Isniin june,24 2024 (HMC) wadan ka Gudbay kala Sooca Qowmiyadaha Cadaanka iyo Madowga.
{DAAWO MUUQAALKA} Kooxda Fc Doonka oo Guul Muhiim Ka gaartay Dhigeeda Fc Kooshin Tartanka Kooxaha Heerka Labaad
Isniin june,24 2024 (HMC) Kooxda Fc Doonka oo Guul Muhiim Ka gaartay Dhigeeda Fc Kooshin Tartanka Kooxaha Heerka Labaad
HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA
{DAAWO MUUQAALKA} Dowlad tallaabo deg deg ah ka qaaday shirkadaha ka shaqeeya arimaha xajka
Isniin june,24 2024 (HMC) Dowlad tallaabo deg deg ah ka qaaday shirkadaha ka shaqeeya arimaha xajka
HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA
{DAAWO MUUQAALKA} Magaaladda Jalalaqsi oo laga dareemayo soo dhaweynta Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan.
Isniin june,24 2024 (HMC) Magaaladda Jalalaqsi oo laga dareemayo soo dhaweynta Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan.
HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA
{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {24.06.2024}
Isniin 24 June 2024 {HMC}Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdimajiid Abdirahman Aadan
Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud
HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO
{DAAWO MUUQAALKA} Sidee Kalluumeysata Soomaalida ee 3 da bilood lagu la’aa badda ku tageen Maldives.
Isniin june,24 2024 (HMC) Sidee Kalluumeysata Soomaalida ee 3 da bilood lagu la’aa badda ku tageen Maldives
HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA
Malleeshiyo hubeysan oo 15 qof ku dishay dalka Ruushka.
Isniin june,24 2024 (HMC) In ka badan 15 askari oo boolis ah iyo dhowr qof oo rayid ah ayaa lagu dilay weerar ay malleeshiyo hubeysan Axaddii shalay la beegsatay gobolka koofureed ee Jamhuuriyadda Dajestan ee dalka Ruushka.
Bayaan aroornimadi hore ee Isniinta maanta ah kasoo baxay guddoomiyaha Dajestan Sergei Melikov ayaa lagu sheegay, in kooxda weerarka qaadday ay rasaas ku furtay kaniisad ay leeyihiin masiixiyiinta madhabta Ortodokis-ka iyo macbad ay dadka yahuudda ah ku leeyihiin halkaasi, iyo sidoo kale bar koontarool oo ay leeyihiin ciidanka booliska.
Guddiga qaran ee la dagaallanka argagixsiada Ruushka ayaa weerarki Axaddi ku tilmaamay fal argagixiso. Gobolka Dajistan oo ka mid ah gobollada ay ku badanyihiin Muslimiinta Ruushka ayaa waxaa looga dhawaaqay saddex maalin oo baroor-diiq ah oo ka billaabmeysa maanta oo Isniin ah.
Weerarka ayaa ka dhacay caasimadda gobolka Dajestaan ee Makhachkala. Mana jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkaan ilaa iyo hadda.
Warar Cusub oo kasoo korshay ciidamadii Itoobiya ee xuduudda ka soo gudbay.
Isniin june,24 2024 (HMC) Wararkii ugu dambeeyey ee aan ka heleyno ciidamadii Itoobiya ee Jimcihii lagu celiyey degmada Matabaan waxay sheegayaan in maanta ay dib ugu laabteen gudaha dalkaas.
Ciidankaan oo ka yimid gudaha Itoobiya ayaa Jimcihii waxaa celiyey ciidanka booliska Soomaaliya ee ku sugan degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan, kuwaas oo hor istaagay kana dalbaday inay cadeeyaan sababta ay ugu gudbayaan Galmudug.
Saraakiil Soomaali ah oo ka timid dowlad deegaanka ayaa la socotay ciidankaas oo tiradiisa lagu qiyaasay ilaa 5,000 (shan kun), waxayna ku guul-dareysteen inay faahfaahin lagu qanco ka bixiyaan safarkooda, taasi oo sababtay in booliska Soomaaliya ay go’aankooda ku adkeystaan.
Ciidamada Itoobiya ayaa dib uga laabtay Matabaan markii loo diiday, waxayna maanta ka gudbeen deegaanka Kalabeyr oo 20 KM waqooyi ka xiga Beledweyne, iyagoo u jaheystay dhanka dalka Itoobiya.
Dadka ku nool deegaanka Feerfeer ayaa galabta sheegay in ciidankaas ay ka talaabeen xuduuda Soomaaliya iyo Itoobiya, isla markaana ay ku laabteen dalkooda oo markii hore ay ka yimaadeen.
Itoobiya ilaa hadda ma cadeyn sababta ciidankaas ay ugu soo dirtay Soomaaliya, dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale ka gaabsatay in arintaas ay faahfaahin ka bixiso, markii laga reebo in ciidamada Soomaaliya lagu amray in Matabaan aysan ka gudbin ciidamada Itoobiyaanka ah.
Ciidamo badan oo howlgalka ATMIS aan ku jirin ayaa ku sugan Soomaaliya, sidoo kale ciidamada ATMIS ayey qeyb ka yihiin, markii la isku daro waxay gaarayaan kumanaan, ku kala sugan gobollada bartamaha iyo koonfurta dalka.
Hiiraan, Bay, Bakool, Gedo iyo qeybo ka mid ah Jubbada Hoose ayey Soomaaliya ka joogaan ciidamada Itoobiya, dowladda Soomaaliya ayaa qorsheyneysa in bisha 12-aad ee sanadkana dalka laga saaro dhamaan ciidamada Itoobiya.
kumuu ahaa Goolhayihii geeridiisu gil-gishay Soomaalida.
Isniin june,24 2024 (HMC) Waxaa shalay shil gaari ku geeriyooday Cabdishakuur Maxamed Axmed oo ku magac dheeraa Boqole iyo Cabdirixmaan Yaasiin Cali Gadhle oo labadu ahaa shaqsiyaad caan ka ahaa bahda ciyaaraha ee Somaliland.
Shilka labada marxuun ku geeriyoodeen ayaa ka dhacay inta u dhaxaysa magaalooyinka Sheekh iyo Burco ee Somalilnd sida ay BBCda u xaqiijiyeen ehelladooda.
Geerida labdan ciyaaryahan ayaa si weyn u gilgishay baraha bulshada iyadoo ay dad badani muujiyeen doorka ay ku dhex lahaayeen ciyaaraha.
Cabdishakuur Boqole, ayaa ka mid ahaa shaqsiyaadka ugu caansan dhulka Soomaalida ee ka tirsan ciyaaraha kubada cagta isagoo ahaa gool ilaaliye ka tirsan kooxda heerka kowaad ee wasaaradda maaliyada ee jamhuuriyada iskeed madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland.
Guddoomiyaha Kooxda uu ka tirsanaa Boqole, Kamaal Maxamed Yuusuf oo BBCda la hadlay isagoo safar u sii ah halkii shilku ka dhacay ayaa xusay in ciyaaryahan Cabdishakuur geeriduusu ay si weyn u taabatay dhammaan bahda ciyaaraha gaar kooxdiisa.
“Wuxuu kooxda u ahaa lafdhabar, waxaana geeriduusu nagu noqotay mid naxdin leh, runtii aniga iyo kooxda inteeda kalaba way na taabay waxaase la dhaafayn qadarta” ayuu yiri Kamaal.
Boqole iyo booskii uu ugu jiray ciyaaraha kubada cagta
Sida uu BBC-da u sheegay Maxamed Cabdi Cabdilaahi, oo yaraantii ay garoomo ku yaalla magaalada Burco ka wada ciyaari jireen kubada Allaha u raxmadee Cabdishakuur Boqole, ayaa ku tilmaamay in uu ahaa qof lahaa hibo hibo gooniya oo kubada cagta.
