Isniin, Juun, 24, 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Fiidnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo ::Shugri Baryare Mohamuud
Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud
Isniin, Juun, 24, 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Fiidnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo ::Shugri Baryare Mohamuud
Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud
Isniin june,24 2024 (HMC) FAAH FAAHIN: Shacab ku dhintay qarax miino oo lala eegtay
Isniin june,24 2024 (HMC) ugaas yuusuf oo soo dhaweeyn loogu sameeyey duleedka degmada jalalaqsi.
Isniin june,24 2024 (HMC) Goolhayihii geeridiisu gil-gishay Soomaalida
Isniin june,24 2024 (HMC) Muxuu maanta ka hadlay madaxweyne dabageed.?
Isniin june,24 2024 (HMC) Dowladda oo Wacyi galin u sameeysay Ciidamo loo soo gabagabeeyey tababar.
Isniin, Juun, 24, 2024 {HMC} – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax miino oo wadada dhinaceeda la dhigay oo la qarxay gaari ay saarnayeen dad shacab ah, kaasoo ka dhacay deegaanka Golaley oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Qaraxaan miino ee haleelay gaariga dadka shacabka ah la socdeen ayaa inta la xaqiijiyay waxaa ku geeriyoday ilaa 5 ruux, waxaana ku dhaawacmay 8 ruuux oo kale sida uu Warbaahinta u xaqiijiyay guddoomiyaha degmada Balcad Qaasim Cali Nuur.
Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa la tilmaamay iney kusii jeedeen magaalada Muqdisho, waxaana sidoo kale lasoo wariyay in xiliga qaraxaan miino uu qabsaday gaarigaan waqti kooban ka hor in wadadaasi ay mareen ciidamo ka tirsan kuwa ATMIS.
“Dadka dhintay dhamaantood waxay ahayeen dad shacab ah oo ka yimid beero una socday Muqdisho 5 waa dhimatay sideedna waa dhaawac, nimankan khawarijta ah hada shacab iyo dowlad uma kala soocna oo waxay bilaabeen in dadka shacabka ah ay beegsadan markii ciidamada dowladda iyo kuwa ATMIS ay u bacbac dhigi waayeen” ayuu yiri gudoomiyaha degmada Balcad Qaasim Cali Nuur.
Ma ahan markii ugu horeysay oo qarax miino oo la dhigay wadada hareeraheeda inta u dhaxeysa Balcad iyo Jowhar ay waxyeelo ka soo gaarto dad shacab ah, waxaana tiro dhowr jeer ah wadadaasi miino kula qaraxday gawaari dad shacab ah saaran yihiin iyo waliba kuwa kale oo ay la socdeen masuuliyiin ka tirsan dowladda iyo ATMIS.
Isniin 24 June 2024 {HMC} Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto Madaxweyne ka soo saaray Wax-ka-qabashada fal-dambiyeedka kufsiga oo ay golaha wasiirradu fadhigii 129aad, ee qabsoomay 13/06/2024, ku go’aamiyeen in nidaamka garsoorka loo daayo go’aan ka gaadhidda arrimaha kufsiga.
Waxaanay u dhignayd wareegtada Madaxweynuhu sidan:-
Wareegto Madaxweyne
Wax-ka-qabashada Fal-dambiyeedka Kufsiga
Markaan Arkay: Qodobbada 90aad iyo 36aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markaan Arkay: Go’aanka Golaha Wasiirrada ee fadhigii 129aad, ee qabsoomay 13/06/2024, fadhigaas oo uu Goluhu ku go’aamiyey in nidaamka garsoorka loo daayo go’aan ka gaadhidda arrimaha kufsiga;
Markaan Arkay: In muddooyinkan dambe ay Gobollada iyo Degmooyinka dalka ay ku soo badanayaan fal-dambiyeedka Kufsigu, falalkaas oo khatar ku ah nabad-gelyada guud ee Qaranka;
Markaan Garwaaqsaday: Muhiimadda ay leedahay in sharciga la-horgeeyo eedaysanayaasha ku kaca fal-dambiyeedka kufsiga;
Waxaan Go’aamiyey;
1) In fal-dambiyeedka kufsiga loo daayo Maxkamadaha dalka ee awoodda u leh, si eedaysanayaasha ku kaca fal-dambiyadaas loo mariyo ciqaabta sharci ee ay mutaysteen, sidoo kalena loo xaqiijiyo dhawridda xuquuqaha iyo xoriyaadka aas-aasiga ah ee muwaadiniinta.
2) Waxaan farayaa Taliyaha Ciidanka Booliska iyo Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranku ay xaqiijiyaan in eedaysanayaasha ku kaca fal-dambiyeedka kufsiga la horgeeyo maxkamadaha awoodda u leh, waxaana ka reeban in lagu xaliyo nidaam aan ahayn nidaamka garsoorka
Isniin 24 June 2024 {HMC} Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa ka qeybgalay munaasabad ay Wasaaradda Caafimaadku kula wareegtay 6 Gawaari gargaarka caafimaad ah (Ambulances).
Gawaaridan ayaa loogu talagalay degmooyinka Gobolka Nugaal, kuwaasi oo ay Wasaraadda ku wareejisay Hay’adda Population Services International (PSI), waana qeyb ka mid ah mashruuca Damal Caafimaad.
Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland ayaa uga mahadceliyay Wasaaradda Caafimaadka iyo Hay’adda PSI siday uga wada shaqeeyeen in gaadiidkan la helo, wuxuuna Wasaaradda kula dardaarmay in masuuliyad la iska saaro illaalinta bedqabka gaadiidkan ay maanta la wareegeen iyo guud ahaan hantida dowladda oo dhan.
Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Mudane Siciid Jaamac Qoorsheel, masuuliyiinta Hay’adda PSI ee wareejisay gawaaridan, goleyaasha maamulka Puntland, Hantidhowraha Guud ee Puntland iyo masuuliyiin kale.
Isniin june,24 2024 (HMC) MW Xasan Sheekh”Ethiopia laftirkeeda sida Xeebta Jabuuti iyo Xeebta Kenya usoo gaarto oo kale.