Home Blog Page 2387

{DAAWO SAWIRAD} Shir heerkiisu Sareeyo Soomaliyana Qeyb Ka Eheed oo Maanta Kenya Lagu Soo Xiray

Arbaco, 22 May, 2024 {HMC} Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada JFS, Dr. Cali Xaaji Aadan ayaa guddoomiyay Xeritaanka Shirka heerkiisu sareeyo ee heer farsamo iyo heer Wasiir ee hindisaha wadajirka ah oo lagu Horumarinayo xiriirka ganacsiga iyo xoojinta dhaqaalaha ee xuduudaha, iyadoo la tixgalinayo hanaanka Caafimaadka Mideysan kaa soo sare loogu qaadayo amniga caafimaadka gobolka.

Shirkan oo  mudo sadex casho ah ka Socday magaalada Nairobi ayaa lasoo gebo gabeeyay Maanta iyadoo ay goobjoog yihiin Madaxda Wasaarada Caafimaadka dalalka Somalia, Kenya & Ethiopia iyo Xoghayaha Urur Goboleedka IGAD Dr Workneh Gebeyehu iyadoo Sadexda Dal ay isku raaceen muhiimada ay leedahay in Si wada jir ah loo wajaho sare u qaadida Amniga Caafimaadka Gobolka iyadoo la Mideynayo dadaalada wadajirka ah ee Urur Goboleedka IGAD ee ku Qotoma hirgalinta Caafimaadka Mideysan.

Munaasabada Xeritaanka waxaa goobjoog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada DFS Dr. Guuleed Abdijaliil, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha DFS, Maxamed Cumar Nuur iyo Wafdi ka socday Wasaaradaha Caafimaadka, Xanaanada Xoolaha & Deegaanka.

Madaxda sadexda dal ayaa isku raacay in si wada-jir ah looga hortago Cudurada faafa ee xuduudaha sida sahlan isaga gudba iyadoo la hirgaliyo Caafimaad Mideysan, iyadoo Dhanka Soomaaliya ay Balan-qaaday dar-dar gelinta adeegyada aasaasiga u ah hirgalinta Qodobada ku Xusan War Murtiyeedka ay sida wada jirka ah usoo saareen Dalalka Somalia, Kenya & Ethiopia.

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an sare u qaadida dadaalada lagu wajahayo Midaynta Caafimaadka Gobolka, iyo ka hortaga Dilaacidda Cudurada faafa iyadoo kaashanaysa dalalka deriska iyo Saaxibada Caafimaadka.

{DAAWO SAWIRADA} MD Puntland oo Soo Xiray Shirka Jiheeynta Xukuumada Dowlad Goboleedka Puntland

Arbaco, 22 May, 2024 {HMC} Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Gobaleedka Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa soo xiray Shirka Jiheynta Xukuumadda Dowladda Puntland oo Shan maalmood socday.

Munaasabadda oo lagu qabtay Qasriga Madaxtooyada ayna ka qeybgaleen Goleyaasha Dowladda Puntland, Hantidhowrka, Hay’adaha Madaxa banaan iyo Shaqaalaha Guud ee Dowladda, ayaa lagu soo bandhigay wixii looga hadlay Shirka jiheynta Xukuumadda Dowladda Puntland iyo qodobada muhimka ah ee lagu horumarinayo adeega Dowladnimo ee Bulshada loo hayo.

Madaxweynaha ayaa boggaadiyey shaqadii wanaagesaneyd ee lasoo qabtay 5-tii sano ee hore, wuxuuna ku booriyey shaqaalaha Dowladda in lasii dardargeliyo shaqada loo hayo dadweynaha, Iyadoo la raacayo xogta iyo jiheynta loo soo bandhigay ee kasoo baxay Shirkii socday muddada 5-maalin aheyd .

Dowladaha Ireland, Spain iyo Norway oo dowlad rasmi ah u aqoonsaday Falastiin

Arbaco, 22 May, 2024 {HMC}  Ireland, Spain iyo Norway ayaa Arbacada maanta ah ku dhowaaqay inay aqoonsanayaan Dowlad Falastiin laga billaabo 28-ka May, ayaga oo sheegay inay rajeynayaan in dalalka kale ee reer galbeedka ay ku daydaan, taasi oo keentay in Israel ay u yeerato safiiradeeda.

Ra’iisul Wasaaraha Spain Pedro Sanchez ayaa sheegay in tallaabadan looga gol leeyahay in lagu dardargeliyo dadaallada lagu xaqiijinayo xabbad joojin laga gaaro dagaalka Israel ay kula jirto Xamas ee Gaza.

“Waxaan rajaynaynaa in aqoonsigeena iyo sababaheena ay ka qayb qaataan in dalalka kale ee reer galbeedku ay wadadaas raacaan, sababtoo ah kullamaa aan badanno, waxaa sii kordhaysa awoodda aan u yeelaneyno in aan xabad joojin sameyno, si loo sii daayo la-haystayaasha Xamas, si dib loogu billaabo hanaanka siyaasadeed ee horseedi kara heshiis nabadeed,” ayuu ku yiri khudbad uu ka jeediyay aqalka hoose ee dalka.

Israel ayaa dagaalkeeda Gaza billowday iyadoo ka aargoosanaysa weerar 7-dii October ay Xamas ku qaadday oo ay ku dishay 1,200 oo qof ayna ku qafaasheen in ka badan 250 qof.

Howlgallada Israel ay ka fulisay Gaza ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 35,000 qof oo Falastiiniyiin ah, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Gaza.

Spain iyo xulafadeeda ayaa muddo bilo ah ka ololeynayay wadamada Yurub, oo ay ku jiraan Faransiiska, Portugal, Belgium iyo Slovenia, si ay taageero ugu helaan aqoonsiga Falastiin.

“Maanta, Ireland, Norway, iyo Spain waxay ku dhawaaqayaan inaan aqoonsannahay Dowladda Falastiin,” ayuu ra’iisul wasaaraha Irelanad Simon Harris ku yiri shir jaraa’id oo uu ku qabtay Dublin.

“Mid kasta oo naga mid ah hadda wuxuu qaadi doonaa tallaabo kasta oo qaran oo lagama maarmaan u ah si loo dhaqan geliyo go’aankaas.”

Waxa uu intaa ku daray in Ireland ay si aan mugdi ku jirin u aqoonsaneyso Israel iyo xaqa ay u leedahay “inay si ammaan ah oo nabad ah kula jirto deriskeeda,” wuxuuna ku baaqay in dhammaan la haystayaasha Gaza si deg deg ah loo soo celiyo.

Magaalada Oslo, Ra’iisul Wasaaraha Norway Jonas Gahr Store, ayaa sheegay in habka kaliya ee lagu heli karo xal siyaasadeed oo dhexmara Israa’iiliyiinta iyo Falastiiniyiinta ay tahay “laba Dal oo isku dhinac yaalla oo ku wada nool nabad iyo amni”.

Isaga oo ka jawaabaya ku dhawaaqista, ayaa wasiirka arrimaha dibadda ee Israel, Israel Katz waxa uu amar ku bixiyay in si deg deg ah usooo laabtaan safiirada Israel u fadhiya saddexda waddan si ay wadatashi ula yeeshaan, waxa uuna ka digay “cawaaqib xun”.

“Waxaan maanta dirayaa fariin cad: Israel ma dhayalsan doonto kuwa wax u dhimaya qarannimadeeda oo khatar gelinaya ammaankeeda,” ayuu yiri.

Israel ayaa ku dooda in sida kaliya ee lagu heli karo qarannimo Falastiin ay tahay wadaxaajood, islamarkaana haddii nidaamkan la hareer maro ay Xamas iyo kooxaha kale ee mintidka ah siinayso dhiirigelin ay ku adeegsadaan rabshado.

Qiyaastii 144 ka mid ah 193-ka waddan ee xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ayaa horey u aqoonsaday Falastiin, waxaana ku jira inta badan dalalka koonfurta caalamka, Ruushka, Shiinaha iyo Hindiya.

Hase yeeshee tiro yar oo ah 27-ka xubnood ah ee Midowga Yurub ayaa ilaa hadda tallaabadaas qaaday. Sweden ayaa noqotay waddankii ugu horreeyey 2014. UK iyo Australia waxay muujiyeen bilihii la soo dhaafay inay dhowaan ku dayan karaan.

Falastiiniyiinta ayaa raadiya Dowlad ka jirta Daanta Galbeed ee ay Israel haysato iyo Marinka Gaza, iyadoo caasimaddooda ay tahay Bariga Qudus.

Maraykanka oo ah xulufo aad ugu dhow Israel ayaa bishii hore codka diidmada qayaxan ku diiday isku day Qaramada Midoobay ay ku doonaysay inay ku aqoonsato dowlad Falastiin, isaga oo ku dooday in xal laba dawladood ahi ku iman karo oo keliya wada xaajood toos ah oo dhexmara dhinacyada.

Maxeey Ka Wada hadleen Wasiirka Gaashaan Dhiga Soomaliya & danjiraha Ruushka?

Arbaco, 22 May, 2024 {HMC}  Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Somalia Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ku qaabilay Danjiraha Ruushka u fadhiya Soomaaliya, Danjire Mikhail Golovanov

Waxaa uu kala hadlay xoojinta dadaallada socda iyo taageerada dowladda Ruushka ee dagaalka ka dhanka ah AS

Wasiirka ayaa tilmaamay in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ka go’antahay in guud ahaan dalka laga ciribtiro kooxda al shabaab oo sida uu sheegay dhibaatada ku haya shacabka Soomaliyeed iyo guud ahaan Gobolka isaga oo adkeeyay muhiimadda ay Soomaaliya u leedahay taageerada saaxiibada caalamka ee ku aaddan gacan siinta arrimaha la xariira dagaalka ka dhanka ah kooxdaas iyo dib u dhiska iyo qalabeynta Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Danjiraha Ruushka u fadhiya Soomaaliya, Mikhail Golovanov ayaa dhankiisa dowlada iyo shacabka Soomaaliyeed ku bogaadiyay sida isku duubnida ah ee ay u wajaheen inay dalkooda ka ciribtiraan al shabaab isagoo sheegay in ay Ruushka ka go’antahay taageerada Soomaaliya.

Turkey to build $6m Somali embassy in Ankara


Tuesday May 21, 2024
By Ragip Soylu

Turkish media criticise the government for the project, but sources note the Somali government donated a far larger plot of land in 2015

 

Turkey is set to construct and donate an embassy building and a plot of land to Somalia at a cost estimated to reach over $6m, according to a deal submitted to the Turkish parliament on Monday.

As per the agreement signed between Turkey and Somalia in 2022, Ankara will make this contribution in exchange for a plot of land that the Somali government donated to Turkey in 2015.

The diplomatic mission Turkey built on that plot in Mogadishu was its largest worldwide, covering an area of more than 61,000 sqm at a cost of $65m.
In return, Somalia is getting 4,918 sqm of land in the Incek diplomatic site in Ankara.

Turkey plans to erect a 3,000 sqm embassy building on this site, and the agreement allows Somalia the right to sell the land and buildings in the future if it wishes.

However, the Turkish parliament must ratify the deal before it can proceed.

‘There is no saving from the love of Somalia’

– opposition newspaper Sozcu headline

The agreement has already sparked criticism in the Turkish media. Sozcu, the largest opposition daily newspaper, ran a front-page report on Tuesday titled: “There is no saving from the love of Somalia”.

The report highlighted the irony of the government constructing an embassy for Somalia while cutting funding for numerous domestic projects and services under austerity measures.

“They say there is austerity in the public sector, but they spend lavishly,” the newspaper said. “The government, which could not find money to raise the salaries of millions of retirees and minimum-wage earners, donated [valuable land] in Ankara to Somalia.”

Sozcu claimed the land is worth 200m Turkish lira ($6.5m). However, Turkish sources familiar with the project told Middle East Eye that the cost of both the building and the land would not exceed $6m, and it might even be lower.

One source emphasised that the land donated to Turkey in Somalia is 12 times more extensive and in a prime location in Mogadishu.

Somalia-Turkey bilateral relations

Turkish President Recep Tayyip Erdogan’s government has invested heavily in Somalia since 2011, providing more than $1bn in humanitarian aid in response to a deadly drought.

Turkey now has a significant military presence in Mogadishu, and Turkish firms operate the city’s airport and port under agreements with the Somali government.

Turkey has trained over 16,000 Somali soldiers, equivalent to one-third of the Somali military, both in Turkey and at its Mogadishu base, known as Turksom. Turkish-supplied drones are also in operation against the al-Shabab armed group in Somalia.

Ankara contributes approximately $30m annually to the Somali budget and, in 2020, paid a $3.4m IMF loan on behalf of Somalia.

In February, Turkey and Somalia signed a comprehensive naval defence deal, mandating that Turkey defend Somali waters against terrorism, piracy and external threats for the next decade.

In March, they signed an energy exploration and drilling deal targeting hydrocarbon reserves in Somalia’s exclusive economic zone, which have remained undeveloped since the early 1990s. The deal also includes land exploration.

Relations between Turkey and Somalia came under scrutiny when Somali President Hassan Sheikh Mohamud’s son was involved in a fatal car accident in Istanbul in November while using a vehicle with diplomatic number plates.

Mohammed Hassan Sheikh Mohamud, the president’s son, left the country before standing trial, sparking controversy and condemnation. He returned to Turkey in January, stood trial and received a 2.5-year prison sentence, which was subsequently converted into a $900 fine.

{DAAWO MUQAALKA} Baladweyne oo Yeelatay Markii Ugu Horeeysay Shaqaalo Dab-Damis ah.

0

Arbaco, 22 May, 2024 {HMC}  Baladweyne oo Yeelatay Markii Ugu Horeeysay Shaqaalo Dab-Damis ah.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Maxkamadda Derejada 1aad ee Gobolka Sool oo Xukuntay Rag Taageeray Somaliland

0

Arbaco, 22 May, 2024 {HMC} Maxkamadda Derejada 1aad ee Gobolka Sool oo Xukuntay Rag Taageeray Somaliland

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Gudoonka labada Aqal ee BJFS oo sheegay in dib loo dhigay furitaanka kalfadhiga 5-aad ee Barlamaanka

0

Arbaco, 22 May, 2024 {HMC} Gudoonka labada Aqal ee BJFS oo sheegay in dib loo dhigay furitaanka kalfadhiga 5-aad ee Barlamaanka

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Wasiir Xasan Macalin “Qorsha isbadalka qaran waxaa kaalin weyn ku leh dhameystirka Dastuurka

0

Arbaco, 22 May, 2024 {HMC} Wasiir Xasan Macalin “Qorsha isbadalka qaran waxaa kaalin weyn ku leh dhameystirka Dastuurka

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Xeebaha magaalada Kismaayo oo lagu beerayo dhir ka qeyb qaadanaysa quruxda deegaanka.

0

Arbaco, 22 May, 2024 {HMC}  Xeebaha magaalada Kismaayo oo lagu beerayo dhir ka qeyb qaadanaysa quruxda deegaanka.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA