Home Blog Page 2262

Dibad baxyo Rabshado Wato oo ka Socda Dalka Kenya

Talaado June, 25, 2024 {HMC} Magaalooyin badan oo katirsan dalka Kenya waxaa maanta oo Talaado ah ka socda dibad baxyo waa weyn, oo looga soo horjeedo hindse-sharciyeedka maaliyadda ee canshuurta lagu kordhinayo.

Dad badan ayaa isugu soo baxay magaalooyin waa weyn oo kuyaalla dalka Kenya ay ku jirto magaalada Caasimadda ee Nairobi, dadka ayaana diidan hindse-sharciyeedka dowladda dooneyso in ay ku kordhiso canshuurta.

Dadka dibad-baxyada dhigaya ayaa wata boorar ay ku xardhanyihiin hal ku dhigayo ay ku diidanyihiin sharciga lagu kordhinayo canshuurta, xilli dad badan ay sheegayaan in ay dareemayaan culeys dhanka nolosha ah iyo sicir barar.

Ciidamo badan oo isugu jira booliiska dibad-baxyada kahor taga iyo kuwa si gaar ah u tababaran ayaa la dhigay waddooyin badan oo kuyaalla goobaha ay dibad-baxyada ka socdaan, waxa ayna ciidamada kahor tagyaana in ay sii fidaan dibad-baxyada.

Maalmo kahor sidaan oo kale waxaa magaalooyin Nairobi ku jirto uga dhacay dibad-baxyo rabshado watay, kuwaa oo sababay khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray qaar kamid ah dadkii dibad-baxyada dhigayay.

Suudaan oo lagu sheegay halka carruurta ugu badan ay ku barakaceen caalamka

Talaado June, 25, 2024 {HMC}  Madaxa hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha carruurta ayaa sheegtay in Suudaan ay ku nool yihiin carruurta ugu badan oo barakacayaal ah caalamka, isla markaana aysan jirin wax carruur ah oo aadi karta iskuullo.

Catherine Russell oo ka tirsan UNICEF ayaa sheegtay ka hor booqasho ay ku tagtay dalkaasi in ku dhawaad ​​afar milyan oo carruur ah ay soo wajahday nafaqo darro ba’an, sagaal milyanna aysan helin wax ku filan oo ay cunaan.

Waxay sheegtay in ay jiraan caqabado haysata UNICEF iyo hay’adaha marka ay timaaddo gacan siinta carruurtaan.

Suudaan waxaa ka socda dagaal sokeeye oo u dhaxeeya milatariga iyo ciidamada RSF, waxaana ku barakacay malaayiin dad ah, halka kuwa kalena ay ku dhinteen.

Kenya oo ay ka bilowdeen bannaanbaxyo waaweyn

Talaado June, 25, 2024 {HMC} Magaalooyin badan oo ka tirsan dalka Kenya waxaa hadda ka socdo dibadbaxyo ay dhigayaan dadka kenyanka ah ee ka soo horjeeda hindse-sharciyeedka maaliyadda ee canshuurta lagu kordhinayo.

Nairobi, Mombasa, Nakuru iyo magaalooyin kale ayaa boqollaal dad ahi isugu soo baxeen waxaana ay wataan boorar ay ku xardhanyihiin hal ku dhigayo ay ku diidanyihiin sharciga lagu kordhinayo canshuurta xilli dad badan ay sheegayaan in ay dareemayaan culeys dhanka nolosha ah.

Dowladda ayaa ciidamo badan gaysay xaruumaha dowladda si ay uga hortagaan in rabshado ay dhacaan.

Kenya oo ciidamadii ugu horreeyay u dirtay Haiti

Talaado June, 25, 2024 {HMC} Dowladda Kenya ayaa sheegtay in qeybtii ugu horeysay ee ciidamo ka tirsan booliska caalamiga ah ay u dirtay dalka Haiti, si ay wax uga qabtaan kooxaha burcadda ah ee ka dagaalama dalka Haiti.

Ilaa afar boqol oo askari oo booliis ah ayaa la sheegay inay ka dhoofeen Nairobi iyagoo raacay diyaaradda Kenya Airways oo ku socotay Haiti.

Ku-dhawaad ​​kun askari oo booliis ah oo la diri lahaa ayaa waxaa lagu ansixiyay qaraar Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay bishii Oktoobar; balse si ku meel gaar ah ayey dib ugu dhacday markii maxkamada Kenya ay sharci darro ku tilmaantay.

Julian Assange oo lagu wado in la sii daayo Arbacada

Talaado June, 25, 2024 {HMC}  Aas-aasaha website-ka WikiLeaks, Julian Assange ayaa lagu wadaa in todobaadkaan uu qirto inuu danbi galay kuna xadgudbay sharciga basaasnimada Mareykanka, qirashadaas oo uu ku baddalanayo in laga sii daayo xabsiga uu ku xiranyahay ee dalka Ingiriiska, kaddibna dib loogu celin doono dalka uu u dhashay ee Australia.

Dacwad oogayaasha Mareykanka ayaa dukimintiyo ay Isniintii u gudbiyeen maxkamadda ku sheegay, in Assange oo 52 jir ah uu ogolaaday in uu qirto dambiga kaliya ee lagu soo oogay oo ah in uu maleegayay, in uu helo oo uu shaaciyo dukumeentiyada difaaca qaranka Mareykanka ee sirta ah.

Maxkamadeyntiisa ayaa aroornimada hore ee Arbacada berrito ah ka dhici doonta waqooyiga jasiiraddaha Mariana oo ee hoos yimaada Dowladda Mareykanka, kuna yaalla waqooyiga-galbeed ee badda Baasifigga.

Muddada todobada sano ee uu xirnaa ayaa la filayaa inuu loo xisaabiyo xabsi uu qaatay, kaddibna la fasaxo.

Website-ka WikiLeaks ayaa sannadki 2010-kii baahiyay boqollaal kun oo dukumintiyo sir qaran ah oo uu leeyahay millatariga Mareykanka.

Dukumintiyadaasi ayaa u badnaa kuwa millatariga Mareykanka ee dagaalladi Afghanistan iyo Iraq. Dusinti sirta milatari ee Mareykanka ee Wikileakes ayaa noqday kugu ugu ballaarnaa ee taariikhda Mareykanka.

Assange ayaa marki hore sannadki 2010-ki lagu xiray dalka Britain kaddib marki ay maxkamad ku taalla Sweden u jartay waaran lagu soo qabanayo, kaddib marki lagu eedeeyay danbi kufsi ah oo marki danbe laga laabtay.

Kaddib ayuu u cararay oo uu iska dhiibay safaaradda Ecuador ee London, kalkaas oo uu ku noolaa muddo 7 sano ah. Ugu danbeyntii sannadki 2019-ki ayaa laga soo xiray safaaradda, oo loo diray xabsiga Belmarsh ee magaalada London.

{DAAWO MUUQAALKA} Cilmi baarayaasha Soomaaliyeed shirka waxa ay kusoo bandhigayaan cilmi baarisyo

Talaado june,25 2024 (HMC)  Cilmi baarayaasha Soomaaliyeed shirka waxa ay kusoo bandhigayaan cilmi baarisyo

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Saraakiil Tabababar Loogu Xiray SSC Khaatumo.

Talaado june,25 2024 (HMC) Saraakiil Tabababar Loogu Xiray SSC Khaatumo.

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Gudoomiyaha degmada Xudur oo Amaro dul dhigay hay’adaha, ganacsatada, shirkadaha maxaliga.

Talaado june,25 2024 (HMC) Gudoomiyaha degmada Xudur oo Amaro dul dhigay hay’adaha, ganacsatada, shirkadaha maxaliga.

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn 25 06 2024

Talaado25 June 2024 {HMC}Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Mustaf ali adoow

Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO