Home Blog Page 2267

War ka soo kordhay xaaladda marinka Babul-Mandab iyo Markab shidaal oo halkaa gaaray

Isniin june,24 2024 (HMC) Marka sida shidaalka dabiiciga ah (LNG) ayaa ku gooashay badda cas maalmo uun ka dib markii dagaalyahanada Xuutiyiinta ee fadhigoodu yahay Yemen ay weerar ku qaadeen markabkii labaad.

Markabka, Asya Energy, waa markabkii ugu horreeyay oo ku goosho marinka Bab al-Mandab, tan iyo bishii Janaayo, markaasoo safarrada maraakiibta la hakiyay iyada oo ay soo noqnoqdeen weerarrada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaalaha Xuutiyiinta ay Iran taageerto.

Kooxdan ayaa tan iyo markii uu bilowday dagaalka Qasa waxa ay bartilmaameed ka dhiganayeen maraakiibta gooshta badda cas, taasoo ay ku sheegeen in ay ku garab taagan yihiin Falastiiniyiinta. Tallaabadaan ayaa si weyn caqabad ugu noqotay ganacsiga.

Dowladda Sacuudiga oo ku dhawaaqday tiro hor-leh oo ah xujeyda sanadkaan geeriyootay

Isniin june,24 2024 (HMC) Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa shaacisay tirada dhismahasda xujeyda sanadkaan oo korortay isla markana gaartay ugu yaraan 1,301 oo qof. Dadka geeriyooday ayaa badankood lagu sheegay kuwa aan helin ruqsad ay ku soo galaan dhulka barakeysan, iyadoo wakhti badanna ay soo lugeeyeen.

Lugtaas dheer ayaana sababtay iney la kulmaan kuleyl xad-dhaaf ah oo horseeday dhimasho.

Xujeyda ayaa sanadkaan gudanayay waajibaadka xajka xilli ay wajahyeen kuleyl daran oo gaarayay 50 digree.

Wakaaladda Wararka Sacuudiga ayaa sheegtay in in ka badan afar-meelood meel dadka dhintay aysan haysan oggolaansho rasmi ah oo u oggolaanayay inay halkaas joogaan, waxayna ku socdaaleen kuleyl daran, iyagoon helin adeegyadii muhiimka u ahaa si ay uga gaashaantaan kuleylka iyo caqabadaha kale.

Netanyahu oo ku hanjbay soo afjaridda dagaalka Rafax

Isniin june,24 2024 (HMC) Raysal wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, ayaa sheegay in dagaalka Marinka Rafax ee koonfurta Qasa uu ku dhowyahay in la soo afjaro, laakin taa micnaheedu maahabuu yiri in dagaalka guud uu dhamaanayo.

Wuxuu sheegay in dagaalku sii soconayo ilaa inta meesha laga saaro Xamaas.

Waxa uu intaasi ku daray in ciidamada Israa’iil ay dhawaan awood u yeelan doonaan inay dib u soo celiyaan ciidamadooda xuduudka ay la wadaagaan Lubnaan, halkaasi oo ay ku sii kordhayso rasaasta ay is dhaafsanayaan Xisbullah iyo Israa’iil.

Israa’iil oo weerartay bartilmaameedyo uu leeyahay ururka Xisbullah

Isniin june,24 2024 (HMC) Ciidamada Israa’iil ayaa sheegay in diyaaradahooda dagaalka ay xalay saqdii dhexe duqeeyeen tiro bartilmaameedyo ah oo ururka Xisbullah ku leeyahay koonfurta Lubnaan.

Waxey sheegeen in laba xubnood oo ka tirsan koox ammaanka gudaha oo ku sugnaa waqooyiga Israa’iil ay ku dhaawacmeen, madaafiic ay Xisbullaah ku gantay halkaa.

Iska horimaadka labada dhinac ayaa sii xoogeysanayay toddobaadyadii u dambeeyay. Waana mid ka mid ah arrimaha ugu waaweyn ee uu wasiirka gaashaandhigga Israa’iil Yoav Gallant kala hadli doono madaxda Mareykanka inta uu ku guda jiro booqashada uu hadda ku joogo Washington.

Raysal wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in ciidamada ku sugan Qasa laga yaabo in dib loogu daabulo xadka waqooyiga ay la wadaagto Lubnaan.

Israa’iil iyo Xisbullah waxay labaduba sheegeen in ay u diyaar garoobeen dagaal ka weyn isku dhacyadaan haddii loo baahdo, iyada oo milatariga Israa’iil uu dhawaan sheegay in uu wado qorshe ka dhan ah Xisbullah.

Ardayda Degamada Ceel-dheer oo 33 sano kaddib ka Qeybgalaya imtixaannada shahaadiga Dowladda Soomaaliya

Isniin june,24 2024 (HMC) Magaalada Ceel-dheer ee gobolka Galguduud waxaa tan iyo bishii Jannaayo ee sannadki hore ee 2023-ki gacanta haya Dowladda Soomaaliya, kaddib marki ay ciidanka xoogga Soomaaliya uu ka xoreeyay ururka Al Shabab oo magaalada ka talinayay in ka badan 12 sannadood.

Hadda, magaalada Ceel-dheer waxaa ka jira horumarro dhanka nolosha ah sida ay sheegeen saraakiisha maamulka degmada.

Horumarradaasi waxaa ka mid ah, in marki ugu horreysay muddo 33 sano ah kaddib ay ardayda magaalada u rasiisteen imtaaxaanadka shahaadiga ah ee Dowladda Soomaaliya.

{DAAWO MUUQAALKA} Dowladda Fedaraalka oo shaacisay tirada ciidamada badali doona howlgalka ATMIS

0

Isniin june,24 2024 (HMC) Dowladda Fedaraalka oo shaacisay tirada ciidamada badali doona howlgalka ATMIS

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Wasiir Faarax Sheekh Cabdulqaadir “Soomaaliya maanta waxay u tahay maalin weyn, “

0

Isniin june,24 2024 (HMC) Wasiir Faarax Sheekh Cabdulqaadir “Soomaaliya maanta waxay u tahay maalin weyn, ”

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Dagaal culus oo ka socda duleedka Dhuusamareeb

0

Isniin june,24 2024 (HMC) Dagaal culus oo ka socda duleedka Dhuusamareeb

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

{DAAWO MUQAALKA} Xassan “Waxaan Booliska uga mahadcelinaynaa garab istaagoodii maanta ee Ardayda Imtixaanka galaya”.

0

Isniin june,24 2024 (HMC) Xassan “Waxaan Booliska uga mahadcelinaynaa garab istaagoodii maanta ee Ardayda Imtixaanka galaya”.

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Ciidamada dowlada oo lagu Wareejiyay Deeq Geel ah

0

Isniin june,24 2024 (HMC) Ciidamada dowlada oo lagu Wareejiyay Deeq Geel ah

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA