Home Blog Page 2287

{DAAWO MUUQAALKA} Xubin Sare oo ka tirsanaa AS Oo Ciidamada Dowlada isku dhiibay.

0

Arbaco 19 June 2024 {HMC} Xubin Sare oo ka tirsanaa AS Oo Ciidamada Dowlada isku dhiibay.

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

Wararkii ugu Dambeeyay Xiisad ka taagan Wanlaweyn.

0

Arbaco 19 June 2024 {HMC} Wararka ka imaanaya degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in ciidanka dowladda gacanta ku dhigeen nin hoggaamiye burcad ahaa, kaa oo si weyn ciidamada u baadigoobayeen.

Ciidamada kumaandooska Danab oo gacan ka helayay ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed ayaa gacanta ku dhigay ninkan burcadka ahaa, kaa oo ciidamo beeleed hubeysan ku heestay degmada Wanlaweyn.

Ninkan la qabtay ayaa la sheegay in isbaaro u taalay wadada soo gasha degmada Wanlaweyn, waxa uuna halkaasi gaadiidka uga qaadi jiray lacago sharcidarro ah oon ku dhicin qasnada dowladda Soomaaliya iyo tan maamulka Koonfur Galbeed.

Ciidamada Danab ayaana ninkan ku xiray saldhigga ciidamada ee Balidoogle, waxaana ninkan inta aan la qaban kahor isku dayay in uu dagaallamo, balse ciidamada ayaa qorshihiisa fashiliyay gacantana ku dhigay.

Degmada Wanlaweyn ayaana wararka ka imaanaya sheegayaan in magaalada laga dareemayo xiisad ka dhalatay xariga loo geestay ninkan burcadka ahaa, waxaana xarigiisa ka gadoodsan maleeshiyo beeleed ninkaasi ku heyb ah.

Dedaalo looga hortagayo in xariga ninkan xiisad dagaal dhaliso ayaa ka socda degmada Wanlaweyn, odayaal iyo xaraakiil ayaana ka shaqeenaya sidii looga hortagi lahaa rabshado degmada Wanlaweyn ka dhaca.

Putin oo ka degay Caasimadda Kuuriyada Waqooyi ee Pyongyang.

0

Arbaco 19 June 2024 {HMC}  Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa maanta oo Arbacada gaaray Kuuriyada Waqooyi, kaddib markii uu sheegay in labada dal ay doonayaan inay si dhow uga wada shaqeeyaan sidii ay uga gudbi lahaayeen cunaqabateynta uu Mareykanku ee saaran labada waddan.

Putin ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Pyongyang kula kulmay hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un, oo ay is qacan qaadeen isuna haayoodeen kadibna wada raceen gaariga Kim oo loogu galbiyay guriga martida ee Kumsusan ee Pyongyang sida ay sheegtay wakaaladda wararka Kuuriyada Waqooyi.

Labada hogaamiye ayaa kulankooda ku tilmaantay dhacdo taariikhi ah, oo muujinaysa sii waarida saaxiibtinimada iyo wadajirka labada waddan.

Putin, oo safarkiisii ugu horreeyay ku tagay Kuuriyada Waqooyi muddo 24 sano ah, ayaa faallooyin ka soo muuqday warbaahinta dowladda saacado ka hor inta uusan ka degin Pyongyang ku sheegay in uu aad uga mahadcelinayo taageerada adag ee dalkaasi u fidiyay falkiisa milatari ee Ukraine.

 

{DAAWO MUUQAALKA} Dacwo ka dhan ah Dowlada Soomaaliya oo loo Gudbiyey Beesha Caalamka.

0

Arbaco 19 June 2024 {HMC} Dacwo ka dhan ah Dowlada Soomaaliya oo loo Gudbiyey Beesha Caalamka.

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Dowlad lagu eedeyey ineey masuul ka tahay ineey Geeriyoodaan Muhaajiriin.

0

Arbaco 19 June 2024 {HMC} Dowlad lagu eedeyey ineey masuul ka tahay ineey Geeriyoodaan Muhaajiriin.

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Maxuu yahay 15-ka Mashruuc ee Madaxweynaha Hirshabeelle kaga dhawaaqay Degmada Warshiikh.?

0

Arbaco 19 June 2024 {HMC} Maxuu yahay 15-ka Mashruuc ee Madaxweynaha Hirshabeelle kaga dhawaaqay Degmada Warshiikh.?

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

Sargaal ciidan oo lagu dilay magaalada Muqdisho.

Arbaco 19 June 2024 {HMC} Kooxo burcad hubeysan oo dad shacab ah ka dhacayay moobeelo ayaa xalay degmada Xamar Jajab ee gobolka Banaadir, waxa ay ku dileen sargaal katirsanaa ciidanka booliiska ee ka howlgala saldhiga degmadaasi.

Ciidamo booliis ah ayaa si deg deg ah ugu baxay howlgal ay uga hortagayeen burcada hubeysan ee dadka shacabka ah dhaca u geesanayay, waxaana qeybo kamid ah degmada Xamar Jajab ka dhacay iska horimaad u dhaxeeyay ciidanka iyo burcada.

Iska horimaadka ka dhacay degmada Xamar Jajab ayaa la sheegay in uu ku dhintay Cali Xasan Shiiraar (Taliye Carab) oo kamid ahaa saraakiisha ciidanka booliiska ee ka howlgalla degmada Xamar Jajab.

Laamaha ammaanka ee gobolka Banaadir ayaana wali faah faahin ka bixin falkan lagu dilay sargaalka katirsanaa ciidanka booliiska, sidoo kale lama oga in ciidamada ku guuleesteen qabashada burcada dilka geesatay .

Magaalada Muqdisho waxaa maalmihii lasoo dhaafay kusoo badanayay burcada hubeysan ee dhaca u geesata dadka shacabka, burcadan ayaana mararka qaar dil ama dhaawac u geesta dadka moobeelada isku dhejiya.

Warka Subaxnimo ee Radio Hiiraanweyn{ 19/06/2024}

Warka Subaxnimo ee Radio Hiiraanweyn{ 19/06/2024}

Warka waxaa soo jeedinayo :: Cabdi-qani cosoble

Farsamadii ::Abdirahman Muse {Hagar}

Ra’iisul-wasaaraha Holland oo noqonaya madaxa NATO

Arbaco 19 June 2024 {HMC}  Ra’iisul-wasaaraha dalka Holland Mark Rutte, oo ka mid ah xulafada aadka ugu dhaw Ukraine, isla markaana si adag u daleeceeya madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, ayaa lagu wadaa in uu noqdo madaxa Xulafada NATO.

Rutte oo baddali doona hogaamiyaha NATO ee xilligaan Jens Stoltenberg ayaa taageeradi ugu danbeysay ka helay dowladaha Hungary iyo Slovakia.

Isaga oo ka barbar hadlayay xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Antony Blinken oo uu kula kulmay Washington D.C, ayuu Stoltenberg ka gaabsaday inuu xaqiijiyo ama inkiro warkan.

Xoghayaha guud ee NATO ee soo socda ayaa wajihi doona caqabado ay ka mid yihiin joogtaynta taageerada xulafada Ukraine ee dagaalka uu kusoo qaaday Ruushka, iyadoo la iska ilaalinayo xiisad kasta oo keeni karta in xulafada militariga ay si toos ah dagaal ula galaan Moscow.

Muddo xileed 10 sano qaatay oo uu jagada NATO hayay Stoltenberg ayaa ku eg 1-da bisha October. Wuxuu xafiiska qabtay sannadki 2014-ki, bilo yar kaddib marki uu Ruushka qabsaday gobolka Crimea.

Tan iyo marki uu xilka qabtay Stoltenberg, waxaa NATO ku biirtay afar waddan oo kal ah Montenegro, North Macedonia, Finland iyo Sweden.

Mareykanka oo daganaashaha joogtada ah siinaya nus milyan qof oo sharci la’aan ah.

Arbaco 19 June 2024 {HMC} – Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa Talaadadii shalay ku dhawaaqay siyaasad cusub oo ku saabsan muhaajiriinta, taasoo deganaashaha joogtada ee Mareykanka ka caawin doonto boqollaal kun oo xaasas oo aanan sharci ku joogin Mareykanka.

Sharcigana ayaa waxaa ka faa’iideysa doona nus milyan ruux oo aanan sharci ku joogin Mareykanka, balse qaba xaasas heysta dhalashada Mareykanka ama ay qabaan muwaadiniin Mareykan ah. Sidoo kale, waxaa kaloo qeyb ka ah carruurta aanan sharciga heysan ee Mareykanka ku noolaa 10-kii sano ee lasoo dhaafay.

Shuruudaha lagu xiray dadka xaqa u yeelan doono in ay dal-badaan sharcigan cusub ayaa ah, in ay Mareykanka ku noolaayeen muudo 10 sano ama wax ka badan. Faah-faahinta arrintan ayuu Nur Hassan Nur oo ka wareystay, Amin Harun oo ah garyaqaan ku xeel dheer arrimaha socdaalka Mareykanka kuna nool gobolka Minnesota.