Home Blog Page 2264

Aas-aasaha website-ka WikiLeaks oo lagu wado in Arbacada laga sii daayo xabsiga.

Talaado June, 25, 2024 {HMC} Aas-aasaha website-ka WikiLeaks, Julian Assange ayaa lagu wadaa in todobaadkaan uu qirto inuu danbi galay kuna xadgudbay sharciga basaasnimada Mareykanka, qirashadaas oo uu ku baddalanayo in laga sii daayo xabsiga uu ku xiranyahay ee dalka Ingiriiska, kaddibna dib loogu celin doono dalka uu u dhashay ee Australia.

Dacwad oogayaasha Mareykanka ayaa dukimintiyo ay Isniintii u gudbiyeen maxkamadda ku sheegay, in Assange oo 52 jir ah uu ogolaaday in uu qirto dambiga kaliya ee lagu soo oogay oo ah in uu maleegayay, in uu helo oo uu shaaciyo dukumeentiyada difaaca qaranka Mareykanka ee sirta ah.

Maxkamadeyntiisa ayaa aroornimada hore ee Arbacada berrito ah ka dhici doonta waqooyiga jasiiraddaha Mariana oo ee hoos yimaada Dowladda Mareykanka, kuna yaalla waqooyiga-galbeed ee badda Baasifigga.

Muddada todobada sano ee uu xirnaa ayaa la filayaa inuu loo xisaabiyo xabsi uu qaatay, kaddibna la fasaxo.

Website-ka WikiLeaks ayaa sannadki 2010-kii baahiyay boqollaal kun oo dukumintiyo sir qaran ah oo uu leeyahay millatariga Mareykanka.

Dukumintiyadaasi ayaa u badnaa kuwa millatariga Mareykanka ee dagaalladi Afghanistan iyo Iraq. Dusinti sirta milatari ee Mareykanka ee Wikileakes ayaa noqday kugu ugu ballaarnaa ee taariikhda Mareykanka.

Assange ayaa marki hore sannadki 2010-ki lagu xiray dalka Britain kaddib marki ay maxkamad ku taalla Sweden u jartay waaran lagu soo qabanayo, kaddib marki lagu eedeeyay danbi kufsi ah oo marki danbe laga laabtay.

Kaddib ayuu u cararay oo uu iska dhiibay safaaradda Ecuador ee London, kalkaas oo uu ku noolaa muddo 7 sano ah. Ugu danbeyntii sannadki 2019-ki ayaa laga soo xiray safaaradda, oo loo diray xabsiga Belmarsh ee magaalada London.

{DAAWO MUUQAALKA} Dagaal khasaaro kala duwan dhaliyey oo ka dhacay Gobolka mudug.

0

Talaado june,25 2024 (HMC) Dagaal khasaaro kala duwan dhaliyey oo ka dhacay Gobolka mudug.

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Beelaha ku dagaallamaya Galbeedka Gobolka Mudug in ay qoryaha dhigaan oo nabadda qaataan

0

Talaado june,25 2024 (HMC) Beelaha ku dagaallamaya Galbeedka Gobolka Mudug in ay qoryaha dhigaan oo nabadda qaataan

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Hay’daha ka shaqeeya Samafalka, Ganacsatada, Shirkadaha maxaliga ah iyo ururada Bulshada.

0

Talaado june,25 2024 (HMC) Hay’daha ka shaqeeya Samafalka, Ganacsatada, Shirkadaha maxaliga ah iyo ururada Bulshada.

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

{DAAWO MUQAALKA} Xujeyda oo ka duceysay qaabkii loogu adeegay iyo wasaaradda Diinta.

0

Talaado june,25 2024 (HMC) Xujeyda oo ka duceysay qaabkii loogu adeegay iyo wasaaradda Diinta.

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Munaasabad Lagu daahfuraayay tartanka Hormarinta Hal Abuurka ee dhalinyarada gobolka Banaadir

0

Talaado june,25 2024 (HMC) Munaasabad Lagu daahfuraayay tartanka Hormarinta Hal Abuurka ee dhalinyarada gobolka Banaadir

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Xisbiga Kulmiye Maxay ka dheheen Doorashada dhaceeyso.

0

Talaado june,25 2024 (HMC) Xisbiga Kulmiye Maxay ka dheheen Doorashada dhaceeyso.

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Wararkii ugu Dambeeyey Soomaaliya iyo Caalamka 24 06 2024

0

Talaado june,25 2024 (HMC) Wararkii ugu Dambeeyey Soomaaliya iyo Caalamka 24 06 2024

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Natiijooyinka kulamadii manta la ciyaaray Tartanka heerka 2 aad ee Degmada Baladweyne

0

Talaado june,25 2024 (HMC)  Natiijooyinka kulamadii manta la ciyaaray Tartanka heerka 2 aad ee Degmada Baladweyne

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Dowladda oo Faah faahin ka Bixisay Howlgalo lagu Dilay Xubno ka tirsan AS.

0

Talaado june,25 2024 (HMC) Dowladda oo Faah faahin ka Bixisay Howlgalo lagu Dilay Xubno ka tirsan AS.

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA