Home Blog Page 2269

{DAAWO MUUQAALKA} Wararkii ugu Dambeeyey Soomaaliya iyo Caalamka 23 06 2024

Axad june,23 2024 {HMC}  Wararkii ugu Dambeeyey Soomaaliya iyo Caalamka 23 06 2024

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Maxay yihiin cudurada ka dillaacay dalka itoobiya.

Axad june,23 2024 {HMC} Maxay yihiin cudurada ka dillaacay dalka itoobiya.

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Dagaal u dhaxeeya Beelo walaala ah oo ka socda gobalka Mudug

Axad june,23 2024 {HMC}  Dagaal u dhaxeeya Beelo walaala ah oo ka socda gobalka Mudug

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Fadhiga 3-aad ee Kalfadhiga 54-aad Golaha Wakiillada DPL ayaa waxaa lagu dhaariyey Xildhibaan cusub

Axad june,23 2024 {HMC} Fadhiga 3-aad ee Kalfadhiga 54-aad Golaha Wakiillada DPL ayaa waxaa lagu dhaariyey Xildhibaan cusub

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Ciidanka Booliska Puntland oo ka hadlay Hawlgalada laga wado caasumada Puntland.

Axad june,23 2024 {HMC}  Ciidanka Booliska Puntland oo ka hadlay Hawlgalada laga wado caasumada Puntland.

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

Masar oo shatiyada kala laabatay 16 shirkaddood

Axad june,23 2024 (HMC) – Masar ayaa shatiyadii kala laabatay 16 shirkadood oo la siiyay hawllaha xajka ee sanad kan, waxana loo gudbiyay kiiskooda xafiiska xeer ilaalinta qaranka, iyadoo lagu eedeynayo in ay masuul ka ahaayeen dhimashada xujeyda Masar ku soo gaartay magaalada Maka.

Illo dhinaca caafimaadka iyo amniga ah ayaa sheegay in ugu yaraan 530 masaari ah ay dhinteen intii lagu jiray xiliga xajka ee sanad kan magaalada Maka, halka kooxda loo saaray arintan ay sheegeen in 31 qof la xaqiijiyay geeridooda kuwaas oo u dhintay xanuuno daran.

Shirkaddahan oo fududeynayay socdaalka dadka dhintay ayaan wax adeeg ah oo caafimaadku ku jiro aan siinin sida warbaxinta lagu sheegay, in kastoo aan la magac dhabin shirkaddaha ku lugta leh kiiskan.

Shirkaddahan ayaa lagu eedeeyay in xujeyda ay ku direen dal ku gal booqasho Sucuudiga ah, halkii ay u soo saari lahaayeen dal ku galka xajka ee u fududeyn lahaa gaaritaanka magaalada Maka, halkaas oo ah meesha acmaasha xajka lagu sameynayo.

Adeegyada caafimaad ee masuuliyiinta Sucuudigu bixinayeen waxa la siinayay kaliya dadka wata dal ku galka xajka, lamana siineyn dadka wata dal ku galka booqashada gaarka ah.

Xujeyda dhimatay ayaa lugeynayay buurraha lama dagaanka ah ee ku teedsan Maka, si ay uga fogaadaan in la xiro ama la musaafuriyo, sida warbixinta lagu sheegay.

Masuuliyiinta Masar waxa kale oo ay sheegeen in shirkaddaha socdaalka aanay bixin adeeggii loo baahnaa, iyagoo intaa ku daray in taasi sababtay dhibaatada gaartay xujeyda oo heer kulkuna uu aad u sarreeyay.

Masuuliyiinta Masar waxay diiwangaliyeen dhimashada 31 kamid ah xujeyda masaarida ee diiwaan gashanaa, kuwaas oo u dhintay xanuunno aad u daran.

Inta badan kuwa dhintay ayaan diiwaan gashaneyn, sida warbixinta lagu sheegay.

Dhawaan boqollaal qof oo ka kala yimid wadamo kala duwan ayaa u dhintay xaaladdaha xajka ee sanad kan, halkaas oo heer kulku gaaray 51 degree.

Golaha Ammaanka oo kulan ka yeelanaya xaaladda amni ee Soomaaliya

0

Axad, Juun, 23, 2024 (HMC) – Golaha Qaramada Midoobay ayaa yeelan doona kulan xog-wareysi iyo wadatashi ah oo ku saabsan Soomaaliya.

James Swan, oo ah ku simaha Ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, iyo Mohammed El-Amine Souef, wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya iyo madaxa ATMIS ayaa warbixin siin doona golaha Ammaanka.

Golaha Ammaanka ayaa lagu wadaa inay ka doodaan codsiga dowladda Soomaaliya ee ku aaddan dhismaha howlgalka cusub, xilli Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub ay ka cago jiidayaan maalgalinta howlgalkan.

jimcaha ayay ahayd markii Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika ay taageereen codsiga Soomaaliya ee ku saabsan in la dhiso howlgal cusub oo uu hoggaaminayo Midowga Afrika, ka dib marka uu dhamaado howgalka ATMIS.

Guddiga ammaanka iyo nabadda ee Midowga Afrika ayaa sheegay, in howlgalka cusub ee Midowga Afrika uu diiradda saari doono taageeridda dowladda federaalka ah si loo wiiqo awoodda Al-Shabaab iyo ka qayb qaadashada hawlgallada ka hortagga kooxaha argagixisanimada.

Khasaare isugu jira Dhimasho iyo bur-bur hantiyeed oo ka dhashay roobab ka da’ay Muqdisho.

0

Axad june,23 2024 (HMC) –  Roobab ilaa xaley ka da’ay magaaladda Muqdisho ayaa gaystey khasaare kala kala duwan oo isugu jira,dhimasho iyo dhaawac sidoo kalena kala xirey badiba qaybaha magaaladda,waxaana yaraadey isu socodka bulshada.

Jidadka Muqdisho oo ay ku baxeen dhaqaale aad u tirro badanayaa marka,Daruur roob ah da’do waxaa xirma wadooyinka magaalada,waxana sababta ugu weyn lagu tilmaamey maamulka gobolka oo ka gaabiyey shaqadoodii.

Goobaha biyo mareenadda oo xirmey ayaa keentey in wadooyinka la caago oo la mari waayo,Qaar kamida goobjoogeyaal saaka ku rafaadey,jidadka oo nala hadley ayaa sheegay in mar kasta oo uu roob da’o sidan ugu dhiban yihiin magaaladda.

Magaaladda Muqdisho ayaa kamida kuwa ugu jidadka,wanaagsan magaalooyinka Soomaaliyeed,hayeeshee waxaa la dayacay jidadka iyo goobihii ay mari lahayeen biyaha oo xidhan.

Hiiraanweyn sida ay ogaatey,ilaa hadda hal qof ayaa ku dhintey roobabka kala duwan ee ka da’ay caasimadda dalka ee Muqdisho,Khasaaraha hantiyeed ayaase aad u badan,waxaana dumay oo ay daadadka qaadeen,Dugsiyo Qur’aan xaafado iyo goobo kale.

 

Xizbullah oo Weerar la beegsatay goobo Kuyaala Gudaha Israa’iil

Axad june,23 2024 (HMC) – BEIRUT — Kooxda Xizbullah ee Lubnaan ayaa sheegtay Axadda maanta ah in diyaarad hubaysan oo aan duuliye la socon ay ku beegsatay goob ciidan oo ku taal waqooyiga Israa’iil, taasi oo jawaab u ahayd dilka taliye Islaami ah.

Israa’iil iyo kooxda awoodda badan ee Iran ay taageerto, ee xulufada la Xamaas ah, ayaa si maalinle ah gantaallo isugu weydaarsanayey xuduudda tan iyo markii dagaalka Gaza uu billowday October 7.

Hadallka Xizbullah ayaa yimid saacado kadib markii ay daabacday muuqaallo ay ku sheegtay in ay muujinayaan goobo ka tirsan Israa’iil iyo xogtooda, ayada oo ay jirto cabsida laga qabo dagaal aan waxba la iskula harin oo ka dhex qarxa labada dhinac.

Sabtidii, kooxda Jamaaca Islaamiya ayaa ku dhawaaqday dhimashada mid ka mid ah taliyayaasheeda, Ayman Ghotmeh, iyagoo sheegay in lagu dilay “weerar Sahyuuniyad” oo ka dhacay magaalada Khiara ee deegaanka Bekaa ee bariga Lubnaan.

Israa’iil ayaa markii dambe xaqiijisay in ay fulisay weerarka, iyadoo sheegtay in Ghotmeh uu mas’uul ka ahaa hub la siiyey kooxda Xoogagga Fajr, oo ah garabka hubaysan ee Jamaaca Islaamiya, iyo Xamaas.

Xizbullah ayaa maanta sheegtay in dagaal-yahanadeeda ay “weerar drone ah” ku qaadeen goobaha hoggaanka militari ee xerada Beit Hillel “ayaga oo ka jawaabaya khaarijinta ay cadowga Israa’iil ka fuliyeen magaalada Khiara.

Milatariga Israa’iil ayaa dhanka kale bayaan uu soo saaray ku sheegay in diyaarad nooca aan duuliyaha la socon ay “ka soo gudubtay Lubnaan, kuna soo dhacday agagaarka Beit Hillel”, iyagoo intaa ku daray in “wax dhaawac ah aan la soo sheegin”.

Xiisadda xuduudda ayaa sare u kacday maalmihii tegay, ayada oo militariga Israa’iil ay ku dhowaaqeen Talaadadii in qorshe weerar culus loogu qaadayo Lubnaan “la ansixiyey oo la sharciyeeyey.”

Hoggaamiyahan Xizbullah Hassan Nasrallah ayaa ku jawaabay hanjabaad ah in meel ka mid ah Israa’iil aysan badbaadi doonin haddii dagaal weyn uu billowdo.

Dowladda Soomaaliya iyo QM oo Ka Wadahadlaya Xiritaanka xafiiska UNSOM

Axad june,23 2024 (HMC) –  Kulan taariikhi ah ayay shalay isku hor fariisteen Guddi farsmo oo Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay howshaa u xilsaartay iyo Guddi farsamo oo ka socda UNSOM.

Wadaxaajoodkan oo hadda billow ah ayaa toddobaadyada soo socda sii xoogeysan doona, iyada oo labada Guddi looga fadhiyo in ay dejiyaan jadwal UNSOM looga wareejinayo howlaha ay ka fuliso Soomaaliya.

Howlaha xafiiska siyaasadda Qaramada midoobay waxaa qaarkood la wareegi doonta Dowladda Soomaaliya, qaar kalena waxaa sii wadi doona Xafiiska Qaramada Midoobay ee kan beddeli doona oo ah mid la nooc ah xafiisyada QM ay ku leedahay dalalka caalamka badankood.

Guddiga farsamo ee Soomaaliya oo ay xubno ka yihiin mas’uulyiin ka socda Xafiisyada Madaxweynaha, Ra’iisal Wasaaraha, Wasaaradaha Arrimaha Dibadda iyo Amniga Qaranka, waxaa hoggaaminyay Danjire Yusuf Garaad Cumar, dhinaca UNSOM, inkasta oo Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud, Danjire James Swan uu khadka telefoonka New York uga qeyb galay, waxaa Hoggaamiayay George Conway oo ah ku Xigeenka Eregyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay.

Tallaabadani waxay astaan u tahay horumarka ay gaartay Dowladnimada Soomaaliya, iyada oo sannadka soo socda ee 2025 ay Soomaaliyaa xubin ka noqon doonto Golaha Ammaanka ee Qarammada Midoobay.