Khamiis, 22 May, 2024 {HMC} FAAH FAAHIN Xildhibaan xalay lagu dilay Muqdisho iyo Madaxweyne ka hadlay
{DAAWO MUQAALKA} Kalluumeysatada Muqdisho oo ka hadlay digniinta dabeylo kusoo wajahan xeebaha dalka.
Khamiis, 22 May, 2024 {HMC} Kalluumeysatada Muqdisho oo ka hadlay digniinta dabeylo kusoo wajahan xeebaha dalka.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} Nabadoon Dacar oo ka hadlay Taariikhda Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan
Khamiis, 22 May, 2024 {HMC} Nabadoon Dacar oo ka hadlay Taariikhda Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} Madaxweyne Erdogan oo maanta kusii jeeda dalka Iran
Khamiis, 22 May, 2024 {HMC} Madaxweyne Erdogan oo maanta kusii jeeda dalka Iran
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} Taliye Cabdullaahi ” dhalinyradaan iyaga oo Ciyaal weero ah ayaa soo qabanay”
Khamiis, 22 May, 2024 {HMC} Taliye Cabdullaahi ” dhalinyradaan iyaga oo Ciyaal weero ah ayaa soo qabanay”
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Madaxweyne Erdogan oo maanta kusii jeeda dalka Iran
Khamiis, 23 May, 2024 {HMC} Madaxweynaha dalka Türkiye, Rajab Dayib Erdoğan ayaa maanta oo Khamiis ah kusii jeeda dalka Iran, waxa uuna Madaxweynaha dalkaasi kaga qeyb galaya aaska Madaxweynihii Iran ee shilka diyaaradeed ku dhintay.
Afhayeen u hadlay dowladda Turkiha ayaa sheegay in Madaxweyne Erdogan iyo masuuliyiin kale maanta tagayaan Iran, waxa ayna kaga qeyb galayaan halkaadi aaska loo sameenayo Madaxweyne Raisi iyo dadkii kale ee la dhintay.
Dalka Iran waxaa kusii qul qulaya madax iyo wafuud kala duwan , kuwaa oo dalkaasi u tagaya in ay dowladda usoo tacsiyadeeyaan ,sidoo kale ka qeyb galaan aaska Qaran ee Madaxweynuihii geeriyooday lkoobsameenayo.
Maanta oo Khamiis ah ayaana lagu wadaa in Madaxweynihii Iran Ebrahim Raisi lagu aaso magaaladii uu ku dhashay ee Mash-had oo ku taalla W/bari ee dalkaasi waxaan adalka ran wali ka socota baroordiiq loo sameenayo Madaxweynaha iyo dadkii la dhintay.
{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {23.05.2024}
Khamiis, 23 May, 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn.
Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Macalin Muse
Farsamadii :Mohamed Baryare Haamud
HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO
Sacuudiga oo $19 bilyan kusoo iibsanaya diyaarado cusub
Khamiis, 23 May, 2024 {HMC} RIYAD — Shirkadda Saudi Group ee Boqrtooyda Sacuudiga ayaa sheegtay inay iibsan doonaan 105 diyaaradood oo Airbus ah, iyagoo ku ammaanay heshiiska inuu yahay kii ugu weynaa ee diyaaradeed ee taariikhda Boqortooyada.
Shirkadda diyaaradaha ee Saudi Airlines ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay inay heli doonto 54 diyaaradood oo A321neo ah, halka shirkaddeeda Flyadeal ay heli doonto 12 diyaaradood oo A320neo ah iyo 39 A321neo.
Qiimaha heshiiska ayaa dhan $19 bilyan, sida lagu sheegay bayaan gaar ah oo ay soo saartay Future Aviation Forum, shir ka dhacay caasimadda Sucuudiga ee Riyaad, halkaas oo heshiiska lagaga dhawaaqay.
Bayaanka Sucuudiga ayaa lagu yiri, “Heshiiskan taariikhiga ah waxaa ku jira 105 diyaaradood oo la xaqiijiyey, wuxuuna u taagan yahay waqti muhiim ah oo aan ahayn warshadaha duulista hawada Sucuudiga oo keliya, laakiin sidoo kale gobolka Bariga Dhexe iyo Waqooyiga Afrika ee baaxadda weyn.”
Iibka, oo lagu tilmaamay “heshiiska diyaaradaha ee ugu weyn taariikhda duulimaadka Sacuudiga”, ayaa ka dhigan maalgashi dheeri ah oo ay sameeyeen shirkadaha diyaaradaha Sacuudiga in ka badan hal sano ka dib markii la soo bandhigay diyaaradda cusub ee Riyad.
Boqortooyda Sacuudiga ayaa sidoo kale ku dhawaaqday inay qorsheynayaan dhismaha garoon diyaaradeed oo cusub oo laga hirgeliyo caasimadda Riyadh, kaasoo qaadi kara 120 milyan oo rakaab ah sannadkii.
Taariikhda shirkadda diyaaradaha Saudia oo sidoo kale oo yaqaan oo sidoo kale loo yaqaan Saudi Arabian Airlines, waxay soo bilaabatay sannadkii 1945 markii ay heshay diyaaradii ugu horeysay oo aheyd hadiyad ka timid madaxweynihii xilligaas ee Mareykanka Franklin Roosevelt.
Dhaxalsugaha Boqortooyada Mohammed bin Salman ayaa u arka waaxda duulista qeyb muhiim ah oo ka mid ah ajandihiisa dib u habeynta “Vision 2030”.
Gudoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo Kulan La Qaatay Madaxweynaha Maamulka Jubaland.
Khamiis, 23 May, 2024 {HMC} Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) waxaana ugu horeyn ay iska xaal wareysteen xaaladaha guud ee wadanka iyo sidii la isaga kaashan lahaa horumarka dowladnimo ee dalka.
Sidoo kale kulanka waxaa looga hadlay dhibaatooyinka daadadka soo noqnoqday ee roobabka ka dhasha ay u geystaan Shacabka degan dhulka wabiyada ku teedsan iyo meelaha xeebaha u dhow Iyo sidii wax looga qaban lahaa.
Ugu dambeyn Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe iyo Madaxweynaha Jubbaland ayaa isla soo hadal qaaday howlgalada Dalka looga ciribtirayo kooxaha khawaariijta oo meel wanaagsan maraya iyo sidii loo dardar gelin lahaa.
Kulanka guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Madaxweynaha Jubbaland waxaa ku wehliyay wasiirka wasaaradda xanaanada xoolaha ee XFS Mudane Xasan Xuseen Maxamed Eelay.
Wasiirka Amniga Soomaaliya oo kormeeray Jaamacadda Ummadda faraceeda Caabudwaaq
Khamiis, 23 May, 2024 {HMC} – Wasiirka Amniga Gudaha XFS Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) oo ku sugan degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ayaa kormeer ku tagey Jaamacadda Ummadda faraceeda degmada Caabudwaaq iyo xarunta Agoonta oo dhowaan la dilay Weriye Cabdikariin Bulxan oo gacanta ku hayey xaruntaas.
Wasiirka ayaa ugu horeyn markii uu tegay degmada la kulmay odayaasha dhaqanka ee degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud, isagoo ka wareystay xaaladda deegaanka dagaal beeleedyada ka dhaca aagga Caabudwaaq iyo sidii nabad loogu wada noolaa lahaa deegaanka.
Wasiirka Amniga Soomaaliya ayaa ku bogaadiyey maamulka iyo ardayda Jaamacadda Ummadda, dadaallkooda ku qotoma aqoonta iyo waxbaridda bulshada deegaanka, si jahliga looga baxo.
Wasiir Fartaag ayaa sheegay in aqoontu ay aasaas u tahay nabadda iyo dib u heshiisiinta, isaga oo ugu baaqay aqoonyahanka deegaanka in ay xoojiyaan kaalintooda muhiimka ah, si ay horseed ugu noqdaan xaqiijinta bulsho mideysan oo u jiheysan dhanka horumarka iyo wax wada qabsiga.
Dhinaca kale wasiir Fartaag oo kormeer ku tagey xarunta Agoonta degmada Caabudwaaq, ayaa warbixinno kala duwan ka dhageystay maamulka xarunta gacanta ku haya ee la wareegay markii la dilay Samafale Cabdikariin Bulxan oo muddo gacanta ku hayey agoonta ku nool xaruntaas.
Wasiirka ayaa masuuliyiinta xaruntaas ku ammaanay sida ay mudnaanta u siinayaan aqoonta iyo waxbaridda ubadka, taas oo sii xoojinaysa nabadda iyo horumarka deegaanka.
Dhanka kale, Wasiir Fartaag ayaa la kulmay odayaasha dhaqanka degmada, waxana uu kala hadlay doorkooda ku aaddan nabadda iyo xasilloonida degmada Caabudwaaq.
Wasiirka Amniga XFS ayaa kula dardaarmay odayaasha reer Caabudwaaq in ay sii xoojiyaan kaalintooda nabadeynta deegaanka, iyadoo meesha laga saarayo colaadaha beesha degta Caabudwaaq iyo beelaha kale ee deriska la ah.



