Axad 14, Dec 2025 {HMC} Ciidamada Dowladda oo Howlgalo Culus ka socda sh/Hoose.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Axad 14, Dec 2025 {HMC} Ciidamada Dowladda oo Howlgalo Culus ka socda sh/Hoose.
Axad 14, Dec 2025 {HMC} Maxay tahay tallaabada laga qaaday Ninkii Xasuuqa ka Geeystay Suudaan.?
Axad 14, Dec 2025 {HMC} Mahad Maxamud waxaa uu si tartiib ah ula qabsanayaa kuleyka iyo xaaladda Muqdisho kadib markii bishii hore laga soo tarxiilay magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka, xilli cimiladu ay isu baddeleysay qaboobaha.
Soomaalida waxay 36 jirkan u yaqaannaan Garyaqaan, waana magaca uu u adeegsado bartiisa TikTok, halkaasi oo ay ku taxan yihiin nus malyan qof. Dadka ku taxan waxay in badan oo ka mid ahi ay la dhacsan yihiin sida uu u difaaco reerka uu ka dhashay, taasi oo qeyb ka ah dhaqan muddooyinkii dambe sameysmay.
Hase yeeshee shabakad xiriir la leh Aqalka Cad ee Marerykanka oo la yiraahdo “Rapid Response 47”, akoonna kuleh barta X, waxay Garyaqaan ku eedeyeen in uu yahyay “dembiile iyo nacas aan qiima laheyn”.Bishii Oktoobar ee sanadkan waxay sidoo kale ku eedeyeen in uu ku lug lahaa afduubka dad u dhashay dalka Faransiiska oo ku sugnaa huteel ku yaallo magaalada Muqdisho.
Hase yeeshee Garyaqaan waa uu beeniyay eedeymahaas, waxaana uu intaa raaciyay in xilligaasi aanu joogin Muqdisho, markii lagu eedeeyayna aanan wax dembi ah lagu helin oo kiiskaasi daaqadda laga tuuray.
Waxaa kale oo uu BBC-da u sheegay in xarigga ay kula kaceen cidammada socdaalka ee Mareykanka ay sabab u aheyd kadib markii shakhsi kale oo uu xifaaltan dhanka baraha bulshada kala dhaxeeyay uu ciidammadaasi u gudbiyay cinwaanka halka uu ka degan yahay Minneapolis.
“Ciidanka socdaalka ee ICE waxay ii sheegen in ay igu heystaan labo dembi, kuwaasi oo kala ah in dalka aan sharci darro kusoo galay iyo afduubka muwaadiniin u dhashay Faransiiska,” ayuu yiri Mahad oo sidoo kale loo yaqaanno Garyaqaan.
Mahad waxaa kale oo uu sheegay in eedeynta la xiriirta afduubka ay baareen ciidanka FBI-da ee dalka Mareykanka oo su’aalo ka weydiiyay balse markii dambe ay fasaxeen.
Hase yeeshee taasi kama aysan hor-istaagin in dalka Mareykanka laga soo tarxiilo.
Safarkiisa Soomaaliya ilaa Mareykanka waxaa uu billowday inkabadan toban sano kahor, oo waxaa uu markii hore tegay dalka Koonfur Afrika halkaasi oo uu ku noolaa tan iyo sanadkii 2021. Waxaa uu sheegay in dalka Koonfur Afrika ay ku jir-dileen koox hubeysan xilliyadii la bartilmaameedsanayay dadka ajaanibta ah.
Kadib waxaa uu uga sii gudbay Brazil oo waxaa uu halkaasi kasii ambaqaaday safarkii uu ku tegay Mareykanka , waxaana isagoon heysanin wax waraaqa ah uu ka galay xadka Mareykanka uu la wadaago Mexico.
“Markii aan ka booday derbiga Mexico, waa la i xiray oo waxaa la i hayay muddo bil ah.”
“Markii dambe waa la isoo daayay, waxaana la i siiyay warqad oggolaansho shaqo, maxaa yeelay kiiskeyga magan-gelya doonka ah weli waa uu furnaa,” ayuu yiri Garyaqaan.
Markii dambe waxaa uu yimid Minneapolis.
“Waxaa ku shaqeysan jiray tagaasida Ubber-ka, waxaana ku faraxsanaa in ugu dambeyn aan imid dhulkii riyada, waxaana rajeynayay inay i aqbali doonaan.” Ayuu sii raaciyay hadalkiisa.
Mustaqbalkiisa joogitaanka barta Tiktok waxaa uu noqday mid sare u kacay oo waxaa uu ka sameynayay dhaqaale, maadama ay taagerayaashisa ay usoo dirayeen haddiyado marka ay daawanayaan baahintiisa tooska.
Sidoo kale taasi waxay u horseeday inay usoo hanjabaan kooxda Al Shabaab, maadaama baraha bulshada uu ka difaaci jiray Dowladda Federaalka.
Khatarta Al Shabaab uga imaneysay ayaa sidoo kale qeyb ka aheyd codsigiisa magan-gelyo doonka ah ee Mareykanka uu ka dalbaday.
Mahad waxaa uu si qottodheer u sharraxay sida ciidanka socdaalka ee ICE ay u xireen.
Markii uu qureecday ee uu usoo baxay, waxaa uu doonayay in uu shaqto tago balse markiiba waxaa gacanta ku dhigay ciidanka socdaalka ee ICE oo uu sheegay inay ku sugayeen halka baabuurta la dhigto.
Waxaa uu BBC u sheegay in saddex bilood oo kamid ah lixdaasi bilood uu sugayay in go’aan laga gaaro codsigiisa magan-gelyo doonka, halka saddex bilood ee kalena uu sugayay in la tarxiilo. Dowladda Mareykanka waxay diidday codsigiisi ahaa in haddii uu ku laabto Soomaaliya uu khatar la kulmayo.
sida uu Mahad sheegay, waxaa la geeyay xarunta ciidanka socdaalka kahor inta aanan loo wareejinin xabsi ku yaalla Willmar ee gobolka Minesota, waxaana halkaasi lagu hayay muddo dhan lix bilood.
Markii la geeyay halka ay kasoo duullaan duullimaadyada tarxiilka, waxaa dhowr jeer loo sheegay in aysan diyaar aheyn duullimaadkii lagu qaadi lahaa.
Kahor inta aanan lasoo tarxiilin, waxaa uu qeyb ka ahaa koox u kala dhalatay dalalka Kenya, Itoobiya iyo Eritrea oo gaarayay 39 ruux, kuwaasi oo hal meel ku wada sugayay duulliimaadka tarxiilka.
Markii la gaaray xilligii uu bixi lahaa duullimaadkoodi, Mahad waxaa uu BBC u sheegay in lagu xirya jaakad u muuqata in loogu tallo-galay in lagu xakameeyo dhaq-dhaqaaqooda, waxaana isaga iyo toddobo qof oo kale lasoo saaray diyaarad yar oo ay lasoo socdeen ilaalo.
Socdaalku waxay marka hore ku tageen dalka Costa Rica oo ku yaalla Bartamaha Ameerika, ka dibna Senegal oo ku taalla Galbeedka Afrika, ka hor inta aan loo duulin caasimadda Kenya ee Nairobi. Halkaas ayuu Mahad sheegay in jaakaddii lagu xakameynayay lagaga siibay, gacmahana laga xidhay, kadibna laga saaray diyaarad kale oo u safreysay Muqdisho.
Kadib saddex bilood oo uu ku qaatay xarunta masaafurinta, Mahad wuxuu horey ka aqbalay qaddarkiisa, mana uusan muujin dareen gaar ah markii uu yimid Muqdisho.
Ka dib toban sano oo kala maqnaansho ah, wuxuu ugu dambayn dib ula midoobay saddex carruur ah oo uu dhalay
“Ma jiro wax aan ku beddelan lahaa aragtida caruurteyda, toban sano ma aanan arag,” ayuu yiri Mahad.
Si kastaba ha ahaatee, weli wuxuu doorbidi lahaa inuu sii joogo Maraykanka, maadaama uu u baqayo naftiisa kadib markii uu helay fariimo qoraal ah oo uga yimid Al Shabaab, kuwaas oo xambaarsanaa hanjabaado dil ah.
Wuxuu qaaday tallaabooyin amni oo dheeraad ah oo uu naftiisa ku ilaalinayo marka uu bannaanka joogo, wuxuuna ku nool yahay guri uu sheegay in amnigiisu aad loo ilaaliyo, balse faahfaahin dheeraad ah kama uusan bixin, mana uusan naga wadaagin nuxurka hanjabaadaha, sababo la xiriira amni.
Markii uu dib ugu soo laabtay dalka, Mahad waxaa si weyn u soo dhaweeyay dad badan oo ka tirsan beeshiisa, oo ay ku jireen siyaasiyiin maxalli ah, taas ku kasbaday saameynta uu ku leyahay bartiisa TikTok. Wuxuu fahamsan yahay in taasi ay u suurta-gelin karto fursado aysan heli karin Soomaalida kale ee laga masaafuriyay Maraykanka ama wajahaya khatar masaafurin.
Bishii hore, Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay inuu joojin doono sharciga ku-meelgaarka ah ee loogu talagalay in lagaga hortago in la masaafuriyo dadka marka dalkooda hooyo uu weli khatar yahay oo amni darro ay ka jirto.
Horraantii bishan, ayuu hadalka sii adkeeyay, isagoo sheegay inuusan doonayn muhaajiriinta Soomaalida ah ee ku nool Maraykanka, isla markaana wariyeyaasha u sheegay in Soomaalida ay “ku laabtaan meelihii ay ka yimaadeen” wuxuna intaas raaciyay in Soomaalida “dalalkoodu uusan fiicnayn sabab jirta awgeed”.
Soomaaliya ma aysan lahayn dowlad dhexe oo si buuxda u maamusha dalka tan iyo markii xilka laga tuuray Madaxweyne Siyaad Barre sanadkii 1991. Dadku waxay soo mareen sannado badan oo fowdo iyo amni-darro ah, xitaa hadda, inkasta oo ay jirto dowlad fadhigeedu yahay Muqdisho, haddana kooxaha mintidiinta Islaamiga ah ayaa weli gacanta ku haya qaybo badan oo dalka ka mid ah, mararka qaarkoodna waxay weerarro ka fuliya caasimadda.
Hadallada Trump ayaa yimid kadib markii la weydiiyay eedeymo la xiriira musuq-maasuq baaxad leh oo ka dhacay Minesota, raadi oo aheyd dhaqaale loogu talogalay barnaamijka kaalmo ah oo lagu taakuleeyo caruurta.
Dhowr qof ayaa lagu soo oogay dacwado la xiriira wax ay dacwad-oogayaasha federaalku ku sheegeen lunsashada lacag malaayin oo loogu talogalay in lagu quudiyo caruur xilli COVID 19.
Qaar ka mid ah muhaajiriinta Soomaalida ayaa lagu tuhmay inay ku lug lahaayeen qorshahaasi lagu lunsaday lacagaha.
Kadib hadalladii Madaxweyne Trump ee ku aaddanaa Soomaalida, waxaa baraha bulshada lagu baahiyay muuqaallo, kuwaas oo u muuqday inay muujinayaan wakiillo ka socda waaxda socdaalka oo garaacaya albaabada guryo ku yaalla guud ahaan Minneapolis oo ay ku jirto aag loo yaqaan Little Mogadishu ama Muqdisho Yar iyo magaalada St Paul.
Magaalada oo ah tan ugu badan ee ay ku nool yihiin Soomaalida oo lagu qiyaasay ilaa sideetan kun oo qof ayaa tallaabooyinka ay waadeen waaxda socdaalka waxay cabsi badan ku abuurtay dad badan.
BBC-da ayaa sidoo kale la hadashay shan wiil oo dhallinyaro Soomaali ah, kuwaas oo aan hadda shaqo tegin balse waqtigooda ku qaata guriga ay ku xanniban yihiin, si taxaddar lehna ugu dhex socda qolal aysan iyaga lahayn.
Toddobaadkii hore ayay si kedis ah uga guureen gurigii ay kireysteen , waxaana sababta ay ku sheegeen in heshiiska kirada guriga uu ku qornaa magacyadooda.
Maaddaama ay markii hore heysteen sharci kumeel gaar ah, haatan waxay ka baqaan in waaxda socdaalka ay ogaato halka ay ku nool yihiin oo ay u yimaadaan. Waxay guryahooda ka baxeen habeen iyagoo sii qaatay wixii ay qaadan kareen, rajada keliya ee ay qabaan na ay tahay in sidaasi ay ku badbaadi karaan.
Hadda noolashooda waxaa ku yimid hakad, waxayna ka baaqdaan shaqooyinkooda. Mararka qaarna waxba ma cunaan ama maalintii hal mar ayay wax cunaan. Mid kamid ah wuxuu sharraxaad ka bixiyay sida ay noolasha uga kala booday.
“Cunnadii ayaa inaga sii dhammaaneyso, shan cisha na shaqo ma aynan aadin, waxaana ka baqeynaa in waaxda socdaalka ay banaanka nagu sugayaan, garan meyno waxa nagu dhici doona'” ayuu yiri mid kamid ah.
Inkastoo aanan la heynin tira rasmi ah, haddana Garyaqaan ma ahan qofka keliya ee la tarxiilay.
BBC-da waxay sidoo kale la hadashay wiil Soomaali ah oo kale, kaas oo codsaday in magaciisa la qariyo. Wuxuu sheegay inuu ku dhibtoonayo dib u dhisidda noloshiisa markii uu dib ugu soo laabtay Muqdisho.
Isagoo markiisi hore ka yimid miyiga Soomaaliya, wuxuu si weyn u doonayay inuu ka baxo dalka, maaddaama abaar daba-dheeraatay ay burburisay noolashiisa.
Wuxuu si sharci-darro ah ugu tallaabay xadka Mexico iyo Mareykanka kadibna waa la xiray. Wuxuu 18 bilood ku qaatay xabsi ka hor inta aan dib loogu celin Soomaaliya.
Mar uu BBC-da kula hadlayay telfoonka , wuxuu sheegay inuu dareemayo hubanti la’aan ku saabsan mustaqbalkiisa.
“Way isoo celiyeen, haddana waa in aan noolasha dib u bilaabaa,” ayuu yiri. “Wax walba oo aan horay u shaqeystay hadda waan ka fara-maranahay.”
Wuxuu intaa raaciyay in safarkii Mareykanka uu ku bixiyay qiyaastii $20,000 (£15,000), lacagahaasi oo uu sheegay in uu ka amaahday saaxiibbo iyo qoys.
Tan iyo markii uu dib ugu soo laabtay Soomaaliya, wax lacag ah ma uusan helin, wuxuuna sheegay in aysan fursado ka jirin Soomaaliya.
“Mustaqbal halkan kama arko,” ayuu yiri. “Waxba ma socdaan… shaqo na warkeeda ba daa.”
Hadda wuxuu ka fikirayaa in uu mar kale tahriibo.
“Ma doonayo inaan noolal mar kale ka bilaabo halkan ,” ayuu yiri.
“Waxa keliya ee aan rabo waa in aan u tahriibo dal kasta hadda.”
Axad 14, Dec 2025 {HMC} Ciidamo ka tirsan daraawiishta Puntland oo dhawaan ka soo laabtay dagaallada ka dhanka ah kooxda Daacish ee ka socda buuraha Calmiskaad ayaa gadood ka sameeyay degmada Carmo ee gobolka Bari, iyaga oo muujiyay cabasho culus oo ay u jeedinayaan maamulka Puntland.
Ciidamadan, oo tababar ku soo qaatay degmada Badhan ee gobolka Sanaag, ayaa sheegay in ay ka cabanayaan musuqmaasuq, eex iyo dayacaad la xiriirta xuquuqdii ay ku lahaayeen dowladda, gaar ahaan mushaharro, gunnooyin iyo agab ciidan oo ay sheegeen in aan si caddaalad ah loo siin.
Askarta gadoodsan ayaa ku eedeeyay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland in ay ku takrifaleen kheyraadkii loogu talagalay ciidamada, isla markaana ay si gaar ah ugu eexdeen qaar ka mid ah cutubyada, taas oo ay sheegeen inay hoos u dhigtay niyadda iyo awoodda dagaal ee ciidanka.
Ciidamadu waxay si cad u sheegeen in ay si ku-meel-gaar ah uga madax bannaan yihiin taliska dowladda Puntland, ilaa iyo inta laga saxayo cabashadooda, balse waxay xuseen in aanay ka tanaasulin dagaalka ka dhanka ah Daacish. Waxay ku dhawaaqeen in ay hab isku-tashi ah uga hawlgalayaan deegaannada Calmiskaad, iyaga oo sii wadaya la dagaallanka kooxdaas.
Xaaladda Carmo ayaa weli degan, inkasta oo ay jiraan dhaq-dhaqaaqyo ciidan iyo wadahadallo ay wadaan odayaal dhaqan iyo masuuliyiin maxalli ah oo lagu doonayo in lagu dejiyo xaaladda, lana xalliyo cabashada ciidamada.
Illaa hadda, maamulka Puntland kama soo bixin war rasmi ah oo ay kaga jawaabayaan cabashada ciidamadan gadoodsan, hase yeeshee arrintan ayaa imaanaysa xilli Puntland ay ku jirto dagaal adag oo ka dhan ah Daacish oo ka socda buuraha Calmiskaad, taas oo u baahan midnimo iyo taageero buuxda oo ay helaan ciidamada ku sugan jiidda hore.
Saturday December 13, 2025 {HMC} Two US soldiers and a US civilian interpreter have been killed in Syria in an ambush by an Islamic State (IS) gunman, the US Central Command has said.
Officials said three other service members were injured in the attack, during which the gunman was “engaged and killed”.
US President Donald Trump wrote on social media that it was “an ISIS attack” against the US and Syria and said there would be “a very serious retaliation”. The Syrian government has issued a statement condemning the attack.
The identities of those killed are being withheld for 24 hours until their next of kin have been informed, the US Central Command said.
In a post on X, the US Central Command, which directs American military operations in Europe, Africa and the Indo-Pacific, said the attack was “the result of an ambush by a lone ISIS gunman”, while a Pentagon official said initial assessments showed the attack was “likely” to be carried out by the Islamic State group.
The UK-based Syrian Observatory for Human Rights said the attacker was a member of the Syrian security force.
No group has claimed responsibility for the attack, and the identity of the gunman has not been released.
The ambush occurred in Palmyra, located in the centre of the country, while the soldiers were “conducting a key leader engagement”, according to Pentagon spokesperson Sean Parnell.
He added the attack is under investigation.
A Pentagon official said: “This attack took place in an area where the Syrian president does not have control.”
Trump added that the three injured US soldiers were “doing well”. Syria’s state news reported that two Syrian service personnel had also been injured.
Source BBC NEWS
Saturday December 13, 2025 {HMC} A 20-year-old Somali American citizen was tackled, put in a chokehold and detained for about two hours by masked federal immigration agents in Minneapolis, an incident city leaders say illustrates how U.S. Immigration and Customs Enforcement is targeting people who “look Somali” as part of a wider crackdown.
The man, who asked to be identified only as Mubashir for safety reasons, was not charged with a crime. He says agents refused to review his passport information, denied him water and medical care and released him only after he was finally allowed to show a digital copy of his ID at the Bishop Henry Whipple Federal Building at Fort Snelling.
advertisements
Mayor Jacob Frey and Police Chief Brian O’Hara are condemning the arrest, which was captured on security and bystander video in the city’s Cedar-Riverside neighborhood. They say the case raises civil liberties concerns as federal authorities carry out “Operation Metro Surge,” an immigration enforcement push in the Twin Cities launched Dec. 1 that the U.S. Department of Homeland Security says has resulted in more than 400 arrests in Minnesota and several other cities.
“You can’t tackle somebody because they look Somali without knowing who they are, what their name is,” Frey said after watching the footage at City Hall. “You can’t then detain them for purposes of immigration when they’re a completely legal American citizen.”
DHS defends agents, rejects profiling claims
In a written statement, DHS said immigration officers were investigating suspected immigration violations in an area with “a high level of criminal activity” when Mubashir walked out of a nearby restaurant, turned around and fled from law enforcement.
The agency said agents had “reasonable suspicion” to pursue him, claimed he “violently resisted” and said a “large crowd of agitators” forced them to detain him temporarily in order to finish asking questions.
DHS rejected accusations of racial profiling as “disgusting, reckless, and categorically FALSE” and said agents are trained to use reasonable suspicion and standard interview methods to determine immigration status. “What makes someone a target for immigration enforcement is if they are illegally in the U.S. — NOT their skin color, race, or ethnicity,” the statement said.
Mubashir flatly disputes that account. He says he briefly turned when he saw a vehicle pull up, then stopped and stood still before a masked agent ran toward him “at full speed.”
Security video from a nearby building shows agents pushing him through a rear doorway and pinning him against a metal gate as they ask, “Why are you running?” Bystander video shows one agent wrapping an arm around his neck as he kneels in the snow before the officers force him into the back of a gray, unmarked SUV while people nearby shout that he is a citizen.
“I told him, ‘I’m a U.S. citizen. What is going on?’” Mubashir said at a news conference. “I felt like I was getting assaulted, like I was getting kidnapped. If this is what’s happening to a U.S. citizen on camera, imagine what could happen when there’s no one around.”
O’Hara apologized to Mubashir “for what happened to you in my city, with people wearing vests that say ‘police.’” The chief said he does not object to lawful, well-planned arrests, but called some recent federal actions “questionable” and “unplanned,” saying they put both officers and residents at risk.
Enforcement surge and Trump rhetoric fuel fear
Operation Metro Surge is a Twin Cities–based enforcement effort that DHS says targets people with criminal records or outstanding deportation orders. Officials describe those arrested as “some of the worst of the worst criminal illegal aliens” and say the operation is focused on public safety threats.
Community advocates and local officials say that is not what they are seeing. They report agents stopping people on sidewalks, at workplaces and in shopping centers — including U.S. citizens — based largely on appearance and location, with Somali and Latino neighborhoods bearing the brunt of the surge.
The enforcement push is unfolding amid increasingly harsh language from President Donald Trump about Somalis and other immigrants.
At a rally in Pennsylvania this week, Trump revisited a 2018 White House discussion in which he referred to Haiti, El Salvador and African nations as “s—hole countries,” a remark he once denied. “We always take people from Somalia,” he told supporters. “Places that are a disaster. Filthy, dirty, disgusting, ridden with crime.”
Days earlier, he referred to Somalis as “garbage” during a cabinet meeting, according to Somali and international officials, and vowed to “permanently pause” migration from what he calls “hellhole” and “Third World” countries.
The White House and DHS say the crackdown is about crime and border security, not race. Critics say the effect is that an entire community — including U.S. citizens and legal residents — is treated as suspect.
“People who have lived here for decades are carrying passports to go to the grocery store,” said Minnesota state Sen. Zaynab Mohamed, a Somali American. “Somalis are the scapegoat.”
Somali and Latino neighborhoods pull back
Minnesota has the largest Somali population in the United States, with about 100,000 people of Somali descent. Most are U.S. citizens or lawful permanent residents.
In Minneapolis, Somali neighborhoods that used to buzz at midday now feel noticeably quieter. At Karmel Mall, an indoor market favored by Somali families, vendors say many stalls selling food, clothing, rugs and jewelry have stayed closed since the surge began. Signs on the doors warn that ICE cannot enter without a court order. Volunteer “block watchers” stand outside with whistles and phones, ready to send alerts if they see agents nearby.
“People don’t want to deal with ICE agents coming into their businesses and violating their rights,” Mohamed said.
Latino business districts have also suffered. On Lake Street, where Latino and Somali shops line the corridor, some stalls are dark because employees were detained, owners say. Customers are staying home rather than risk being stopped on sidewalks or in parking lots.
“They are snatching people from the streets,” said Daniel Hernandez, who runs a market and restaurant on East Lake Street. “They’re fearful because they are Latinos and Somalis being targeted.”
Hernandez and other grocers in Minneapolis and St. Paul have started delivering groceries to customers who are too afraid to shop in person. One St. Paul supermarket owner said he now makes dozens of deliveries a day.
Community leaders say the chill has spread into mosques and clinics. Attendance at Friday prayers has dropped. A nurse practitioner in south Minneapolis said patients have canceled medical appointments rather than drive through areas where they have seen federal agents. Some health workers are offering telehealth visits and home calls to reach those who stay inside.
Overhead, residents have noticed helicopters circling the city. Customs and Border Protection confirmed that its aircraft are “supporting federal law enforcement partners in Minneapolis,” but did not say how they are being used. Advocacy groups worry about aerial surveillance and say the flights add to a feeling of being watched.
Students carry passports and track each other
The anxiety is not limited to business districts and apartment buildings. Somali American students on Twin Cities campuses say they have changed their daily routines as immigration agents move through the metro.
At the University of Minnesota, a freshman who asked to be identified only by her nickname, Cho, now slips a passport card into her wallet every morning before commuting from her family’s home. She and her five siblings, all U.S.-born citizens, share their locations in a group chat throughout the day.
“Honestly, it’s really scary,” she said. “I’m afraid to participate in everyday activities, hang out with friends or anything. Even going to work, just driving, is anxious, because it’s that constant fear of being stopped and harassed.”
At Augsburg University, where many students are Somali American, school officials have tightened building access and encouraged professors to be flexible with coursework. Iman, an Augsburg freshman and U.S. citizen who also asked to use only her first name, says she never leaves campus without identification now.
“There is this stereotype now because of the fraud case that we all do fraud,” she said. “A lot of us worked hard for where we are. My parents started from the bottom.”
The American Civil Liberties Union of Minnesota says it has heard of at least a dozen U.S. citizens of Somali descent being detained in recent ICE operations. Staff attorney Ian Bratlie calls that pattern “unlawful racial profiling” and urges people to know their rights, keep documents accessible and record encounters with officers when it is safe.
“There may be situations where the university is going to protect itself first,” he said. “People should be prepared to protect themselves as well.”
Pushback from unions, Minnesota officials and Mogadishu
Opposition to the crackdown has spread from Minneapolis streets to union halls, state government and officials in Somalia.
At Minneapolis–St. Paul International Airport, unions held a demonstration denouncing Trump’s threats against Somalis and criticizing the airport commission and airlines for cooperating with deportation flights. “In the labor movement, an injury to one is an injury to all,” said Minnesota AFL-CIO President Bernie Burnham. “By vilifying our Somali American co-workers and neighbors, President Trump is attacking our state’s entire labor movement.”
In Rochester, about 85 miles southeast of Minneapolis, faith leaders and local officials gathered under the banner “WE ARE HOME AND HERE TO STAY.” They shared potluck food and told stories of Somali parents working long shifts in factories and hospitals so their children could attend college.
“If Minnesota winters could not bully us, no politicians with a microphone can,” community leader Saleh Mohamed told the crowd.
Minnesota Gov. Tim Walz has asked Homeland Security Secretary Kristi Noem to review the arrests of Mubashir and other citizens and to place any agent who acted unlawfully on leave. “The forcefulness, lack of communication, and unlawful practices displayed by your agents will not be tolerated in Minnesota,” Walz wrote in a letter.
In Mogadishu, Somalia’s defense minister, Ahmed Moallim Fiqi, rejected Trump’s remarks about Somalis being “filthy” and “ridden with crime” and praised his country’s citizens for their resilience.
“The Somali people are known around the world for their hard work,” he said. While expressing gratitude for U.S. military support against al-Qaida-linked militants, he urged Trump to focus on keeping his promises to American voters instead of “busying himself with Somalia.”
‘This is my home’
For many Somali families in Minnesota, the past weeks have meant hard choices: whether to send children to school, attend mosque, keep a medical appointment or simply step outside.
Some have decided to stay home and keep their blinds closed. Others have signed up as neighborhood monitors, legal observers or volunteer drivers. Business owners are promoting “days of action” to draw customers back to Somali and other immigrant-owned shops and cafes that once felt safe.
“We encourage folks to patronize the businesses, to learn about the community,” said Jaylani Hussein, executive director of the Minnesota chapter of the Council on American-Islamic Relations. “This sends a strong message that our neighbors are going to come visit us, and that we’re not going to abandon one another.”
Mubashir, who came to the United States as a young child and later became a citizen, says he now looks over his shoulder every time he leaves his home.
“I’m scared to go outside,” he said. “We shouldn’t be targeted just because we’re Somalis.”
Asked whether he has thought about leaving Minneapolis, he did not hesitate.
“This is my home,” he said. “We’re not going anywhere.”
Axad 14, Dec 2025 {HMC} Israa’iil ayaa sheegtay inay dishay taliye sare oo ka tirsanaa Xamaas Sabtidii, kadib weerar lagu qaaday gaari ku sugnaa gudaha magaalada Qasa.
War qoraal ah oo ay si wadajir ah u soo saareen militariga Israa’iil iyo hay’adda amniga Shin Bet ayaa ku dhawaaqay in ay “ka takhaluseen” Raed Saad,oo ahaa madaxa soo-saarka hubka ee garabka militari ee Xamaas, ee loo yaqaan Guutada Qassam, kuna sugnaa magaalada Qasa.
Raed Saad waxaa loo arkayay mid ka mid ah taliyeyaasha ugu caansan ee Qassam, wuxuuna hoggaaminayay dhowr guuto intii lagu jiray weerarradii Xamaas ee 7-dii Oktoobar ee lagu qaaday bulshooyinka Israa’iil ee bariga magaalada Qasa.
Afhayeenka difaaca madaniga ah ee ay Xamaas maamusho, Mahmoud Basal, ayaa BBC u sheegay in afar qof lagu dilay weerarka. Wuxuu intaas ku daray in dad kale oo waddada marayay ay ku dhaawacmeen qaraxa.
Israa’iil ayaa BBC-da ka hor istaagtay in ay si madax banaan uga warranto gudaha Qasa, sidaas darteedna mana awoodo in ay xaqiijiso faahfaahinta dhacdada.
Bayaanka wadajirka ah ee IDF iyo ISA ayaa intaas ku daray in Saad uu “mas’uul ka ahaa dhimashada askar badan” oo lagu dilay Marinka Qasa, taasoo ay ka dhasheen qalabyo qarxa.
Saad waxaa la rumeysan yahay inuu ka mid ahaa golaha hoggaanka militariga ee cusub oo ka kooban shan xubnood, kuwaas oo la aasaasay tan iyo markii xabbad-joojin ay dhaqan gashay bishii Oktoobar.
Israa’iil a ayaa marar badan isku dayday inay disho.
Mid ka mid ah isku dayadii ugu caansanaa wuxuu dhacay intii lagu jiray hawlgal lama filaan ah oo ay Israa’iil ka fulisay magaalada Qasa bishii Maarso 2024, markaas oo ciidamada Israel la sheegay inay doonayeen inay qabtaan ama dilaan. Ilo-wareedyo xilligaas hadlay ayaa sheegeen in Saad uu ku sugnaa dhismaha la bartilmaameedsaday, balse uu ku guuleystay inuu baxsado daqiiqado ka hor weerarka.
Muddo dheer ayaa loo tixgelinayay inuu ka mid yahay xubnaha Xamaas ee Israa’iil aadka u doonayso, iyadoo isku dayada Israa’iil ee lagu doonayay in lagu dilo ay socdeen in ka badan labaatan sano.
Weerarkii Sabtida ayaa ka dhacay dhinaca ay Falastiiniyiintu maamulaan ee waxa loo yaqaan Khadka Jaallaha ah kaas oo kala qaybiyay Qasa tan iyo markii xabbad-joojin aan degganayn oo Maraykanku hoggaaminayay ay dhaqan gashay 10-kii Oktoobar.
Axad 14, Dec 2025 {HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, bulshada Puntland iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, kaddib geerida naxdinta leh ee ku timid Madaxweynihii hore ee Puntland, Marxuum Jaamac Cali Jaamac.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Marxuumku uu ka mid ahaa haldoorka Soomaaliyeed ee door muuqda ka soo qaatay horumarinta dowladnimada iyo adkeynta midnimada qaranka, isagoo xusay in uu si weyn uga soo shaqeeyey dhinacyada amniga, siyaasadda iyo dib-u-heshiisiinta, taas oo muujinaysa kaalinta uu ku lahaa dhismaha iyo xoojinta qarannimada Soomaaliyeed.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa Alle uga baryey Marxuum Jaamac Cali Jaamac inuu ku gallado Jannatul Firdowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa, ehelkiisa, iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed.
Axad 14, Dec 2025 {HMC} Kadib laba sano oo uu jiray cagajiid iyo diidmo dadban, Midowga Yurub ayaa ugu dambeyn muujiyay inuu diyaar u yahay maalgelinta ciidamada nabad-ilaalinta ee Midowga Afrika ka jooga Soomaaliya (AUSSOM).
Tallaabadan oo muujinaysa “sii socoshada taageerada” ayaa ah astaantii ugu caddeyd ee tilmaamaysa in ururka uu dib u la wareegayo doorkiisii ahaa maalgeliyaha ugu weyn, taas oo rajo u noqonaysa hawlgalka dhaqaale xumadu daashatay ee xilligan kala-guurka ah.
In kasta oo Midowga Yurub uusan weli bixin qaaraan dhaqaale oo ku aaddan hawlgalka cusub ee Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ee sanadka 2025, haddana ilo xog-ogaal ah ayaa tilmaamaya in wada-hadalladii u dambeeyay ee dhex maray saraakiisha farsamada ee Brussels iyo Midowga Afrika ay yihiin kuwo rajo wanaagsan leh.
“Baaxadda iyo cadadka taageerada waxaa ka wada-hadla, iskuna raaca 27-ka Dal ee xubnaha ka ah Midowga. Waxaan ku dhawaaqi doonnaa marka heshiis buuxa laga gaaro xirmada guud,” ayuu yiri afhayeenka.
Dokumeentiyo horyaalla Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa muujinaya in la filayo in Midowga Yurub uu ku dhawaaqo maalgelinta AUSSOM horraanta sanadka 2026.
Sanadkan, taageerada Brussels ee Soomaaliya waxay u badnayd gargaar bani’aadannimo, iyadoo gaartay €67.33 milyan — taas oo ka yar €82.16 milyan oo ay bixiyeen sanadkii 2024.
Axad 14, Dec 2025 {HMC} Xiisado siyaasadeed iyo kuwo amni ayaa si degdeg ah ugu sii kordheya Bartamaha Afrika, kaddib dagaallo dib uga qarxay bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo (DRC), taasoo dhalisay dhaleeceyn adag oo ka timid
Mareykanka.
Intii uu socday kulan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay Jimcihii, safiirka Mareykanka ayaa ku eedeeyay dowladda Rwanda in ay gobolka u jiideyso xasillooni darro iyo colaad, isaga oo sheegay in Kigali ay taageero toos ah siineyso kooxda hubeysan ee M23 ee ka dagaallanta bariga DRC. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in halkii la horumarin lahaa dadaallada nabadda, ay tallaabooyinka Rwanda sii hurinayaan qalalaase iyo dagaal cusub.
Hadalkan ayaa kusoo beegmay xilli kooxda M23 iyo xoogag la safan ay la wareegeen magaalada istiraatiijiga ah ee Uvira, oo ku taalla gobolka Koonfurta Kivu, kuna dhow xadka Burundi iyo harada Tanganika.
Qabsashada Uvira ayaa ah guushii militari ee ugu weynayd ee M23 tan iyo markii ay horraantii sanadkan la wareegeen Bukavu, sidoo kalena waa markii ugu horreysay ee kooxdaasi ay gaarto xeebaha harada Tanganika, taasoo cadaadis weyn saareysa Burundi, oo ah xulafo muhiim u ah ciidanka dowladda Congo.
Weerarkan ayaa dhacay wax ka yar toddobaad kaddib markii Washington lagu saxiixay heshiis ay Mareykanku dhexdhexaadinayeen, kaasoo ay ka qeybgaleen Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, Madaxweynaha Rwanda Paul Kagame, iyo Madaxweynaha DRC Félix Tshisekedi. Horumarka degdegga ah ee dagaalka ayaa shaki
geliyay awoodda Mareykanka ee dhexdhexaadinta colaaddaan.
Warbixin ay soo saartay Reuters ayaa daaha ka rogtay in la wareegidda Uvira ay la socotay tacaddiyo culus oo loo geystay dadka rayidka ah, oo ay ku jiraan kufsi wadareedyo, qaarna ay ku lug lahaayeen carruur aad u da’yar.
Wararkan ayaa sii xoojiyay walaaca caalamiga ah iyo baaqyada ku aaddan in la qaado tallaabooyin degdeg ah oo lagula xisaabtamo mas’uuliyiinta.
Dowladda Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo ayaa dalbatay in cunaqabateyn lagu soo rogo Rwanda, iyadoo ku eedeysay Madaxweyne Paul Kagame inuu si ula kac ah u jebiyay heshiiskii Washington. Sidoo kale, Burundi ayaa si adag u cambaareysay qabsashada Uvira, wasiirka arrimaha dibaddana wuxuu sheegay in tallaabadaasi ay muujineyso ixtiraam darro loo muujiyay dadaalladii nabadeed ee uu hoggaaminayay Mareykanka.
Dhankeeda, Rwanda ayaa gabi ahaanba iska fogeysay eedeymaha loo jeediyay, iyadoo dusha u saartay mas’uuliyadda colaadda dowladaha DRC iyo Burundi. Madaxweyne Kagame ayaa sheegay in dagaalku uusan ka dhalan heshiiska la saxiixay, wuxuuna ku adkeystay in dalkiisu weli ka go’an yahay geeddi-socodka nabadda.
Mas’uuliyiinta Mareykanka ayaa qiray in xaaladdu tahay mid adag, inkasta oo ay sheegeen in Washington aysan niyad jabin. Si kastaba ha ahaatee, isbeddelka degdegga ah ee xaaladda amni ayaa muujiyay xaddidaadda dhexdhexaadinta Mareykanka, gaar ahaan maadaama dhinacyadu ay weli is aamini la’yihiin, halka M23-na aysan si
toos ah uga mid ahayn wada-hadalladii ka dhacey Washington.
Khibrad-yaqaanno ayaa qaba in qabsashada Uvira ay noqon karto imtixaan muujinaya heerka ay Mareykanku diyaar u yihiin inay gaaraan si ay u badbaadiyaan heshiiska Washington, xilli ay sii kordhayaan isdhexgalka u dhexeeya arimaha amniga, xasilloonida gobolka, iyo danaha la xiriira macdanta istiraatiijiga ah ee Congo.