Home Blog Page 218

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud & Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo ku kulmaya Nairobi

0

jimco 26 Dec , 2025 {HMC} Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Dhiggiisa Kenya William Ruto iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa lagu wadaa in kulan saddex geesood ah ku yeeshaan Magaalada Nairobi.

Kulanka waxaa diiradda lagu saarayaa xiriirka saddexdaan dal ee xuduud wadaagga ah, Amniga, Mustaqbalka ciidamada jooga Soomaaliya iyo arrimo kale sida ay xaqiijiyeen ilo ku dhow shirkaan ka qabsoomaya Magaalada Nairobi.

Kahor kulankaan waxa ay Xasan Sheekh, William Ruto iyo Abiy Ahmed yeelan doonnaan kulamo gaar gaar ah oo ay uga wada hadlayaan xaaladaha soo kordhay iyo ujeedka shirkaan loo qabanayo oo ugu danbayn gudagalaya wadahadalkooda.

Shirkaan ayaa marka uu soo dhammaado kaddib waxaa lagu wadaa in laga soosaaro warmurtiyeed ka tarjumaya qodobada muhiimka ah.

Sidee Dunida looga arkay doorashada qof iyo codka ah ee ka qabsoontay Muqdisho?

0

jimco 26 Dec , 2025 {HMC} Dunida ayaa hadal heysa doorashadii qof iyo codka aheyd ee maanta ka qabsoontay magaalada Muqdisho, taasi oo lagu dooranayay Xubnaha goleyaasha deegaanka ee degmooyinka gobolka Banaadir.

Warbaahinta caalamiga ah ee ku kala yaalla qaaradaha caalamka, Afrika iyo dalalka Carabta ayaa baahiyay warbixinno u badan ammaan iyo boggaadin loo jeedinayo Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Telefishinka Aljaseera ayaa doorashada ku tilmaamay guul taariikhi ah, maadaama ku dhowaad lixdan sano laga joogo doorashadii ugu dambeysay oo qof iyo cod ah kana qabsoonto dalka.

Sidoo kale, Warbaahinta DW ee laga leeyahay dalka Jarmalka ayaa doorashada ku tilmaamay mid muhiim ah oo ka turjumeysa in Mustaqbalka Soomaaliya ifayo, maadama ay shaqeynayso dimuqoraadiyadda.

Sidoo kale, TRT World iyo TRT Afrika ayaa doorashada sheegay in ay tahay muujinaysa kalsooni sii kordheysa oo ay helayaan hay’adaha dowladda.

Dhankooda, Wargeyska Nation Africa ayaa doorashada ku tilmaamay mid soo afjaraya In ka badan 50 sano oo oo dalka ku jiray Nidaam doorasho dadban oo aysan shacabka awood u laheyn coddeyn.

Sidoo kale, Business World ayaa caddeysay in doorashada Muqdisho tahay xaqa codbixinta guud ee muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Warbaahinta Bloomberg waxay sidoo kale xustay in tillaabadani tahay mid xiiso galineysa maalgashadayaasha iyo daneeyayaasha caalamiga ah ee Soomaaliya.

Warbixinnada ay baahiyeen warbaahinta Caalamiga ah ayaa muujinaya in doorashada goleyaasha deegaanka tahay guul siyaasadeed

{DAAWO MUQAALKA} Baarlamaanka Carabta oo war kasoo saray doorashadii ka dhacday Muqdisho.

0

Jimco 26, Dec  2025 {HMC} Baarlamaanka Carabta oo war kasoo saray doorashadii ka dhacday Muqdisho.

 

HOOS KA DAAWO MUQAALKA

{DAAWO MUQAALKA} Mareykanka oo hoos u dhigay howlgalladiisa milatari ee Soomaaliya

0

Jimco 26, Dec  2025 {HMC}  Mareykanka oo hoos u dhigay howlgalladiisa milatari ee Soomaaliya

 

HOOS KA DAAWO MUQAALKA

{DAAWO MUQAALKA} Maxay tahay U jeedka Safar ee MW Xasan uu ku gaarayo dalka Kenya.?

0

Jimco 26, Dec  2025 {HMC} Maxay tahay U jeedka Safar ee MW Xasan uu ku gaarayo dalka Kenya.?

 

HOOS KA DAAWO MUQAALKA

Gobolka Shabeelaha Dhexe waxaa saakay ku dagaalamay ciidamada DeegaankaMacawiisley & ‘AS’ .

0

jimco 26 Dec , 2025 {HMC}  Deegaanno katirsan Gobolka Shabeelaha Dhexe gaar ahaan Maxaa-Siciid & Qaahira waxaa saakay ku dagaalamay ciidamada Deegaanka ee Macawiisleyda ah iyo ‘AS’ sida ay xaqiijiyeen ilo kala duwan oo deegaanka ah.

Qaar kamid ah Dadka deegaanka ee Macawiisleyda ah ayaa sheegay in ay saddex jeer iska caabbin xooggan kala hortageen ‘AS’ iyaga oo ugu danbayn dib uga baxay deegaannada qaarkood oo weli xabaduhu ka dhacayaan.

Waxa ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka dalbadeen in ay gacansiiyaan isla markaana u dirto ciidamo xoojiya kuwa deegaanka ee Macawiisleyda ah si ay dib ugu laabtaan saldhigyadooda sida ay hadalka u dhigeen.

Gobolka Shabeelaha Dhexe, waxaa ka socda abaabul iska soo horjeeda oo ay wadaan ciidamada Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Deegaanka ee Macawiisleyda ah oo dhinac ah iyo ‘AS’ oo halkaas xooggooda isugu geysay.

Waxaa dhinac socda duqaymo diyaaradeed oo lagu beegsanayo goobaha ay ku sugan yihiin ‘AS’ sida ay ku warrameen ilo kala duwan, deegaannadaan waxaa saamayn taban ku reebay xiisaddaan oo maalmahaan ka taagan.

Sarkaal katirsan CXDS oo ku dhintay qarax miino .

0

jimco 26 Dec , 2025 {HMC} Cabdiraxmaan Cabdullaahi oo ku magac dheeraa Sandhiiqo kana mid ah saraakiisha da’da yar ee Ciidamada Xoogga Dalka ayaa ku dhintay Qarax la sheegay in uu noociisu ahaa Miino oo ku haleelay Deegaanka Nambar 50 Gobolka Shabeelaha Hoose, Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed.

Sarkaalkaan waxaa uu kamid ahaa Dhallinyaro ku tababaray Xerada TURKSOM ee Magaalada Muqdisho, wararka ayaa sheegaya in miinadu haleeshay isaga oo dhaawac kasoo gaaray muddo kooban kaddib u dhintay sida ay sheegeen ilo kala duwan.

Maalmihii lasoo dhaafay waxa uu qayb ka ahaa howlgallada lagu xaqiijinayo amniga waddada isku xirta Afgooye iyo Marka, waxa uu kulamo kala duwan la qaatay ciidanka Federaalka, kuwo deegaanka ah iyo askarta Midowga Afrika ee AUSSOM si amniga loo xoojiyo.

Weli ma jiro war kasoo baxay Dowladda Federaalka iyo Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed oo lagu faahfaahiyay qaraxa sarkaalkaan uu ku dhintay, waxaa dhinaca kale socda howlgallo ay wadaan ciidamada Dowladda ee ka dhow aagga Nambar 50.

La soco wixii kasoo kordha

Vote counting begins in Mogadishu after first direct elections in half a century

0

Friday 26 Dec , 2025 {HMC} Somalia’s National Independent Electoral and Boundaries Commission (NIEBC) has announced the start of the vote-counting process following the conclusion of voting in the Banadir Regional Council elections on Thursday evening.

Speaking to national media shortly after polls closed, NIEBC Chairperson Abdikarim Ahmed Hassan said voting began at 6:00 a.m. and officially ended at 6:00 p.m., describing the process as calm, orderly, and well-organized across Mogadishu’s districts.

advertisements

“The voting process concluded peacefully this evening, and the counting of ballots will now begin,” Abdikarim said. “Observers, representatives of political organizations, civil society groups, and members of the international community will be present throughout the counting process.”
He noted that voter turnout was strong, with participation from all segments of society, including elders, youth, women, and political leaders, who cast their ballots smoothly throughout the day.

The chairperson emphasized that the Electoral Commission is committed to transparency and will provide regular updates to the public as the vote-counting progresses. He added that the process is expected to take a relatively short period of time.

In his remarks, Abdikarim expressed appreciation to the Somali Police Force for maintaining security, as well as election workers, national and independent media, voters, and all stakeholders who contributed to what he described as a successful and credible election.

Approximately 1,605 candidates are contesting 390 seats across Mogadishu’s district councils. Once elected, council members will select the mayor of Mogadishu.

The Banadir Regional Council elections mark the first one-person, one-vote polls held in Mogadishu in more than 50 years, covering all 16 districts of the capital.

Somalia last held direct elections in 1969 excluding the semi-autonomous Puntland region and the breakaway Somaliland months before the military coup led by Mohamed Siad Barre. Following the collapse of his regime in 1991 and years of civil war, the country adopted an indirect electoral system in 2004 to manage clan divisions amid ongoing insecurity.

The Mogadishu vote is widely viewed as a key test for the possible expansion of direct elections at the national level.

SOurce Hiiraan Online

Benadir Governor Commends Mogadishu Residents for Historic Turnout, Praises Security Forces for Peaceful Polls

0

Friday 26 Dec , 2025 {HMC}The Governor of Benadir and Mayor of Mogadishu has issued an official statement expressing deep gratitude to the residents of the capital following the successful conclusion of voting in the region’s historic local council elections. As polling stations closed across the sixteen districts, the Mayor hailed the day as a triumph for the city’s democratic aspirations, marked by a massive public turnout and a peaceful atmosphere.

In his address, the Governor acknowledged the determination of the Mogadishu electorate, who queued for hours to exercise their constitutional rights. He noted that the high level of participation sends a powerful message about the maturity of the city’s population and their readiness to directly elect their local representatives. The Governor emphasized that the patience and discipline shown by voters were crucial in ensuring the smooth conduct of the “one-person, one-vote” process, a system being implemented for the first time in decades.

A significant portion of the Mayor’s remarks was dedicated to the Somali security forces, whose performance he described as exemplary. He extended specific thanks to the police and other agencies for securing the capital and ensuring the election remained entirely incident-free. The Governor highlighted that the rigorous security plan, involving the deployment of thousands of officers, succeeded in creating a safe environment where citizens could vote without fear or intimidation.

Beyond maintaining order, the Governor praised the security personnel for their compassionate service to the community. He cited numerous instances where officers went beyond the call of duty to assist vulnerable groups, including the elderly and persons with disabilities. This humanitarian approach, he stated, ensured that every segment of society, regardless of physical challenges, was able to participate in this defining moment for the capital. The Mayor concluded that the collaboration between the public and the security forces was the cornerstone of the day’s success.

Source Sonna

Arab Parliament Speaker Welcomes Direct Elections in Benadir Region

0

Friday 26 Dec , 2025 {HMC}The Speaker of the Arab Parliament, Mohammed bin Ahmed Al-Yamahi, has welcomed the holding of direct elections for the Benadir Regional Council, describing them as a historic milestone and the first of their kind since 1969.

In a statement, Al-Yamahi said the elections represent an important step toward advancing state-building efforts, strengthening democracy and citizenship, and expanding public participation in governance.

He noted that the elections are expected to have a positive domestic impact, particularly by supporting Somalia’s ongoing efforts to enhance security and stability.

Al-Yamahi also stressed the importance of unity among all political forces, urging them to prioritize the country’s supreme national interests and to adopt dialogue and consensus as the preferred path forward.

The Arab Parliament Speaker reaffirmed the body’s full support for all efforts aimed at achieving lasting security and stability in Somalia, as well as realizing the aspirations of the Somali people for development and prosperity.

Source Sonna