Home Blog Page 2391

Muqdisho oo maanta Lagu xiray Oday wax ka sheegay hay’adaha garsoorka dalka

Arbaco, 22 May, 2024 {HMC}  Ciidamada booliiska qeybta gobolka Banaadir, gaar ahaan saldhigga Waabari ayaa xabsiga dhigay Mascuud Cabdullaahi Afrax(Garweyne), oo kamid ah dadka inta badan kasoo muuqda baraha bulshada isaga oo wareysi siinaya warbaahinada qaar.

War kasoo baxay taliska booliiska gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in Mascuud Garweyne loo xiray gaf uu u geestay hay’adaha Garsoorka dalka, sidoo kale waxba kama jiraana ku tilmaamay xukunno ay maxkamadaha horey u rideen.

Taliska booliiska gobolka Banaadir ayaana sheegay in eedeysanaha lasoo xiray ku socdaan baaritaanno, waxa ayna xuseen in si deg deg ah loo horgeyn doono maxkamadaha kiiskiisa ku shaqada leh.

Xariigga ninkan ayaa imaanaya xilli xalay Booliiska Muqdisho xireen qaar kamid ah dad maalin hore bannaan-bax rabshado watay ka dhigay xaafada Daarusalaam, waxaa sidoo kale horey loo xiray dhallinyaro isticmaasha baraha bulshada kicin qabiil iyo bulsho waday.

 

Kooxo burcad ah oo xalay weerar gaystay gudaha magaalada muqdisho.

Arbaco, 22 May, 2024 {HMC} Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya weerar ay xalay kooxo burcad ah ka gaysteen gudaha degmada Garasbaaley ee gobolka Banaadir, kaas oo lagu beegsaday dad shacab ah.

Weerarkan ayaa si gaar ah uga dhacay xaafadda Iga-dabagey ee degmadaasi, waxaana lagu beegsaday dukaan ku yaallo halkaasi, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo xilkas ah.

Burcadda ayaa gudaha u gashay dukaanka, waxayna dhac baahsan uu gaysteen dukaanka, iyaga oo dhaawacay wiil iyo aabihiis oo xilligaas ku sugnaa.

Wiilka iyo aabaha ayaa haatan xaaladdooda caafimaad lagu dabiibayaa mid kamid ah isbitaallada ku yaalla gudaha magaalada Muqdisho, ayada oo ehelladdu ay dalbanayaan cadaalad, maadaama dhac baahsan iyo dhaawac la’isugu daray.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in burcadda falkan gaysatay ay goobta isaga baxsatay, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka degmada iyo saraakiisha laamaha amniga oo ku aadan dhacdadaasi.

Weerarkan ayaa u ek kuwa lagu hayo Soomaalida ku dhaqan dalka Koonfur Afrika oo inta badan dhac iyo dil kala kulmo kooxo burcad ah oo ku sugan gudaha dalkaasi.

Magaalada caasimada ah ee Muqdisho waxaa inta badan ka dhaca falalka dhaca ah oo ay dhibaanayaal u yihiin shacabka Soomaaliyeed oo dhibaato kala kulma rag hubeysan iyo kuwa mindiyo wata oo xilliyada habeenkii ah ka qooleesta degmooyinka gobolka Banaadir.

{DAAWO MUQAALKA} Wasiirka Beeraha Soomaaliya oo kormeer ku tegay halka lagu baaro gaadiidka Qudaarta

0

Arbaco, 22 May, 2024 {HMC} Wasiirka Beeraha Soomaaliya oo kormeer ku tegay halka lagu baaro gaadiidka Qudaarta

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Turkiga oo Soomaaliya dhul ka siinaya Ankara, $6 milyan ugu dhisaya safaarad

0

Arabco, 22 May, 2024 {HMC} Turkiga oo Soomaaliya dhul ka siinaya Ankara, $6 milyan ugu dhisaya safaarad

 

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Isbadal laga Dareemayo Fatahaada wabiga Shabeele ee Baladweyne.

0

Arbaco, 22 May, 2024 {HMC} Isbadal laga Dareemayo Fatahaada wabiga Shabeele ee Baladweyne.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Kulan lagu soo dhoweeyey Safiirka Soomaaliya ee dalka Koofur Afrika ayaa lagu qabtay Cape Town.

0

Arbaco, 22 May, 2024 {HMC} Kulan lagu soo dhoweeyey Safiirka Soomaaliya ee dalka Koofur Afrika ayaa lagu qabtay Cape Town.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Xujeyda Soomaalida Oo Sanadkan Helay Adeegyo Horay Loogu Sameyn Jirin

0

Arbaco, 22 May, 2024 {HMC} Xujeyda Soomaalida Oo Sanadkan Helay Adeegyo Horay Loogu Sameyn Jirin

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {22.05.2024}

Arbaco, 22 May, 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

Warka waxaa soo jeedinayo ::Mustaf Cali Cadoow

Farsamadii :Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO

{DAAWO MUQAALKA} Booliska oo Gacanta kusoo dhigay Dad Rabshado ka sameeyey Degmada Dararu-salaam.

0

Arbaco, 22 May, 2024 {HMC} Booliska oo Gacanta kusoo dhigay Dad Rabshado ka sameeyey Degmada Dararu-salaam.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Xaafada BUUNDAWAYN Oo Ku Guulaysatay Tartankii Lagu Soo Dhawaynayay Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan

0

Arbaco, 22 May, 2024 {HMC} Xaafada BUUNDAWAYN Oo Ku Guulaysatay Tartankii Lagu Soo Dhawaynayay Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA