Home Blog Page 217

The Somali Government’s position on Israel’s recognition of Somaliland.

0

Friday 26 Dec , 2025 {HMC} The position of the Federal Government of Somalia on the recognition of Israel by Somaliland.

In an emergency meeting this evening, the Federal Government of Somalia categorically and unequivocally rejected the deliberate attack on its sovereignty and condemned Israel’s unlawful recognition of northern Somalia.

It also affirmed that the Somaliland region is an integral, inseparable, and inalienable part of the sovereign territory of the Federal Republic of Somalia. Full Statement

 

Golaha iskaashiga khaliifka ee GCC , ayaa ka soo horjeestay go’aanka ay Israa’iil ku aqoonsatay Somaliland.

0

jimco 26 Dec , 2025 {HMC}  Golaha iskaashiga khaliifka ee GCC , ayaa ka soo horjeestay go’aanka ay Israa’iil ku aqoonsatay Somaliland.

Xoghayaha guud ee Golaha Iskaashiga Khaliijka, Jassim Al-Budaiwi, ayaa warsxaaafadeed uu soo saaray, wuxuu yiri ;

“Oggolaanshaha ay ciidamada Israa’iil ku aqoonsanayaan Somaliland, waa tallaabo halis ah oo ka baxsan qawaaniinta caalamiga ah, isla markaana si cad u jebinaysa madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo midnimada dhulkeeda.”

Laakin wax ka badan kala bar waxay golahan qeyb ka yihiin heshiiska Abraham Accords , halka kuwa kalena ay xiriir la leeyihiin Israa’iil marka laga reebo Sacuudiga.

Maxay Israa’iil u aqoonsatay Somaliland?

jimco 26 Dec , 2025 {HMC} Israa’iil ayaa maanta ku dhawaaqday inay Soomaaliland u aqoonsatay dawlad madax bannaan oo ay la yeelanayaan xiriir toos.

Waxaa go’aankan ku dhawaaqay Netanyahu oo markii uu saxiixay aqoonsiga Israa’iil ee madax bannaanida Somaliland , wuxuu telefoon kula hadlayay madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro.

Netanyahu marka uu ku dhawaaqay go’aankan ay Israa’iil ku aqoonsatay Soomaaliland, wuxuu u mahadceliyay wasiirka arrimaha dibadda Israa’iil, Gideon Sa’ar , Madaxa Hay’adda sirdoonka Israa’iil ee Mossad, David Barnea , waxaana lagu ammaanay kaalintii ay ka qaateen horumarkan maanta la gaaray, tallaabo uu ku muujinayay in waqti laga shaqeyay go’aankan, markaa oo Netanyahu oo u rajeeyey shacabka Somaliland guul, barwaaqo, iyo xorriyad, sida lagu sheegay warsaxaafadeed uu xafiiskiisa sii daayay, wuxuuna inuu Israa’iil yimaado ku casuumay madaxweyne Cirro.

Madaxweynaha Soomaaliland, Cabdiraxmaan Cirro ayaa boggaadiyay go’aanka Netanyahu iyo Israa’iil, isagoo caddeeyay in dhinaciisa uu soo dhaweynayo.

Yaa fududeysay heshiiskan ? Goormuse soo bilowday?

Booqashadii u horreysay ee madaxweynaha Soomaaliland, Cabdiraxmaan Cirro ku tagay Dubai ayaa la xaqiijiyay inay ahayd waqtigii loo soo bandhigay xiriir ay Soomaaliland la yeelato Israa’iil , taa oo dhinaceeda Hargeysa ay ku beddelayso aqoonsi ay ka helayso Telaabiib.

Markaa madaxweyne Cirro ayaa la xaqiijiyay inuu aqbalay qorshahan oo ay xigi doonto inuu saxiixo heshiiska Abraham Accords oo ah barnaamij uu hindisay muddo xileedkiisii hore Trump, waxaa lagu sheegay fikrada barnaamijkan inuu leeyahay wiilka uu Trump soddoga u yahay ee Jared Kushner oo ah Yahuud xiriir wanaagsan la leh Trump, isla marka go’aanka aqoonsiga uu ka soo baxay dhinaca Israa’iil, wuxuu madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro ku dhawaaqay inay Somaliland diyaar u tahay ku biirista barnaamijka Abraham Accords.

Ma cadda qaab dhismeed kii hore ee heshiisyada barnaamijkan ay qeyb ka noqon karto Somaliland , maaddama Mareykanka uu mar kasta yahay dammaanad qada heshiiskan oo dal kasta oo ku biiraya uu saxiixa la yeelayo Mareykanka , sababta ay Israa’iil u dooneyso in Somaliland ay ku biirto Abraham Accords ayaa ah inay aqoonsi ama hab madax bannaan oo ay Soomaaliland kula shaqeyso inay ka hesho Mareykanka.

Illaa hadda si taxaddar leh ayaa loogu soo dhaweyay gudaha Somaliland , in muddo ka badan 30 sanno ay Somaliland helayso dal aqoonsada, kaasoo noqday Israa’iil.

Waxaa kaloo si deg deg leh usoo baxay Turkiga , Masar iyo Jabuuti oo ka soo horjeestay aqoonsiga ay Israa’iil aqoonsatay Somaliland, taa oo ay ku sheegeen talaabo sharci darro ah oo taabanaysa madax bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya , xilli aan laga aragti karin in xiriirka Israa’iil iyo Somaliland ku yeelanayo dalalkan gaar ahaan Turkiga iyo Jabuuti, xataa Masar.

Israa’iil waxay heshiiskan ka leedahay dano culus , mid ka mid ah ujeeddooyinka ay u doonaysay ayaa ah sidii ay joogitaan ugu yeelan lahayd Bab al-Mandab, marin muhiim ah oo xambaarsan ganacsi iyo tamar caalami ah, isla markaana muhiim u ah amniga Badda Cas iyo Kanaalka Suweys.

Tani waxay Israa’ll siinaysaa fursad ay kula socoto dhaq-dhaqaaqyada caalamiga ah ee gobolka.

Joogitaan ay Israa’iil ku yeelato Somaliland , ayaa sidoo kale waxay ka caawinaysaa inay xakameyso xuduudaha koonfureed ee dalalka Carabta, gaar ahaan Masar, Suudaan, iyo Yemen.

Waxa ay sidoo kale siinaysaa qalab cadaadis aan toos ahayn oo ku saabsan maraakiibta, amniga badda, iyo isu-dheellitirka gobolka.

Taageerada Israa’iil ee go’ni goosadka Somaliland waa wax ku jiray siyaasadeeda arrimaha dibadda, oo ka shaqeysa burburinta dalalka nugul iyo taageerida gobollo gooni goosadka ah.

Siyaasadani waxay u ogolaaneysaa Israa’iil inay dib u habeyso khariidadaha saameynta ee Geeska Afrika, iyadoo abuureysa xaalad u oggolaanaysa in xoogagga gobolka ay yeeshaan xulafado cusub.

Israa’iil waxay joogitaankeeda dhulka Somaliland u oggolaanaysa inay hesho daaqad sirdoon iyo milatari oo muhiim ah si ay ula socoto dhaq-dhaqaaqyada dalalka gobolka, oo ay ku jiraan Iran, Turkey, iyo dalalka Carabta ee Bariga Afrika.

Tani waxay xoojinaysaa awooda Israa’iil ee ilaalinta danaha qaran iyo amniga badda.

Aqoonsigu sidoo kale wuxuu gudbinayaa farriin cad, Israa’iil waxay isu muujinaysaa awood go’aamisa sharciyada dalalka, iyadoo ay jirto aamusnaan ka timid dalalka Carabta iyo qaaradda Afrika, taasoo keentay walaac dheeraad ah oo laga muujiyo saabsan ay wax door ah ugu lahayn mustaqbalka gobolka.

Maxaa la gudboon dawladda Federaalka?

Madaxweynaha Soomaaliya , Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la xaqiijiyay in ugu yaraan labo mar lagu wargeliyay qorshaha ay Israa’iil ku doonayso inay ku aqoonsato Somaliland , waxaa sidoo kale la xaqiijiyay qorshaha inay door ku leeyihiin labo dal oo kale , balse sirdoonka iyo diblomaasiyiinta Soomaaliya way ku guul darraysteen inay helaan faahfaahin iyo sida ay wax u socdaan ,saacadihii ka horreeyay ku dhawaqista go’aankan ma jirin wax tallaabooyin ay qaadi kartay Muqdisho.

Si gaar ah waxa sooyaalka galay waa in ugu yaraan saddex mar uu dharbo hoggaamintiisa wax u dhimaysa uu madaxweyne Xasan , kala kulmay Soomaaliland, midda koowaad waa markii isagoo isku diyaarinayo wadahadal uu la galo Somaliland uu madaxweyne hore ee Somaliland , Muuse Biixi heshiis ay badda ku soo galayso la galay Itoobiya , waxaa xigtay iskuday sannadkan dhacay oo isagoo Doho ku sugan lagu qanciyay madaxweynaha Somaliland , Cabdiraxmaan Cirro inuu dib u furo wadahadalladii ay Somaliland kula jirtay dawladda Federaalka , markaa Cirro waa uu aqbalay , sida ilo ku dhow kulankaa ay xaqiijiyay , balse waxaa xigtay waxay noqotay inuu heshiis la galay Israa’iil oo ugu dambeyn si rasmi ah u aqoonsatay.

Dhacdooyinkan waxay ku filanyihiin dayaca iyo tayo xumada ka jirta wasaaradda arrimaha dibadda iyo sirdoonka oo aan lahayn siyaasaddo ay kula jaanqaadaan isbeddelada ka dhacaya caalamka iyo gobolka.

Isla madaxweyne Xasan ma awood siiyo labadan hay’adood , mana jirto xulafo ku habboon marxaladaha dunidda iyo gobolka oo ay Soomaaliya heshiis kula jirto , waxay dawladda madaxweyne Xasan heshiis istaraatiji kula jirta Turkiga , kaa oo aan lahayn awood uu waqtigan ku maareeyo marxaladan oo kale .

Ururrada Midowga Afrika iyo Jaamacadda Carab , waxaa la aaminsanyahay inay si taxaddar leh heshiiska Somaliland iyo Israa’iil oo dalalka ururradan ku jira saameyn ku leh , gaar ahaana joogitaanka marinnada ugu muhiimsan ee badda cas ee Israa’iil iyo suragalinimada aan meesha laga saari karin ee Israa’iil ay usoo qaxiso Falastiiniyiinta dhulka Somaliland.

Golaha wasiirrada Soomaaliya ayaa shir saacad ka badan socda ka leh aqoosnsiga ay Somaliland ka heshay Israa’iil, halkaa oo la filayo mowqifka diidmada ee heshiiskan inuu ka soo baxo.

Maxaa la gudboon madaxweyne Xasan?

Madaxweyne Xasan, wuxuu ku jira daqiiqado muhiim, waxaa horyaal hal go’aan kaasoo ah inuu ku dhawaaqo gogol wadatashi iyo midnimo si loo wajaho marxaladan, waxa ay tahay inuu madaxweynaha ku dhaqaaqo waa in meesha laga saaraa khilaafaadka gudaha oo ay ugu horreyso dooddo ka taagan xilli doorashada dhacayso, taa oo sii jiritaankeeda xataa wax u dhimeysa hoggaaminta madaxweynaha iyo mowqif taageerro oo uu ka heli karo dhinacyada kale ee siyaasadda.

Waqtiga waa inuu oggaaladaa muhiimada ay dalka u leedahay inuu wax walba madaxweynaha dhulka so dhigo, isku dubnimo lagu wajaho xaaladan oo la raadiyo in Soomaaliya ka hesho taageero ururada caalamiga ah sida Midowga Afrika iyo Jaamacadda Carabta , tan u dambeysana madaxweyne Xasan, waa in uu dib u eegis ku samaysaa siyaasaddq arrimaha dibadda, iyadoo la sameynayo iskaashi istaraatiji ah oo ay lala yeelanayo dalalka gobolka iyo caalamka si loo ilaaliyo midnimada dhulka iyo danaha badda.

W/Q Iman Jamac

Jaamacadda Carabta oo si adag u cambaareysay hadalka Israel ee sheeganaya in ay aqoonsatay Somaliland.

0

jimco 26 Dec , 2025 {HMC} Jaamacadda Carabta ayaa si adag u cambaareysay hadalka Israel ee sheeganaya inay aqoonsatay madaxbannaanida Somaliland, iyadoo ku tilmaantay tallaabo kicin ah oo halis gelin karta amniga iyo xasilloonida Geeska Afrika.

Bayaan uu soo saaray Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta, Axmed Abul Qeyt, 26-ka Diseembar 2025, ayaa lagu sheegay in tallaabada Israel ay si cad u jebinayso xeerarka caalamiga ah, isla markaana ay ku xadgudbayso mabda’a midnimada dhuleed iyo madax-bannaanida dalalka, kuwaas oo ah tiir-dhexaadka Axdiga Qaramada Midoobay iyo xiriirka caalamiga ah.

Abul Qeyt ayaa xusay in go’aankan uu yahay faragelin toos ah oo lagu sameeyay arrimaha gudaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isla markaana uu ka tarjumayo siyaasadaha ballaarinta ee Israel, xilli ay weli socoto xadgudubyo joogto ah oo ka dhan ah shacabka Falastiin iyo dalalka deriska la ah.

Jaamacadda Carabta ayaa carrabka ku adkeysay in Somaliland ay tahay qayb ka mid ah dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo leh madax-bannaani iyo midnimo dhuleed oo caalamku aqoonsan yahay.

Waxay intaas ku dartay in aqoonsi hal-dhinac ah oo noocan ah uu yahay mid gebi ahaanba la diidan yahay, isla markaana halis gelinaya nabadda iyo xasilloonida heer gobol iyo mid caalami ah.

Ugu dambayn, Jaamacadda Carabta ayaa mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee ay u hayso Soomaaliya, iyadoo ku baaqday in la ixtiraamo sharciga caalamiga ah, lana iska ilaaliyo tallaabo kasta oo sii hurin karta khilaaf iyo qalalaase cusub oo ka dhaca Geeska Afrika.

Somaliland oo ka Hadashay Aqoonsiga ay ka heshay Israa’iil.

0

jimco 26 Dec , 2025 {HMC} Wasiirka Wasaaradda arrimaha dibadda Cabdiraxmaan Aadan Daahir Bakaal ayaa sheegay “in guusha aqoonsiga Somaliland ee maanta dhacday ay astaan u tahay ka miro dhalinta halgan uu mudo dheer qarankeenu ku jiray”.

Mr Cabdiraxmaan ayaa xusay in aqoonsiga uu Raysal wasaaraha Israa’iil Netanyahu u fidiyey Somaliland, ay ka turjumaysa “qiyamka iyo aragtida nabadeed ee aan wadaagno”

Wasiirka Wasaaradda arrimaha dibadda Cabdiraxmaan Aadan Daahir Bakaal ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa X ku sheegay in ay Somaliland diyaar u tahay ku biiridda heshiiksa Abraham.

 

War Deg Deg ah: Dawladihii Ugu horeeyay ee diiday aqoosiga Somaliland ay ka heshay Israel.

0

jimco 26 Dec , 2025 {HMC} Dr. Badr Cabdulcaati, Wasiirka Arrimaha Dibadda, Socdaalka iyo Arrimaha Muwaadiniinta Masar ee Dibadda, ayaa Jimcihii 26-ka Diseembar helay wicitaanno taleefoon oo ka kala yimid Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hakan Fidan Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkiga iyo Mudane Cabdulqaadir Xuseen Cumar Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Jabuuti.

Wicitaannadan ayaa diiradda lagu saaray xaaladaha khatarta ah ee dhawaan ka soo kordhay gobolka Geeska Afrika.

Wadahadalladu waxay si gaar ah uga hadleen arrimaha la xiriira aqoonsiga ay Israa’iil siisay gobolka Somaliland, iyadoo wasiirradu si buuxda u muujiyeen diidmo iyo cambaareyn cad oo ku aaddan aqoonsigaas.

Waxay adkeeyeen taageerada buuxda ee midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirnimada dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyagoo si buuxda u diiday tallaabo kasta oo hal-dhinac ah oo dhaawici karta madaxbannaanida Soomaaliya ama wiiqi karta saldhigyada xasilloonida dalka.

Sidoo kale, waxay muujiyeen taageero buuxda oo ay u hayaan hay’adaha sharciyeysan ee dowladda Soomaaliya iyagoo diiday isku day kasta oo lagu abuuri karo hay’ado ama maamullo is barbar socda oo ka hor imaanaya midnimada dowladnimada Soomaaliyeed.

Intii lagu jiray wicitaannada, waxaa sidoo kale la adkeeyay in aqoonsiga madaxbannaanida qaybo ka mid ah dhulka dalalka uu yahay tusaale khatar ah oo halis ku ah nabadda iyo amniga caalamiga ah, isla markaana ka hor imanaya mabaadi’da sugan ee sharciga caalamiga ah iyo Axdiga Qaramada Midoobay.

Waxaa la xaqiijiyay in ixtiraamka midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirnimada dhuleed ee dalalku ay tahay tiir aasaasi u ah xasilloonida nidaamka caalamiga ah, isla markaana aan la taaban karin ama laga leexan karin sabab kasta ha noqotee.

Waxaa sidoo kale si cad loo muujiyay diidmada dhammaan isku dayada lagu doonayo in lagu abuuro xaqiiqo cusub ama lagu sameeyo hay’ado isbarbar socda oo ka hor imaanaya sharciyadda caalamiga ah, kuna wiiqi kara fursadaha nabad xasillooni iyo horumar.

Ugu dambayn, waxaa si adag loo diiday qorshe kasta oo lagu barakicinayo ama lagu masaafurinayo shacabka Falastiin ee ka baxsan dhulkooda, arrintaas oo ay si buuxda u diidan yihiin inta badan dalalka dunida, qaab iyo nuxur kasta ha noqotee.

Warkan waxaa laga yaabaa in uu kaa nixiyo ama kaa farxiyo. Waxay ku xiran tahay dhanka aad jirto.

0

jimco 26 Dec , 2025 {HMC} Sarkaal ka tirsan ergada waddan “weyn” ku matasha Qaramada Midoobay ayaa ii sheegay in go’aanka Natenyahuu Somaliland ku aqoonsaday uu jawaab deg deg ah u yahay DOORASHADII shalay Muqdisho ka dhacday!

Wuxuu ii sheegay in waqti fog ay 1sraa’ii1 ka-baaraan-degeysay aqoonsiga Somaliland.

Laakiin qorshaha kuma jirin sidan deg-degta ah in ay arrintu u dhacdo.

Wuxuu xusay in doorashadii sida nabdoon uga dhacday Muqdisho ay qarracan ku abuurtay labada dhinac, isla markaana ay u arkeen mid ragaadin karta hayaanka aqoonsiga Somaliland.

Sarkaankan -oo markii aan weydiiyay in aan hadalkiisa warbaahinta ku baahin karo ii oggolaaday laakiin door-biday in aanan magaciisa xusin- ayaa si cad iigu sheegay in qodobbada ugu waaweyn ee ay Somaliland cuskato marka ay aqoonsiga raadineyso ay ugu sii muhiimsan yihiin:

1- In Soomaaliya/Muqdisho aanu amaan ka jirin, argagixiso ay ukumaha dhigatay, qaraxyada iyo dilkuna ay joogto ka yihiin, halistaasna laga yaabo in dunida oo dhan ay saameyso.

2- In Somaliland ay tahay dowlad dimuquraaddi ah oo dadku ay codkooda ku doortaan hoggaankooda, taasoo aan “100-ka sano ee soo socda suurto-gal ka noqon karin koofurta/Muqdisho, damiirkuna aanu aqbali karin in labadaas qolo ee dimuquraadiyadda iyo amaanka ku kala tagay, ay sii wada jiraan” Hadalkaas waxaa iska leh sarkaalka aan la sheekeystay.

Wuxuu hadalkiisa kusoo gebo-gebeeyay in Talaabiib iyo Hargeysaba indhaha ay ku hayeen doorashadii shalay Muqdisho ka dhacday, haddii ay fashilmi lahayd ama alShabaab ay weerarro lagu carqaladeynayo fulin lahaayeenna, ay hubanti ahayd in Natenyahuu aanu go’aankan deg-degtaas ku qaateen.

W/Q Jacfar Kukay

Dowladdaha Jabuuti, Masar iyo Turkiga oo ka soo Horjeestay.

0

jimco 26 Dec , 2025 {HMC} Turkiga, Masar iyo Jabuuti ayaa noqday dalalkii u horreeyay ee ka soo horjeestay go’aanka ay Israa’iil ku aqoonsatay Soomaaliland, iyagoo sheegay inay taageersanyihiin madax bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya , kaddib wadahadal ay telefoon kula yeesheen wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya.

Israel announces official recognition of Somaliland as independent state.

0

Friday 26 Dec , 2025 {HMC} Israeli Prime Minister Benjamin Netanyahu has announced that Israel has officially recognized the Republic of Somaliland as an independent and sovereign state, marking a significant diplomatic development in the Horn of Africa.

In a statement released on Thursday, Netanyahu said the recognition was formalized through a “joint and mutual declaration” signed together with Israeli Foreign Minister Gideon Sa’ar and Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi. He described the declaration as being “in the spirit of the Abraham Accords,” which were signed under the initiative of former US President Donald Trump.

Netanyahu said he congratulated President Abdirahman on what he described as a “historic declaration,” praising his leadership and commitment to promoting stability and peace. The Israeli prime minister also extended an invitation to the Somaliland president to pay an official visit to Israel.

According to Netanyahu, President Abdirahman welcomed the move and expressed appreciation for Israel’s role in counterterrorism efforts and advancing regional peace.

The Israeli prime minister further acknowledged the role of Foreign Minister Sa’ar, Mossad Director David Barnea, and Israel’s intelligence services in facilitating the recognition.

Netanyahu said Israel plans to “immediately expand” relations with Somaliland through broad cooperation in agriculture, health, technology, and the economy.

Israaiil oo ku dhawaaqday inay aqoonsatay Somaliland.

0

jimco 26 Dec , 2025 {HMC} Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqay in dowladdiisu ay aqoonsatay Somaliland inay tahay dal madax-bannaan oo xor ah, kaddib munaasabad qadka taleefoonka ah oo uu kula hadlay Madaxweynaha Somaliland iyo masuuliyiin kale oo sar-sare.

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil ayaa hadalkiisa ku bilaabay in dadka reer Somaliland ay xaq u leeyihiin aayo-ka-tashigooda, isagoo carrabka ku adkeeyay in xaqaasi yahay mid caalami ah oo mudan in si buuxda loo ixtiraamo.

Wuxuu sheegay in tallaabadan ay muujinayso taageerada Israa’iil ee rabitaanka iyo go’aanka shacabka Somaliland.

Intii ay munaasabadda socotay, Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Wasiirka Arrimaha Dibadda Sa’ar, iyo Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro ayaa wada saxiixay bayaan wadajir ah oo is-afgarad ah, kaas oo ku saleysan Heshiisyada Abraham (Abraham Accords), kuwaas oo lagu saxiixay hindisaha Madaxweyne Donald Trump.

Ra’iisul Wasaare Netanyahu ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha Somaliland, Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi, isagoo ku ammaanay hoggaamintiisa iyo dadaalkiisa ku aaddan horumarinta xasilloonida, nabadda, iyo wada-noolaanshaha. Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu Madaxweyne Dr. Cabdiraxmaan ku casuumay inuu booqasho rasmi ah ku tago Israa’iil.

Dhankiisa, Madaxweynaha Somaliland ayaa go’aanka Israa’iil ku tilmaamay “mid weyn oo taariikhi ah”, isagoo sheegay in aqoonsigani uu Somaliland u furayo fursado cusub oo dhanka xiriirrada caalamiga ah, iskaashiga diblomaasiyadeed, iyo horumarinta dhaqaalaha.

Dowladda Israa’iil ayaa shaacisay qorshe degdeg ah oo ay ku ballaarinayso xiriirka ay la leedahay Somaliland, iyadoo diiradda la saarayo iskaashi ballaaran oo ku saabsan beeraha, caafimaadka, tignoolajiyadda, iyo horumarinta dhaqaalaha, taas oo la filayo inay wax weyn ka beddesho mustaqbalka labada dhinac.