Home Blog Page 2378

Hoggaamiyaha SSC oo shaaciyey faa’iidada ay ka heleen dagaalkii ay la galeen maamulka Somaliland,

Sabti, 25 May, 2024 {HMC} Madaxweynaha maamulka kumeel gaarka ah ee SSC Khaatumo Cabdulqaadir Firdhiye oo kulan la yeeshay Soomaalida ku nool dalka Mareykanka ayaa uga warbixiyey xaaladda deegaanka, isagoo sheegay in Muuse Biixi uu qorsheynayo dagaal kale.

Firdhiye ayaa sheegay in dadka ku nool gobollada Sool iyo Sanaag ay ku faa’iideeyn dagaalkii ay la galeen maamulka Somaliland, isla markaana ay ku guuleysteen inay la midoobaan Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in Muuse Biixi uu hadda qorsheynayo dagaal kale, balse uu ku jebi doono, isagoo ka digay in mar kale Somaliland ay dib u soo celiso daadinta dhiigii sokeeye, kaas oo aan ku joogsan heshiis ama xabad joogin, balse iskiis u istaagay.

Firdhiye ayaa ku faanay in ciidamada Somaliland ay dagaalka uga awood bateen oo ciidamada SCC ay gudaha u galeen xuduuda Somaliland, balse markii ay xoreysteen dhulkooda ay go’aansadeen inay ka soo laabtaan dhulka uu ka taliyo maamulka Muuse Biixi ee Somaliland.

“Shacabka gobollada waqooyi waxaan leeyahay ka fogaada dulmiga Muuse Biixi uu wado, si ilaahey raali idinkaga noqdo, cid kale inaad dulmisaan yaan lagu fekerin,” ayuu yiri Firdhiye oo ka digay in colaadii Laascaanood ay mar kale soo noqoto.

Sidoo kale hoggaamiye Firdhiye ayaa sheegay in shacabka uu hoggaamiyo ee SSC ay tirsanaa in la dulmiyey oo gardarro lagu laayey, balse ay muhiimada siinayaan nabadda, wada noolaashaha iyo walaalnimada.

“In xadka aanaan dhaafin waa muhiim, maanta SSC waxay ku jirtaa xiligeedii ugu quruxda badnaa, rajo iyo yadadiilo aanaan heysan sanado ka hor ayaan maanta heysanaa, maamulka aan hoggaamiyo oo ku yimid rabitaanka shacabka waxaa ka go’an inuu xaqiijiyo rajada shacabka SSC Khaatumo oo halgan dheer soo galay,” ayuu yiri hoggaamiye Cabdulqaadir Firdhiye.

Ugu dambeyntii hoggaamiye Firdhiye wuxuu sheegay in maamulkiisa uu ka shaqeeyey dejinta shuruucdii lagu maamuli lahaa deegaanka, isla markaana ay ka go’antahay in doorashada oo waqtigeeda ku dhaceysa ka hor uu baasgareeyo dhamaan shuruucdii lagu shaqeyn lahaa.

Booliska oo war Cusub ka soo saaray dhalinyaradii la xiray maalmihii lasoo dhaafay.

Sabti, 25 May, 2024 {HMC} Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliya Sulub Axmed Firin oo qabtay shir jaraa’id ayaa ka hadlay xarigga iyo tallaabooyin ay ka qaadeen dadkii baraha bulshada ka caayi jiray bulshada, kuwaas oo xabsiga loo taxaabay maalmihii lasoo dhaafay.

Taliyaha ayaa sheegay in qof dambe aysan ka ogolaa doonin in baraha bulshada uu dadka ka aflagaadeeyo, isagoo cadeeyey in qof kasta hadii uu sheego cadeyntiisa la weydii doono.

Taliye Firin ayaa sheegay in shaqada booliska ay tahay ilaalinta sharciga iyo sharafka bulshada, isagoo hoosta ka xariiqay in waajibka saaran ay guda doonaan.

“Baraha bulshada waa ku soo badatay dhalinyaro si qaldan u isticmaasha oo aflagaadeysa dadka kale, ciidanka booliska masuuliyad ayaa ka saaran ilaalinta sharafta dadka laga caayo baraha bulshada,” ayuu yiri Taliyaha guud ee booliska Soomaaliya.

Sidoo kale Taliyaha ayaa sheegay inay ka shaqeynayaan sidii qof kasta oo muwaadin ah uu dalkiisa ugu heysan lahaa xorriyad iyo sharaf, intaas lagu cayaarana aysan qofna ka yeeli doonin ciidanka booliska Soomaaliyeed.

“Dalku wuxuu leeyahay shuruuc iyo kala dambeyn, wixii ka baxsan wixii qofka sharcigu u ogolyahay, waxaa naga go’an inaan ku qabsano, maadaama waajibka na saaran uu yahay ilaalinta sharciga, qof kasta oo xadkiisa soo dhaafa waxaa la weydii doonaa cadeynta waxyaabaha uu ka hadlay,” ayuu yiri Jeneraal Sulub.

Taliyaha oo sii hadlaayey ayaa sheegay inay ka hortegayaa in qofka wax aflagaadeeyey iyo qofka la aflagaadeeyey inta aysan is gaarin ay boolisku ku soo bixi doonaan wixii dhacay, taas oo fududey doonta in qofkii qalad gala sharciga lala tiigsado.

“Qofkii lasoo xiro, waxaan weydii doonaa wixii uu ku hadlay cadeymaha uu u haayo, cid aan dhibaato u geysa doono ma jirto, qof kasta waxaan ka rabnaa in xaqa muwaadinka kale uu ilaaliyo,” ayuu yiri taliyaha ee farriin u diray guud ahaan dadka Soomaaliyeed.

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa xabsiga lagu guray dhalinyaro u badan reer Muqdisho, odayaal iyo haween ka soo muuqday baraha bulshada, iyagoo aflagaadeynaya dad kale, qaarkood ayaa lagu heystaa hadalo ka dhan ah dowladda iyo qabiillada qaar.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Hiiraanweyn {24-05-2024}

Jimco, 24 May, 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahmaan Muuse Osmaan

Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA HABEENIMO

China warns of Taiwan ‘war’ as military drills encircle island

Jimco, 24 May, 2024  {HMC} China warned on Friday of war over Taiwan and said it would ramp up countermeasures until “complete reunification” was achieved, as Chinese forces conducted military drills around the self-ruled island.

Warships and fighter jets encircled Taiwan on the second day of exercises that Beijing said were a test of its ability to seize the island, days after its new president was sworn in.

China’s military kicked off the two-day war games on Thursday morning, surrounding democratic Taiwan with naval vessels and military aircraft as it vowed the blood of “independence forces” on the island would flow.

The exercises were launched three days after Lai Ching-te took office and made an inauguration speech that China denounced as a “confession of independence.”

Beijing’s defense ministry spokesman Wu Qian said on Friday that Lai “has seriously challenged the one-China principle… pushing our compatriots in Taiwan into a perilous situation of war and danger.”

“Every time ‘Taiwan independence’ provokes us, we will push our countermeasures one step further, until the complete reunification of the motherland is achieved,” he said.

The drills are part of an escalating campaign of intimidation by China in which it has carried out a series of large-scale military exercises around Taiwan in recent years.

They are testing the “capability of joint seizure of power, joint strikes and control of key territories,” Li Xi, spokesman for the People’s Liberation Army (PLA) Eastern Theater Command, said on Friday.

Fighter jets loaded with live ammunition scrambled towards targets and bombers formed formations to combine with warships to simulate “strikes against important targets,” state broadcaster CCTV reported.

China, which split with Taiwan at the end of a civil war 75 years ago, regards the island as a renegade province with which it must eventually be reunified.

The dispute has long made the Taiwan Strait one of the world’s most dangerous flashpoints, and this week’s events have stoked fears that China may use military force to bring the island under mainland rule.

The United States, Taiwan’s strongest ally and military backer, “strongly” urged China on Thursday to act with restraint. The United Nations called for all sides to avoid escalation.

SOURCE VOA

Heshiiska Milatari oo ay Kala Saxiixdeen Mareykanka Iyo Kenya.

Jimco, 24 May, 2024  {HMC} Wasiirka difaaca Kenya Aadan Barre Ducaale ayaa shaaca ka qaaday saxiixa ‘heshiis is-afgarad difaac ah’ kaas oo uu la saxeexday Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka ee Afrika Molly Fee, waxaana uu sheegay in ‘kor loogu qaado tallaabooyinka amniga iyo hawlgallada milatari ee wadajirka ah.’

“Heshiiskan oo ay ka mid yihiin balaadhinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo casriyaynta garoonka diyaaradaha ee Manda Bay oo ku dhow xuduudka Soomaaliya, ayaa lagu taageerayaa dadaallada ka dhanka ah argagixisada, horumarinta awoodaha shaqo, iyo in la dejiyo diyaarado waaweyn, taasoo sare u qaadi doonta dhaqdhaqaaqa iyo dabacsanaanta ciidamada ammaanka.” ayuu Ducaale ku yiri bayaan kusoo baxay bartiisa Facebook.

Waxa uu Aadan Ducaale sheegay in heshiiskan uu ‘daba socday codsigii Kenya iyo ballanqaadkii dowladda Mareykanka ee ahaa in ay maalgelinayaan dhismaha, taasoo muujineysa iskaashiga xooggan ee ka dhexeeya labada dal ee la dagaalanka argagixisada iyo horumarinta nabadda adduunka.’

 

Kenya oo digniin kasoo saartay khatarta argigixisnimo ee ka dhalan karta bixitaanka ciidamada ATMIS

Jimco, 24 May, 2024  {HMC}  Madaxweynaha dalka Kenya, William Ruto, ayaa walaac ka muujiyay bixitaanka howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS). Intii uu ku sugnaa dalka Mareykanka, Ruto waxa uu ku baaqay in Mareykanka uu taageero si looga hortago arrimaha ammaanka ee gobolka Geesjka Afrika.

Ruto waxa uu sheegay in ka bixitaanka ciidamada ATMIS ay kordhin karto weerarrada argagixisnimada Soomaaliya. Ruto iyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa labaduba ka walaacsan habacsanaanta amni ee soo socota.

Ruto ayaa soo hadal qaaday kulan uu dhawaan la qaatay Madaxweynaha Soomaaliya ka hor inta uusan booqashadiisa Mareykanka ku tagin, in ay ka wada hadleen khataro dhanka ammaanka ah oo ka dhalan kara dhimista ATMIS-ka ee la qorsheeyay, iyadoo aan lagu saleynin xaaladaha taagan.

Dowladda Soomaaliya ayaa Qaramada Midoobay ka codsatay in la dedejiyo soo afjarida howlgalka nabad ilaalinta, taasoo ka yaabisay beesha caalamka.

Soomaaliya iyo Cumaan oo kala saxiixday heshiis is afgarad ah oo ku saabsan kalluumaysiga

Jimco, 24 May, 2024  {HMC} Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda Soomaaliya, Axmed Xassan Aadan, ayaa is afgarad (MoU) la saxiixday dhigiisa wasiirka Beeraha, Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Biyaha ee Cumaan Dr. Saud bin Hamoud Al Habsi.

Is afgaradkaan ayaa ku saabsan kaalinta dowladda Cumaan ee horumarinta Kalluumeysiga gudaha iyo sida ay laba dowladood u yeelan karaan iskaashi dhinaca Kalluumeysiga ah.

Heshiiskan is afgaradka ah ayaa wasiirka kalluumaysiga Soomaaliya wuxuu sheegay inuu xoojinayo dadaalka joogtada ah ee lagu ballaarinayo iskaashiga labada dal Soomaaliya iyo Cumaan.

Soomaaliya ayaa ku howlan xoojinta iskaashiga Kalluumeysiga ah, si loo abuuro furado maalgashi oo caalami ah iyo dhisidda horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha ee kalluumeysiga, si dalku u gaaro isku filnaansho dhaqaale oo waara.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan heshiis kula gashay dowladda Turkiga in ay ka caawiso sidii loo ilaalin lahaa kheyraadka badda Soomaaliya, taasoo qeyb ka ah la dagaalanka kalluumaysiga sharci darrada ah ee ka socda xeebaha Soomaaliya.

Somali pirates resurface: Merchant vessel boarded near Merca


Friday May 24, 2024

The UK Maritime Trade Operations agency reported that a merchant vessel was boarded 420 nautical miles southeast of Merca, Somalia. A resurgence in pirate activity, dormant since 2018, has been noted since late last year.

 

The European Union’s anti-piracy force in the Indian Ocean and Red Sea, Operation Atalanta, on Thursday flagged a possible pirate attack on the Liberian-flagged merchant vessel Basilisk off the coast of Somalia.
Somali pirates caused havoc in the waters off the east African country’s long coastline between 2008 and 2018. They had been dormant until late last year when pirate activity started to pick up again.

The EU force said in a statement that the suspected attack happened about 380 nautical miles east of the Somali capital Mogadishu while the vessel was heading north.

“One of Atalanta warships in the vicinity has been the first actor to respond. EUNAVFOR ATALANTA is taking the appropriate actions to respond,” it added.

The United Kingdom Maritime Trade Operations (UKMTO) agency earlier said it had received a report of a vessel being boarded 420 nautical miles southeast of Merca, Somalia.

An unknown number of unauthorised people from two small craft were reported to have boarded the vessel, according to UKMTO.

Mudug farmers’ food stocks run out after cycle of drought and floods


Friday May 24, 2024

(ERGO) – Farming families in Dhardhaar village in central Somalia’s Mudug region are struggling to recover from crop losses caused by flash flooding last year that came on top of years of devastating drought.

Abdi Isse Ereg was among the local farmers who planted in September 2023 when seasonal deyr rainfall arrived, giving hope that the long four-year drought was over.

However, torrential rains began on 25 October 2023 causing floods that wiped out all the newly planted crops on Abdi’s three hectare farm.

“You can understand what it’s like for someone who had planted his crops but lost them! We can only complain to God. We had high expectations of improving our lives but it didn’t happen,” he said.

Abdi has no alternative source of income and has had to depend on his relatives in Bandiradley town, who send him small amounts of food. He said they use the little food sparingly, cooking one meal a day for the family of 13.

The maize and beans he had stored from his last harvest has all run out.

He took loans from local businessmen in Bandiradley, 70 km southwest of Galkayo, but they refused any more credit when they realised his farm had failed. He owes $2,300 and is always being reminded about his debts.

“The loan repayment is long overdue. I used to tell them my farm was almost ready for harvest. But the business people want their money and I don’t have anything in my hands,” he said.

Abdi’s five years in farming have been blighted by climatic extremes and huge losses. The 12 goats he has left are mostly young and don’t meet market standards so he can’t sell them off.

Neighbouring farmer Hassan Adan Hashi is in a similar position.

“This disaster has affected our lives. We were poor farmers and our crops were uprooted in the floods while others were submerged in rainwater. Most of our crops were destroyed,” he said.

Hassan was hoping to make $2,000 from his farm after the expected harvest in January. Two other families related to him were also counting on the farm. They helped with the farm work and were waiting to get their share of the harvest.

Hassan has turned to construction work on a site five kilometres away from his house in Bandiradley, where he makes $14 for two days work a week.

“This work is hard but it is necessary since I have a family, it is upon me to take care of my family. I get to work early in the morning and we work until 1:00 pm, but still we don’t get work every day,” he complained.

He has debts of $1,700 at local stores and his family’s store of sorghum, maize and beans has already run out.

The head of the farmers’ association in Dhardhaar, Abdirashid Mohamed Hersi, said 51 farming families in the village lost their crops in the torrential rain and flash floods that nobody had been prepared for.

Most had used up the small amounts of food they had stored from the previous harvest that was reduced by the drought.

“The problem was two-fold, on one side the people didn’t have training on to how to deal with the floods and at the same time they were too poor to invest in systems to avert the flood effects. You can imagine how much this has affected them,” he said.

Ciidamada Midowga Yurub oo soo furtay markab ay afduubteen kooxaha burcad badeeda Soomaalida

Jimco 24 May 2024 {HMC} Ciidamada Midowga Yurub ee la dagaalanka burcad badeeda ee ku sugan Badweynta Hindiya iyo Badda Cas ayaa sheegay in markabka ganacsi ee Basilisk oo ka babanayay calanka Liberia laga sii daayay xeebaha Soomaaliya, islamarkaana 17-shaqaale oo la socday ay bad qabaan.

Markabkan ayaa waxaa Khamiistii weerar ku qaaday kooxo looga shakisan yahay inay yihiin burcad-badeed Soomaali ah, isagoo marayay meel 380-mayl-badeed bari ka xigta magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, sida ay bayaan ku sheegeen ciidamada badda Midowga Yurub.

Midowga Yurub ayaa sheegay in ciidamadoodu ay u diray mid ka mid ah maraakiibtooda dagaalka ee Atalanta, si usoo badbaadiyo markabka iyo shaqaalihiisa oo gacanta u galay burcadbadeedda.

Mid kamid ah shaqaalaha markabka oo ku dhaawacmay weerarka ay qaadeen kooxaha burcadbadeedda ayaa lagu sheegay in xaaladeeda ay aad u wanaagsan tahay, oo haatan la daweynayo.