Arbaco june, 18 2024 (HMC) – Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Fiidnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo :: Cabdi-qani cosoble
Farsamadii ::Abdirahman Muse {Hagar}
Talaado 18 June 2024 {HMC} – Maamuka Gobolka Hiiraan iyo Kan Degmada Baladweyne ayaa maanta kulan la qaatay Bulshada qeeybaheeda kala Duwan kaasi oo looga hadlayey sidii Magaalada Baladweyne ay u yeelan leheyd Laamiyo,
Sanadihii lasoo dhaafay Magaalada waxaa ku dhuftay fatahado kuwaasi Burburiyey Goobaha muhimka ah oo ay ugu horeeyaan laamiyada
kulanka maanta lagu qabtay Magaalada Baladweyne waxaa ka qeeyb galay Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Hiiraan Xasan ibraahim Cabdulle Maayarka Magalada Baladweyne Nadar Tabaax maalin iyo Gudoomiyaha Degmada Baladweyne Cumar Calasoow waxaana warbixin looga dhageystay Howl wadeenada Mashruuca PIU maalgilinaayo Bankiga aduunka.
Madaxda maamulka ayaa sheegay in ka maamul ahaan waqti iyo juhdi ku bixin doonaan sidii loo Fulin lahaa dhismaha wadooyinkaan oo qeyb weyn ka qaadan doono bilicda iyo isku socodka bulshada.
Ugu dambeyn madaxda maamulka ayaa u mahadcilinayaa Howl wadeenada Mashruuca PIU- Wold Bank, UNOPS iyo dhammaan inta ka qeyb qaadaneyso mashruuca, waxeeyna Bulshada reer Beledweyne ugu baqeen inay qeybtooda kaga aadan ka qaataan siduu mashruucaan waxtarka u leh Bulshada ufuli lahaa.
Talaado 18 June 2024 {HMC} – NAIROBI — Tiro badan oo Kenyan ah ayaa isugu soo baxay bannaanka baarlamanka Talaadadii si ay uga mudaaharaadaan kordhinta canshuuraha muranka dhaliyay, iyadoo booliiska ay adeegsadeen sunta dadka ka ilmeysiisa, islamarkaana ay xireen saddex qof.
Dalkan Bariga Afrika ugu dhaqaalaha badan ayaa la daalaa dhacayey xasarado dhanka nolosha ah, ayada oo kuwa dowladda dhaliila ay sheegayaan in ay kasii dari doonto haddii la hir-geliyo canshuur kordhinta la soo jeediyey.
Dowladda oo lacag la’aan ay hayso ayaa difaacday tallaabada — oo la filayo in ay soo xareyso 346.7 bilyan oo shilling una dhiganta ($2.7 bilyan) — kuna sheegtay mid lagama maarmaan ah, si loo yareeyo ku tiirsanaanta daymaha dibedda.
Dibadbaxa oo loogu magac daray “Qabsashada Baarlamanka” ayaa kuwa abaabulaya waxa ay baraha bulshada ku faafiyeen taleefonada xildhibaanada, ayaga oo dadka ku boorinaya in ay ku qarqaan wicitaan iyo farriin qoraaleedyo, si looga laabta sharciga canshuur kordhinta.
Qodobada ugu muranka badan sharciga waxaa ka mid ah canshuurta baabuurta, oo noqon doonta 2.5 boqolkiiba qiimaha gaariga, iyo soo celinta canshuurta rootiga.
Falanqeeyayaasha ayaa sheegaya in inkasta oo canshuurtu ay dhaawici karto dhaqaalaha, haddana sharcigan la filayo in uu meelmaro sababo la xiriira aqlabiyadda baarlamaanka ee xisbiga madaxweyne William Ruto.
Iyadoo uu jiro khilaaf sii kordhaya oo kala dhaxeeya xubno sare, Ruto ayaa ku baaqay kulan uu xildhibaanadiisa la qaato si ay u taageereen sharciga ka hor doodda baarlamaanka oo billaabanaysa galabnimada Talaadada.
Baarlamaanku waa inuu meel mariyo nuqulka ugu dambeeya ee hindise sharciyeedka ka hor 30-ka June.
Ruto ayaa xukunka ku yimid 2022 ballan-qaad ah in uu dib usoo nooleyn doono dhaqaalaha, islamarkaana uu lacag ku shubi doono jeebabka danyarta, hase yeeshee siyaasadihiisa ayaa dhaliyey qanacsanaan la’aan baahsan.
Waxa uu sare u qaaday canshuurta dakhliga shacabka, iyo lacagta qofka laga doonayo si uu u helo caymiska caafimaadka, isaga oo sidoo kalena laba laabay canshuurta shidaalka oo uu ka dhigay 16%
Canshuur kordhintii sanadkii tegay ayaa horseeday dibadbaxyo ay dhigeen mucaaradka, oo qaarkood isu beddelay isku dhacyo dhaliyey dhimasho oo dhex-maray mudaaharaadayaasha iyo booliska.
Talaado 18 June 2024 {HMC} Maxkamada Ciidamada oo Amar Dul dhigtay Ciidamada ku sugan Degmada Buulo Burde.
Talaado 18 June 2024 {HMC} safarkii uu madaxweyne ku xigeenka ku tagay deegaanno ka tirsan gobollada SSC-khaatumo
{DAAWO MUUQAALKA} Dowladda Soomaaliya oo mamnuucday Gaadiidka aanay ku xirneyn summadda (Taariko)
Talaado 18 June 2024 {HMC} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka 18 6 2024
Talaado 18 June 2024 {HMC} Ciidamada Xooga Dalka oo lasiiyay Amarkii ugu dambeeyey Deegaanada AS joogan.
Talaado 18 June 2024 {HMC} Ninkii taliyaha u ahaa Burcad-badeedii madax furashada ka qaadatay markabka MV oo la qabtay
Talaado 18 June 2024 {HMC} Wasiirka Xanaanada Xoolaha Koonfur Galbeed Oo kormeerey goobaha lagu bixinaayo udxiyada.