Home Blog Page 2386

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo soo bandhigay hab cusub oo lagu casriyeynayo waxqabadka Wasaaradiisa

Khamiis, 23 May, 2024 {HMC} Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa daaha ka qaaday nidaam cusub oo “degital” ah oo howlaha Wasaaradda lagu casriyaynayo, isagoo sheegay in nidaamka uu kordhin doono wax-qabadka, hufnaanta shaqada, bixinta adeegyada iyo sidoo kale la socodka iyo raad-raaca.

Wasiir Axmed Fiqi ayaa sheegay in ay ka go’an tahay in la gaaro horumar la taaban karo, iyadoo la hiigsanayo aragti cad oo mustaqbal leh, si hore loogu dhaqaajiyo Wasaaradda, loona qaato fikrado la jaan-qaadaysa teknoolojiyadaha cusub, lana taabageliyo tub hore-u-socod leh.

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cali Maxamed Cumar, oo taageeraya aragtida Wasiir Axmed Fiqi, ayaa iftiimiyay kaalinta muhiimka ah ee nidaamka cusub uu ka qaadan karo xoojinta daahfurnaanta iyo waxtarka shaqooyinka kala duwan ee waaxyaha.

Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Isaaq Maxamuud Mursal, ayaa dhankiisa carabka ku adkeeyay in nidaamkani uu casriyaynayo howlaha shaqada, sarena uu u qaadayo howl-gudashada, isaga oo rajo weyn ka muujiyay in uu wax ka taro geedi socodka mustaqbaleed ee Wasaaradda.

Qaar ka mid ah agaasimayaasha waaxyaha Wasaaradda, ayaa waxa ay soo bandhigeen aragtiyo si loo hubiyo waxtarka nidaamka iyo dhammaystirkiisa si uu aas’aas ugu noqdo gaaridda horumar istiraatiijiyadeed.

Burundi soldiers honoured for courage and commitment to ATMIS Somalia Mission

Wednesday 22,May , 2024 {HMC} Jowhar, 19 May 2024 – The Burundi National Defence Forces (BNDF) troops serving with the African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS) have been honoured for their contributions to peace and security in Somalia at a colourful ceremony on Saturday at the Jowhar Airfield Base in Hirshabelle State.

ATMIS Sector Five Commander, Col. Oscar Hatungimana, presided over the event, which was attended by United Nations Support Office in Somalia (UNSOS) Regional Administrative Officer, Gagan Banjara, and other senior ATMIS and UN officials.

The outgoing Burundi contingent troops, who have completed their one-year tour of duty, were recognized for their dedication and contributions to ATMIS mandate, which includes joint operations with Somali security forces to defeat Al-Shabaab, securing population centres and Main Supply Routes (MSRs) in the Middle Shabelle region.

Col. Hatungimana praised the troops for their dedication and commitment to peace and stability in Somalia.

“These officers have served with courage and discharged their duties diligently. I commend them for their bravery, discipline, and exemplary service to ATMIS and the people of Somalia,” said Col. Hatungimana.

He welcomed the newly rotated troops and urged them to carry on the legacy of the previous contingent.

“We welcome those taking over and urge them to be diligent. You have the responsibility of supporting Somali security forces to effectively take over full security responsibility for their country,” said Col. Hatungimana.

UNSOS Regional Administrative Officer, Gagan Banjara, representing the UN, commended the outgoing Burundi troops for their distinguished service to the peace support operations and for providing security to humanitarian actors.

“ATMIS Burundi troops have done a commendable job in their Area of Responsibility (AoR). We applaud them for their courage, dedication, and professionalism exhibited in discharging their duties in this region. The UN country team is grateful to them and their leadership for the good work done in supporting UN agencies and other humanitarian organisations,” said Mr. Banjara.

The outgoing BNDF troops deployed to Somalia in May 2023.

Maxay ka dhigan tahay booqashada Ruto ee Aqalka Cad?

Arbaco, 22 May, 2024 {HMC} WASHINGTON — Madaxweynaha Kenya William Ruto oo booqasho rasmi ah ku jooga Maraykanka ayaa berri uu Aqalka Cad kusoo dhowayn doonaa madaxweyne Joe Biden.

Aqalka Cad ee Maraykanka ayaa saddex sababood saldhig uga dhigay martiqaadka loo fidiyey Ruto kuwaasi oo ay ka mid yihiin in lasoo afjatro mudod 16 sano ah oo hoggaamiye Afrikaan ah aan si rasmi ah loogu casuumin Aqalka Cad, mabaadii’da dimoqraadiyadda iyo ganacsiga gaarka loo leeyahay, iyo tan ugu muhiimsan oo ah go’aankii dhowaan Kenya ku gaadhay inay kun askari u dirto dalka Haiti, ciidnakii ugu horreeyey ee Kenya ka socdana toddobaadkan ayey gaarayana waddankaasi.

faahfaahino: Dheeraad ah oo ka soo baxaya Xildhibaan goor dhow lagu dilay Magaalada Muqdisho

Arbaco, 22 May, 2024 {HMC} Koox hubaysan ayaa waxay caawa magaalada Muqdisho ku dileen Xildhibaan Ibraabim Cabdi Cabdiraxmaan oo ka tirsanaa Golaha Wakiillada dowlad goboleedka Koofur galbeed.

Xildhibaanka ayaa la sheegay in dablayda ay oodda kaga qaadeen rasaas badan taasoo keentay inuu isla goobta ku geeriyoodo.

Marxuunka la dilay ayaa la sheegay in maalmahaan dambe uu Magaalada Muqdisho u joogay howla shaqo, mana jirto illaa hadda cid sheegatay dilkiisa inkastoo falalka noocan ah looga bartay kooxda Al shabaab.

Ma jiro illaa hadda war ku saabsan dilka xildhibaanka oo ka soo baxay laamaha amaanka dowlada Somalia iyo maamulka Koonfur Galbeed.

Madaxweyne Deni oo Ku Baaqay Ilaalinta wadajirka Soomaalinimada

Arbaco, 22 May, 2024 {HMC} – Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ka hadlayay munaasabadda xiritaanka shirka jiheynta xukuumadda Puntland ayaa sheegay in cidna aanay uga carareyn Soomaalinimada.

“Soomaalinimada cidna uga cararimayno, cidda khaldan baan qabanaynaa hadii Alle idmo, garab istaagga dadkeena Soomaaliyeed-na horay ayaanu u sii wadaynaa,” ayuu yiri Saciid Deni.

Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale ka hadlay sida xukuumadiisu ay diyaar ugu tahay in la wadahadlo, isagoo balan qaaday inay la fariisa doonaan cid kasta oo Soomaaliuyeed oo wada xaajood diyaar u ah.

“La isma muquunin karo, la ismana dardari karo, dalkaan meesha uu aadayo ha laga wada hadlo, Puntland waxay diyaar u tahay garnaqsi,” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland oo ka hadalkaan ka jeediyey munaasabad ka dhacday Garowe.

Saciid Dani ayaa ugu baaqay madaxda maamul goboleedyada kale ee dalka inay sharciga dhowraan, isagoo ku baaqay in la wadahadlo, si gaar ah wuxuu u duray qorshaha dowladda federaalka iyo maamullada kale ay isla qaateen ee lagu dhameystirayo dastuurka dalka.

Puntland oo si adag uga soo hor jeeda qorshaha socda ee wax ka bedelka dastuurka, sidoo kale khilaaf guud uu kala dhaxeeyo dowladda federaalka ayaa muujineysa adkeysi iyo inay ka maarmeyso la falgelidda dowladda dhexe, taas caqabad weyn ku ah dowlad dhiska dalkaan.

Saciid Deni iyo Xasan Sheekh oo isku garab siiyey doorashadii kursiga madaxweynaha qaranka ayaa kala booday markii xasan Sheekh uu Ra’iisul wasaarihiisa u xushay Xamza Cabdi Barre oo ka soo jeeda Jubbaland.

Deni ayaa rabay in kursiga Ra’iisul Wasaaraha la siiyo isaga ama siyaasi uu qato, balse ma noqon, wuxuuna arrintaas kula dagaalay saaxiibkiis Xasan Sheekh oo shalay ay Farmaajo isugu tageen, markii dib loo xusuusto loolankii doorashada ee May 2022.

UK oo Doorasho deg deg ah Looga Dareerayo 4 July

Arbaco, 22 May, 2024 {HMC} – Ra’iisul Wasaaraha Britain Rishi Sunak ayaa ku dhowaaqay in waddankaas ay ka qabsoomi doonaan doorashooyinka guud 4-ta bisha July ee soo soocta, sida ay tebinayaan wakaaladda wararka Associated Press iyo warbaahinta UK.

Rishi Sunak ayaa hadalkan maanta kaga dhowaaqay afaafka hore ee aqalka looga taliyo dalkaasi ee 10 Downing Street.

Sunak ayaa sheegay inuu go’aankan kala hadlay boqorka dalkaais, Charles, uuna ka codsaday in la kala diro baarlamaanka.

Kala-dirista baarlamaanka ayaa ka dhigan in dalkaasi toos u aadiyo olole doorasho oo ku soo afjarmaya maalinta doorashadu dhacayso oo ku beegan Khamiis, 4-ta July.

Ra’iisul Wasaaraha waddankaasi ayaa in muddo ah cadaadis uu uga imanayey hoggaanka xisbiga Shaqaalaha (Labour) oo ugu baaqayey inuu muddeeyo xilliga doorashada.

Xisbiga bidixda xiga ee Shaqalaha oo uu hoggaamiyo Keir Starmer ayaa saadaasha laga qaaday afkaarta dadweynaha ay muujinaysaa inuu ka horreeyo xibsiga midigta ee uu Sunak hoggaamiyo ee (Conservative).

Wakaaladda wararka AP ayaa qortay in xisbiga Conservative uu dalkaasi kasoo talinayey muddo 14 sano ah.

Hoggaamiyahasha Conservative ee muddadaas soo maray UK ayey ka mid yihiin David Cameron, Boris Johnson, Theresa May, Liz Truss, iyo Rishi Sunak oo xilligan talada haya.

Dadweynaha UK ayaa u codeeya axsaabta, iyadoo xibsiga ku guulaysta aqlabiyadda baarlamaanka uu soo dhisayo dawladda soo socota.

WAR DEG DEG AH: Sadax Dal oo Reer Yurub ah Ayaa ku dhawaaqay in Falastiin dowlad u aqoonsan yihiin.

Arbaco 22,May , 2024 {HMC} Dalalka Ireland, Spain iyo Norway oo ka mid ah dalalka qaaradda Yurub ayaa Maanta oo Arbaco ah ku dhawaaqay iney dowlad u aqoonsanayaan Falastiin laga bilaabo 28-ka bishaan May ee sanadkaan 2024.

Sadaxdaan Wadan ayaa sidoo kale sheegay iney ka rajeynayaan dalalka kale ee reer Galbeedka iney ku dayan doonaan oo ay Falastiin u aqoonsan doonaan dowladd, waxaana go’aankaan kasoo yeeray sadaxdan dowladood uu sababay in Israa’iil ay u yeerato safiiradeeda dalalka Ireland, Spain iyo Norway.

Pedro Sanchez Ra iisulwasaaraha Wadanka  Spain oo ka hadlay aqoonsiga dowladdiisa ee Falastiin ayaa sheegay in talaabadan looga gol leeyahay in lagu dardargeliyo dadaalada lagu xaqiijinayo xabad joojin laga gaaro dagaalka Israa’iil ay kula jirto Xamas ee Gaza.

“Waxaan rajaynaynaa in aqoonsigeena iyo sababaheena ay ka qayb qaataan in dalalka kale ee reer galbeedku ay wadadaas raacaan, sababtoo ah kullamaa aan badanno, waxaa sii kordhaysa awoodda aan u yeelaneyno in aan xabad joojin sameyno, si loo sii daayo la haystayaasha Xamas, si dib loogu billaabo hanaanka siyaasadeed ee horseedi kara heshiis nabadeed” ayuu ku yiri khudbad uu ka jeediyay Aqalka hoose ee dalkaas.

Sadaxdaan Wadan ayaa ayaa muddo bilo ah ololo ka dhex waday wadamo ay ka mid yihiin Faransiiska, Portugal, Belgium iyo Slovenia, si ay taageero ugu helaan aqoonsiga Falastiin.

“Maanta, Ireland, Norway, iyo Spain waxay ku dhawaaqayaan inaan aqoonsannahay Dowladda Falastiin. Mid kasta oo naga mid ah hadda wuxuu qaadi doonaa tallaabo kasta oo qaran oo lagama maarmaan u ah si loo dhaqan geliyo go’aankaas” ayuu yiri Raysal wasaaraha Irelanad Simon Harris.

Ra iisul wasaaraha Wadanka Norway Jonas Gahr Store ayaa sheegay in habka kaliya ee lagu heli karo xal siyaasadeed dhexmara Israa’iili iyo Falastiin inay tahay iney noqdaan laba dal oo isku dhinac yaala oo ku wada nool nabad iyo amni.

Talaabada ay qaadeen dowladaha Ireland, Spain iyo Norway ayaa imaanaya, iyadoo howlgalada Isra’iil ay ka fulisay magaalada Gaza ay ku dhinteen in ka badan 35,000 qof oo Falastiiniyiin ah, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Falastiin.

Kenya’s President Ruto visits US as police deployment to Haiti takes shape


Wednesday May 22, 2024

Kenyan President William Ruto is on a visit to the United States this week, amid efforts to deepen economic and security cooperation between the two countries, as well as launch a long-stalled police deployment to Haiti.

The trip comes as US President Joe Biden’s administration has sought to strengthen partnerships with African nations amid growing competition on the continent with its top geopolitical rivals, China and Russia.

Ruto, who will hold talks with Biden at the White House on Thursday, is also visiting the US as a United Nations-backed initiative to send a Kenya-led police force to Haiti appears to be solidifying.

The UN Security Council last year authorised the multinational support mission, which its backers say is needed to help restore security in the Caribbean country amid years of widespread gang violence and instability.

But a recent wave of deadly attacks by Haitian armed groups – particularly in the capital, Port-au-Prince – delayed the mission.

Now, Kenyan officials say a deployment is imminent as a shaky political transition is under way in Haiti, and the country’s main airport, in Port-au-Prince, recently reopened.

Korir Sing’Oei, Kenya’s principal secretary of foreign affairs, told reporters on Sunday that the country was finalising preparations for the mission. “I can tell you for sure that that deployment will happen in the next few days, few weeks,” said Sing’Oei.

The deployment is expected to number about 2,500 members, a UN official said in December, including 1,000 Kenyan police officers.

The US Southern Command also said this month that contractors had been flown to Haiti “to set up the temporary living area for the eventual arrival of the Multinational Security Support (MSS) Mission”. Equipment and supplies have been delivered, as well.

Outstanding questions
However, Meron Elias, an east and southern Africa analyst at the International Crisis Group think-tank, said last week that sticking points remained between the US and Kenya over the mission.

Kenya is “demanding the US do more to rally financial support for the UN basket fund that will cover the mission’s costs”, Elias explained.

“Kenya also wants the US to commit greater backing to stemming the flow of arms into Haiti, including from US ports in Florida.”

Samar al-Bulushi, a non-resident fellow at the Quincy Institute for Responsible Statecraft, said on Tuesday that Kenya’s decision to lead the mission “represents the culmination” of years-long efforts by Nairobi to build strong security ties to Washington.

Speaking during a Quincy Institute panel discussion on US-Kenya ties and the Haiti deployment, al-Bulushi said “there has been considerable opposition” to the Haiti mission among Kenyans as well.

“There was zero public consultation about the decision to lead this mission to Haiti, and I think a lot of Kenyans are frustrated about that fact,” she said.

Martin Mavenjina at the Kenya Human Rights Commission in Nairobi told Al Jazeera last August that the Kenyan police force “has a known history of human rights violations” – and that should be discussed before any mission can be deployed.

Deadly violence

Over the past year, as uncertainty over the mission prevailed, human rights groups also said safeguards would be critical to protect Haitians from the woes of past foreign interventions.

Most recently, a UN peacekeeping mission was linked to a deadly cholera outbreak and sexual abuse allegations, spurring opposition to the prospect of foreign forces being deployed to the country again.

But as armed groups have grown more independent and unleashed deadly violence in Port-au-Prince and other parts of Haiti in recent months, many Haitian civil society leaders and citizens say the country needs help to restore security.

The most recent wave of unrest, which kicked off in February with attacks on police stations, prisons and other state institutions, forced Haiti’s unelected Prime Minister Ariel Henry to step down.

An interim presidential council has since been appointed to lead the country, but major concerns and uncertainty persist. About 362,000 people, half of whom are children, are internally displaced as a result of the violence, according to UN figures.

“Because the US, the UN and the other donor countries in Haiti, have let the gangs get so strong and let the situation erode to such a level, they need a security intervention of some sort,” said Daniel Foote, a former US special envoy to Haiti who has been critical of foreign interventions.

“The Haitian National Police is decimated,” Foote said during Tuesday’s panel.

But, Foote said, it remained unclear who the Kenya-led mission would be working for, given the lack of a functioning government in Haiti. He also questioned whether a 1,000-officer force would be able to restore security.

“People need somebody to control the streets so they can get bread, so they can deliver crucial goods to people who need it in the hospitals,” Foote said.

SOURCE: AL JAZEERA

AU welcomes ICC prosecutor’s bid for Netanyahu arrest


Wednesday May 22, 2024

The African Union Commission has welcomed ICC Prosecutor Karim Khan’s application for arrest warrant against Israeli Prime Minister Benjamin Netanyahu over Gaza attacks.

African Union Commission Chairperson Moussa Faki Mahamat says arrest warrants against people responsible for Gaza war should have been issued “from the beginning.” / Photo: Reuters

The head of the African Union Commission has welcomed the International Criminal Court (ICC) prosecutor’s arrest warrants request for Israel’s Prime Minister Benjamin Netanyahu and Defense Minister Yoav Gallant as well as three leaders of Hamas.

Moussa Faki Mahamat made the comments in an interview with Doha News, according to a short video posted on X.

He described the ICC’s move as “absolutely logical.”

“I think they took too much time, they should have done it from the beginning, because it’s clearly a decision to destroy a people and a nation. That is not acceptable,” Mahamat said.

‘Must be applied equally to all’

On Monday, Karim Khan, the ICC prosecutor said that he has applied for arrest warrants for Netanyahu, Gallant, head of Hamas’ Political Bureau Ismail Haniyeh, its top official in Gaza Yahya Sinwar, and head of Hamas’ military wing Mohammed Deif.

The decision on whether any of the warrants will ultimately be issued lies with a panel of three ICC judges, which will assess the evidence presented by Khan’s office.

South African President Cyril Ramaphosa also welcomed the decision by the ICC prosecutor in a statement, saying: “The law must be applied equally to all in order to uphold the international rule of law, ensure accountability for those that commit heinous crimes and protect the rights of victims.”

Israel has killed more than 35,600 Palestinians in Gaza since an October 7 cross-border incursion by Hamas that claimed 1,200 lives. The air and ground attacks have reduced the Palestinian enclave to rubble, leading to mass internal displacement and a shortage of basic necessities.

 

{DAAWO SAWIRADA} MD Hirshabeelle oo kulan la qaatay Wasiirka Difaaca Soomaaliya & Taliyaha Ciidanka Xoogga

Arbaco, 22 May, 2024 {HMC} Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa maanta kulan la qaatay Wasiirka Difaaca Soomaaliya mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxyadiin iyo Saraakiil kale.

Kulanka ayaa looga hadlay qaabkii AS looga sifeyn lahaa deegaanada yar ay kaga joogaan Dowaladda Hirshabeelle.

Wasiirka Difaaca Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa madaxweynaha la wadaagay sida loo soo af-jarayo iyo diyaar-garoowga Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

“Ugu horreyn Wasiirka, Taliyaha iyo Saraakiisha kale waxaan uga mahadcelinayaa dhammeystirka dagaalka AS iyo dadaalka ay ku bixinayaan sidii loo soo af-jari lahaa iyagoo gacan ka helayo ciidamada deegaanka.”, Ayaa Lagu Yiri Qoraal Lagu Daabacay  Hirshabeele State House

Ugu dambeyn Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa u rajeeyay guul naftood-hurayaasha ku howlan sidii dalka looga xorreyn lahaa AS oo caadeysatay dhiigga dadka shacabka ah.