Home Blog Page 216

Jawaabaha Adag ee laga bixiyay aqoonsigii Israa’iil ee Somaliland.

0

Sabt 27 Dec , 2025 {HMC} Dawladda Soomaaliya ayaa si adag uga hor timid aqoonsiga ay Israa’iil aqoonsatay. Warsaxaafadeed laga soo saaray kulan degdeg ah oo uu yeeshay golaha wasiirrada ee xukuumadda federaalka ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in “midnimada iyo madax banaanida dhuleed” aan gorgortan laga geli karin.

Xukuumadda federaalka ee Soomaaliya waxay “si cad oo aan leexleexad lahayn ugu gacan sayraysaa weerarka ulakaca ah ee lagu soo qaaday madax-banaanideeda iyo talaabada sharci darrada ah ee Israa’iil ay si la soo dhoodhoobay ugu aqoonsanayso gobolka waqooyi ee Soomaaliya” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Waxay xukuumaddu intaa ku dartay in Somaliland ay tahay qayb ka mid ah Soomaaliya, ayna qaadayso talaabooyinka lagama maarmaanka ah ee diblomaasiyadda, siyaasadda iyo talaabooyin xagga sharciga ah.

Dawladda Soomaaliya ayaa si adag uga hor timid aqoonsiga ay Israa’iil aqoonsatay. Warsaxaafadeed laga soo saaray kulan degdeg ah oo uu yeeshay golaha wasiirrada ee xukuumadda federaalka ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in “midnimada iyo madax banaanida dhuleed” aan gorgortan laga geli karin.

Xukuumadda federaalka ee Soomaaliya waxay “si cad oo aan leexleexad lahayn ugu gacan sayraysaa weerarka ulakaca ah ee lagu soo qaaday madax-banaanideeda iyo talaabada sharci darrada ah ee Israa’iil ay si la soo dhoodhoobay ugu aqoonsanayso gobolka waqooyi ee Soomaaliya” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Waxay xukuumaddu intaa ku dartay in Somaliland ay tahay qayb ka mid ah Soomaaliya, ayna qaadayso talaabooyinka lagama maarmaanka ah ee diblomaasiyadda, siyaasadda iyo talaabooyin xagga sharciga ah.

Waxaa kale oo si adag uga fal celiyey xoghayaha guud ee jaamacadda Carabta Axmed Abul Gheit, wasaaradda arrimaha dibadda Turkiga, iyo xukuumadda Sacuudiga. Intoodaba waxay sheegeen inay sharci darro tahay in loo aqoonsado Somaliland dal madax banaan.

Midowga Afrika ayaa isna qoraal uu soo saaray kaga hadlay walaaca uu aqoonsigaas ka qabo.

 

Golaha iskaashiga khaliijka ayaa isna xadgudub ku tilmaamay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland.

Goor sii horreysay markii uu soo baxay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland aya waxaa kulan degdeg ah ku yeeshay khadka telefoonka wasiirrada arrimaha dibadda ee Masar, Jabuuti, Turkiga iyo Soomaaliya, waxayna cambaareeyeen arrintaas.

Magaalooyinka Somaliland ayey wararku sheegayaan inay dabaaldegyo ka dheceen.

Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madax banaanida ee Somaliland ayaa xaqiijisay aqoonsiga Israa’iil, kadib kulan khadka fogaan-aragga ah (video conference) oo dhex maray Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo Raysal Wasaaraha Dalka Israel, Benjamin Netanyahu oo si rasmi ah u aqoonsaday Somaliland.

”Kulanka ayaa lagu muujiyey is-afgarad siyaasadeed, diblomaasiyadeed iyo istiraatiiji, iyada oo labada dhinac isla qireen xaqa ay Somaliland u leedahay aqoonsi buuxa iyo qaranimadeeda, isla markaana la isla meel dhigay in la bilaabo weji cusub oo yididiilo leh iyo xidhiidhka adag oo dhex mara labada dal” ayaa lagu yiri qoraal la soo dhigay barta xafiiska afhayeenka madatooyada Somaliland.

Jamhuuriyadda Somaliland ayaa tan iyo 1991 waxay raadinaysay aqoonsi caalami ah, hase yeeshee uma suurtogalin marka laga reebo dalal siyaabo gooni gooni ah u aqoonsaday.

 

 

Waa kee Siyaasiga miisaanka culus ee taageeray aqoonsiga Somaliland

0

Sabt 27 Dec , 2025 {HMC} Mid ka mid ah madaxda la soo doorto ee Maraykanka ee saamaynta leh ayaa madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ka dalbaday in aqoonsi heer waddan la siiyo Somaliland oo tan iyo 1991 baadigoob ugu jirto inay ictiraaf hesho.

Ted Cruz oo ah mudane ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ee uu madaxweynahana ka tirsan yahay, lagana soo doorto gobolka Texas wuxuu codsigiisa u diray qoraal uu ku bilaabay sidii Somaliland ay madaxbanaanideeda ku qaadatay 1960 iyo hadda halka ay taagan tahay.

“Somaliland waxay noqotay saaxiib muhiim u ah Maraykanka dhinaca amniga iyo diblomaasiyadda, taasoo ka caawinaysa Maraykanka horumarinta danaha amniga qaranka ee Geeska Afrika iyo meelo kaleba. Waxay ku taal meel istaraatiiji ah oo ah gacanka Cadmeed, iyadoo u dhow mid ka mid ah marinnada badda ee ugu mashquulka badan adduunka. Waxay leedahay ciidamo hubaysan oo tayo leh, waxayna gacan ka geysataa la dagaalanka argagixisada iyo hawlgalada burcad badeeda ee gobolka” ayuu yiri Cruz.

Isagoo ku salaynaya codsigiisa siyaasadaha Maraykanka ee gobolka ayuu soo qaatay Ted Cruz xiriirka Taiwan iyo Somaillamd u dhaxeeya, siu u uga dhaadhiciyo Maraykanka in Somaliland ay u noqon karto bahwadaag sax ah.

Dowlada Sacuudiga oo garab istaag u muujiyay Soomaaliya.

0

Sabt 27 Dec , 2025 {HMC} Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Boqortooyada Sacuudiga ayaa taageero buuxda u muujisay madax-bannaanida, midnimada, iyo nabadgelyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isla markaana si xooggan uga horyimid aqoonsiga ay Israa’iil siisay Somaliland.

Boqortooyada Sacuudiga ayaa ku tilmaantay tallaabada aqoonsiga Somaliland ee dowlada Israa’iil mid kaligi-talisnimo ah oo lid ku ah sharciga caalamiga.

Wasaaradda ayaa sidoo kale caddeysay in Sacuudigu uu diidan yahay isku day kasta oo lagu doonayo in la dhiso dowlad kale oo la mid ah Soomaaliya, taasi oo ay sheegtay in khilaafsantahay midnimada Soomaaliya.

Wasaaradu waxay muujisay taageerada uu Sacuudiga u hayo hay’adaha sharciga ah ee dowladda Soomaaliya, iyadoo sidoo kale muujisay in ay taagero u hayso xasilloonida dalka iyo dadka Soomaaliya.

War-saxaafadeedka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Boqortooyada Sacuudiga waxa uu muujinayaa sida Sacuudigu uga go’an yahay midnimada Soomaaliya, iyo sida uu uga soo horjeedo talaabo kasta oo halis gelin karta xasilloonida gobolka iyo xidhiidhka caalamiga ah ee Soomaaliya.

 

Mawqifka Xildhibaannada gobollada Waqooyi ee ka tirsa BFS ee Aqoonsiga Somaliland

0

Sabt 27 Dec , 2025 {HMC} Xildhibaannada Golaha Shacabka & Senatarrada Aqalka Sare ee kasoo jeeda Gobollada Waqooyi Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa laga sugayaa mowqifkooda la xiriira go’aanka Israa’iil ay ku sheegtay in ay ku aqoonsatay Somaliland.

Kulanka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay in Xildhibaannada la siinayo hadal jeedin la xiriirta arrintaan maadaama Israa’iil ay ku xadgudubtay madaxbannaanida iyo wadajirka Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Xubnahaan oo horay qayb uga ahaa soo jeedinta go’aankii Baarlamaanka uu ku meelmariyay qaraarkii ka dhanka ahaa Heshiiskii xadgudubka ku ahaa Dalka ee Somaliland la gashay Itoobiya ayaa markale indhaha ku jeedaan mowqifkooda.

Go’aanka Xildhibaannadaan kasoo jeeda Waqooyiga Soomaaliya waa muhiim marka la eego qaddiyadda ay Baarlamaanka xubnaha uga yihiin ee la xiriirta metalaadda Shacabka Somaliland kuna qaataan xilalka Dowladda Federaalka.

Madaxweyne Donald Trump oo sheegay in uusan aqoonsan doonin Somaliland

0

Sabt 27 Dec , 2025 {HMC} Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo wax laga weydiiyay hadalkii kasoo yeeray Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil oo ahaa in uu aqoonsiga uu ku dhawaaqay ee Somaliland uu la wadaago Trump ayaa si cad uga hor yimid in uu dhankiisa aqoonsanayo kuna raacayo Netanyahu.

Isaga oo Waraysi siiyay The Post waxa uu Donald Trump si aan daah ku jirin ula soo booday in uusan ku mowqif ahayn Ra’iisul Wasaaraha Yuhuudda Benjamin Netanyahu, waxa uu wax lala yaabo ku tilmaamay sababta go’aankaan ku dhalisay.

Donald Trump oo ku sugnaa xiligaas goobtiisa golf-ka ee West Palm Beach ayaa fudud u dhahay “Ma aqoonsan dooni Somaliland, Miyaad dhab ahaan u ogtahay waxa ay tahay Somalilalnd? Waxa aan u baahanahay in aan daraaseeyo.”

Hadal uu baahiyay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil waxa uu ku sheegay in uu Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump u gudbin doonno in Somaliland ay ku biirto Heshiiska Abraham oo ay ku jiraan Dalal badan oo Carbeed kaas oo dhaqaaqi waayay ama socon waayay.

Midowga Afrika oo ka soo horjeestay go’aankii ay Israa’iil ku aqoonsatay Somaliland.

0

Jimco 26 Dec , 2025 {HMC} Midowga Afrika ayaa ka soo horjeestay go’aankii ay Israa’iil ku aqoonsatay Somaliland , iyadoo warsaxaafadeed ka soo baxay guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf, lagu sheegay :

“Guddoomiyaha Guddiga Maxamuud Cali, wuxuu si adag u diiddan yahay wax kasta oo hindise ama tallaabo ah oo lagu doonayo in Somaliland loo aqoonsado dal madax-bannaan, isagoo xusuusinaya in Somaliland ay weli tahay qayb aan ka go’ayn Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Isku day kasta oo lagu wiiqayo midnimada, madax-bannaanida, iyo dhul-weynaha Soomaaliya wuxuu ka hor imanayaa mabaadi’da aasaasiga ah ee Midowga Afrika, wuxuuna abuuri karaa tusaale khatar ah oo saameyn ballaaran ku yeelanaysa nabadda iyo xasilloonida guud ahaan qaaradda.

Guddoomiyaha wuxuu mar kale xaqiijinayaa sida aan leexleexad lahayn ee Midowga Afrika uga go’an tahay ilaalinta midnimada, madax-bannaanida, iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, sidoo kale wuxuu si buuxda u taageerayaa dadaallada ay wadaan hay’adaha dowladda Soomaaliyeed ee lagu xoojinayo nabadda, lagu adkaynayo hay’adaha dowliga ah, laguna horumarinayo maamul loo dhan yahay.”

African Union opposed Israel’s recognition of the Somaliland administration.

0

Friday 26 Dec , 2025 {HMC} The Chairperson of the African Union Commission rejects any recognition of Somaliland and reaffirms the African Union’s unwavering commitment to the unity and sovereignty of Somalia.

The Chairperson of the African Union Commission, H.E. Mahmoud Ali Youssouf, has taken note, with deep concern, of recent developments relating to Somaliland.

In this regard, the Chairperson of the Commission unequivocally reaffirms the longstanding and consistent position of the African Union, grounded in the principles enshrined in the Constitutive Act of the African Union, in particular the respect for the intangibility of borders inherited at independence, as affirmed by the 1964 decision of the Organization of African Unity.

The Chairperson of the Commission firmly rejects any initiative or action aimed at recognizing Somaliland as an independent entity, recalling that Somaliland remains an integral part of the Federal Republic of Somalia. Any attempt to undermine the unity, sovereignty, and territorial integrity of Somalia runs counter to the fundamental principles of the African Union and risks setting a dangerous precedent with far-reaching implications for peace and stability across the continent.

The Chairperson of the Commission reiterates the African Union’s unwavering commitment to the unity, sovereignty, and territorial integrity of Somalia, as well as its full support for the efforts of the Somali authorities to consolidate peace, strengthen State institutions, and advance inclusive governance.

Türkiye denounces Israel’s Somaliland recognition as unlawful, destabilising

0

Friday 26 Dec , 2025 {HMC} Türkiye has condemned the Israeli move to recognise Somalia’s breakaway region of Somaliland as an independent state, calling it an unlawful move that undermines regional stability.

Foreign Ministry spokesperson Oncu Keceli said on Friday that the Israeli decision was “a new example of the Netanyahu government’s unlawful actions aimed at creating instability at regional and global levels,” adding that it constituted “clear interference in Somalia’s internal affairs”.

He said Israel’s step was part of what Türkiye views as expansionist policies and efforts to prevent international recognition of the State of Palestine.

Keceli stressed that decisions regarding the future of the Federal Republic of Somalia and the Somaliland region must be taken in a manner that reflects “the will of all Somalis”.

The condemnation came after Israel announced on Friday that it had officially recognised Somaliland as an independent and sovereign state.

Israeli Prime Minister Netanyahu said the move was made “in the spirit of the Abraham Accords,” the agreements signed in 2020 to normalise Israel’s relations with the United Arab Emirates, Bahrain, Sudan and Morocco.

Netanyahu also invited the Somaliland president to pay an official visit to Israel.

Reaffirming Ankara’s support for Somalia’s territorial integrity, Keceli said Türkiye, which attaches importance to peace and security in the Horn of Africa, would continue to stand by the Somali people.

Separately, Egypt also said on Friday that the foreign ministers of Somalia, Egypt, Türkiye and Djibouti have criticised the decision.

“The ministers affirmed their total rejection and condemnation of Israel’s recognition of the Somaliland region, stressing their full support for the unity, sovereignty and territorial integrity of Somalia,” Egypt’s foreign ministry said in a statement following a phone call between Egypt’s foreign minister and his Somali, Turkish and Djiboutian counterparts.

Somaliland declared independence from Somalia in 1991 but has never received international recognition.

While it operates as a de facto self-governing entity, Somalia considers the region an integral part of its territory and views any direct engagement with Somaliland as a violation of its sovereignty and unity.

SOURCE:TRT World and Agencies

Madashada samatabixinta Soomaaliya ayaa soo Saaray Baaq deg deg ah kadib Aqoonsigii israaill ee Somaliland.

0

Jimco 26 Dec , 2025 {HMC} Madashada samatabixinta oo ay ku mideysanyihiin hoggaamiyeyaasha siyaasadda ayaa ku baaqay midnimo qaran, iyagoo ka soo horjeestay go’aankii ay Israa’iil ku aqoonsatay Somaliland oo ay ku sheegeen inay meel ka dhac ku tahay madax bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

 

Dowladda Soomaaliya oo war rasmi ah kasoo saartay sheegashada Israa’iil ee aqoonsiga Somaliland.

0

Jimco 26 Dec , 2025 {HMC} Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si cad u xaqiijinaysaa in madax-bannaanideeda, midnimadeeda iyo wadajirkeed dhuleed aysan ahayn arrin gorgortan geli karta.

Dowladda Federaalka waxay si buuxda u oga soo horjeedaa tallaabo kasta oo sharci-darro ah oo lagu wiiqayo midnimada Soomaaliya, oo ay ku jirto isku day kasta oo lagu aqoonsanayo Somaliland, maadaama ay tahay qayb aan ka go’i kari kana mid ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Soomaaliya waxay adkaynaysaa in arrimaha la xiriira midnimada iyo qaab-dhismeedka dalka ay yihiin go’aan u gaar ah shacabka Soomaaliyeed, laguna xallin karo oo keliya waddooyin sharci, dastuur iyo si nabad ah.

Dowladda Federaalka sidoo kale waxay mar kale muujinaysaa taageeradeeda xuquuqda shacabka Falastiin iyo diidmadeeda gumaysi, barakicin iyo degsiimo sharci-darro ah.

Ugu dambayn Soomaaliya waxay ka digaysaa in tallaabooyinka noocan ahi khatar ku yihiin nabadda iyo xasilloonida gobolka, waxayna caddeyneysaa inay qaadi doonto dhammaan tallaabooyinka diblomaasiyadeed, siyaasadeed iyo sharci ee lagama maarmaanka ah si ay u difaacdo madax-bannaanideeda, midnimadeeda iyo xuduudaheeda caalamku aqoonsan yahay.