Madaxda Soomaliland iyo Soomaaliya Qaarkood oo Sanadkan Xajinayo.
{DAAWO MUUQAALKA} Maxaa looga baahan yahay Qof xaajiga ah maanta oo kale, oo la joogo Mina?
Jimco 14 June 2024 {HMC} Maxaa looga baahan yahay Qof xaajiga ah maanta oo kale, oo la joogo Mina?
HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA
{DAAWO MUUQAALKA} Wararkii Ugu Dambeeyay Qaban-qaabada Soo dhaweeynta Ugaaska ee Degmada Maxaas
Jimco 14 June 2024 {HMC} Wararkii Ugu Dambeeyay Qaban-qaabada Soo dhaweeynta Ugaaska ee Degmada Maxaas
HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA
Xukuumadda Ruto oo soo bandhigeysa miisaaniyad ay la socoto canshuur kordhin
Jimco 14 June 2024 {HMC} Wasiirka maaliyadda Kenya ayaa lagu wadaa in uu Khamiista soo bandhigo miisaaniyaddii ugu ballaarneyd abid, oo uu la socdo sharci muran badan dhaliyey oo ay ku jiraan canshuur kordhino cusub.
Xukuumadda Madaxweyne William Ruto ayaa diyaarisay miisaaniyad afar tiriliyan oo shilin ah, oo u dhiganta ($31.1 bilyan) sanadka 2024/25, taasi oo ka badan 3.75 trillion oo shilin oo bishii June ee sanadkii tegay loo ansixiyey sanad miisaaniyadeedkan.
Baarlamaanka ayaa horey u ansixiyay qorshaha qarashka ee la soo jeediyay, laakiin sharciga maaliyadda ee gaarka ah ee loogu talogalay buuxinta khasnadaha dowladda ay lacag la’aanta hayso, ayaa keeni kara kalfadhi aan caadi aheyn.
Hindise-sharciyeedka – oo ay dowladdu ku dooday inuu yahay tallaabo lagama maarmaan ah oo lagu dhimayo ku-tiirsanaanta daynta — ayaa dhalleeceyn xooggan kala kulmay siyaasiyiinta, Kenyan-ka shaqeeya iyo kooxaha ganacsiga.
Waxa uu soo jeedinayaa tiro cashuur kordhin ah oo la filayo in lagu soo rogo adeegyada maaliyadeed, wax soo-saarka iyo qaybaha ganacsiga.
Qodobada ugu muranka badan waxaa ka mid ah; billaabista canshuurta gaadiidka oo laga dhigayo 2.5% qiimaha baabuurka, iyo dib u billaabida canshuurta rootiga.
Dadka kasoo horjeeda ayaa ka digay in tillaabooyinka cusub ay culeyska ku sii kordhin doonaan dadka markii horeba la halgamayay sidii ay nolol maalmeedkooda u dabooli lahaayeen xilli qiimaha nolosha uu aad sare ugu kacay.
Kor u qaadis canshuur oo sidoo kale la sameeyey sanadkii hore ayaa horseeday mudaaharaadyo dhowr ah oo ay ku baaqeen mucaaradka kuwaas oo mararka qaar isu bedelay isku dhacyo lagu dhintay oo waddooyinka ku dhex maray booliiska iyo dibad-baxayaasha.
Kenya waa mid ka mid ah dalalka ugu dhaqaalaha wanaagsan Bariga Afrika laakiin saddex meelood meel, 51.5 ka milyan ee qof ee dalka ku nool ayaa ku nool saboolnimo.
Sicir-bararka ayaa ahaa mid aad u sarreeya, oo ah heerkiisu ahaa 5.1 boqolkiiba bishii May, halka sicir-bararka cuntada iyo shidaalka uu gaaray 6.2 boqolkiiba iyo 7.8 boqolkiiba siday u kala horreeyaan, sida ku cad xogta Bankiga Dhexe.
Dawladdu waxay saadaalisay cel-celiska kobaca dhaqaalaha uu gaari doono 5.2 boqolkiiba inta u dhaxaysa 2024 iyo 2026.
Bankiga Adduunka ayaa warbixin uu soo saaray todobaadkii hore ku sheegay in kobaca wax-soo-saarka dhabta ah ee Kenya uu sannadkii hore sare u kacay 5.6 boqolkiiba, halka uu ka ahaa 4.9 boqolkiiba 2022.
Muxuu Yahay Hadal Mareykanka uu kasoo saaray Soomaaliya ee ka careeysiiyay Cuba?
Jimco 14 June 2024 {HMC} Havana – Havana ayaa Khamiistii diiday, oo sheegtay in aysan ku filneyn, hadal dhawaan ka soo baxay Mareykanka oo ku saabsanaa masiirka labo dhaqtar oo Cuba u dhashay oo shan sano ka hor ay kooxda Al-Shabaab ka soo afduubteen Kenya.
Kooxda Al-Shabaab ayaa bishii February sheegtay in dhakhaatiirta kala ah; Assel Herrera iyo Landy Rodriguez lagu dilay isla bishaas duqeyn uu Mareykanku ka geystay magaalada Jilib.
Hase yeeshee Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa warbixin uu dhawaan soo saaray ku sheegay in dib u eegis lagu sameeyay xogta la hayo ay muujisay in “Weerarkii cirka ee Mareykanka uu fuliyay Feberaayo 15, 2024 aysan ka dhalan wax khasaare ah oo soo gaaray dadka rayidka ah”.
Wargeyska Granma, oo ku hadla afka dowladda Cuba, ayaa maqaal uu daabacay Khamiistii ku sheegay in qoraalka AFRICOM “aanu si cad u xusin dhakhaatiirta Cuba.”
Sidoo kalena, wasiirka arrimaha dibadda Bruno Rodriguez ayaa sheegay Arbacadii in warbixinta Maraykanku “aysan soo kordhinayn wax cusub,” isaga oo intaa ku daray in Havana ay sugaysay tan iyo bishii April “jawaabta codsi ay Cuba si rasmi ah u ugu dirtay AFRICOM oo ku saabsan weerarada meelo ka mid ah Soomaaliya.”
Sheegashada kooxda Al-Shabaab ee ah in dhaqaatiirta Cuba lagu dilay weerar ay fuliyeen Mareykanka ayaan si madax-banaan loo xaqiijin karin.
Dhakhaatiirtan ayaa qayb ka ahaa guuto caafimaad oo Cuban ah oo ka kooban 100 xubnood oo uga shaqaynayey Kenya heshiis laba geesood ah, markii la afduubtay bishii April 2019.
Cuba waxay leedahay guutooyin caafimaad oo ku sugan in ka badan 50 waddan, taasi oo oo qayb ka ah waxa loogu yeero “diblomaasiyadda jaakadda cad.”
{DAAWO MUUQAALKA} Mooska laqalajiyo ee shukulaatada isku badala maxaad ka taqanaa?
Jimco 14 June 2024 {HMC} Mooska laqalajiyo ee shukulaatada isku badala maxaad ka taqanaa?
HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA
{DAAWO MUUQAALKA} Hadal jeedintii uu Hoggaamiye Kuxigeenka Maamulka SSC-Khaatumo u jeediyey Bulshada Fiqifuliye
Jimco 14 June 2024 {HMC} Hadal jeedintii uu Hoggaamiye Kuxigeenka Maamulka SSC-Khaatumo u jeediyey Bulshada Fiqifuliye
HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA
{DAAWO MUUQAALKA} Sare u kac ayaa jira qiimaha Xoolaha ee Suuqdyada Muqdisho iyo dadkii ugu badnaa oo xoolo iibsanaya.
Jimco 14 June 2024 {HMC} Sare u kac ayaa jira qiimaha Xoolaha ee Suuqdyada Muqdisho iyo dadkii ugu badnaa oo xoolo iibsanaya.
HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA
{DAAWO MUUQAALKA} Sacuudiga oo xiray koox lagu eedeeyay iibinta kaararka aqoonsiga Xajka oo been-abuur ah
Jimco 14 June 2024 {HMC} Sacuudiga oo xiray koox lagu eedeeyay iibinta kaararka aqoonsiga Xajka oo been-abuur ah
HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA
{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {14.06.2024}
Jimco 14 June 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn.
Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahmaan Macalin Muuse
Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud



