Home Blog Page 2263

{DAAWO MUUQAALKA} “Xasan Sheekh waxaan leeyahay samir iyo iimaan ha kaa siiyo, Somalilandna waa la ictiraafayaaye”

Talaado june,25 2024 (HMC)  “Xasan Sheekh waxaan leeyahay samir iyo iimaan ha kaa siiyo, Somalilandna waa la ictiraafayaaye”

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Culimada Ahlusunna oo baaq Nabadeed udiray beelaha ku dagaalaya Gobolka Mudug.

Talaado june,25 2024 (HMC)  Culimada Ahlusunna oo baaq Nabadeed udiray beelaha ku dagaalaya Gobolka Mudug.

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} FAAH FAAHIN:.Nin Hooyadiis iyo abtigiis ku dilay Muqdisho

Talaado june,25 2024 (HMC)  FAAH FAAHIN:.Nin Hooyadiis iyo abtigiis ku dilay Muqdisho

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

Ciidamada Isra’il oo Gaza ku dilay 11 Falastiiniyiin ah

Talaado June, 25, 2024 {HMC} Saraakiisha caafimaadka Gaza ayaa sheegay in laba weerar oo cirka ah oo ay ciidamada Israa’iil Isniintii ku weerareen xarumo gargaarka bani’aadannimo lagu keydiyo, ay ku dileen ugu yaraan 11 qof oo Falastiiniyiin ah.

Mid ka mid ah gantaallada ayaa lagu dhuftay xarunt gargaarka bani’aadannimo lagu qeybiyo oo ku taalla magaalada Gaza, gaar ahaan aagga xerada qaxootiga ee Shati, weerarkaas ayaa waxaa lagu dilay saddex ruux.

Duqeynta kale ayaa lalal eegtay meel u dhaw degmada Bani Suheyla ee koofurta Marinka Gaza. Ugu yaraan siddeed qof ayaa la xaqiijiyay in lagu duley duqeyntaasi.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay Isra’il, oo horay loogu eedeeyay in ay beegsato xarumaha gargaarka bani’aadannimo, balse beenisay eedaahaasi, iyada oo ku eedeyso kooxaha kasoo horjeeda ee Gaza in ay ka dhax dagaallamaan meelaha ay rayidka degganyihiin.

Habeenimadii xalay, weerar cirka ah oo ay Israa’iil ka geysatay xarun caafimaad oo ku taal magaalada Gaza ayaa lagu dilay agaasimihii Ambalaaska iyo Waaxda Gurmadka ee Gaza, wasaaradda caafimaadka ee deegaanka ayaa sidaasi xaqiijisay. Milateriga Israa’iil ayaa sheegay in duqeyntaas ay ku dileen sarkaal sare oo ka tirsan ururka Xamaas.

Wasaaradda caafimaadka ayaa sheegtay in dilka Hani al-Jacfarawi uu ka dhigay tirada shaqaalaha caafimaadka ee ay dishay Israa’iil tan iyo 7-dii Oktoobar ilaa 500. Ugu yaraan 300 oo kale ayaa ilaa hadda la xiray.

{DAAWO MUUQAALKA} Hanjabaad Culus oo hawada loo Mariyey Israa’iil.

Talaado june,25 2024 (HMC) Hanjabaad Culus oo hawada loo Mariyey Israa’iil.

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

Soomaaliya oo ku dhaqaaqday tallaabo ka dhan ah ITOOBIYA kadib markii…

Talaado June, 25, 2024 {HMC} Safiirka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ayaa Isniintii ku eedeeyay ciidamada Itoobiya in ay si sharci darro ah ku soo galeen xuduudka ay wadaagaan, taasi oo keentay in ay iska hor yimaadaan ciidamada ammaanka ee deegaanka.

Ugu yaraan 3,000 oo askari oo Itoobiyaan ah ayaa ku sugan Soomaaliya, kuwaas oo qayb ka ah howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS ee dagaalka kula jira kooxda AS oo ka talisa qeybo badan oo ka mid ah Soomaaliya.

Illaa 5,000-7,000 oo askari oo kale oo Itoobiyaan ah ayaa ku sugan dhowr gobol, ayaga oo ku jooga heshiis ka baxsan ATMIS.

Si kastaba, cutubyo ka tirsan askarta Itoobiya ayaa Sabtidii usoo tallaabay gobolka Hiiraan, ayaga oo sheegay in ay darsayaan halis ka iman karta kooxda AS, waxayna dib uga laabtee Axaddii, sida ay sheegeen qaar ka mid ah odayaasha deegaanka.

Ciidamada Itoobiya iyo afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya ayaan weli jawaab ka bixin arrintan.

Danjire Abuukar Daahir Cusmaan ayaa sheegay in ‘dhacdooyinka’ Itoobiya ay ku qasabtay dalkiisa inuu dib u dhigo bixitaanka xigay ee ciidamada ATMIS ee bisha Luulyo oo hadda loo riixay September.

ATMIS ayaa waxaa la qorsheeyey in ay dalka ka wada baxaan 31-ka December, markaasi oo la filayo in lagu beddelo ciidamo kale oo ka tiro yar.

Xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa xumaaday bishii Janaayo ee sanadkan kadib markii Addis-Ababa ay heshiis badeed la gashay maamulka Somaliland ee waqooyiga Soomaaliya.

Heshiiska ayey Somaliland ugu ogolaatay dhul-badeed ay ka sameysato dekad iyo saldhig ciidan badeed, ayada oo dhaafsaneysa aqoonsi ay sheegtay inay ka heleyso Addis-Ababa, kaasi oo weli aysan xaqiijin Itoobiya.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo dhowaan wareysi siiyey wargeyska The Economist ayaa sheegay in dhul xeebaadkaas oo dhan 20x20km uu teedsanaan doono Lughaya illaa Bulhar, halkaasi oo Itoobiya ay ka dhisi doonto saldhig ciidamada badda ah.

Dalal badan oo caalamka ah ayaa teegeero buuxda u muujiyey Soomaaliya, oo 6-dii June xubin aan joogto aheyn ka noqotay Golaha Ammaanka ee QM.

Soomaaliya ayaa sidoo kale heshiis difaac la gashay Turkey kaasi oo dhigaya in Ankara ay ka ilaaliso cid kasta oo ku soo xadgudubta madax-banaanida iyo qarannimadeeda.

{DAAWO MUUQAALKA} Maroodi dal Afrika ku yaalla ku dilay Haweeney Mareykan ah oo Dalxiis ku jirtay

Talaado june,25 2024 (HMC) Maroodi dal Afrika ku yaalla ku dilay Haweeney Mareykan ah oo Dalxiis ku jirtay

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Tirada Xujeeyda sanadkaan Geeriyootay oo la Shaaciyey

Talaado june,25 2024 (HMC) Tirada Xujeeyda sanadkaan Geeriyootay oo la Shaaciyey

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

Mareykanka oo markale si adag ugu hadlay HESHIISKA Somaliland iyo ITOOBIYA

Talaado June, 25, 2024 {HMC} Dowladda Mareykanka ayaa mar kale diginin xooggan ka bixisay heshiiska badda ee ay galeen Itoobiya iyo maamulka Somaliland, waxayna taageero u muujisay madax-banaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Heshiiska oo la saxiixay horraantii Janaayo 2024, ayey Somaliland ugu ogolaatay dhul-badeed ay ka sameysato dekad iyo saldhig ciidan badeed, ayada oo dhaafsaneysa aqoonsi ay sheegtay inay ka heleyso Addis-Ababa, kaasi oo weli aysan xaqiijin Itoobiya.

Ku-simaha danjiraha Mareykanka ee Qaramada Madoobe Robert Wood ayaa mar kale ku celiyey sida Mareykanka uga walaacsan yahay xiisadda ka dhalatay heshiiskaas ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya.

“Saaxiibayaal, Maraykanku waxa uu weli aad uga walaacsan yahay xiisadda siyaasadeed ee u dhaxaysa Itoobiya iyo Soomaaliya, iyo saamaynta taban ee ay ku yeelanayso danaha amni ee ay wadaagaan,” ayuu yiri Wood oo shalay ka hadlay kulankii Golaha Ammaanka ee QM ee arrimaha Soomaaliya.

“Waxaan ku biiraynaa Midowga Afrika iyo saaxiibada kale ee caalamiga ah si aan ugu celino taageeradeena ku aadan madax-banaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya. Wadahadal diblamaasiyadeed ayaa ah dariiqa lagu dejin karo xiisadaha, waana dariiqa kaliya ee loo mari karo,” ayuu yiri Wood.

Robert Wood ayaa sidoo kale sheegay in ay muhiim tahay in xiisadaha gobolka aysan dib u dhigin dadaallada Soomaaliya ee ku aaddan hindisaha muhiimka ah ee dowlad-dhisidda ama ololaha dowladda ee lagu wiiqayo al-Shabaab.

“Waxa kale oo aad muhiim u ah in xiisadaha gobolku aanay faragelin qorshaynta iyo hawlgelinta hawlgalka ka dambeeya ATMIS. Ma qaadan karno halista abuurista daldaloolo amni oo khatar ah, ama kharashyada dheeraadka ah ee la xiriira isbeddel a guud oo lagu sameeyo dalalka ciidamada ku tabaruca.”

Digniinta Mareykanka ayaa imaneysa ayada oo Somaliland iyo Itoobiya aysan weli heshiis u bedelin is-afgaradkii ay gaareen, ayada oo 3 bil la dhaafay muddadii saddexda bil aheyd ee ay qabsadeen in ay heshiiska ku saxiixayaan.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo dhowaan wareysi siiyey wargeyska The Economist ayaa sheegay in dhul xeebaadkaas oo dhan 20x20km uu teedsanaan doono Lughaya illaa Bulhar, halkaasi oo Itoobiya ay ka dhisi doonto saldhig ciidamada badda ah.

Dalal badan oo caalamka ah ayaa teegeero buuxda u muujiyey Soomaaliya, oo 6-dii June xubin aan joogto aheyn ka noqotay Golaha Ammaanka ee QM.

Soomaaliya ayaa sidoo kale heshiis difaac la gashay Turkey kaasi oo dhigaya in Ankara ay ka ilaaliso cid kasta oo ku soo xadgudubta madax-banaanida iyo qarannimadeeda.

Dhacdo argagax leh oo ka dhacday degmada Dayniile ee gobolka banaadir kadib markii…

Talaado June, 25, 2024 {HMC} Dhacdo naxdin leh ayaa xalay laga soo weriyey degmada Deyniile ee gobolka Banaadir, kadib markii nin uu dilay Hooyadiis iyo Abtigiis.

Falkaan xanuunka badan ayaa ka dhacay xaafadda Warlaliska ee degmada Deyniile, waxaana geystay nin dhimirka ka xanuunsan.

Goobjoogayaal Warbaahinta uga waramay dhacdadaan ayaa sheegay in ninkaas uu dilka u adeegsaday Toorey, isla markaana uu Hooyadiis gowracay.

Abtigiis oo isku dayey inuu duqda badbaadiyo ayuu isna dilay, kadibna waxaa la sheegay inuu ag-seexday meydka Hooyadiis iyo Abtigiis.

Dadka deegaanka ayaa ku soo baxay guriga uu falkaani ka dhacay, kadibna waxaa la qabtay ninkii, iyadoo loo gacan geliyey hey’adaha ammaanka.

Sida ay noo sheegeen dadkii deriska la ahaa, ninka ayaa la’aa dhimirka iyo dhegaha, waxaana adkaatay in la ogaado sababta ku kaliftay inuu sameeyo falkaan argagaxa badan.

Ciidamada ammaanka ayaa sida la sheegay ninkii u kaxeeyey xarunta dembi baarista booliska ee CID-da, halkaas oo baaritaan adag uu uga bilowday.

Sidoo kale meydadka labadii marxuum ee uu dilay ayaa la geeyey CID, waxaana socda baaritaan lagu ogaanayo sababta ka dambeysay in ninkaasi uu halgoob ku dilo Hooyadiis iyo Abtigiis.