Arbaco june,19 2024 (HMC) – Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo :: Mustaf Ali Addow iyo Shugri
Farsamadii ::Abdirahman Muse {Hagar}
Arbaco june,19 2024 (HMC) – Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo :: Mustaf Ali Addow iyo Shugri
Farsamadii ::Abdirahman Muse {Hagar}
Arbaco 19 June 2024 {HMC} Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa billaabaysa qorshaha u diyaar garowga maalmaha xorriyadda oo foodda nagu soo haya maalmaha soo aaddan.
Iyada oo ay nagu soo fool-leeyihiin todobaadka xoriyadda, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ayaa maanta mar kale martigelisay kulankii guddiga qabanqaabada maalmaha xoriyadda ee 26-ka jun iyo 1-da Luulyo.
Kulanka oo ay isugu yimaadeen masuuliyiinta ayaa waxaa guddoomiyay Wasiirka Wasaaradda mudane Xildhibaan Hon Ali Yusuf Ali – Xoosh.
Kulankan oo ay goobjoog ka ahaayeen xubnaha guddiga heer wasiir, hey’addaha kala duwan ee amniga iyo maamulka gobolka Banaadir ayaa looga hadlay heerka diyaargarowga iyo qabanqaabada ee qeybaha kala duwan.
Waxaa si gaar ah looga arrinsaday bandhigyada la filayo iyo sidii maalmaha qaran ee xoriyadda uu bandhigoodu u noqon lahaayeen mid weyn.
Arbaco 19 June 2024 {HMC} Warbaahinta Ruushka ee RIA ayaa ku warrameysa in labada hogaamiye ay kala saxiixdeen heshiis istiraatijiyadeed oo dhameystiran.
Arrintan ayaa uu hore u tibaaxay Yuri Ushakov, oo ah la taliye sare oo Putin ah.
Illaa hadda waxa heshiiskani yahay iyo waxa uu ka kooban yahay ma cadda. Balse warbaahinta ayaa isku deyeysa in ay xog ka hesho faahfaahinta heshiiskan.
Labada hoggaamiye ayaa yeeshay kulan qaatay laba saacadood sida ay baahinayso warbaahinta Reuters. Halka weftigoodii kale ay qaateen kulammo gaargaar ah oo soconayey saacad iyo badh.
Kulanka labadan hoggaamiye iyo saaxiibtinnimada dhaw ee dhexmaraysa labadan dal ayaa badanka waddammada reer Galbeedku aad uga walaacsan yihiin.
Arbaco 19 June 2024 {HMC} Safiirka Suudaan ee Qaramada Midoobay Al- Harith Idriss Al- Harith ayaa shalay weerar afka ah ku qaaday Imaaraadka Carabta shir Golaha Ammaanka, isagoo ku eedeeyay dowladda dalkaasi inay colaad ka dhex hurineeyso dalkiisa, eedeyntaasi oo ergayga Imaaraadk Carabta uu si cad u diiday.
Muddo bilo ah, ayaa ciidanka Sudaan waxay ku eedeynayeen Abu Dhabi inay taageerto xoogaga RSF ee dagaalka kula jira ciidanka qalabka sida ee Sudan.
Bishii Abriil, Suudaan waxay codsatay kulan degdeg ah oo Golaha Amaanka oo ku saabsan eedeeyntaasi kaas oo aan meel marin.
Sudan ayaa cagaha la gashay dagaalka sokeeye bishii April 2023-kii oo ay iska hor-ymaadeen militariga caadiga ah ee uu hogaamiyo taliyaha ciidamada Abdel Fattah al-Burhan iyo xoogaga RSF ee uu hogaamiyo ku xigeenkiisii hore Mohamed Hamdan Daglo.
Qaraar la ansixiyay todobaadkii hore oo lagu dalbanayay in la soo afjaro “go’doominta” RSF ee El-Fasher ee gobolka Darfur ee Suudaan, ayaa golaha amaanka wuxuu ugu baaqay dhammaan dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobay inay “iska ilaaliyaan faragelin dibadeed wuxuuna ku booriyay in la ixtiraamo cunaqabateeynta hubka ee Sudaan.
Arbaco 19 June 2024 {HMC} Mareykanka ayaa sii xoojinaya inuu diiradda saarayo la dagaalanka kooxaha mintidiinta Soomaaliya, kadib markii ay sii kordhayaan bartilmaameedyada lala xiriirinayo kooxda Daacish ee ka soo cusboonaatay saldhiga ay ku leeyihiin Geeska Afrika.
Saraakiisha Mareykanka ayaa ka walaacsan in Daacishta Soomaaliya ay halbowle u tahay isku xirka
maaliyadda caalamiga ah, iyo martigelinta hoggaamiyaha ugu sarreeya kooxda.
Hogaamiyayaasha ugu sareeya IS waxay u arkaan Afrika meel ay tahay inay maalgashadaan, halkaas oo ay ka heli karaan inay si ka wanaagsan oo xor ah ugu shaqeeyaan, waxayna rabaan inay isku ballaariyaan Soomaaliya,” ayuu yiri sarkaal sare oo ka tirsan difaaca Mareykanka.
Qiimaynta Maraykanku waxa ay daba socotaa wararka sheegaya in amiirka Daacish, Abu Xafs al-Hashemi al-Qurashi, uu ka soo safray Suuriya ama Ciraaq ka dibna uu Yemen uga sii gudbay maamul-goboleedka Puntland.
Sidoo kale waxa ay daba socotaa digniino ka soo baxay saraakiil badan oo ka tirsan laamaha amniga Soomaaliya oo sheegayay in IS-Soomaaliya ay sii xoogaysatay, taas oo ay ugu wacan tahay dagaalyahanno iyo hawl-wadeenno ka soo qulqulaya Yemen.
Sarkaal Maraykan ah ayaa xaqiijiyey Isniintii in weerar xagga cirka ah oo dabayaaqadii bishii hore ka dhacay agagaarka deegaanka Dhaadaar, oo 81 kiiloomitir koonfur bari ka xigta magaalada Boosaaso, lala beegsaday hoggaamiyaha IS-Somalia Cabdulqaadir Muumin.
Qiimaynta ugu horraysa ee Taliska Maraykanka ee Afrika ee 31-kii May ayaa lagu sheegay in saddex ka mid ah maleeshiyada IS lagu dilay. Inkastoo aysan cadddayn in Muumin uu ka mid yahay dadka dhintay.
Wednesday June 19 2024 {HMC} — Puntland police and Somali security forces conducted an anti-piracy operation in Galkayo, arresting Abshir Abdi Kheyre Jowfe, 38, the commander behind the hijacking of the MV Abdalla. The arrest marks a significant step in the ongoing efforts to dismantle pirate networks in the region.
The operation took place in the Sinai area north of Galkayo following extensive planning and coordination between Somali security forces and Puntland police.
The MV Abdalla, carrying 23 Bangladeshi crew members, was hijacked and diverted to the Somali coast, where pirates fortified it with heavy artillery to deter rescue operations. Pirate groups increasingly use this tactic to maintain control over hijacked vessels. The crew was held hostage for weeks before being released following prolonged negotiations that culminated in a $5 million ransom. The talks involved multiple stakeholders, including the Bangladeshi government and international maritime organizations.
Mudug Regional Police Chief Col. Mohamud Abdihakin Yusuf emphasized the authorities’ commitment to combatting piracy and bringing all involved gangs to justice. Jowfe’s arrest is the third related to the MV Abdalla hijacking, highlighting the ongoing crackdown on pirate activities.
The Puntland police also announced on Monday that they had arrested Mohamed Sufi Rasas in Garowe, where he had been hiding for the past few days.
Following the ransom payment, the pirates dispersed into various cities in Puntland, with some relocating to coastal areas to plan further attacks on commercial ships.
The international community, including maritime organizations and naval forces, continues to monitor and respond to piracy threats off the Somali coast. The hijacking and subsequent ransom payment have prompted calls for enhanced naval patrols and security measures to protect commercial shipping routes.
Arbaco 19 June 2024 {HMC} Xildhibaan Xaadoole “Beesha aan baarlamaanka ku metelo dhul kama heystaan kooxda AS
Arbaco 19 June 2024 {HMC} Madaxtooyada SSC-khaatumo oo ka warbixisay safarkii uu madaxweyne ku xigeenka ku tagay gobolladaasi.
Arbaco 19 June 2024 {HMC} Mid kamida Dhalinyarada Halganka ku dhaawacmay Ssc Khaatumo oo madaxda Fariin udiray.
Arbaco 19 June 2024 {HMC} Guddoomiye Muungaab “ dadkeena waxay diyaar u yihiin inay dowladda ku garab taagaan dagaalka AS.”