Home Blog Page 2336

Maxaa Ka Jiro in Guddoonka Labada Aqal aay jeebka u galeen Villa Somalia una adeegayaan

Isniin 3 June 2024 {HMC}  Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa lagu eedeeyay in ay gabeen waajibaadkii loo xil saaray, waxaana gudoonka la tilmaamay in ay jeebka u galeen madaxtooyada Soomaaliya kana shaqeenayaan danaheeda.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo maanta warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa eedeyn culus u jeediyay guddoonka labada Aqal iyo sidoo kale madaxtooyada Soomaaliya.

Siyaasigan mucaaradka ah ayaa sheegay in guddoonka labada Aqal Sheekh Aadan Madoobe iyo Cabdi Xaashi in ay jeebka u galeen Villa Soomaaliya , waxa uuna intaa ku daray in kaliya ka shaqeenayaan danta iyo rabitaan Madaxweyne Xasan Sheekh.

“Guddoonkii labada Aqal ee baarlamaanka ay macnihii ka qaadeen baarlamaanka oo sharaftii ay ka qaadeen oo awooddiisi xil-gudasho, la-xisaabtan, daba-gal iyo kor-joogtayn meeshiiba ka baxeen,waxaa la qiimo tiray labadii Aqal ee baarlamaanka, waxayna guddoonkii jeebka u galeen Madaxtooyadda oo ay ka shaqeeyaan wax aleele iyo wixii ay rabeen, waxaana meeshaasi ku dhintay isla xisaabtankii.” ayuu yiri CC Warsame.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sidoo kale sheegay in Villa Soomaaliya laaluushtay inta badan xildhibaannada labada Aqal, ayna siisay qaarkood xilal kuwa kalana la siiyay dhaqaale iyo dhulal si aysan uga hor imaan rabitaan Villa Somalia.

Siyaasigan ayaa sidoo kale sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh hadda u harsan tahay wax ka yar labo sanno uuna rabo hadda muddo kororsi, waxa uuna intaa raaciyay in safaro aan mico laheyn Madaxweynaha mar kasta u baxo kuna baxaan dhaqaalo badan.

Hadalka siyaasigan ayaa kusoo aadaya xilli muddo xileedka Madaxweyne Xasan Sheekh ka harsan tahay wax ka yar labo sanno ayna muuqaan qaban qaabada doorasho qof iyo cod ah uu horey u ballanqaaday Madaxweynaha in la qaban doono.

{DAAWO MUUQAALKA} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka 03/06/2024

0

Isniin 3 June 2024 {HMC} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka 03/06/2024

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Ciidamada Dowlada oo maanta kaabiga ku haaya Deegaanka Ruunirgood

0

Isniin 3 June 2024 {HMC} Ciidamada Dowlada oo maanta kaabiga ku haaya Deegaanka Ruunirgood

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo Ee Warbaahinta Hiiraanweyn 03-06-2024

Isniin june, 03, 2024 (HMC) – Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo ::Shugri Baryare & Mustaf Cali Cadoow

Farsamadii ::Abdiqani osoble

HOOS KA DHAGEYSO WARKA DUHURNIMO

{DAAWO MUUQAALKA} Taliyahii Nabadeeynta Loogu Diray Dagaalka Shabeelada dhaxe oo la Dilay.

0

Isniin 3 June 2024 {HMC} Taliyahii Nabadeeynta Loogu Diray Dagaalka Shabeelada dhaxe oo la Dilay.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Xildhibaan C/Raxmaan C.shakuur” Hantida Dowlada waala wada dhacay.”

0

Isniin 3 June 2024 {HMC} Xildhibaan C/Raxmaan C.shakuur” Hantida Dowlada waala wada dhacay.”

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

taliyahii ururka daraawiishta Booliiska ee gobolka Shabeelaha Dhexe oo La Dilay

Isniin 3 June 2024 {HMC}  Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in maanta iska hor imaad hubeysan uu ka dhacay deegaanka Xaaji Cali ee gobolkaasi, kaas oo u dhexeeyay ciidanka booliska Soomaaliya iyo maleeshiyaad hubeysan.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii ay isku dhaceen labada ciidan, waxaana goobta ka dhacay is rasaaseyn sababtay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Dadka ku dhintay dagaalkan waxaa kamid ah laba xidigle Cabdulqadir Maxamed Xaashi {Juuqlaawe} oo ahaa taliyaha ururka daraawiishta Booliiska ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Marxuumka ayaa watay ciidamo boolis ah oo ay dowladda dhexe gaystay gobolkaasi, si ay ukala dhex-galaan beelo horay ugu dagaalamay halkaasi.

Dilka taliyaha ayaa yimid, kadib markii uu isku dayay inuu hub ka dhigis ku sameeyo maleeshiyaad deegaanka, balse ay isku dhaceen labada ciidan, kadibna dhaawac soo gaaray uu u dhintay Taliye Cabdulqadir Maxamed Xaashi {Juuqlaawe}.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay HirShabelle iyo dowladda federaalka oo ku aadan shaqaaqada lagu dilay taliyaha

Waa taliyihii labaad ee dagaal lagu dilayo isla todobaadkan, waxayna ahayd Sabtidii markii isna la khaarijiyay taliyaha saldhigga degmada Bardaale ee gobolka Baay, Caliyow Boorow oo ku dhintay dagaal dhex-maray booliska iyo maleeshiyaad ku sugan halkaasi.

HirShabelle, Galmudug iyo Koonfur Galbeed ayaa waxaa haatan ka taagan colaad beeleedyo sababay khasaarooyin, kuwaas oo saameyn ku yeeshay dadka deegaanka.

{DAAWO MUQAALKA} Booliska Gedo oo ka Hortagayo Waxyaabaha anshax xumada iyo kicinta bulshada.

0

Isniin 3 June 2024 {HMC} Booliska Gedo oo ka Hortagayo Waxyaabaha anshax xumada iyo kicinta bulshada.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO SAWIRADA} Duqa Muqdisho oo la xisaabtamay Guddoomiyaal Degmo ammar cusubna siiyay

Isniin 3 June 2024 {HMC}  Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale {Madaale} ayaa kulan isla xisaabtan iyo dardargelin shaqo la yeeshay heerarka kala duwan ee maamulada degmooyinka Xamar Jajab iyo Wabari.

Duqa Muqdisho ayaa warbixin la xariirta horumarada iyo caqabadaha dhinaca shaqooyinka ka dhageystay qeybaha kala duwan ee maamulada degmooyinka Xamar-Jajab iyo Waabari, waxa uuna kula dardaarmay dardargelinta adeegyada loo haayo bulshada, la-dagaalanka maandooriyaha, anshax xumada, nadaafada iyo in laga fogaado musuqa.

Ugu danbeyntii waxa uu Duqa Muqdisho faray Madaxda maamulada degmooyinka Xamar jajab iyo Waabari in si dhaw looga war haayo bulshada ku nool Degmada, si caruurta ay u helaan waxbarasho, dadka dantayar la gar-gaaro, isla markaana bulshada lagu wacyigeliyo ka shaqeynta horumarka iyo Amniga Degmada.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaana bilaabay la xisaabtanka maamulada degmooyinka, waxa uuna shalay sidaan oo kale ula xisaabtamay guddoomiyaasha degmooyinka Howlwadaag iyo Hodan.

{DAAWO MUUQAALKA} Xildhibaan Beerey oo la kulmay Duqa Minneapolis iyo qeybaha kale ee Bulshada Minnesota.

0

Isniin 3 June 2024 {HMC} Xildhibaan Beerey oo la kulmay Duqa Minneapolis iyo qeybaha kale ee Bulshada Minnesota.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA