Home Blog Page 213

Madaxweynayaasha Turkiga iyo Soomaaliya oo shir jaraa’id oo wadajir ah qabtay kaddib wadahadallo ay maanta ku yeesheen Ankara.

0

Talaado 30, Dec 2025 {HMC}  Madaxweynaha Turkiga, Erdogan ayaa shir jaraa’id oo wadajir ah la qabtay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud , kaddib wadahadallo ay maanta ku yeesheen Ankara.

Erdogan ayaa shirkiisa jaraa’id ku sheegay;

•Inkasta oo ay jireen falal kala duwan oo carqaladayn ah oo ay sameeyeen dad aan doonayn in Soomaaliya dib u istaagto, haddana horumar weyn ayaa laga sameeyay dhinaca amniga Soomaaliya.

Iyadoo loo marayo tababarka iyo taageerada qalab ee aan siinay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ka socday Xarunta Tababarka Militariga Turkiga, waxaan muujinnay garab-istaaggeenna Soomaaliya ee dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

Waxaan ku faraxsanahay inaan aragno in ciidamada Soomaaliya ay dhawaanahan guulo la taaban karo ka gaareen dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

•Markabkeenna cilmi-baarista seismic-ka ah, Oruç Reis, ayaa sagaal bilood cilmi-baaris ka waday biyaha Soomaaliya.

Daraasadahaas, oo lagu sameeyay dhul-badeed dhan 4,465 kiiloomitir oo laba jibbaaran, waxay ahaayeen markii ugu horreysay ee taariikhda laga sameeyo Soomaaliya.

Marxaladdan, waxaan qorsheynaynaa inaan billowno hawlgallada qodista sannadka 2026. Hawlgalladani waxay wax weyn ku soo kordhin doonaan nolosha iyo daryeelka shacabka Soomaaliyeed.

Intaa waxaa dheer, Turkiga wuxuu howlgalkiisa ku daray laba markab oo cusub oo qodista badda si qoto-dheer, mid ka mid ahna wuxuu ka hawlgeli doonaa xeebaha Soomaaliya.

Waxaan hirgelinaynaa iskaashi taariikhi ah oo aan la leenahay Jamhuuriyadda Soomaaliya dhinaca hawada sare (space),iyadoo la raacayo heshiisyada aan saxiixnay, waxaan doonaynaa inaan Soomaaliya ka dhisno xarun hawada sare (spaceport), isla markaana aan abuurno kaabayaal la xiriira ridista dayax-gacmeedyada iyo teknoolajiyada satellite-ka.

•Ilaalinta midnimada iyo wadajirka Soomaaliya xaalad kasta waa arrin mudnaan gaar ah noo leh.

Go’aanka Israa’iil ay ku aqoonsatay Somaliland waa mid sharci-darro ah oo aan la aqbali karin.

Go’aamada la xiriira mustaqbalka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo gobolka Somaliland waa in loo qaataa qaab ka tarjumaya rabitaanka dhammaan dadka Soomaaliyeed.

Waxaan si adag u sii wadi doonnaa taageeridda midnimada dhuleed iyo wadajirka siyaasadeed ee Soomaaliya, waxaana garab istaagi doonnaa shacabka Soomaaliyeed inta uu geeddi-socodkani socdo.

Maraykanka oo dacwad kusoo oogtay dad u badan Soomaali oo loo haysto musuq-maasuq

0

Talaado 30, Dec 2025 {HMC} Waaxda Caddaaladda Mareykanka ayaa sheegtay in ay dacwad ku soo oogtay 98 qof oo lala xiriirinayo baaritaan ballaaran oo ku saabsan musuq-maasuq ka dhacay gobolka Minnesota, iyadoo la filayo in dacwado kale ay raacaan marka baaritaanku sii socdo.

“Waxaan dacwad ku soo oogay 98 qof oo la xiriira musuq-maasuq ka dhacay Minnesota. In ka badan 60 ka mid ah way qirteen dambiga. Kuwo kale ayaa imaan doona,” ayay waaxdu ku sheegtay qoraal ay ku daabacday barta shirkadda warbaahinta bulshada ee Mareykanka, X.

Mas’uuliyiinta federaalka ayaa dhowaan iftiimiyay bulshada Soomaaliyeed ee Minnesota, iyagoo ku tilmaamay inay xarun u tahay eedeymo la xiriira si khaldan loo isticmaalay malaayiin doolar oo ka mid ah dhaqaalaha federaalka ee adeegyada bulshada, halka ururrada u dooda xuquuqda muhaajiriinta ay sheegeen in baaritaanku si caddaalad-darro ah u bartilmaameedsanayo dadka Soomaaliyeed.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Mareykanka, Pam Bondi, ayaa sheegtay in 85 ka mid ah dadka ilaa hadda dacwadda lagu soo oogay ay yihiin dad asal ahaan Soomaaliyeed.

Agaasimaha FBI-da, Kash Patel, ayaa Axaddii sheegay in horumar la taaban karo laga gaaray baaritaanka ku saabsan howl musuq-maasuq oo “baaxad weyn” leh oo ka dhacay Minnesota, kaas oo looga faa’iideystay barnaamijyada gargaarka cunnada federaalka ee loogu talagalay carruurta intii lagu jiray cudurka COVID-19.

FBI-du waxay sheegtay in ay joojisay musuq-maasuq aad u weyn oo lacagtiisu gaareyso $250 milyan. Lacagtaas waxaa loogu talagalay in carruurta danyarta ah cunto lagu siiyo xilligii COVID-19, balse dad ayaa si qaldan u qaatay.

Dowladda Ingiriiska ayaa si rasmi ah u xaqiijisay mowqifkeeda ku aaddan taageerada buuxda ee midnimada Somaliya.

0

Talaado 30, Dec 2025 {HMC} Dowladda Boqortooyada Ingiriiska ayaa si rasmi ah u xaqiijisay mowqifkeeda ku aaddan taageerada buuxda ee midnimada, madax-bannaanida, iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo caddeysay inaan la aqbali karin tallaabo kasta oo lagu dhaawacayo qaranimada dalka Soomaliya.

Dowladda Ingiriiska ayaa mowqifkan ku muujisay qudbad heer sare ah oo uu Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ka jeediyay wakiilka Dowladda Ingiriiska u fadhiya QM, intii uu socday kulankii degdegga ahaa ee ay Soomaaliya dalbatay, kaas oo lagu falanqeeyay faragelinta dibadeed iyo khataraha ka dhan ah madax-bannaanida Soomaaliya.

Wakiilka Dowladda Ingiriiska ayaa si cad u sheegay in Boqortooyada Ingiriiska aysan sinaba u aqbali doonin kala-qaybin ama kala-go’ lagu sameeyo dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isagoo xusay in Soomaaliya tahay dal mideysan oo leh xuduudo caalami ah oo si buuxda loo aqoonsan yahay, isla markaana arrimaha gudaha ee dalka ay si gaar ah u quseeyaan shacabka iyo dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale, Dowladda Ingiriiska ayaa tilmaamtay in ay si qoto dheer ula socoto xaaladaha siyaasadeed, amni, iyo bulsho ee ka jira guud ahaan Soomaaliya, gaar ahaan gobollada waqooyi, ayna ka go’an tahay in ay taageerto dadaallada sharci iyo diblomaasiyadeed ee lagu ilaalinayo midnimada iyo madax-bannaanida dalka.

UK reaffirms its support for the sovereignty, territorial integrity, political independence, and unity of Somalia

0

Tuesday December 30, 2025 {HMC} The United Kingdom does not recognise Somaliland’s independence. We maintain that any change to Somaliland’s status depends on mutual agreement between Mogadishu and Hargeisa, through dialogue, and must conform to the purposes and principles of the UN Charter. We regret any action that risks undermining peace and security in the region.

Second, we urge further efforts between the Federal Government of Somalia and the Somaliland authorities to address differences and work together to face common threats. Al-Shabaab and other terrorist groups benefit from internal divisions in Somalia. We encourage Mogadishu and Hargeisa to pursue dialogue, with the support of regional bodies and the international community, to resolve these divisions.

Third, we underscore the importance of continued international support to Somalia’s security transition. Just this month, the Council renewed its authorisations for the African Union Support and Stabilisation Mission in Somalia (AUSSOM), extended the provision of United Nations logistical support to AUSSOM through UNSOS, and mandated a strong package of sanctions measures to degrade Al-Shabaab.

In September, the United Kingdom announced a contribution of over $30 million to support Somalia’s security transition, including $22 million to AUSSOM. As a close and longstanding partner of Somalia, we remain committed to supporting the Federal Government in its efforts to build a secure and stable Somalia. We urge greater international support to this end.

The UK also welcomes the peaceful conduct of the local elections in Mogadishu, and reaffirms its support for Somalia’s democratic aspirations. We encourage all political actors to work together to reach consensus on next steps.

Source sonna

Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay (UNSC) oo cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil ay siisay Somaliland

0

Talaado 30, Dec 2025 {HMC} – Inta badan xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay (UNSC) ayaa si adag u cambaareeyay aqoonsiga ay Israa’iil siisay Somaliland, kulan degdeg ah oo loo qabtay arrintaas awgeed, halka dalal dhowr ah ay sheegeen in tallaabadan ay sidoo kale yeelan karto cawaaqib halis ah oo ku saabsan Falastiiniyiinta ku sugan Gaza.

Mareykanka ayaa ahaa xubinta keliya ee ka mid ah 15-ka xubnood ee Golaha Ammaanka ee aan cambaareyn aqoonsiga rasmiga ah ee ay Israa’iil siisay Somaliland, intii lagu jiray kulanka degdegga ah ee ka dhacay magaalada New York, inkasta oo uu sheegay in mowqifkiisa ku aaddan Somaliland uusan wax isbeddel ah ku imaan.

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay, Abuukar Daahir Cismaan, ayaa ka codsaday xubnaha golaha inay si adag u diidaan waxa uu ku tilmaamay “fal gardarro” ay Israel ku kacday, taas oo uu sheegay in aysan oo keliya khatar ku ahayn kala-qaybsanaanta Soomaaliya, balse sidoo kale wiiqi karto xasilloonida guud ee Geeska Afrika iyo gobollada Badda Cas.

Danjire Abuukar Cismaan wuxuu sheegay in Soomaaliya ay ka walaacsan tahay in tallaabadan looga dan leeyahay hirgelinta qorsheyaal ay Israel doonayso inay si khasab ah ugu rarayso dadka Falastiiniyiinta ah ee Gaza si ay u gayso Somaliland.

Kulankan degdegga ah ayaa la isugu yeeray kaddib markii Israel toddobaadkii hore noqotay waddankii ugu horreeyay ee aqoonsada Somaliland inay tahay dowlad madax-bannaan.

14 ka mid ah 15-ka xubnood ee golaha ayaa cambaareeyay aqoonsiga Israel ee Somaliland, halka Maraykankuna uu difaacay tallaabada Israel balse uusan gaarsiinin heer uu raaco tusaalaha Israel.

{DAAWO MUQAALKA} “Madax lama hadleyno shacabka Somaliland waxaan leenahay dadkiina ka mid noqda” Macalin C/raxmaan

0

Talaado 30, Dec 2025 {HMC} “Madax lama hadleyno shacabka Somaliland waxaan leenahay dadkiina ka mid noqda” Macalin C/raxmaan

 

HOOS KA DAAWO MUQAALKA 

{DAAWO MUQAALKA} Wararka Ugu waa Weeyn Soomaaliya iyo caalamka 30-12-2025

0

Talaado 30, Dec 2025 {HMC} Wararka Ugu waa Weeyn Soomaaliya iyo caalamka 30-12-2025

HOOS KA DAAWO MUQAALKA 

 

{DAAWO MUQAALKA} Qaar mid ah shacabka Muqdisho oo si adag uga facliyay xadgubka ay Israa’iil ku heyso Soomaaliya

0

Talaado 30, Dec 2025 {HMC}  Qaar mid ah shacabka Muqdisho oo si adag uga facliyay xadgubka ay Israa’iil ku heyso Soomaaliya

HOOS KA DAAWO MUQAALKA 

Magaalada Dhuusamareeb Waxaa maaanta ka furmayo shirka sanadeedka Heritage .

0

Talaado 30, Dec 2025 {HMC}Magaalada Dhuusareeb Xarunta Dowlad-Goboleedka Galmudug waxaa maanta gelinka dambe lagu wadaa in uu ka furmo shir sanadeedka Machadka Heritage oo qorshuhu ahaa in uu furmo 28kii Bishaan balse dib ugu dhacay faragelinta Israa’iil ay Dalka ku samaysay darteed.

Shirkaan waxaa ka qaybgalaya Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Federaalka, Dowlad-Goboleedyada, madax xilal dalka kasoo qabatay, Bulshada Rayidka & Marti dhinacyo kala duwan ka socota oo lagu casuumay ka qaybgalkiisa.

Hal ku dhigga sanadkaan waa: Hannaanka ay Soomaaliya ku Gaari Karto Aragti Siyaasadeed oo Midaysan, Jaangoynta Yoolalka 2026-2030, waxaa madasha ka dhacaya doodo iyo aragti is dhaafsi ugu danbayn lagu soo dari doonno warmurtiyeedka.

Shirarka Machadka Heritage ayaa ka dhaca Gudaha Dalka iyo Dibaddiisa, waxaa lagu casuumaa dadka doorka firfoon ku dhex leh Siyaasadda & qodobada kale ee hoostaga ajandaha xiligaas looga hadlayo.

La soco wixii kasoo kordha

Maxey mucaaradka Israa’iil ka yiraahden aqoonsiga Somaliland ee Netanyahu.?

0

Talaado 30, Dec 2025 {HMC} Hoggaamiyaha mucaaradka Israa’iil, Yair Lapid, ayaa Isniintii si kulul u dhaliilay Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu, kaddib markii Israa’iil ay aqoonsatay Somaliland, iyo sidoo kale wada-hadalladii uu la yeeshay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, iyadoo uusan jirin qorshe cad oo ku saabsan Qasa, sida ay ku warantay wakaaladda wararka Turkiga ee Anadolu.

Netanyahu ayaa Jimcihii ku dhawaaqay in Israa’iil ay u aqoonsatay Somaliland inay tahay dal madax-bannaan, tallaabadaas oo Lapid sheegay in aanay ansixin xukuumadda ama golaha ammaanka Israa’iil.

“Israa’iil waxay ku dhawaaqday inay noqotay dalkii ugu horreeyay dunida ee u aqoonsada Somaliland dal madax-bannaan,” ayuu Lapid ka sheegay kulan ay yeesheen Guddiga Arrimaha Dibadda iyo Difaaca ee Baarlamaanka Israa’iil (sida lagu xusay muuqaal uu baahiyay Kanaalka baaralamaanka Israa’iil.

“Go’aankan ma ahayn mid ay qaadatay xukuumadda ama golaha ammaanka. Wuxuu ahaa go’aan ka yimid xafiiska ra’iisul wasaaraha,” ayuu raaciyay.

Lapid waxa uu sheegay in dalal badan, oo ay ku jiraan kuwo ka tirsan gobolka, ay cambaareeyeen aqoonsigaas, isaga oo intaas ku daray in tallaabada Israa’iil ay muujinayso maqnaanshaha siyaasad dibadeed oo mideysan isla markana cad.