“Cabdishakuur, wuxuu ahaa dhalinyaradii ciyaaryahannadii hayaanka kubadda cagta ka soo bilaabay magaalada Burco, waxaan xasuusta inuu ka mid ahaa dhalinyaradii ku ciyaari jirtay garoonka Alamze Studium ee Burco.”ayuu yiri Maxamed.
Axmed Maxamed Iidaan, waa tababaraha allah u raxmadee Cabdishakuur Maxamed Boqole, wuxuu BBCda u sheegay in kooxdiisu wayday halbowlihii isku hayey kooxda.
“Aniga naftay sida geeridiisu ii taaman horre iima taaban, qofksta oo bahda ciyaarahana waa mid taabatay, anigoo macallinkiisaa maalintii waxaan is maqli jirnay muddo badan anagoo ka wada hadli jirnay kooxda iyo nolosha adduunka ee kale” ayuu yiri.
Tababare Iidaan ayaa intaa ku daray in gool ilaaliye Boqole uu ku suntanaa qof jecel isku haynta dhalinyarada “ Kooxkasta wuxuu la ahaa saaxiib xitaa kuwa ay xifaaltamayaan ee ay ku tartagamayaan koobabka”
“Runtii waxaan dhihi karaa wuxuu ahaa qof xirfadiisa kubada cagtu ay dhaxalsiisay inuu qofkasta jeclaado, shaqsiyadiisa ayaa ahayd mid macaan oo dad isku wad leh” ayuu yiri Tababare Iidaan.
Isagoo ka hadlayey doorkiisii kooxda iyo guulaha uu la gaaray ayuu xusay inuu boos muhima u yahay kooxda.
Boqole, ayaa kooxda wasaaraddda Maaliyada ee Somalilnad ku soo biiray saddex sano ka hor isago la qaaday koobka horyaalka caasimada oo ay tobban kooxood oo heerka kowaada wada ciyaarayeen xilli ciyaareedka 2023/2024 oo ay ku guulaysteen.
Ciyaaraha gobolada Somaliland, Cabdishakuur Boqole, wuxuu u saftay gobolka Howd oo ka mida gobolada ku caana kubadda cagta ee Soomaaliland.
Boqole, ayaa ka soo ciyaaray Muqdisho, Puntland iyo dowlad deegaanka Soomaalida isagoo sidoo kale gudaha Soomaliland ka ciyaaraha kooxaha, dowladda hoose ee Hargaysa , asluubta, iyo kooxda duulista hawada.
Kumu ahaa Cabdishakuur Maxamed Axmed ‘Boqole’
Cabdishakuur Maxamed Axmed oo loo yaqaaney Boqole, waxaa uu deegaanka Yaroowe oo u dhow magaalada Burco ee gobolka Togdheer ku dhashay dhammaadka bishii afaradad sanadkii 1996-dii, sida ay BBCda u sheegtay walaashiis Bilan Maxamed Axmed.
Marxuunka ayaa ifka ugu tagay saddex carruura, wiil iyo laba gabdhood.
Sida ay noo sheegay maamulka kooxdii uu ka tirsanaa waxaa maalinta bari lagu wadaa in lagu aaso marxuunka magaalada Burco ee gobolka togdheer.
Ka sokow inuu ahaa gool ilaaliye, wuxuu sidoo kale lahaa xirfada dhiggida garoomada rooga cagaaran ee macmalka kaas oo sidoo kale caan kaga ahaa Somaliland.
Howshii ugu danbaysay ee dhigida rooga cagaaran ayuu shaqadeeda soo dhammeeyey degaanka wadaamo go oo u dhow Caynaba sida uu BBCda u sheegay tababe Iidaan.
Iidaan, wuxuu kale oo sheegay in allaha u raxmadee Boqole, uu aha darawal xirfadaas sidoo kale ku shaqeeya oo kaxeeya gawaarida.
{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn 23 06 2024
Axad june,23 2024 (HMC) – Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Hhabeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo :: cabdiqani cosoble
Farsamadii ::maxamed baryare



