Home Blog Page 2377

Qasaaro ka dhashay Dagaal dhaxmaray Ciidamada Macawisley iyo kooxda AS.

Sabti, 25 May, 2024 {HMC} Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal culus oo maanta ciidanka Macawiisleyda ee ku sugan bariga Galgaduud ku qaadeen AS, kaas oo khasaare culus lagu gaarsiiyay kooxda, hub badana looga soo furtay.

Howlgalka ayaa ka dhacay tuulada Geerille oo u dhexeysa deegaanada Baraak Sheekh Caamir iyo Xuseen Cagey, sida ay sheegeen saraakiisha hoggaamineysay ciidanka.

Macawiisleyda ayaa weerar gaadmo ah ku qaaday goob ay ku sugnaayeen AS, halkaas oo uu ka dhacay dagaal foolka fool ah oo lagu jabiyay kooxda.

Saraakiisha deegaanka ayaa sheegay in khasaare culus ay gaarsiiyeen  kooxda AS, ayna kasoo furteen hub iyo saanad ciidan.

Muuqaal ay soo duubeen ciidanka howlgalka sameeyay ayaa lagu soo bandhigay hubka laga soo furtay ASoo uu ku jiray qoray AK47 ah, kaas oo lagu wareejiyay isla ninkii kasoo furtay kooxda Al-Shabaab, taas oo lagu sheegay mid lagu dhiirogelinayo.

“Macawiisleyda joogta bariga gobolka Galgaduud saas inay u dirirto ayaan rabaa shaqo wacan, qoraygaana adaa iska leh” ayuu yiri sarkaal ka hadlay goobta.

Dhinaca kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay AS oo ku aadan howlgalkaasi ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada Macawiisleyda ee ku sugan gobolka Galgaduud.

Gobollada dhexe ayaa waxaa weli ka socda howlgallo culus oo ka dhan ah kooxda AS, kuwaas oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka.

Madaxwayne Xasan sheikh oo dhambaal hambalyo ah u dirtay dhigiisa dalka ERITREA

Sabti, 25 May, 2024 {HMC} Madaxtooyada Soomaaliyeed oo qoraal kooban soo saartay ayaa dhambaal hambalyo ah u dirtay dowladda iyo shacabka Eritrea oo maanta u dabaaldagaya sanad guuradooda 33-aad ee kasoo wareegtay markii ay xornimada qaateen.

Bayaan ay soo saartay Villa Soomaaliya oo lasoo dhigay barta Twitter-ka ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay farxadda la qaybsaneyso Eritrea oo xuseyso sanad guurada 33-aad.

“Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa salaan kal iyo laab ah u diray dowladda iyo Eritrea, munaasabadda sanad guurada 33-aad ee kasoo wareegtay markii ay xornimada qaateen” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Villa Soomaaliya.

Sidoo kale xafiiska madaxweynaha ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay farxadda la qaybsanayaan shacabka Eritrea oo uu sheegay inay ka dhexeyso taariikh dheer iyo xiriir soo jireen ah.

“Dadka Soomaaliyeed waxa ay si wadajir ah uga qayb-qaadanayaan xuska safarkii dheeraa ee Eritrea usoo gashay madax-banaanida, ayada oo lasii aqoonsanayo taariikhada wadaagga ah iyo xiriirka waara ee ka dhexeeya labadeenna dal” ayaa la raaciyay qoraalka.

Eritrea oo kamid ah dalalka dhaca Geeska Afrika ayaa xiriir wanaagsan laleh Soomaaliya, kaas oo sii xoogeystay 7 sano ee u dambeysay oo ay laba dhinac yeesheen iskaashi buuxa.

Siidoo kale Eritrea ayaa ciidamo u tababarta dowladda federaalka, kuwaas oo ka qayb-qaata dagaalka adag ee lagula jiro kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya.

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {25.05.2024}

Sabti, 25 May, 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdimajiid Abdirahman Aadan

Farsamadii :Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO

{DAAWO MUQAALKA} Xogta Fatahaadda iyo xaaladda Baladweyne ee Maanta 25-05-2024

0

Sabti, 25 May, 2024 {HMC} Xogta Fatahaadda iyo xaaladda Baladweyne ee Maanta 25-05-2024

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

FAAH-FAAHIN: Dagaal dhaxmaray Ciidamada KENYA iyo xubno ka tirsan kooxda AS

Sabti, 25 May, 2024 {HMC} Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar iyo dagaal toos ah oo dhex-maray ciidamada Kenya iyo dagaalyahano ka tirsan kooxda AS oo maanta ka dhacay qaybo kamid ah gobolka Waqooyi Bari.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii ay kooxda AS ay weerar dhabagal ah ku qaadeen kolonyo ka tirsan ciidamada Kenya oo mararay duleedka magaalada Gaarisa, gaar ahaan deegaanka Ijaara, waxaana kadib xigay dagaal toos ah.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa inoo sheegay in dagaalka uu qaatay saacado badan, isla markaana uu jiro khasaare soo kala gaaray labada dhinac ee dagaalamay.

Saraaakiil u hadashay dowladda Kenya ayaa shaaca ka qaaday inay iska difaaceen weerarka uga yimid AS, ayna khasaare gaarsiiyeen xubnaha AS.

Sidoo kale, AS ayaa dhankeedda guul ka sheegtay dagaalka, waxayna shaacisay inay gubtay mid kamid ah kolonyada ciidanka Kenya, ayna dishay askar, sida ay hadalka u dhigtay.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo laga dareemayaa nawaaxiga magaalada Gaarisa oo ah halka lagu dagaalamay

Kenya oo ciidamo ay ka joogaan gudaha Soomaaliya ayaa weeraro kala kulanta kooxda AS oo badana beegsata deegaanada dhaca xadka labada waddan.

Muddooyinkii u dambeeyay weerarada ayaa sii kordhayay, waxaana sidoo kale gobolka ciidamo badan oo milatari ah kusoo daabushay Kenya, si ay u xaqiijiyaan amniga guud.

{DAAWO MUQAALKA} Barnaamijka Garo oo Guuleyso ee Hiiraanweyn.

0

Sabti, 25 May, 2024 {HMC} Barnaamijka Garo oo Guuleyso ee Hiiraanweyn.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} RW Hore Cali Geedi “Puntland waa diiday inay la shaqeyso Sheekh shariif, Farmaajo iyo Xasan Sheekh”

0

Sabti, 25 May, 2024 {HMC} RW Hore Cali Geedi “Puntland waa diiday inay la shaqeyso Sheekh shariif, Farmaajo iyo Xasan Sheekh”

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Israel oo qaaday tallaabo ka dhan ah Spain kadib aqoonsigii Falastiin

Sabti, 25 May, 2024 {HMC} Wasiirka arrimaha dibadda ee Israa’iil, Israel Katz ayaa Jimcihii sheegay in uu go’aansaday in uu “jaro xiriirka” ka dhexeeya ergada diblomaasiyadeed ee Spain iyo Falastiiniyiinta ku nool Daanta Galbeed ee la haysto, sababo la xiriira aqoonsiga Madrid ee Dowladda Falastiin.

“Waxaan go’aansaday inaan jaro xiriirka ka dhexeeya wakiilada Spain ee Israa’iil iyo Falastiiniyiinta, iyo in aan ka mamnuuco qunsuliyadda Spain ee Qudus in ay adeegyo siiso Falastiiniyiinta ka imanaya Daanta Galbeed,” Katz ayaa ku yiri qoraal uu soo dhigay X.

Illaa hadda ma cadda sida ay Israa’iil u fulin doonto hanjabaaddan.

Mar ay wakaaladda wararka ee AFP wax ka weydiisay wax-ku-oolnimada iyo cawaaqibka ka dhalan kara go’aanka Katz, wasaaradda arrimaha dibedda Spain si deg deg ah ugama jawaabin.

Katz waxa uu sheegay in go’aankiisa uu ahaa mid “jawaab u ah aqoonsiga Spain ee Dowladda Falastiin iyo baaqii Yahuud naceybka ee ka soo yeeray ra’iisul wasaare ku xigeenka Spain ee ahaa… ‘in la xoreeyo Falastiin webiga ilaa badda’”.

Spain, Ireland iyo Norway ayaa Arbacadii ku dhowaaqay go’aan ay ku aqoonsanayaan Dowladda Falastiin 28-ka bishan May, taasi oo dhalisay carada Israel.

ukuumadda Israa’iil ayaa dhalleecaysay tallaabadan kuna sheegtay “abaal-marinta argagixisada” iyadoo dagaalka Marinka Gaza, oo ka dhashay weerarkii Xamaas ee 7-dii October, uu ku dhow yahay bishii siddeedaad.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda ayaa Khamiistii ka digtay in xiriirka Israel ee Ireland, Norway iyo Spain uu wajihi doono “cawaaqib xun.”

Katz ayaa qoraalkiisii Jimcaha ku cambaareeyey qoraal ay X soo dhigtay wasiirka shaqaalaha Spain, kana tirsan xisbiga bidixda fog, Yolanda Diaz, taasi oo ah qofka saddexaad ee ugu sarreeya dowladda Spain.

Ayada oo soo dhaweynaysa ku dhawaaqista aqoonsiga rasmiga ah ee Dowlad Falastiin, Diaz ayaa tiri: “halkan kuma ekaan karno. Falastiin waxay noqon doontaa xor, laga billaabo webiga ilaa badda.”

Oraahadan lagu taageero Falastiin ayaa loola jeedaa xuduudaha taariikhiga ah ee Falastiin ee gumaystihii Britain, taasi oo teedsan laga soo billaabo webiga Jordan illaa badda Meditareeniyaanka, ka hor inta aan la aas-aasin Israel 1948-kii.

Dadka dhaliila oraahdan ayaa ku macneeya in loola jeedo baabi’inta Israel.

Oraahadan “webiga illaa badda” ayaa waxaa mararka qaar loo adeegsadaa hal ku dhig Sahyuuniyad oo lagu doonayo Israel ballaaran oo teedsan isla dhulkaas.

Armenia oo dhul baaxad leh ku wareejisay Azerbaijan.

Sabti, 25 May, 2024 {HMC} Ciidamada ilaalada xadka Azerbaijan ayaa Jimcihi si rasmi ah ula wareegay, afar tuulo oo ka tirsan degmada Gazakh ee dhacda xadka ay Armenia, tallaabadan oo qeyb ka ah heshiis ay labada waddan dhawaan kala saxiixdeen.

Ra’isulwasaare ku xigeennka Azerbaijan Shahin Mustafayev, ayaa sheegay in baaxadda dhulka lagu soo celiyay Azerbaijan uu gaarayo 6.5 kilomitir oo laba jibbaaran. Wuxuu sheegay in dhulkani loo maray heshiiski ay xukuumadaha Baku iyo Yerevan bishi April.

Armenia ayaa bishi April sheegtay in ay Azerbaijan ku celineyso afar tuulo oo aanan la daganeyn. Labada dowladood ayaa arrintaasi ku sheegay mid tiir dhaxaad u noqon doonto nabad waarta oo ka hirgasha gobolka.

Laakin go’aanka xukuumadda Armenia ayaa dhaliyay bannaanbaxyo arrintaasi looga soo horjeestay oo ka dhacay Armenia. Dibadbaxayaasha ayaana dalbaday inuu is casilo ra’isulwasaare Nikol Pashinyan.

Armenia iyo Azernbaijan ayaa muddo tobnaan sano ah isku heystay lahaanshaha gobolka Nagorno-Karabakh ee ku yaalla xuduudda labada waddan. Labada dal ayaa dhowr jeer uu dhexmaray dagaal toos ah.

Maxkamadda ICJ oo amar Dul dhigtay Madaxda Isra’il kadib markii…,

Sabti, 25 May, 2024 {HMC} Garsoorayaasha Maxkamadda ugu sarreysa Qaramada Midoobay ayaa Jimcihi ku amray Isra’il, in ay si deg deg ah u joojiso weerarka ay ku qaadday magaalada Rafax ee Marinka Gaza, hase ahaatee Isra’il waxay sheegtay in ay sii wadi doonto weerarka ay ku qaadday Rafax.

Xukunka deg degga ah ee Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda ayaa ka danbeeyay kaddib marki ay ay dowladda Koofur Afrcia todobaadki hore maxkamadda geystay dacwad ka dhan ah duullaanka ay Is’aril ku qaadday Rafax, si loo badbaadiyo bay tiri nolosha boqollaal kun oo Falastiiniyiin rayid ah.

Isaga oo aqrinayay xakunka kasoo baxay maxkamadda, ayuu guddoomiyaha Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaalada, Nawaf Salaam sheegay in xaaladda dhulka Falastiiniyiinta ee Gaza ay sii xumaanaysay tan iyo xakunki ugu danbeeyay ee maxkamadda ee Isra’iil ku amray in ay qaaddo tallaabooyin ay ku joojineyso masiibada ka jirta Gaza.

“Dowladda Israel waa in ay (….) si deg deg ah u joojiso duullaanka millatari, iyo tallaabo kale oo kasta oo ay u qaaddo gobolka Rafax, taasoo ku sababi karta dadka Falastiiniyiinta ee Gaza xaalado nololeed oo ku keeni kara burbur jireed guud ahaan iyo gaar ahaanba,” ayuu yiri Nawaf.

Inkasta oo ay Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda ee ICJ aysan laheyn awood ay ku fuliso xakunnadeeda, haddana kiiskan ayaa calaamad weyn u noqonaya go’doominta caalamiga ah ee Isra’il ee ku aaddan dagaalka ay ku qaadday Gaza, gaar ahaan weerarka ay hadda ka waddo Rafax.

Mareykanka oo ah saaxibka ugu dhaw xulufada Isra’il ayaa horay dhowr jeed uga digay weerarka Rafax. Maamulka Biden ayaa sidoo kale horay ugu dhawaaqay inuu hakiyay shixnado hub ah oo loo daabuli lahaa Isra’il, kaas oo ay ku sababeeyeen in ay uga baqayaan in loo adeegsado rayidka Rafax.

Maxkamadda ICJ ayaa sidoo kale ku amartay Isra’il in ay furto marinka isku xiro Rafax iyo Masar, si gargaarka bani’aadannimo loo geliyo Gaza. Ciidanka Isra’il ayaa xiray Marinka Rafax dhawaan.

Amarka Maxkamadda ayaa waxaa ansixiyay 13 ka mid ah 15-ka garsoore ee qaadiyaasha Maxkamadda Caalamiga ah ee Qaramada Midoobay. Waxaa diiday, garoore u dhashay Ugana iyo garsoore kasoo jeeda Isra’il.

Isra’il si adag ayay uga hortimid go’aanka maxkamadda, sidoo kalana been iyo wax lagu yaaq-yaaqsado ku tilmaantay eedda ay u jeedisay South Africa ee ah in Isra’il ay Gaza ka waddo xasuuq.

South Africa ayaase go’aanka maxkamadda soo dhaweysay. Waxaa sidoo kale soo dhaweeyay maamulka Falastiiniyiinta. Xamaas oo maamusha Gaza ayaa qeyb ahaan soo dhaweysay go’aanka ICJ, balse sheegtay in qeyb ahaan dhameystirneyn, mar haddii bay yiraahdeen ay Isra’il wali dagaal ka waddo qeybo kale oo ka mid ah Gaza.