Khamiis 13 June 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdi Axmed Xusen
Farsamadii ::Abdirahman Macalin Muse
Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdi Axmed Xusen
Farsamadii ::Abdirahman Macalin Muse
Khamiis june, 13, 2024 (HMC) – ANKARA — Turkiga iyo Mareykanka ayaa kala saxiixday qandaraas Ankara looga iibinayo diyaaradaha dagaalka ee F-16 ka dib markii Washington ay aqbashey heshiiskan oo ku kacaya 23 bilyan oo dollar.
Heshiiska ayaa yimid ka dib bilo wada xaajood ah, sida ay sheegeen ilo-wareedyo ka tirsan wasaaradda gaashaandhigga Turkiga Khamiista maanta.
“Qandaraaska waa la saxiixay, wufuud ka kala socota labada dhinac ayaa ka wada xaajoonaya faah-faahintiisa,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka wasaaradda.
Sida ku cad heshiiska, Turkigu wuxuu heli doonaa 40 diyaaradood oo cusub oo ah F-16 iyo in loo casriyeeyo ilaa 79 ka mid ah diyaaradaha dagaalka ee hadda jira.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa toddobaadkii hore bogaadisay “tallaabo weyn oo hore loo qaaday” oo ah iibsashada Turkiga ee diyaaradaha cusub ee F-16 oo ay ku tilmaantay “F-16-kii ugu horumarsanaa ee abid la sameeyo lagana iibiyo oo kaliya xulafada ugu dhow iyo saaxiibkooda la ologa ah”.
“Tani waa tusaalaha ugu dambeeya ee sii wadidda ballanqaadka Mareykanka ee iskaashiga amniga ee Turkiga,” ayaa lagu yiri qoraal la soo dhigay baraha bulshada.
Sida sharcigu dhigayo, Wasaaradda Arrimaha Dibedda waxay ogeysiisay Congress-ka heshiiska bishii Janaayo, iyo sidoo kale $8.6 bilyan oo gaar ah oo looga iibinayo 40 diyaaradood oo nooca F-35 dalka Greece.
Maraykanku ma aqbalin wax kala iibsigan ilaa Turkiga uu ka ansixiyey xubinnimada Sweden ee NATO.
Baarlamaanka Turkiga ayaa bishii Janaayo ansixiyay xubinimada Sweden ee NATO kadib in ka badan hal sano oo dib u dhac uu ku yimid, taasi oo ka careysiisay reer galbeedka si ay ugu midoobaan dagaalka Ruushka ee Ukraine.
Erdogan ayaa lagu wadaa in bisha soo socota uu ku biiro shir madaxeedka NATO ee ka dhacaya magaalada Washington.
Waxaa loo qorsheeyay inuu wadahadal la yeesho dhiggiisa Mareykanka Joe Biden bishii hore, kaasi oo noqon lahaa kulankoodii ugu horreeyay ee Aqalka Cad balse dib ayaa loo dhigay sababo la xiriira jadwallada labada dhinac.
Thursday June 13, 2024 (HMC) – Galmudug regional state leader Ahmed Abdi Kariye and traditional elders from two rival clans that fought in the Galgadud region last weekend have agreed to three provisions to stop the deadly fighting immediately.
Galmudug President Kariye, who visited the areas where the fighting took place, met with elders and intellectuals from both sides to discuss a quick solution to the conflict, which killed 55 people and wounded over 60 others.
advertisements
The three parties agreed to a ceasefire and to cooperate with security forces. Secondly, they agreed to separate the militias. Finally, they agreed to prepare for a peace conference in Dhusamareb, the capital of Galmudug state.
Galmudug’s Minister of Information, Abshir Abdi Shikhow, linked the fighting between militias from the two rival clans to a dispute over grazing land and water. Shikhow added that the deadly fighting was between the Dir and Marihan clans.
kHAMIIS 12 June 2024 {HMC}Nidaamka dhismaha Gobolka Banaadir oo xariga laga jaray.
kHAMIIS 12 June 2024 {HMC}Cawil Maxamed Jibriil “Waxaan dib u howl gelinay ceelal badan
Arbaco 12 June 2024 {HMC} Askarigii Dhawacay Taliyahiisa oo Xariir Jaceyl Maxkmada lagu Keenay Asiga oo Baxsad ahaa.
Arbaco 12 June 2024 {HMC} Wasaaradda Amniga XFS oo guddi gaar ah u xilsaartay sugidda amniga hey’adaha fulinaya Udxiyada.
Khamiis june, 13, 2024 (HMC) – Waxaa wali qabuuraha Iskuul Buluusiya ee magaalada Muqdisho ka socota in dadkii eheladooda halkaasi ku aasnaayeen kala baxaan, kaddib ammarkii kasoo baxay dowladda Soomaaliya oo ku aadanaa in halkaasi laga saaro meydadka dadka ku aasan.
Dad badan ayaa saddexdii maalin ee lasoo dhaafay qabuuraha kala baxay qalfoofta ehelkoodii halkaasi sanadaha badan ku aasnaa, waxa ayna dib ugu aasayeen qabuuro kale oo ammaan ah .
Qoyska hooyo geeriyootay shan sanno kahor oo maanta haraadiga jirkeeda oo laga soo saaray qabuuraha Iskuul Buluusiya ayaa loo dhoofiyay magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud, halkaas oo mar kale la filayo in dib loogu aaso.
Ehelada marxuumad Warsan Xaaji oo shan sanno kahor lagu aasay qabuuraha Iskuul Buluusiya, ayaa sheegay in meydka kala soo baxeen qabuuraha, waxa ayna xuseen in ay u qaadeen halkii ay ku dhalatay oo ay sheegeen in aysan jirin cid meydkeeda kasoo saareysa mar kale.
Dad badan ayaa meydadka ehelkooda haraadiga kasoo haray kala soo baxaya qabuuraha Iskuul Buluusiya, iyagoona goobo kale dib ugu aasaya, waxaana ammarkan dowladda kasoo baxay dhaliyay hadal heyn badan iyo carro dhanka bulshada ah.
Khamiis june, 13, 2024 (HMC) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo guddoomiyey Shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada, ayaa waxaa Wasaaradda Gaashaandhigga looga dhageystay warbixin ku saabsan bixitaanka ciidanka ATMIS iyo qorshaha u diyaar garowga Ciidanka Qaranka uu kula wareegi lahaa mas’uuliyadda amniga guud ee dalka, marka ay baxaan bisha Diseember 2024.
Golaha Wasiirrada ayaa bogaadiyey howlgallada dalka looga sifeynayo kooxaha Khawaarijta ah ee ciidamada geesiyaasha Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ka wadaan gobollada dalka, gaar ahaan dagaalladii ugu danbeeyey ee ka dhacay Jubbaland iyo Galmudug oo ay guulo waaweyn ka gaareen.
Sidoo kale, Golaha ayaa Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ka dhageystay warbixin ku saabsan u diyaar garowga imtixaanka Qaran ee dugsiga sare, gaar ahaan fasalka 4-aad ee sanad dugsiyeedka 2023-2024, kaas oo si xiriir ah sanadkii 10-aad si isku mar ah looga qaadayo gobollada dalka, iyada oo sanadkaan imtixaanaadka u fariisan doonaan in ka badan 37,000 oo arday.
Shirka Golaha Wasiirrada ayaa lagu ansixiyey xeer-nidaamiyaha sharciga Xafiiska Hanti-dhawraha Guud ee Qaranka oo xoojinaya dhaqan gelinta sharciga xafiiska, kaas oo muhiim u ah kor joogteynta nidaamka maareynta maaliyadda dalka.
Khamiis june, 13, 2024 (HMC) – Wasaaradda Amniga maamulka Puntland ayaa qaadatay masuuliyadda dil dhawaan ciidamada ammaanka magaalada Garawe u geesteen nin shacab ah , oo la sheegay in uu ahaa wade mooto Bajaaj.
Warqad kasoo baxday wasaaradda Amniga maamulka Puntland ayey ku qirteen in iyagu qaadayaan masuuliyadda dilka Marxuum Axmed Saxane Cabdi , kaas oo ku baxay gacanta ciidamo gaar ah oo loogu tala galay xaqiijinta amniga caasimadda Garawe.
Wasaaradda Amniga Puntland ayaana ka codsaday ehelada marxuumka oo la dilay Jimcihii hore in ay aasaan maadaama dhowr maalin filinjeer ku jiray, waxa ayna wasaaradu ballanqaaday bixinta diyada marxuumka la dilay.
Meydka marxuumka oo ay dileen ciidamada xasilinta caasimadda Garawe ayaa shalay lagu aasay magaalada Garawe, kaddib markii ehelada ku qanceen warqada qiraalka ah ee kasoo baxday wasaaradda Amniga ee Puntland.
Ciidamo gaar ah oo loogu tala galay xasilinta caasimadda Garawe ayaa magaaladaasi ka bilaabay howlgallo looga hortagayo falalka ammaanka darro ay ku lug leeyihiin burcada, iyo sidoo kale kooxo cabtoy ah oo magaalada xaalad amni darro habeenkii ka abuura.