Talaado 18 June 2024 {HMC} Senator Cabdixakiin Macalin oo xilka u kala wareejiyay hoggaanka Jaaliyadda waqooyiga America
{DAAWO MUUQAALKA} Sirdoonka Israa’iil Oo Gacanta ku dhigay dhallinyaro u Socday Kooxda Daacishta Soomaaliya.
Talaado 18 June 2024 {HMC} Sirdoonka Israa’iil Oo Gacanta ku dhigay dhallinyaro u Socday Kooxda Daacishta Soomaaliya.
HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA
{DAAWO MUUQAALKA} Dhalinyarada Degmada Maxaas oo Taageeray Taliye sambaloolshe
Talaado 18 June 2024 {HMC} Dhalinyarada Degmada Maxaas oo Taageeray Taliye sambaloolshe
HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA
{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {18/ 06/ 2024}
Talaado june, 18 2024 (HMC) – Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo :: Mustaf Ali Addow iyo Zahro Gabre
Farsamadii ::Abdirahman Muse {Hagar}
Putin iyo Kim Jong Un oo mar kale kulmaya xilli Galbeedku ka walaacsan yahay
Talaado 18 June 2024 {HMC} – Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa maanta oo Talaado ah booqanaya Kuuriyada Waqooyi markii ugu horreysay muddo 24 sano ah.
Mr Putin ayaa la kulmi doona hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un iyaga oo wadahadal ku yeelanaya caasimadda Pyongyang.
Labada hogaamiye ayaa bishii Sebtembar ku kulmay magaalada Vladivostok ee dalka Ruushka balse waa booqashadii ugu horeysay ee Mr Putin uu ku tago Pyongyang tan iyo sanadkii 2000.
Maraykanka ayaa sheegay in uu ka walaacsan yahay “xiriirka qotada dheer ee u dhexeeya labadan dal”.
Kremlin-ka ayaa ku tilmaantay dhacdadan “booqasho saaxiibtinimo oo dowladeed” iyadoo warbaahinta Ruushka ay ku warramayso in Mr Putin iyo Mr Kim laga yaabo inay kala saxiixdaan heshiis iskaashi, oo ay ku jiraan arrimaha ammaanka, waxayna si wadajir ah bayaanno u siin doonaan warbaahinta.
Dhoollatus ka dhici doona fagaaraha Kim Il Sung ayaa la filayaa. Mr Putin ayaa sidoo kale la filayaa inuu daawado bandhig faneed oo uu booqdo Kaniisadda Ortodokska ee ku taalla Pyongyang, oo ah Kaniisadda kaliya ee qadiimiga ah ee Waqooyiga Kuuriya.
Waxaa jira warar sheegaya in Mr Putin uu sii joogi doono guriga martida ee Kumsusan ee Pyongyang, halkaasoo hoggaamiyaha Shiinaha Xi Jinping uu ku sugnaa markii ugu dambeysay ee uu booqasho ku tagay Kuuriyada Waqooyi sanadkii 2019-kii.
Mr Putin ayaa la filayaa in uu yimaado isaga iyo wasiirkiisa cusub ee gaashaandhiga Andrei Belousov, halka wasiirka arrimaha dibadda Sergei Lavrov iyo ra’iisul wasaare ku xigeenka Alexander Novak ay iyaguna qeyb ka noqon doonaan wafdiga.
Madaxweynaha Ruushka ayaa ku ammaanay Kuuriyada Waqooyi inay “si adag u taageertay” dagaalka Moscow ee Ukraine ka hor booqashadiisa.
Waxa uu sidoo kale wacad ku maray in uu taageersan yahay dadaalka Pyongyang ee ay ku difaacayso danaheeda inkasta oo uu ugu yeeray “cadaadiska Maraykanka ee cagajuglaynta iyo hanjabaadaha militariga”, oo lagu baahiyay maqaal uu ku daabacay Kuuriyada Waqooyi Rodong Sinmun, oo ah afhayeenka xisbiga talada haya.
Waxa uu wacad ku maray in uu Kuuriyada Waqooyi la dhisi doono habab ganacsi iyo ammaan “kuwaas oo aysan maamulin reer galbeedku”.
Mr Kim ayaa todobaadkii hore sheegay in xiriirka kala dhexeeya Ruushka “uu u horumaray xiriir aan la goyn karin oo saaxiibtinimo”.
Intii lagu guda jiray kulankoodii sannadkii hore, Mr Putin wuxuu sheegay inuu arkay “suurtagal” iskaashi millateri ah oo lala yeesho Kuuriyada Waqooyi, halka Mr Kim uu u rajeeyay “guusha” madaxweynaha Ruushka ee Ukraine.
Aqalka Cad ayaa sheegay in Mareykanka uu ka walaacsan yahay xiriirka dhow ee u dhaxeeya Ruushka iyo Kuuriyada Waqooyi.
“Kama walaacin safarka” Mr Putin, afhayeenka golaha amniga qaranka John Kirby ayaa u sheegay suxufiyiinta Isniintii. Waxa aanu ka walaacsanahay waa xiriirka qotada dheer ee labadan dal.
Sanadkii 2000, billowgii shaqadiisa madaxweynenimo, Mr Putin wuxuu la kulmay Mr Kim aabbihii, Kim Jong Il, oo weli ahaa hoggaamiyaha ugu sarreeya. Xiriirka labada dal ayaa sare u kacay sannadihii u dambeeyay, gaar ahaan wixii ka dambeeyay markii Ruushku si buuxda u weeraray Ukraine.
Washington iyo Seoul waxay ku eedeeyeen Pyongyang inay Moscow siiso madaafiic iyo qalab kale, oo ay u badan tahay inay ku beddesho cunno iyo gargaar milatari iyo sidoo kale waxyaabo teknolojiyadeed. Waqooyiga Kuuriya iyo Ruushka labaduba waxay dafireen jiritaanka heshiis hub ah.
Kuuriyada Waqooyi kadib, Mr Putin ayaa la filayaa inuu booqdo Vietnam oo ah dal Shuuci ah oo ay muddo dheer xulafo ahaayeen, iyadoo la filayo in labada dal ay ka wada hadlaan arrimo ay ka mid yihiin ganacsiga.

Sidee ayuu Mbappe u ciyaari doonaa kulamada hadhay koobka Qaramada Yurub?
Talaado 18 June 2024 {HMC} – Kylian Mbappe ayaa sanka ka jabay intii lagu gudo jiray kulankii furitaanka ee France ee Euro 2024 laakiin sida la soo werinayo, uma baahan doono wax qalliin oo degdeg ah.
Xidhiidhka Kubadda Cagta Faransiiska ayaa sheegay in maaskaro ama ‘weji gashi’ loo samayn doono kabtankooda, laakiin weli lama oga in uu Jimcaha ciyaari doono kulanka ay kooxdiisu la ciyaarayaan Netherlands iyo in kale.
25 jirkan weerarka ka ciyaara ayaa lagu qasbay in uu garoonka ka baxo intii lagu guda jiray isniintii 1-0 ay kaga badiyeen Austria ka dib markii uu wajigiisa garabka kaga dhuftay Kevin Danso, xilli uu is lahaa kubbadda madaxa ku dhali.
Waxaa loo qaaday cusbitaalka Dusseldorf halkaas oo lagu xaqiijiyay waxa gaadhay markii danbe.
Tahriibiyaal ayaa doomihii ay saarnaayeen ku degeen xeebaha Talyaaniga
Talaado 18 June 2024 {HMC} – Ugu yaraan 11 qof ayaa ku dhintay in ka badan 60 kalena waa la la’yahay ka dib markii laba markab ay ku degeen xeebaha koonfurta Talyaaniga, sida ay sheegeen samatabbixiyeyaal.
Hay’adda samafalka ee RESQSHIP ee Jarmalka ayaa sheegtay inay 51 qof ka soo saartay doon degtay, oo alwaax ah, waxayna heshay 10 mayd ah oo ku xyiran burburka doontaas meel u dhow jasiiradda Lampedusa Isniintii.
Dhacdo kale, isla maalintaas, in ka badan 60 qof ayaa la sheegay in la la’yahay, iyadoo 26 ka mid ah la soo weriyey inay carruur yihiin, sida ay sheegtay Médecins Sans Frontières (MSF).
Doonyahaan ayaa waxaa la socday Tahriibayaal ka soo ambabaxay dalalka Liibiya iyo Turkiga, sida ay sheegeen Hay’adaha Qaramada Midoobay.
Markabka kale ee ayaa isna ku burburay meel125 mile u jirta xeebta magaalada Calabria ee koonfurta Talyaaniga, sida ay wakaaladaha wararka ee aaggaas sheegeen.
Maxaa Loo Fasiran Karaa in Itoobiya ay ka laabato Go’aankedii aqoonsiga Soomaaliland?
Talaado 18 June 2024 {HMC} – Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Warshadaha Itoobiya Tarekegn Bulbulta oo qoraal hadal badan abuuray soo dhigay bartiisa X (ex-Twitter) ayaa waxa uu shaaciyay in Itoobiya ay noqon doonto dalkii ugu horreeyay ee aqoonsi siiya Somaliland.
“Itoobiya waxay noqon doontaa dalkii ugu horeeyay oo aqoonsi siiya Somaliland, waxaana xigaya inaan yeelano iskaashi dhaqaale iyo mid milatari,” ayuu yiri Tarekegn Bululta, wasiiru-dowlaha wasaaradda warshadaha Itoobiya.
Balse saacado kooban kadib waxaa hawada ka baxay qoraalkii uu soo dhigay wasiiru-dowlaha wasaaradda warshadaha ee Itoobiya kaas oo u muuqday in gebi ahaanba la tir-tiray.
Dad badan ayaa u fasiray in Itoobiya ay gaabsaneyso ka hadalka arrintan halka kuwa kalana ay u fasireen in sababo farsamo awgood qoraalka looga saaray barta X ama Twitter.
Haddaba muxuu ka dhigan yahay qoraalkan?
Maxamed Mukhtaar oo ah wasiirkii hore ee batroolka Soomaaliya ahna falanqeeye ka faallooda siyaasadda geeska gaar ahaan Soomaaliya ayaa ku tilmaamay arrinkan mid aan wax badan kasoo cusbooneysiineyn halkii ay kala taagnaayeen Soomaaliya iyo Itoobiya.
“Wasiiru-dowlaha warshada ee Itoobiya waxa uu ka hadlayay heshiiskii ay la gaartay Somaliland in uu sax yahay, taas ayuu ka hadlayay maadaama Itoobiya arrin ay muddo dheer dooneysay, hadalkiisa waxa uu daba socday heshiiskaas ee ilama aha in uu wax cusub ka hadlay”.
Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri, “in qoraalka laga saaro barta X ee wasiirku uu kusoo qoray waxa ay u muuqataa in looga saaray qaab farsamo, uma maleynayo in go’aankii Itoobiya uu wax iska bedelay inta aan ognahayna kama aysan laaban laakiin waxaa jiri kara sababo kale”, ayuu sii raaciyay.
Waxa uu sheegay in aysan jirin wax saan-saan ah oo haba yaraatee muujineysa in ay degtay xiisaddii u dhaxaysay Itoobiya iyo Soomaaliya isaga oo sheegay in Itoobiya aysan heshiis la geli karin ilaa ay aqoonsato taasina ay weli ku howlantahay.
“Somaliland waxa aminsantahay in aqoonsigu uu u horreeyo markaa kadibna ay heshiis la geli karto dowladda Itoobiya, halka Itoobiyana ay leedahay marka dhulka nala siiyo ayaan aqoonsaneynaa, taas ayaa muuqata laakiin weli ma cada oo guddi farsamo ayaa loo saaray,” ayuu sii raaciyay wasiir Maxamed Mukhtaar.
Bilowgii sanadkan Itoobiya ayaa qaadday tallaabooyinkii ugu horreeyay ee sharci kuwaasoo waddada u xaaraya in maalin uun dalka bad la’aanta ah ay u suurto gasho inuu isticmaalo dhul badeed kiro ah, sida ay sheegtay dowladda Itoobiya.
Waxay waxa loo yaqaanno heshiis is af-garad ah (MoU) la saxiixatay Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday Madaxbannaanida ee Somaliland si ay u isticmaasho mid ka mid ah dekadaheeda.
Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa hore adeegsiga badda ugu sheegay inay arrin muhiim ah u tahay dalkiisa.
Hadalkiisan oo uu sheegay bishii October ayaa Geeska Afrika ka dhaliyay xiisad.
Si rasmi ah looma shaacin qodobbada heshiiska ay wada saxiixdeen madaxda Itoobiya iyo Somaliland, taasoo ah dhibaato jirta maaddaama ay ku kala duwan yihiin waxyaabaha ay tilmaameen in ay ku heshiiyeen labada dhinac.
Kadib heshiiskaasi Soomaaliya ayaa muujisay caro weyn iyada oo heshiiska Itoobiya ay la gashay Somaliland ku sheegtay xad gudub cad iyo in lasoo fara geliyay madax bannaanideeda dhuleed.
Ciidanka Badda Giriigga oo lagu eedeeyay in ay badda ku dileen ilaa 40 muhaajiriin ah
Talaado 18 June 2024 {HMC} Baaritaan ay BBC-da sameeyay ayaa lagu ogaaday in ciidamada ilaalada xeebaha Giriigga ay mas’uul ka yihiin dhimashada in ka badan 40 qof oo muhaajiriin ah, kuwaas oo bareer ah loogu qasbay in ay badda dib ugu laabtaan, kaddib marki ay gaareen xeebaha Giriigga.
Dhacdooyinka dadkaasi lagu garraqay ayaa ahaa 15 dhacdo oo kulligoodba ka dhacay badda meditareeniyaanka, muddo saddex sano ah.
Sida ku cad warbixinta, sagaal qof oo ka mid ah afarta la xaqiijiyay, ayaa “si ula kac ah loogu tuuray” badda. Dadkaas iyo muhaajiriinta kale ayaa lagu qasbay in ay ka baxaan dhul-badeedka Giriigga ama dib looga celiyay jasiiradaha Giriigga kaddib marki ay doonyo ku gaareen.
Ciidanka Ilaalada Xeebaha Giriigga ayaa beeniyay eedaha loo soo jeediyay. BBC ayaa sheegtay in meelaha ay ilo wareedka ay ka heleen ay ku jiraan NGO-yo, ilaalada xeebaha Turkiga, warbaahinta maxalliga ah iyo goobjoogayaal.
Muhaajiriinta ka timaada Africa iyo Asiya ayaa inta badan u sii mara Yurub xeebaha Giriiga si ay nolol wanaagsan uga raadsadaan dalalka ku jira Midowga Yurub.