Home Blog Page 2338

PUNTLAND oo fulisay howlgal lagu xoojinayay amniga magaalada Boosaaso.

Isniin 3 June 2024 {HMC} Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal qorsheysan oo ay xalay ciidamada ammaanka Puntland ka sameeyeen gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, kaas oo ahaa mid ka dhan ah Daacish.

Howlgalkan ayaa ujeedkoosa waxa uu ahaa mid lagu xoojinayay amniga magaaladaas oo mararka qaar ay weeraro ka fuliyaan kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish.

Saraakiisha amniga Puntland ayaa shaaca ka qaaday in howlgalkan lagu soo qabtay illaa saddex nin oo lagu tuhmayo inay ka tirsan yihiin Daacish, kuwaas oo lagu hayo baaris.

Xubnaha lasoo qabtay ayaa si gaar ah loogu eedeynayaa inay Daacish u qaabilsan yihiin hanjabaada ganacsatada ku dhaqan magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland.

Sidoo kale waxaa saraakiishu ay intaasi ku dareen inay sii wadi doonaan howlgallada amniga xaqiijinta, si looga hortago weerarada ka dhaca magaalada Boosaaso.

Xaaladda ayaa hadda ah mid deggan, inkastoo howlgalladan si wayn looga dareemay magaaladaasi, sida ay soo wariyeen dadka deegaanka.

Muddooyinkii u dambeeyay ciidamada Puntland ayaa kordhiyay howlgalladooda ka dhanka ah kooxda daacish ee ku sugan dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari.

Madaxweyne Xasan iyo Lafta-gareen oo isku qilaafay qorshaha ciidanka ITOOBIYA.

Isniin 3 June 2024 {HMC} Waxaa muuqata inuu banaanka usoo baxay khilaaf ka dhaxeeya madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen.

Khilaafkan ayaa waxaa soo saaray qorshaha ay dowladda federaalka ku dooneyso in dalka looga saaro ciidamada Itoobiya, oo badankood ku sugan deegaanada maamulka Koonfur Galbeed.

Laba maalin ka hor ayaa Xuseen Sheekh Cali, oo ah la-taliyaha amniga qaranka ee Soomaaliya, wuxuu sheegay in marka uu dhammaado muddo xileedka ATMIS oo ku eg December 2024 ay dalka ka bixi doonaan ciidamada Itoobiya, halka kuwa kale ee Afrikaanka ahna ay muddo sanad ah ku sii joogi doonaan howlgal kale.

Warkan ayaa waxaa aad ugu riyaaqay Soomaalida badankood, saabo la xiriira xiisadda ka dhaxeysa laba dal iyo xadgudubka ay Addis-Ababa ku sameysay qarannimada Soomaaliya.

Hase yeeshee, waxaa yaab leh in xildhibaano aad ugu dhow Lafta-gareen oo ay ka mid yihiin Cali Saciid Fiqi iyo Xasan Cabdinuur ay u ololeeyaan joogitaanka ciidamada Itoobiya, ayaga oo baraha bulshada soo dhigaya qoraallo ka dhan ah dowladda Xasan Sheekh, oo qaarkood ay la socdaan hanjabaado.

Ma cadda haddii khilaafkan ku siman yahay kaliya arrinta ciidamada Itoobiya iyo haddii ay jiraan arrimo kale oo qarsoon oo ay isku hayaan labada dhinac.

Madaxweyne Xasan iyo Lafta-gareen ayaa sanadkii hore ku heshiiyey in muddo xileedka Lafta-gareen oo ku ekaa December 2023 lagu daro hal sano, ayada oo madaxweynaha Soomaaliya uu arrintaas ku qanciyey mucaaradka Koonfur Galbeed ee Shariif Xasan uu hoggoomiyo.

Si kastaba, ayada oo December 2024 ay soo siqeyso ayaa waxaa muuqaneysa in Lafta-gareen uu galayo xeendaabka Itoobiya ama uu ku jiro, taasi oo mid adag ka dhigeyso in kursiga laga dejiyo, oo markii horeba uu ku imid awooddooda.

Guul hordhac ah oo laga sheegtay doorashada ka socota dalka Mexico.

Isniin 3 June 2024 {HMC} Xisbiga talada haya ee dalka Mexico ayaa sheegtay in doorashadi Axaddii shalay ka dhacday dalkaasi ay ku guuleysatay murashaxi iyaga matalayay oo ah haweeneyda lagu magacaabo Claudia Sheinbaum.

Xisbiga MORENA ayaa guushani sheegtay saacado yar kaddib marki lasoo xiray doorashada xalay fiidkii xilliga Mexico, iyaga oo sheegay in Claudia Sheinbaum ay codad aad u badan ku horreyso taasoo waddada u xaareysa in ay noqoto madaxweynihi u horreeyay oo dumar ah oo hogaamiyo Mexico.

Ra’I ururin ay sameysay xarunta Parametria ayaa muujineysa in Sheinbaum ay doorashada ka heli doonto codad dhan 56%. Sida kaso muuqatay codadka ilaa iyo hadda la tiryay, murashaxa xisbiga mucaaridka Soojit Galvez ayaa heshay 30%.

Inkasta oo aanan wali la dhameystirin guud ahaan tirinta codadka, haddana Galvez ayaanan qiran in laga guuleystay, iyada oo u sheegay taageerayaasheeda in ay dulqaad yeeshaan ilaa looga dhawaaqayo natiijada rasmiga ah.

Caqabad soo wajahday qorshaha ay DF ku xireyso xafiiska UNSOM.

Isniin 3 June 2024 {HMC} Caqabad awood leh ayaa soo wajahday qorshaha ay dowladda federaalka ku dooneyso in lagu xiro xafiiska QM ee Soomaaliya (UNSOM) marka la gaaro bisha December ee sanadkan, caqabaddaas oo ah dowladda Mareykanka.

Sida lagu baahiyay bogga Waaxda Arimaha Dibadda Maraykanka, xoghaye Antony Blinken ayaa Jimcihii khadka taleefanka kula hadlay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. Afhayeenka Waaxda Arrimaha Dibadda Maraykanka Matthew Miller ayaa sheegay in Blinken iyo Xasan Sheekh ay ka wada hadleen kaalinta muhiimka ah ee uu leeyahay Hawgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM).

Maraykanku waxa uu doonayaa in uu sii shaqeeyo Hawgalka Kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, sida uu sheegay Afhayeenka Waaxda Arimaha Dibadda Matthew Miller.

Maraykanka ayaa xiriir dhaw la leh Dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo ka caawiya arrimo ay kamid yihiin amniga, siyaasadda, dhaqaalaha iyo kaalmada gargaarka. Waxa muuqata in uu cadaadis ku saarayo dawladda inay ka laabato go’aankeeda ah in la soo gabagabeeyo hawlgalka UNSOM.

Dad badan ayaa rumeysan suurta-galnimada in dawladdu dib uga laabato go’aankeeda, marka la eego cadaadiska uga imaanaya beesha caalamka oo u dambeeyay kan Maraykanka ka yimid.

Feysal Deri oo ka faallooda arrimaha siyaasadda oo la hadlayay BBC-da ayaa sheegay in soo magacaabistii James Swan, loo soo magacaabay in uu hoggaamiyo si kumeel gaar ah xafiiska UNSOM iyo daneynta Maraykanka ee xiisadda gobolka iyo dagaalka ka dhanka ah argagixsada ay dhammaantood keeni karaan, in dowladda Soomaaliya aqbasho codsiga uga imaanaya beesha caalamka oo uu Maraykanku ugu horreeyo.

“Dawladda Soomaaliya runtii waxa dhab ah in ay aad ugu tiirsan tahay saaxiibadeeda beesha caalamka, xataa haddaad fiiriso dhimista ciidamadan hadda laga wadahadlayo, dawladda Soomaaliya marna may oran ciidamadu gabi ahaan Soomaaliya ha ka baxeen ee waxa la isku haystaa qaabka iyo waajibaadka ay ku sii joogayaan ciidamadan iyo magaca loo bixinayo, marka haddaad isku soo wada duubto waxa lafdhabar u ah dawladda Soomaaliya jiritaankeeda waa saaxiibada ay ku leeyihiin beesha caalamka, Maraykankuna qayb ayuu ka yahay saaxiibadaas,’’ ayuu yiri Feysal Deri.

Feysal waxa kale oo uu sheegay “marka waxan filayaa in ay jiri doonaan wadahadallo dheeraada si loogu heshiiyo meel dhexdhexaad ah beesha caalamkuna ku qanacdo, dawladda Soomaaliyana u aragto in danaheeda gaarka ah uu ku jiro.”

Ma cadda go’aanka ay dowladda federaalka ka qaadan doonto cadaadiska ka yimid Mareykanka.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Hiiraanweyn {02-06-2024}

Axad 2 June 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdiqani Osoble

Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA HABEENIMO

Xiddigii Arsenal Oo Cusbitaalka Loola Cararay Iyo Baroor-diiq Bilaabantay.

0

Axad 2 June 2024 {HMC} Xiddigii kooxda kubadda cagta Arsenal ee Kevin Campbell ayaa loola cararay cusbitaalka, waxaana baraha bulshada qarqiyey farriimo lagu taageerayo iyadoo halyeygii Gunners ee Ray Parlour uu qoraal qiiro leh kusoo daabacay bartiisa bulshada.

Kevin Campbell oo muddo toban sannadood ah u ciyaaray Arsenal intii u dhaxaysay 1985kii illaa 1995kii, ayaa Gunners ka caawiyey inay ku guuleysato horyaalka Premier League, FA Cup, League Cup iyo European Cup Winners’ Cup.

54 jirkan ayaa toddobaadkii hore la dhigay dhakhtarka oo uu laga soo saaray, hase yeeshee mar kale ayuu laacibkan hore galay xaalad miyir beel ah, waxaana sii cuslaatay xaaladdiisa caafimaad.

Parlour ayaa ka mid noqday ciyaartoyda ugu horreysay ee Arsenal ee baraha bulshada yimaadda, waxaana muuqaal uu soo duubay oo uu ku baahiyey bartiisa X uu ku yidhi: “Waxa aan maqlay, in saaxiibkaygii hore, ciyaartoygii aanu isku kooxda ahayn ee Kevin Campbell uu dhibaatoonayo waqtigan.

“Dhamaan qoyska kubadda cagta ayaa waqtigan ku garab taagan adiga, Kev. Waan ogahay in aad tahay mid dhaqankiixu xooggan yahay, saaxiib.”

Kevin Campbell ayaa waxa uu Arsenal u saftay 209 ciyaarood oo uu u dhaliyey 55 gool iyo 20 kale oo uu caawiye ka noqday.

Waxa kale oo uu Kevin Campbell usoo ciyaaray kooxaha Everton, Nottingham Forest, West Brom, Cardiff iyo kooxda reer Turkey ee Trabzonspor, halka uu waqtiyo amaah ahaa ku tegay kooxaha Leyton Orient iyo Leicester City.

Puntland oo shaacisay jadwalka doorasho qof & cod ah.

Axad 2 June 2024 {HMC} Guddiga doorasha Puntland ee PEC ayaa shaaciyey jadwalka doorashada 3-da degmo ee ka dhiman gobolka Nugaal

Doorashoyinkan oo ah kuwa qof iyo cod ah ayaa ka qabsoomaya degmooyinka Garowe, Dangorayo iyo Godobjiraan, waxaana xisbiyada au ku tartami doonana kuraasta goleyaasha degaanka.

Waxaa meesha ka baxday soo jeedintii xisbiyada qaar ee ahayd in diiwaangelinta codbixiyayaasha dib loogu celiyo maadaama ay jiraan dad badan oo aan horay fursadda diiwaan gelinta uga faa’iidaysan

HOOS KA Daalaco JADWALKA

{DAAWO SAWIRADDA} Degmadda Moqokori oo heleysa Isbitaal Guud.

Axad 2 June 2024 {HMC} Shacabka Magaaladda Moqokori ee Gobolka Hiiraan ayaa u istaagay sidii ay isku tashi Bulsho ugu dhisan lahaayeen Isbitaal guud oo ay yeelato Degmadaas kaasi oo ay baahi weyn u qabaan dadka deegaanka .

In la hirgaliyo Isbitaal guud oo ah Howl aad u adag waxaa ka qeyb qaadashahiisa u istaagay ilaa hadda Qurba joogta, Ganacsatada iyo qeeybaha kale ee Bulshada reer Moqokori.

Isbitaalkaan oo loogu magac daray Moqokori General Hospital ayaa si rasmi ah maanta loo dhagax dhigay dhismihiisa oo mudo socon doono.

Masuuliyiin uu ka mid yahay Gudoomiyaha Degmadda Moqokori Xasan Barre Makaraan Isku duwaha caafimaadka Gobolka Hiiraan Xasan Barqadle iyo Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Muuse salaad wehliye ayaa Goob joog ka ahaa daahfurka dhismaha Isbitaalka Moqokori.

ku dhawaad Sanad iyo lixbilood oo Gacanta Dowladda ay ku jirto Magaaladdaan waxay heshay Adeegyo Dowladeed oo ay ka mid yihiin Dhismaha xarunta Maamulka Degmadda.

Real Madrid Oo Markii 15aad Ku Guuleysatay Champions League

0

Axad 2 June 2024 {HMC}  Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa markii 15aad ku guuleysatay koobka Champions League, iyadoo 2-0 ku garaacday Borussia Dortmund oo ay finalka iskugu soo baxeen.

Los Blancos ayaa dhigtay taariikh cajiib ah oo aan soo mari doonin kubadda cagta Yurub, waxaanay laba-jibbaar iyo waliba dheeraad ka koobab badnaadeen naadiga kusoo xiga dhinaca guulaha Yurub oo ah AC Milan oo toddoba koob haysata.

Laba gool oo qaybtii dambe ay kala dhaliyeen Dani Carvajal iyo Vinicius Junior ayaa Real Madrid siiyey guushan taariikhiga ah oo ay garoonka Wembley ee magaalada London ugu dabbaal-dageen, taas oo sidoo kale taariikh u ahayd tababare Carlo Ancelotti oo markiisii shanaad isaga oo tababare ah ku guuleystay koobkan.

Real Madrid oo xilli-ciyaareedkan kusoo guuleysatay horyaalka LaLiga iyo Spanish Super Cup, ayaa waxa ay haddana ku darsatay tartanka Champions League iyadoo dhamaan koobabkii ay u tartameen uu kaliya ka maqan yahay Copa del Rey.

Ciyaartan oo qaybta hore ay fursado badan heshay Borussia Dortmund oo aan ka faa’iidaysanin fursadaheeda ayaa waxa qaybta labaad gacanta sare yeelatay Real Madrid iyadoo Borussia Dortmund u muuqanaysay in ciyaartoydeedu ay daaleen.

Daqiiqaddii 23aad ayaa Borussia Dortmund ay birta garaacday, iyadoo kubbad uu Niclas Füllkrug lugta bidix ku dhaafiyey goolhaye Courtois ay birta kusoo dhacday isla markaana dib usoo noqotay.

Waxyar kaddib ayaa Adeyemi uu kubbad ku toogtay goolka oo uu birta dhinac mariyey, halka Jadon Sancho uu soo burburiyey dhinaca bidix ee Madrid oo uu goolka yimid dhawr jeer.

Fursadda kaliya ee Real Madrid ay heshay qaybta hore waxa ay ahayd laad xor ah oo uu Toni Kroos ku toogtay goolka oo uu goolhayuhu koorne u saaray iyo kubbad madax ahayd oo halis ay shabaqa dusha kaga dhacday.

Kubbad uu dhinaca midig kala soo galay Vinicius Junior ayaa waxa koorne u saaray difaaca, waxaana halkaas ka yimid goolka koowaad oo koornihii lasoo qaaday uu shabaqa taabtay.

Daqiiqaddii 74aad ayaa uu Toni Kroos soo qaaday koorne uu madaxa u saaray Dani Carvajal oo kubadda usii raaciyey dhinaca goolka, waxaana ku hubsaday shabaqa.

Waxyar kaddib waxa fursad fiican helay Dani Carvajal oo darbad xooggan ku toogtay goolka balse waxa ka badbaadiyey goolhayaha, halka Jude Bellingham uu sidoo kale laba jeer u dhowaaday inuu shabaqa taabto balse laga leexiyey kubadda.

Daqiiqaddii 83aad ayaa Real Madrid ayey Real Madrid dhalisay goolka labaad oo uu u saxeexay Vinicius Junior oo kubbad dahabi ah ka helay Jude Bellingham oo meel cidlo ah u dhigay, waxaanu ku dhamaystiray lugta bidix.

Dortmund ayaa keentay gool uu u saxeexay Niclas Füllkrug, hase yeeshee waa laga diiday markii la xaqiijiyey inuu ku jifay offside.

{DAAWO MUUQAALKA} Taliska ciidanka xoogga dalka oo shaaciyay waqti lasoo afjarayo dagaalka AS

0

Axad 2 June 2024 {HMC} Taliska ciidanka xoogga dalka oo shaaciyay waqti lasoo afjarayo dagaalka AS

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA