaha iyo ka ganacsiga daroogada sharci-darrada ah, kuwaas oo u baahan habab casri ah oo wax-ku-ool ah.

Ciidamada Cirka ee Maraykanka ayaa xaqiijiyey in la kordhiyey tirada diyaaradaha drones-ka ah ee nooca MQ-9A Reaper, kuwaas oo ka hawlgala garoonka diyaaradaha Rafael Hernández ee magaalada Aguadilla, Puerto Rico. Sida ku xusan warbixinno rasmi ah iyo sawirro dhowaan la daabacay, hadda waxaa gobolkaas ka hawlgala toddoba diyaaradood oo noocan ah, taas oo si cad u muujinaysa kororka kormeerka hawada.

Dad badan marka ay maqlaan magaca MQ-9A Reaper waxa maskaxdooda ku soo dhacaysa sawirro la xiriira weerarro millatari oo ka dhaca goobaha colaadaha. Si kastaba ha ahaatee, hawlgallada Kariibiyaanka, diyaaraddan waxaa inta badan loo adeegsadaa dhinaca sirdoonka, kormeerka iyo ururinta xogaha amniga ee muhiimka ah.

Haddaba, waa maxay nooca diyaarad ee MQ-9A Reaper dhab ahaantii? Maxaase loogu tilmaamaa in ay ka mid tahay diyaaradaha ugu halista badan dunida?

Maxay tahay diyaaradda MQ-9A Reaper?
sXigashada Sawirka,Getty Images
Reaper waxaa lagu qalabeeyay kaamarado muuqaal dhaqdhaqaaq buuxa leh oo kormeeri kara goobo dhowr ah hal mar. Waxay leedahay qalab u oggolaanaya inay aragto walxaha xitaa xilliyada mugdiga oo ogaan kara markabyo yaryar oo badda maraya ama dhulka, xitaa marka ay isku dayaan in ay qarsoomaan.

Kariibiyaanka, tignoolajiyadani waxaa loo isticmaalaa kormeeridda waddooyinka badda ee loo isticmaalo tahriibinta daroogada. Reaper waxay garan kartaa doonyaha xawaaraha sare leh iyo markabyo yaryar oo isku dayaya inay dhuuntaan.

Dhammaan macluumaadka waxaa si toos ah loogu soo gudbiyaa shabakadaha sirdoonka Maraykanka, waxaana lala wadaagaa ciidamada kale iyo hay’adaha fulinta sharciga. Tani waxay fududeysaa go’aan qaadasho degdeg ah iyo isku-duwidda hawlgallo si loo qabto ama looga hortago falal sharci-darro ah.

 

Dhanka qaab-dhismeedka, Reaper-ku wuxuu leeyahay baalal ballacoodu gaarayo qiyaastii 20 mitir, halka miisaankiisa ugu sarreeya ee uu ku duuli karo uu yahay ku dhowaad 4,760 kiiloogaraam. Waxay leedahay matoor awood badan oo u saamaxa in ay ku duusho joog dhan 50,000 fiit, taas oo ka sarreysa inta badan diyaaradaha rayidka iyo qaar ka mid ah kuwa millatariga.

Mid ka mid ah astaamaha ugu waaweyn ee MQ-9A Reaper waa awoodda ay u leedahay in ay hawada ku sii jirto muddo aad u dheer. Inkasta oo ay ku xiran tahay qalabka iyo culayska ay sidato, diyaaraddan drone-ka ah waxay hawada ku jiri kartaa in ka badan 40 saacadood oo xiriir ah, iyadoo si joogto ah u samaynaysa kormeer iyo ururin xogeed. Tani waa faa’iido weyn marka loo barbar dhigo diyaaradaha leh duuliyeyaasha, kuwaas oo ay xaddidaha noocan ahi ku keenaan daal fara badan oo soo gaadha duuliyayaasha.

Maxay tahay sababta MQ-9A Reaper loogu tilmaamo inay tahay tan ugu halista badan?
sXigashada Sawirka,Getty Images

Sababta ugu weyn ee MQ-9A Reaper loogu tilmaamo “drone-ka ugu halista badan dunida” ma aha oo keliya awooddeeda sirdoon, balse sidoo kale waa awoodda uu ay leedahay in ay qaaddo hub. Inkasta oo hawlgallada Kariibiyaanka hadda ay ku egyihiin kuwo sirdoon ama kormeer, diyaaraddan waxaa loo qaabeeyey in ay qaaddo hub casri ah oo leh bartimaameed aad u sarreeya.

Dhanka farsamada, MQ-9A Reaper waxay qaadi kartaa gantaallo hagitaan casri ah leh, kuwaas oo beegsan kara bartilmaameedyo sax ah, iyaga oo aan waxyeello u geysan deegaannada ku xeeran. Awooddan ayaa ka dhigaysa aalad cabsi gelin leh marka ay timaaddo xaaladaha dagaal.

Lacago muhiim ah oo la siin jiray Soomaalida Minnesota oo la joojiyay

0

Arbaco 31 Dec 2025 {HMC} Maamulka Trump ayaa sheegay in uu joojiyay lacagihii daryeelka carruurta ee la siin jiray gobolka Minnesota, kaddib markii nin muxaafid ah oo caan ka ah YouTube uu ku andacooday in xarumo dhowr ah oo ay maamulaan muhaajiriin Soomaaliyeed ay qaadanayeen lacag dadweyne iyaga oo aan wax daryeel siin jirin carruurta.

Qoraal lagu daabacay barta X maalintii Talaadada, sarkaal sare oo ka tirsan Waaxda Caafimaadka iyo Adeegyada Aadanaha ee Maraykanka (HHS) ayaa soo xigtay muuqaalkan sida weyn u faafay, isaga oo sheegay in hay’addu ay beegsan doonto “khiyaanada cad ee u muuqata inay si baahsan uga jirto gobolka Minnesota.”

Mas’uuliyiinta dawladda ayaa beeniyay eedeymaha musuqmaasuq ee lagu sheegay muuqaalkaas.

Sugidda iyo fulinta shuruucda socdaalka ayaa dhawaan sii xoogeysatay gobolka, kaas oo ay ku suganyihiin tirada ugu badan ee muhaajiriinta Soomaaliyeed ee ku nool Maraykanka, kaddib markii Madaxweyne Donald Trump uu sheegay inuusan doonayn in ay dalka sii joogaan ama ay soo galaan. “Waxaan joojinay dhammaan lacagihii daryeelka carruurta ee loo diri jiray gobolka Minnesota,” ayuu ku dhawaaqay Ku-xigeenka Xoghayaha HHS, Jim O’Neill, qoraal uu ku daabacay bartiisa X maalintii Talaadada.

Waxa uu sheegay in go’aankan uu ka dambeeyo “eedeymo culus oo sheegaya in gobolka Minnesota uu tobannaan sano gudahood malaayiin doollar oo canshuur-bixiyeyaasha ay bixiyeen loo leexiyay xarumo daryeel carruur oo been abuur ah oo ku yaalla guud ahaan Minnesota.”

Waaxdu waxay sheegtay in ay hakineyso lacagaha sannad-laha ah oo dhan 185 milyan oo doollar oo la siin jiray gobolka, ilaa laga sameeyo baaritaan dhammaystiran oo ku saabsan xarumaha la tuhunsan yahay.

Madaxweynaha Soomaaliya” Israa’iil in ay usoo rarto colaadda Bariga Dhexe Dalkeena Sax Maaha.”

0

Arbaco 31 Dec 2025 {HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markale ku celiyay in aanay Dalka aqbali Karin in Israa’iil ay usoo rarto colaadda Bariga Dhexe iyo in si loosoo masaafuriyo Shacabka Falastiin ee dhulkooda jooga.

Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa intaas ku daray in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay dacwad ka dhan ah Israa’iil ka gudbisay kaddib markii ay horgaysay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo garab istaagay Midnimada Soomaaliya.

Waraysi uu siiyay Teleefishinka Aljazeera ayuu sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku sheegay in Somaliland ay tahay qayb kamid ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya sidaas awgeed aanay jirin wax gooni istaag ah oo ay haysato.

“Somaliland waxa ay muddo dheer oo ah 34 sano ay sheeganaysay gooni-isu-taag, balse hal dal oo dunida ka mid ah weligiis ma aqoonsan, waxa aan xoogga saarnaa Midowga & wadajirka si nabad ah, In Israa’iil ay dhahdo waan aqoonsanay si kedis ah waxa ay ahayd arrin lama filaan ah” ayuu yiri, MW JFS, Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxa uu carrabka ku dhuftay in saddex qodob oo culus in ay Israa’iil ku xirtay Somaliland, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayuu xusay in ay ka dhiidhisay arrintaas oo saamayn dambe ku yeelanaysa Dalka, waxaana uu saddexdaas qodob ku kala sheegay:-

1-In Dadka Falastiin ee dhulkooda ay ka barakicinayaan Yuhuudda la dul dejiyo.

2-In Saldhig Miltair ay ku yeellato Gacanta Cadmeed

3-In ay ku biirto Somaliland Heshiiska Abraham oo Dalalkii horay u galay xitaa dhaqangelin waayeen.

Soomaaliya ayaa garab istaag xooggan ku heshay shirkii Isniinta ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, waxa ay dalalkii ka qaybgalay ay dhammaantood dhinac istaageen Midnimada iyo wadajirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Imaaraadka oo loo qabtay saacado kooban in ciidamadeeda ay kaga saarto Yemen

0

Arbaco 31 Dec 2025 {HMC} Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa sheegay in uu kala baxayo ciidamadiisa harsan ee Yemen, kaddib markii Sucuudigu taageeray dalab ka yimid golaha xukuumadda Yemen oo ku dalbanayay inay dalka uga baxaan 24 saacadood gudahood.

Ku dhawaaqista Imaaraadka ayaa timid kaddib duqayn cirka ah oo ay fuliyeen isbahaysiga milatari ee Sucuudigu hoggaaminayo, kaas oo sheegay in uu beegsaday hub loo waday ciidamada gooni-u-goosadka ah oo Imaaraadku taageero, kuna sugnaa dekedda koonfureed ee Mukalla.

Dowladda Imaaraadka ayaa beenisay in hubkaas ay wadday, waxayna muujisay “in ay si qoto dheer uga xuntahay” eedeymaha ay Sucuudigu soo jeediyeen.

Sucuudiga iyo Imaaraadka ayaa ahaa xulafo dagaalka ka dhanka ah dhaqdhaqaaqa Xuutiyiinta ee Yemen oo Iiraan taageerto muddo tobannaan sano ah, balse khilaafka iyo is-jiid-jiidka u dhexeeya garabyada ay kala taageeraan ayaa sii ballaariyey kala fogaanshaha u dhexeeya labada dal

Suuriya oo Sameysatay lacag cusub.

0

Talaado 30 Dec 2025 {HMC} Madaxweynaha Suuriya, Axmed Sharac iyo guddoomiyaha bankiga dhexe ee Suuriya, Cabdulkaadir Xusriye ayaa maanta si wadajir ah usoo bandhigay lacagta cusub ee Suuriya , waxaana la beddelay lacagtii pound-kii hore ee Suuriya oo laga reebay labo eber.

Wuxuu sheegay Madaxweynaha Suuriya in halkii sawirrada qoyska reer Asad ee kaligii talisnimada lagu muujinayay hadda lagu beddelay waxyaabaha dabiiciga ah iyo taariikhda dhulka Suuriya , taa oo uu sheegay inay qofka muwaadinka ah siinayso xasillooni.

Hal sanno ayay ku qaadatay Sharac iyo maamulkiisa inay lacag cusub ku sameeyaan , halka Soomaaliya muddo ku dhow 40 sanno ah ay ku guul darraysatay inay wax lacag ah dalku yeesho illaa la soo gaaray gebi ahaanba dalka inuu noqdo mid aan lacag lahayn oo dollar laga adeegsado.

Hay’adaha maaliyadda Soomaaliya oo bankiga dhexe ku jirana waa kuwa keliya ka shaqeeya mashaariic iyo lacagaha deeqda ah , tani waa wax ay la qabaan dhammaan hay’adaha dawladda oo aan bixin wax adeeg muwaadin ah, marka laga soo tago canshuur iyo adeeg ay lacag ku helayaan, taa oo ka dhalanaysa hoggaamiyeyaasha inaysan waligoodba la imaan qorsheyaal qaran oo wax beddelaya ,waxaana la jooga marxalad fadhiid ah oo ay lumayaan hay’adaha dawladda.

Golaha wasiirrada Sacuudiga oo Mar kale u digay Imaraadka Carabta.

0

Talaado 30 Dec 2025 {HMC} Golaha wasiirrada Sacuudiga oo maanta uu shir guddoomiyay Boqor Salmaan, ayaa usoo jeediyay Imaaraadka Carabta inuu joojiyo taageerrada milatari iyo maaliyadeed ee uu siiyo ciidanka Golaha Koonfurta Yemen ee STC ama cid kasta oo ku sugan gudaha Yemen,

Ciidanka uu Imaaraadka taageerro oo doonaya in ay koonfurta Dalka Yemen kaga dhawaaqaan dawlad madax bannaan Yemen intee kale—

Saacado kadib markii Imaaraadka u hoggaansamay soo jeedintii Sacuudiga ee la xiriirtay in ciidanka Imaaraadka Carabta 24 saac gudahood laga saaro dhulka Yemen, taa oo Abu Dhabi ay aqbashay, sida ay baahisay wakaaladda wararka Sacuudiga ee SPA.

Warsaxaafadeed ka soo baxay shirka golaha wasiirrada Sacuudiga ayaa sidoo kale lagu sheegay in Sacuudiga uu qaadi doono dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si loo ilaaliyo ammaanka qaranka Sacuudiga, iyagoo mar kale xaqiijiyay ka go’naashaha Sacuudiga ee ilaalinta ammaanka, xasilloonida iyo madax-bannaanida Yemen.

Sacuudi ayaa sidoo kale muujisay taageero buuxda oo ay u hayaan hoggaanka madaxtinimada Yemen iyo dawladda la aqoonsanyahay.

Dowladda Soomaaliya ayaa la safatay Sucuudi Careebiy. kana soo horjeesatay Imaaradka.

0

Talaado 30 Dec 2025 {HMC} Dowladda Soomaaliya ayaa la safatay Sucuudi Careebiy. kana soo horjeesatay Imaaradka.

iyada oo xaqiijisey midnimada iyo wadajirka Yemen, tan oo looga soo horjeedo dhaqdhaqaaqa Imaaraadku taageero ee koonfurta Yemen.

Warkan oo lagu daabacay Wakaaladada Wararka Soomaaliya ee SONNA ayaa muujinaayo in markii ugu horeysay Dowladda Soomaaliya ay ka soo horjeesatay Imaaradka Carabta.

Ciidamada Kumaandooska Danab oo Fuliyay Howlgal qorsheysan.

0

Talaado 30 Dec 2025 {HMC} Ciidamada Kumaandooska Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa hawl-gal qorshaysan ka fuliyay deegaanka Hanjaleeley, oo qiyaastii 50-km dhanka waqooyi-bari uga beegan magaalada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose.

Hawl-galka, oo lagu bartilmaameedsanayey maleeshiyaadka Khawaarijta ee qorsheynayey falal amni-darro, ayaa Ciidamada Danab ku guuleysteen inay ka hortagaan dhagar argagixiso oo lagu aasayay miinooyin lagu waxyeelleyn rabay shacabka iyo ciidanka isticmaala waddooyinka deegaanka.

Intii uu hawl-galka socday ayaa waxaa dhacay isku-horimaad kooban, waxaana Kumaandooska Danab ay ku khaarijiyeen hal dhagarqabe oo kamid ahaa maleeshiyaadka Khawaarijta, halka mid kale nolosha lagu qabtay. Sidoo kale ciidamada ayaa gacanta ku dhigay mootadii ay ku soo socdeen iyo qaraxyadii ay damacsanaayeen in ay ku dhibaateeyaan dadka shacabka ah.

Ciidanka Danab ee Kumaandooska XDS ayaa sheegay in hawl-galkani uu ahaa mid si guul leh ku dhammaaday, islamarkaana si buuxda loogu fashiliyey qorshe khatar ahaa oo Khawaarijtu u qorsheynayeen gobolka Jubbada Hoose.

WARKAN WAXAA LAGU DAABACAY WARBAAHINTA DOWLADDA

{DAAWO SAWIRADA} Guusha Laga Gaaray Sahminta Shidaalka Soomaaliya oo Lagu soo Bandhigay Turkiga.

0

Talaado 30, Dec 2025 {HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay Türkiye Mudane Recep Tayyip Erdoğan ayaa magaalada Istanbuul ku qabtay shir jaraa’id oo wadajir ah, kaddib wada-hadallo qotodheer oo ay si gaar ah u yeesheen.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in iskaashiga Soomaaliya iyo Türkiye uu ku saleysan yahay difaaca midnimada iyo madax-bannaanida dalka, la dagaallanka argagixisada iyo dhismaha hay’ado dowladeed oo awood leh, kuwaas oo saldhig u ah horumar waara iyo kor u qaadista nolasha shacabka Soomaaliyeed.

“Annagoo ka shaqeyneyna ka difaacidda dalkeenna kuwa doonaya in ay ku xadgudbaan madaxbannaanidiisa iyo midnimadiisa, haddana taasi nagama mashquulineyso in aan ka shaqeyno soo saarista khayraadka dalka oo shidaalku ka mid yahay, si shacabkeennu u gaaro horumar iyo barwaaqo”.

Madaxweynaha Jahmuuriyadda ayaa ku dhawaaqay in natiijooyin rajo-gelin ah laga gaaray sahminta shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah ee badaha Soomaaliya, kuwaas oo astaan u ah marxalad cusub oo ku wajahan soo kabashada dhaqaale, abuurista shaqooyin iyo maalgelinta adeegyada aasaasiga ah.

“Sidii aan horay u ballan qaadnay waxaan u howl galnay sidii loo ogaan lahaa, loona soo saari lahaa khayraadka dalkeenna oo shidaalku ugu horreeyo. Alla mahaddii maanta waxaa noo bilaabatay miradhalka howshaas iyo ka faa’iideysiga khayraadka dalkeenna. Waa guul weyn oo taariikhi ah”.

“Guusha sahminta shidaalka waa guul qaran oo taariikhi ah, waxayna fure u tahay dib-u-dhiska qaranka iyo barwaaqada shacabka Soomaaliyeed.”

Madaxweynaha ayaa hoosta ka xarriiqay in kheyraadka dabiiciga ah uu leeyahay shacabka Soomaaliyeed, isla markaana maamulkiisu uu ku dhisnaan doono isla-xisaabtan, caddaalad iyo ilaalinta xuquuqda jiilasha mustaqbalka.

Dhankiisa, Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay Türkiye uga go’an tahay garab-istaagga Soomaaliya, isaga oo yiri:

“Waxaa naga go’an adkeynta madax-bannaanida Soomaaliya iyo in aan si wadajir ah uga shaqeyno ka faa’iidaysiga kheyraadkeeda si horumar dhab ah loo gaarsiiyo shacabka Soomaaliyeed.”

Ugu dambayn, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku nuuxnuuxsaday in Soomaaliya ay ku socoto waddo isku dheellitiran oo lagu difaacayo midnimada qaranka, lagula dagaallamayo argagixisada, isla markaana lagu xaqiijinayo horumar dhaqaale iyo nolol ka wanaagsan tan maanta.


DHAMMAAD