Arbaco, 22 May, 2024 {HMC} Xeebaha magaalada Kismaayo oo lagu beerayo dhir ka qeyb qaadanaysa quruxda deegaanka.
Masuul Horay Uga Tirsanaa Maamulka Gobalka Banaadir oo War Kasoo Saaray Dad Pooliska aay Soo Xireen
Arbaco, 22 May, 2024 {HMC} Ciidamada booliska Soomaaliya ayaa saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay howlgallo culus oo dad badan lagu soo qab-qabtay ka fuliyay maaalada Muqdisho, waxaana gacanta dowladda soo galay eedeysanayaal tiro badan.
Dadka soo galay gacanta dowladda ayaa isugu jiro kuwa lagu soo qabtay dibad-bax rabshada watay oo ay ka dhigeen degmada Daarusalaam ee gobolka Banaadir, wiil ku hanjabay inay sameynayaan ‘gagembi, oday wayn oo lagu magacaabo Mascuud Garwayne oo dhaliili jiray garsoorka dalka iyo gabdho iyo wiilal baraha bulshada ka bilaabay dagaal qabiileysan.
Dhammaan tallaabooyinkan ayaa la boggaadiyay, waana kuwo lagula dagaalamayo dhaqan xumada iyo waxyaabaha liddiga ku ah amniga magaalada Muqdisho.
Guddoomiye ku xigeenkii hore ee amniga iyo siyaasadda ee gobolka Banaadir, Cali Yare Cali oo qoraal soo saaray ayaa soo dhaweeyay tallaabooyinka ay qaadeen ciidanka dowladda, wuxuuna sheegay inay tahay shaqo haboon oo ku aadan akhlaaqiyaadka bulshada.
Sidoo kale, Cali Yare ayaa ku taliyay in hay’adda isgaarsiinta qaranka si deg-deg ah loogu soo magacaabo mas’uul dowladda ka xigsan kara culeysyada dhanka isgaarsiinta ee bulshada, si ay isula jaanqaadaan tallaabada ay qaadayaan ciidanka booliska Soomaaliya.
Hoose ka akhriso qoraalka oo dhameystiran:
Meeshii Muqdisho aheyd gacan aamaano ah ayay gashay maalmahaan waanan u riyaaqay shaqada dowladda dhanka akhlaaqiyaadka bulshada iyo la xariirta u qaaday gaar ahaan booliska qeybta guud.
Waa laga yaabaa ineey bulshada qaarkood ay sahashadaan ama ay xaajo iska caadi ah u qaataan dadka baangadaha isku qaatay ee waddooyinka magaalada isku ballansaday, kuwa iyagoo shacab ah sheegay in ay dowladda afganbinayaan iyo kuwa degmooyin dowladdu aqoonsatay dab qabadsiiyay intaba ee Rati weyne iyo reer-koraad u kala baxay, laakiin waxaa marqaati madoonto in dowladdu ay xabsiyada ku gurtay.
Markaan tallaabada xigta ee naga dhimman waa dowladdeenna oo si degdeg ah hey’adda isgaarsiinta qaranka ugu soo magacoowda qof aan LIIDAN oo dowladda ka xigsan kara culeysyada dhanka isgaarsiinta bulshada ka heeysta, si ay iskula jaanqaadaan tallaabooyinka laamaha amnigu qaadeen iyo dagaal dhanka hey’adda isgaarsiinta qaranka looga qaado markii maareeye shaqada qaban kara la soo magacaabo.
Sidoo kale wasaarad warfaafinta oo siyaasadda dowladda bulshada u fasiri karta iyo haddiiba la heli karo nuu lagu soo nooleeyn karo telefeshinkii dowladda ee burburay.
RW dalka Poland uu ku eedeeyey Dowladda Raashiya in Muhaajiriin u tahriibinayaan Galbeedka Yurub
Arbaco, 22 May, 2024 {HMC} Ra’isul-wasaaraha dalka Poland, Donald Tusk, waxa uu ku eedeeyey Dowladda Raashiya Isku-daygoooda ku aadan Qulqulka Kumanaan Muhaajiriinta ka soo gudbayo Xuduudka dalkiisa, si ay ugu sii gudbaan Galbeedka Europe.
Isagoo la hadlayey Wakaallada Wararka Faransiiska ee AFP waxa uu xusay inay xoojin doonaan Xuduudaha Bari ee dalkiisa, si looga hortago Muhaajiriinta ka soo gudbayo.
Waxa uu ku eedeeyey Dowladda Raashiya inay Muhaajiriinta u fududeeyaan Fiisooyinka, kana dambeeyaan Kumanaanka Muhaajiriinta ee loo soo Tahriibiyo dalalka Europe.
“In ka badan 90% kuwa sida Sharci-daradauga soo gudba Xuduudka Poland waa dad haysta Fiisooyinka Raashiya (The Russian Visas)” ayuu yiri RW Donald Tusk.
Waxa uu taxay in Muhaajiriin ka soo kala jeeda dalalka Somalia, Yemen, Eritrea iyo Ethiopia yihiin kuwa ay Dowladda Raashiya Isku-dayeyso inay ka soo qortaan mid ka mid ah dalalka Carbeed, si Muhaajiriintaasi loogu daabulo xadka Poland, waa sida uu Hadalka u dhigay.
Docda kale, Dowladda Poland waxay Sabtidii la soo dhaafay shaacisay inay in ka badan 2.3 Billion oo EURO ku Kharaj gareyn doonaan Xoojinta Xuduudkooda Bari ee ay la wadaagaan dalalka Raashiya iyo Belarus ee Gacan-dhuleedka Kaliningrad.
Tan iyo sanadkii 2021-kii, Kumanaan Muhaajiriin iyo Qaxooti badankooda ka yimid dalalka Bariga Dhexe ayaa ka gudbay ama Isku dayey inay ka gudbaan Xuduudka Belarus 🇧🇾 iyo Poland 🇵🇱
Si kastaba, Dowladda Poland iyo kuwa Reer Galbeedka waxay ku eedeeyaan Belarus oo Isbahaysi la ah Raashiya ay si wadajir ah Qulqulka Muhaajiriinta u adeegsanayaan Deganaansho La’aanta Mandiqada iyo Midowga Europe.
Mexeey Tahay Hadal heyn ka dhalatay lacagta lagu kireeyay Diyaarad William Rutu ku tagay Mareyakanka?
Arbaco, 22 May, 2024 {HMC} Madaxweynaha dalka Kenya Wiliam Ruto iyo wafdi balaaran uu hoggaaminayo ayaa gaaray dalka Mareykanka , kaddib casuumad rasmi ah uu ka helay dhigiisa dalka Mareykanka Joe Biden.
Wiliam Ruto iyo wafdiga la socda ayaa Nairobi ka qaatay diyaarad khaas ah oo nuuca raaxada ah, waxaana diyaaradan la sheegay in lagu kireeyay lacag gaareysa $1.5 milyan oo dollar, sida ay baahiyeen warbaahinta Kenya qaarkood.
Diyaarada Madaxweyne Ruto qaaday ayaa waxaa la socda 30-qof kale oo kamid ah wafdigiisa. Waxa ayna lacagtan tirada badan ee diyaarada lagu kireeyay ka dhalatay hadal heyn, iyadoona dad badan dhaleeceeyeen lacagtaasi badan ee diyaarada lagu bixiyay.
Afhayeenka dowladda Kenya Isaac Mwaura , oo ka hadlay hadal heynta ka dhalatay lacagta badan ee diyaarada lagu kireeyay ayaa sheegay in booqashada uu Madaxweynaha ku tagay Mareykanka ka imaaneyso faa’iido ka badan lacagtan baxday.
Madaxweynaha Kenya oo booqasho afar maalin ah ku jooga Mareykanka ayaa beri la kulmay Joi Biden, booqashadan Rutu ku tagay Mareykanka ayaa noqoneysa tii ugu horreysay ee rasmi ah ee madaxweyne Kenyan ah ku tago dalkaasi mudo 20-sanno ah.
{DAAWO SAWIRADA} RW Xamse oo ka hadlay Qorshaha Isbeddelka Qaranka ee NTP
Arbaco, 22 May, 2024 {HMC} Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in qorshaha Isbeddelka Qaranka {NTP} tusaale u yahay hannaanka cusub ee ay qaadday Soomaaliya, kaas oo xoogga saaraya waxqabad muuqda iyo isbeddel dhab ah.
Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa xusay in isbeddelkani uu xambaarsan yahay rajo cusub iyo hiigsi fog oo ku aaddan kobaca iyo horumarka dalkeenna iyo dadkeenna, isla markaana diiradda saaraya maalgelinta ilaha wax soo saarka, si loo gaaro kobac dhaqaale, shaqo abuur iyo fursado horumarineed.
“Qorshahan wuxuu ku saleysan yahay in aan ka faa’iidaysanno khayraadka dalkeenna iyo xirfadaha dadkeenna, si aan u gaarno horumar waara, waxa uu soo saari doonaa qorshayaal la taaban karo oo lagu maalgeliyo beeraha, kalluumaysiga, xoolaha, jidadka, buundooyinka, dekadaha, garoomada diyaaradaha iyo kheyraadka kale ee dabiiciga ah, si loo gaaro isku filnaasho dhaqaale”.
Mudane Xamsa Cabdi Barre, waxa uu hoosta ka xarriiqay in isbeddel aan la xaqiijin karin, haddii uusan qof walba naftiisa ka bilaabin isbeddelka, taas oo lagu gaari karo yoolalka fog ee la hiigsanayo.
Soomaaliya ayuu tilmaamay Ra’iisul Wasaaruhu in ay ka jiraan fursado badan oo dhinacyada maalgashiga, kuwaas oo ka abuurmay shuruucdii maalgashiga shisheeye oo la hirgeliyey, deyntii oo dalka laga cafiyey iyo Soomaaliya oo ku biirtay suuqa ganacsiga bariga Afrika.
Qorshaha Isbeddelka Qaranka {NTP}ee Ra’iisul Wasaaruhu Daahfuray oo beddelaya Qorshaha 9-aad ee Horumarinta Qaranka {NDP}, ayaa horseedi doona hiigsiga horumarka waara, bulsho aqoon iyo xirfad sare leh oo ka tarjumaya mustaqbalka ifaya ee uu leeyahay Soomaaliya.

{DAAWO MUQAALKA} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka 22/5/2024
Arbaco, 22 May, 2024 {HMC} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka 22/5/2024
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} Raisul Wasaare Xamze “Waxa diiradda saaraynaa maalgelinta ilaha wax soo saarka dalka”.
Arbaco, 22 May, 2024 {HMC} Raisul Wasaare Xamze “Waxa diiradda saaraynaa maalgelinta ilaha wax soo saarka dalka”.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} Isaggoo dhar wareejinaya ayuu dilalka gaadmada ah u fulin jiray .
Arbaco, 22 May, 2024 {HMC} Isaggoo dhar wareejinaya ayuu dilalka gaadmada ah u fulin jiray .
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} Madaxweynaha Jubbaland Oo maanta Booqday Xarunta SODMA.
Arbaco, 22 May, 2024 {HMC} Madaxweynaha Jubbaland Oo maanta Booqday Xarunta SODMA.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} Wasirka Beraha iyo Warabka XFS oo boqday gobaha lagu baaro gadidka qudaarta ka keena gobalada dalka
Arbaco, 22 May, 2024 {HMC} Wasirka Beraha iyo Warabka XFS oo boqday gobaha lagu baaro gadidka qudaarta ka keena gobalada dalka



