Isniin 3 June 2024 {HMC} Taliska booliiska Gobolka Baay oo awaamiir kasoo saarey Mooto Fekom.
{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {03.06.2024}
Isniin 3 June 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn.
Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdimajiid Abdirahmaan Aadan
Farsamadii :Mohamed Baryare Haamud
HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO
{DAAWO MUUQAALKA} Sidee ugu wanaagsan oo loogu diyaar garoobaa imtixaanada daqiiqadaha ugu dambeeya?
Isniin 3 June 2024 {HMC} Sidee ugu wanaagsan oo loogu diyaar garoobaa imtixaanada daqiiqadaha ugu dambeeya?
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUUQAALKA} Loolan adag oo ka socda Soomaaliland iyo Xisbiyadda oo bilaabay raadinta codadka.
Isniin 3 June 2024 {HMC} Loolan adag oo ka socda Soomaaliland iyo Xisbiyadda oo bilaabay raadinta codadka.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUUQAALKA} Dowladda soomaaliya oo ka warantay xaaladda dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Liibiya.
Isniin 3 June 2024 {HMC} Dowladda soomaaliya oo ka warantay xaaladda dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Liibiya.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUUQAALKA} Macalinka Hogaamin Doono Kooxda Kubada Cagta Degmada Baladweyne oo La Magacaabay
Isniin 3 June 2024 {HMC} Macalinka Hogaamin Doono Kooxda Kubada Cagta Degmada Baladweyne oo La Magacaabay
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUUQAALKA} Gobolka Baay oo laga Mamuucay Adeegsiga Mootooyinka.
Isniin 3 June 2024 {HMC} Gobolka Baay oo laga Mamuucay Adeegsiga Mootooyinka.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUUQAALKA} Maxey ka wada Hadleen Gudoomiye Muuse iyo Dadka Deegaanka Abdhaare ee Gobolka Hiiraan?
Isniin 3 June 2024 {HMC} Maxey ka wada Hadleen Gudoomiye Muuse iyo Dadka Deegaanka Abdhaare ee Gobolka Hiiraan?
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Isreal oo hanjabaad udiray Netanyahu kadib markii….
Isniin 3 June 2024 {HMC} Wasiirro mayal-adag oo katirsan xukuumadda Israel ayaa ku hanjabay in ay ka bixi doonaan ayna bur burin doonaan isbaheysiga talada haya, haddii Ra’isul Wasaare Binjamin Netanyahu uu aqbalo xabbad-joojinta uu ku dhawaaqay Madaxweyne Biden.
Wasiirka maaliyadda Bezalel Smotrich iyo wasiirka amniga qaranka Itamar Ben-Gvir, ayaa si cad u sheegay in ay kasoo horjeedaan heshiis xabbad-joojin ah oo lala galo Xamaas, waxa ayna xuseen in heshiiska ka horreeyo in marka hore la bur buriyo Xamaas.
Waxa ayna wasiiraddan uga digeen Ra’isul Wasaaraha Israel in uu aqbalo hindisaha xabbad-joojinta uu soo jeediyay Madaxweynaha dalka Mareykanka, waxa ayna sheegeen in haddii uu aqbalo qorshahan Ra’isul Wasaaraha ay kahor imaan doonaan.
Wasiirka Maaliyadda Israel ayaa u sheegay Ra’isul Wasaaraha in aanu kasii mid ahaan doonin xukuumadiisa, hadii dawladdu ogolaato qorshaha la soo jeediyay ee soo afjaraya dagaalka, iyada oo aan la burburin Xamaas oo aan soo celin dhammaan la haystayaashii .
Ra’isul Wasaaraha Israel oo cadaadis xooggan kala kulmaya Madaxweynaha Mareykanka ayaa dhankiisa aqbalay heshiiska xabbad-joojinta, waxa uuna sheegay in aysan jiri doonin xabbad-joojin joogta ah ilaa laga bur buriyo awoodda Xamaas lana daayo dadka ay heestaan.
Sacudiga oo shaaciyay arrin ay ku farxeen Bulshada soomaliyeed.
Isniin 3 June 2024 {HMC} Ka dib markii dhawaan dowladda Sacuudigu shaacisay in Soomaaliya ay kaalinta 5-aad ka soo gashay dalalka sanadkaan sida wanaagsan ugu adeegay xujeydooda ayaa maanta waxaa xafiiska Arrimaha xajka dowladda Soomaaliya ee Magaalada Makkah ka qabsoomay shir arrintaas ku saabsan.
Shirka waxaa ka qeyb galay madaxda bicisada dowladda Soomaaliya iyo Guddi wasaaradda xajka dowladda Sacuudiga ay u xilsaartay qiimeynta dalalka muteystay abaalmarinta, waxaana Soomaaliya si rasmi ah loogu wargaliyay inay musharax u tahay jaa’isadaan oo noqoneysa markii ugu horreeyey ee Soomaaliya soo gasho liiska musharixiinta.
Madaxa xafiiska Arrimaha Xajka dowladda Soomaaliya Dr Khadar Xaaji daahir ayaa faah faahiyey muhiimadda kulankaan, wuxuuna sheegay in ay meel fiican marayaan howlaha adeegga Xajka, isagoo dhinaca kalena sheegay in in qiimeynta oo labo mar la sameeyo ay Soomaaliya ku soo baxdey Liiska koobaad ee gaaban.
“ Waa arrin aad loogu farxo in aan soo galno liiska Wadamada ugu horeeya, taasi waxa ay ku timid dadaal aanu sameyney” ayuu yiri Khadar.
Guddiga ayaa si uu ugu kuur galo adeegyada dowladdu u qabatay xujeyda Soomaaliyeed, waxaa uu booqday Hotelada la dajiyay xujeyda, Isbitaalada loogu adeego xujeyda iyo xafiisyada hoos yimaada Xafiiska Arrimaha Xajka.
In Dowlada Soomaaliya ay safka hore ka gasho Qiimeynta Wadamada safka hore kaga jira wadamada sida wanaagsan u nidaamiyay xujeydooda ayaa ku soo beegmey, xilli wasaarada diinta iyo Awqaafta dowlada federaalka Soomaaliyeed ay waqti hore bilowdey abaabulka howlaha Xajka, taasi oo keentey in dowlada Sacuudiga ay ku amaanto.



