Home Blog Page 2284

Xisbiga Muxaafidka Ingiriiska oo la filayo inuu guuldarro culus kasoo hooyo doorashada baarlamaaniga

Khamiis 20 June 2024 {HMC}  Saddex ra’yi ururin oo laga sameeyay Ingiriiska ayaa Arbacadi shalay muujiyay, in xisbiga talada haya ee Muxaafidka ee ra’iisul-wasaare Rishi Sunak, uu guuldarro ba’an kala kulmi doono doorashada guud ee 4-ta bisha July ka dhaceysa Britian.

Ra’yi ururintan saddexda ah oo si rasmi ah loo shaaciyay Arbacadi ayaa odoroseysa, in Xisbiga Mucaaridka ee Shaqaalaha uu si fudud ugu guuleysan doono doorashada, taas ka dhigi doonta in xisbiga Labour-ka uu talada Ingiriiska kusoo laaban doono 14 sano kaddib.

Ra’yi ururinta xarunta YouGov ayaa muujisay in xisbiga Labour-ka uu kuraasta baarlamaanka Britain ee ka kooban 650-ka uu kaga guuleysan doono 425 kursi, taasi ayaa noqon doonta tiradi ugu badneyd ee ay helaan taariikhda waa haddii ay dhacdo.

Qiimeynta Savanta ay sameysay ayaa iyaduna qiyaastay in Xisbiga Shaqaalaha ay baarlamaanka ka heli doonaan 516 kursi, halka ra’yi ururinta More ay muujisay in mucaaradka ku guuleysa doonaan 406 kurisi.

QM oo Sheegatay in Duqeymaha Isra’il ee Gaza laga yaabo in ay jabiyeen ‘Shuruucda Dagaalka’

Khamiis 20 June 2024 {HMC}  Xafiiska xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Arbacadi sheegay in duqeymaha Israel ay ka waddo Gaza “laga yaabo in ay si isdaba joog ah u jebiyeen mabaadi’da aasaasiga ah ee sharciyada dagaalka.”

Warbixin uu Arbacadi shaaciyay xafiiska xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay, in baaritaan lagu sameeyay ilaa lix duqeyn oo cirka ahaa oo ay ciidamada Isra’il ka fuliyeen Gaza inti u dhaxeyay bilihii October iyo December ee 2023-ki, lagu xaqiijiyay dilka in ka badan 200 oo ruux.

Duqeymahaas ayay warbixintu sheegtay in lala beegsaday dhismooyin ay shacab daganaayeen, iskuulli, suuqyo iyo xerooyin qaxooti oo dhammaantood ku yaalla Gaza.

Madaxa xafiiska Xuquuqda Aadanaha ee QM Volker Türk ayaa sheegay in ay u muuqatay in Israa’iil aysan samayn isku day ah in ay si wax ku ool ah u kala soocado rayidka Falastiiniyiinta iyo dagaalyahanada Xamaas.

“Nolosha rayidka iyo kaabayaasha waa la ilaaliyaa” marka loo eego sharciga caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha, ayuu yiri Turk. “Sharcigani waxa uu si cad u qeexayaa waajibaadka cad ee dhinacyada iskahorimaadyada hubeysan ka saaran in ay mudaanta siiyaan dhowrista rayidka.”

Warbixinta ayaa sidoo kale sheegtay, in lixdaasi weerar ay Isra’il u adeegsatay bambooyin culeyskoodu u dhaxeeyay 113 kilograms iyo 907 kilograms.
Duqeymaha iyo madaafiicda Isra’il ee Gaza ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay in ka badan 37,266 oo Falastiiniyiin ah, halka lagu dhaawacay 85,102 oo kale.

Tiro Xujeey Soomaali ah ee ku dhimatay xajka sanadkaan

Arbaco 19 June 2024 {HMC} Sanadkaan dadka ka tagay Soomaaliya ee gudanaayay xajka waxay ahaayeen 11,500 sida uu sheegay agaasimaha Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Soomaaliya Maxamed Xaaji Ibraahim ayaa yiri, aduunyadana 1.83 milyan oo ruux wax ka badan ayaa tagay xajka.

Balse kulaylka darran ee sanadkaan ka dhacay Sacuudiga ayaa sababay dhimashada xujeey gaaraya 550 ruux, waxaana la sheegay in Soomaali ay ka mid tahay dadka dhintay.

Dadyoow badan oo kale ayaana sidoo kale la’a eheladooda oo aaday xajka.

Heer kulka cimilada ee Sacuudiga oo gaadhay meelsare ayaana sababay dhimashada faraha badan ee dadkaan.Wasaaradda diinta iyo awqaafka Soomaaliya ayaaKa Hadlay inta ay la egtahay tirada dadka Soomaaliyeed ee ku geeriyooday kulayka sanadkaan, inkasta oo ay sheegtay wasaaraddu in mid kami dihi ku dhintay shil dhacay.

‘‘Xujeyda Soomaaliyeed waa badqabaan way fiicanyahiin, lix xaaji baa dhimatay, inta hadda la xaqiijiyay waa lix qof sabaha dhimashada hal qof unbaa shil ahaa” Ayuu yidhi agaasimaha Wasaaradda diinta iyo awqaafta Maxamed Xaaji Ibraahim oo ka war bixinaya xaaladda xujeyda Soomaaliya ee sanadkaan.

“Dadka cimilada kulaylaha ka yimid oo dalkoodu yara kulaylaha iska ahaa, adkaysigoodu waa badnaa,” ayuu dhahay Maxamed Xaaji Ibraahim oo aaminsan dadka Soomaalida ah ee sanadkaan xajka ku dhintay in ayna keliya kulayle bas ah u dhiman.

In ka badan 550 qof ayaa ku dhimatay sida ay qortay wakaalada wararka ee AFP, illaa iyo hadda dadka lama shaacin wadamada ay sida tooska ah ugasoo kala jeedaan balse diblumaasiyiin Carab ah oo wakaalada wararka ee AFP u warramay ayaa sheegay in dadkaas 323 qof oo kamid ah ay kasoo jeedaan wadanka Masar 60 kalena ay u dhasheen dalka Jordan.

Wadamada Induneesiya, Iraan, Sinigaal, Tuniisiya iyo gobolka isxkuma ee Kurdistaan ayaana sidoo kale sheegay in ay jirto geeri dadyoowgii halkaas kasoo xajiyay ah. Waloow tirada rasmiga ah ee halkaas kaga dhimatay xajka ayna qeexin.

Diblumaasi Aasiyaan ah ayaa AFP u sheegay in ay jiraan dad ku dhow 68 qof oo kasoo jeeda Hindiya oo dhinatay kuwo kalena illaa haddeer la la’ yahay.

Dowladdu Sacuudigu mayna bixin xogo ku saabsan dhimashada laakiin waxay werisay in ay jiraan in ka badan 2,700 oo dhacdo oo dad kulayl soo ritay ah.

Sanadkii lasoo dhaafay tirada xujayda ku dhimatay gudashada xajka ayaa kor u dhaaftay 200 oo qof, kuwaas oo badidood ay ka imaadeen dalka Indoneesiya.

Sanadkii lasoo dhaafay sida uu warsaxaafadeed ku sheegay wasiirka Diinta iyo Awqaafta ee Soomaaliya Mukhtaar Rooboow, ugu yaraan 4 qof ayaa ku dhintay xajka ugu yaraana 60 kalena waa ay ku xanuunsadeen kulaylkii jiray..

Xilligaas wuxuu ku tilmaamay dhimashadaas mid aan badnayn marka loo eego tirada guud.

Wadamada caalamka ee Islaamka ayaa sanadkaan waxaa isaga kala yimid 1,833,164 qof oo doonayay in ay sanadkaan gutaan rugniga xajka .221,854 qof oo dalka Sacuudiga gudahiisa ka yimid ayaana ka mid ah xujayda sanadkaan. Halka 1,611,310 oo kale ay ka kala yimaadeen dunida kale ee Soomaaliya ku jirto.

Dadkaas sanadkaan gudanaaya xajka 958,137 oo ka mid ah waa rag halka 875,027 ee kalena ay yahiin dumar, sida ay baahisay dawladda Sacuudi Carabiya.

Tiro ay dawladda sacuudigu ku sheegtay 4,714 oo kamid ah dadkaas xujeyda ah ayaa ku yimid dalka Sacuudiga gaadiidka badda, 60,251 qofna waxay kasoo galeen jidadka dalalka kale kasoo gala, halka 1,546,435 oo dadkaas ka mid ahina ay kasoo galeen Sacuudiga garoomada diyaaradaha.

63.3% kamid ah dadkaasi waxay ka yimaadeen wadamada dhaca qaaradda Aasiya ee aan kamid ahayn carabta, 11.3% waxay ka yimaadeen wadama qaaradda Afrika e aan ka tirsanayn jaamacadda Carabta, halka 3.2% dadkaasi ay ka yimaadeen Yurub, koonfurta iyo Waqooyiga Ameerika iyo Australia.

Xilliga gudashada acmaasha xajka ee sanadlaha ah ayaa aalaaba la soo tabiyaa geeri ku timaada xujeyda qaar inkasta oo sababuhu kala duwanaadaan marar badan.

Warka Habeenimo ee Radio Hiiraanweyn 19 06 2024

Arbaco june, 19 2024 (HMC) – Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Fiidnimo ee Warbaahinta  Hiiraanweyn

Somali government cracks down on unlicensed vehicles in Mogadishu

Wednesday 19 June 2024 {HMC} — In a move to enhance security, the Somali government banned all vehicles without license plates from the streets of Mogadishu on Wednesday, effective immediately.

“The Somali Police Force informs residents of the capital and its surroundings that, as of today, June 18, 2024, vehicles without license plates are not allowed on the roads of the capital,” the statement from the general division of the police in Banadir region said.

The ban responds to the increasing number of unmarked vehicles on Mogadishu’s streets, many of which are used by soldiers, officers, and government personnel.

These unlicensed vehicles have been a significant security concern, contributing to the city’s instability.

Recently, stricter measures have been implemented in Mogadishu, exceeding the current order from the General Division of the Police in the Banadir region. These measures include inspecting all vehicles and restricting the transportation of heavy weapons within the capital’s streets

Madaxweyne Putin oo soo gebagebeeyey booqashadii Pyongyang

Arbaco 19 June 2024 {HMC}  Madaxweynaha Ruushka Putin ayaa soo gabagabeeyay booqasho rasmi ah oo uu ku joogay Pyongyang, isagoo ka hor inta uusan ka dhoofin kulan labo saac socday la qaatay dhiggiisa Kuuriyada Waqooyi Kim John Un.

Waxay si wadajir ah u saxiixeen heshiis iskaashi dhammeystiran oo dhigaya labada dal haddii ay la kulmaan duulaan inuu midba midka kale ku caawiyo howlgal militari iyo difaac, sida u sheegay Putin, halka Kim uu yiri; “ Shaki igama jiro in heshiiska cusub ee Ruushka aan la galnay inuu soo dedejinayo abuuritaanka duni awood badan.”

Putin, ayaa 24 sanno kaddib booqasho rasmi ah shalay ku tagay Pyongyang, halkaa oo uu ka helay soo dhaweyn roog-cas, ubaxyo, sacabka carruurta iyo dhawaqa madaafiicda lagu soo dhaweeyay ee ay rideen ciidanka Kuuriyada Waqooyiga, iyagoo wada-hadallada maanta markii ay soo dhammaadeen si wadajir ah labada hoggaamiye ugu lugeeyeen beer ku taalla Pyongyang, halka uu Putin guddoonsiiyay isagoo waliba waddooyinka Pyongyang ku ka xeeyay gaariga raaxada ee Ruushka uu soo saaro ee Aurus iyo qalab lagu kariyo shaaha iyo kafeyga.

Putin ayaa sidoo kale booqday goobaha muhiimka ah, isagoo Kim ku ammaanay taageerrada Ruushka uu ku siiyay dagaalka Ukraine iyo martigelinta Carruurta askarta Ruushka uga dhimatay dagaalka Ukraine oo la geyn doono Pyongyang.

Hoggaamiyaha Ruushka wuxuu sheegay in waddan kastaa uu ogolaaday inuu ka caawiyo kan kale sidii looga hortagi lahaa gardarrada dibadda.

Chad O’Carroll, oo ah khabiir ku takhasusay arrimaha Waqooyiga Kuuriya oo ka tirsan NK News, ayaa ku sheegay barta X in qodobkan uu furi karo albaabka iskaashiga oo ay ku jiraan suurtagalnimada in askarta Waqooyiga Kuuriya ay ku caawiyaan Ruushka dagaalka Ukraine.

Victor Cha, oo ah Guddoomiyaha Kuuriya ee Xarunta Istaraatijiyadda iyo Daraasaadka Caalamiga ah, ayaa sheegay in heshiisku uu ka dhigan yahay cusbooneysiinta dammaanad-qaadyada amniga oo u dhigma kuwii xilligii dagaalkii qaboobaa.

Ciidanka Xoogga Dalka oo ATMIS Kala Wareegay saldhig istiraatiji ah

Arbaco 19 June 2024 {HMC}  – Taliska howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS ayaa saldhigga deegaanka Bariire ku wareejiyay ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, taas oo qayb ka ah qorshaha ku aadan bixitaanka ciidamadan oo hadda ku socdo si tartiib ah.

Munaasabad ka dhacday Bariire ayaa waxaa si rasmi ah saldhigga loogu wareejiyay cutubto ka tirsan ciidamada Xoogga dalka oo la wareegay mas’uuliyadda amniga.

Si gaar ah waxaa ATMIS saldhigga ugala wareegay sarkaal lagu magacabao Muxudiin Axmed, oo kamid ah saraakiisha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, kaas oo munaasabadda uga mahadceliyay taliska ciidanka Midowga Afrika ee muddada joogay halkaasi.

ATMIS ayaa saldhiggan oo ku yaalla Gobolka Shabeellaha Hoos gacanta ku haysay tan iyo sanadkii 2019, waxaana ay sheegtay inuu leeyahay muhiimad istiraatijiyad ah, maaddaama uu yahay goob difaac ah oo qiyaastii 60 KM dhanka galbeed kaga beegan Muqdisho

Taliyaha ciidamada Uganda ee ATMIS Anthony Lukwago Mbuusi oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in mudaddii ay joogeen halkan wax badan ka qabteen Bariire, isaga oo u rajeeyay ciidamada dowladda inay gaaraan guullo kale oo waa wayn.

“Wareejinta saldhiga ciidamada Bariire kaliya ma ahan wareejinta hantida maguurtada ah, balse waxay astaan u tahay horumarka aan si wadajir ah uga sameynay howlgalka aan wadaagno,” ayuu taliyaha ciidamada Uganda ee ATMIS Anthony Lukwago Mbuusi.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay sii garab istaagi doonaan ciidanka Soomaaliyeed, si uu amniga dalka ugu guuleysto mustaqbal dhow, maadaama ay ka baxayaan dalka.

“Waxaan si wadajir ah uga shaqeyn doonaa sidii Soomaaliya ay u heli lahayd mustaqbal ifaya, kaasoo ku dhisan iskaashi, is-ixtiraam, iyo hadafka guud ee ah in la helo nabad waarta,” ayuu yiri Mbuusi oo si rasmi ah u wareegjiyay saldhigga deegaanka Bariire

ATMIS ayaa horay u wareejisay dhowr saldhig oo ku kala yaalla HirShabelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland, waxaana haatan ka howlgala ciidamada Xoogga dalka.

 

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray dalka Jabuuti

Arbaco 19 June 2024 {HMC} – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray dalka Jabuuti gelinkii dambe ee maanta,

Madaxweynaha waxaa dalkaas kusoo dhaweeyay dhiggiisa Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo saaxiib dhow la ah Xasan Sheekh.

Labada madaxweyne ayaa yeeshay kulan weyn oo arrimo badan ay uga wadahadleen, kuwaas oo quseeya labada dal.

Xogta aan helnay waxay sheegeysaa in qodobada ay dul istaageen Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Jabuuti ay ugu muhiimaanaayeen xiisadda gobolka ka taagan ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

Waxay waxay Xasan iyo Geelle ka wadahadleen dagaalka Khawaarijta Al-Shabaab, bixitaanka ATMIS, qorshaha difaaca badda Soomaaliya iyo fursadaha lagu sii xooji karo xiriirka Soomaaliya iyo Jabuuti.

Booqashada Jabuuti ayaa ah lugtii ugu dambeysay ee safar dheer oo Madaxweyne Xasan Sheekh ku tagey dalalka Norway, Switzerland iyo Turkey.

Madaxweynaha ayaa intii uu maqnaa waqtigiisa ugu badan ku qaatay dalka Turkiga, halkaas oo wasiirka arrimaha dibadda dalkaas Hakan Fidan uu kula kulmay.

Madaxweynaha ayaa dowladda Turkiga kala hadlay sii ay garab uga sii laheyd dagaalka Al-Shabaab, waxaana halkaas ka dhacay heshiis ay Turkigu si buuxda uga qeyb qaadanayaan dagaalka Al-Shabaab.

Ciidamada ATMIS oo Milatariga Soomaaliya ku wareejiyay saldhigga Bariire.

0

Arbaco, Juun, 19, 2024 (HMC) – Taliska ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS ayaa sheegay in saldhiga Bariire ay ku wareejiyeen ciidamada nabad sugida Soomaaliya, taasi oo bilow u ah wajigii saddexaad ee dhimista ciidamada.

ATMIS waxa ay sheegtay in Saldhigga Milatari oo ku yaalla Gobolka Shabeellaha Hoose oo ay ciidanka ATMIS gacanta ku hayeen tan iyo 2019, uu leeyahay muhiimad istiraatijiyad ah maaddaama uu yahay goob difaac ah oo qiyaastii 60 KM dhanka galbeed kaga beegan magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Wareejinta saldhiga ciidamada Bariire kaliya ma ahan wareejinta hantida maguurtada ah, balse waxay astaan u tahay horumarka aan si wadajir ah uga sameynay howlgalka aan wadaagno,” ayuu taliyaha ciidamada Uganda ee ATMIS Anthony Lukwago Mbuusi.

“Waxaan si wada jir ah uga shaqeyn doonaa sidii Soomaaliya ay u heli lahayd mustaqbal ifaya, kaasoo ku dhisan iskaashi, is-ixtiraam, iyo hadafka guud ee ah in la helo nabad waarta,” ayuu yiri Mbuusi oo saldhigga Bariire ku wareejiyay Muxudiin Axmed, oo kamid ah saraakiisha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed (SNA).

Sarkaalkan ayaa ku ammaanay ciidamada Uganda ee qeybta ka ah ATMIS sida ay uga go’an tahay kala guurka iyo sida ay ugu hureen xaqiijinta nabad ku soo laabashada Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in ciidamada XDS ay sii wadi doonaan sugida amniga deegaanka Bariire iyo dadka ku nool oo ay ka ilaalinayaan weerarada Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee sida sharci darrada ah u hubeysan.

Howlgalka Midowga Afrika ayaa Soomaaliya kala baxay 5,000 oo askari, waxayna ku wareejiyeen 17 saldhig ciidan ciidamada ammaanka Soomaaliya, intii lagu guda jiray wajigii 1aad iyo 2-aad ee dhimista ciidamada ee sanadkii 2023-ka.

Dagaal beeleed khasaare geystay oo maanta ka dhacay magaalada Qoryooleey

0

Arbaco, Juun, 19, 2024 (HMC) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal beeleed khasaare geystay oo maanta ka dhacay xaafado ka tirsan degmada Qoryooleey ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa gudaha magaalada Qoryooleey ku dhexmaray laba maleeshiyo beeleed oo halkaasi wada daga, kuwaas oo horay ugu wada dagaalamay gudaha degmadaasi iyo deegaano hoostaaga.

Beelaha dirirtu maanta ku dhexmartay Qoryooley oo kala Garre iyo Jiide ayaa colaada u dhaxeysa waxay ka bilaabayay dilal ku saleysan aanooyin qabiil oo dhawaan ka dhacay gudaha degmadaas, kadib markii lagu dilay afar ruux oo labada beelood kasoo kala jeeday.

Wararka hordhaca ah ee kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal beeleedkaan ayaa sheegaya in ilaa sadax ruux oo labada dhinac ah ay ku dhinteen, islamarkaana uu jiro dhaawac intaas ka badan.

Dagaalkaan ayaa maanta si weyn u saameyay dhamaan dhaqdhaqaaqii ganacsiga iyo isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha ee magaaladaas, waxaana wali la dareemaya xaalad kacsanaan ah, maadama maleeshiyaadkii dagalaamay aysan wali ka fogeyn goobahii ay ku dagaalameen.