Home Blog Page 248

Qaramada Midoobay oo maanta si rasmi ah u xirtay xafiiskiisii dalka Ciraaq.

0

Sabti 13, Dec 2025 {HMC} Xoghaya guud ee Qaramada Midoobay ayaa maanta Albaabada isku dhuftay xafiiskiisii dalka Ciraaq ka dib markii dalkaasi si buuxda u soo kabtay lagana maarmay xafiiskii UN-ka.

Soomaaliya ayaa qaaday talaabo midaas la mid ah waxaana la rajaynaa in xafiisku xirmo bisha October ee sanadka 2026. Xafiiska UN ayaa Soomaaliya ka howlgalaayay 30 iyo dhowr sano.

Ciidamada Kumaandooska Danab oo fuliyay howlgallo qorshaysan.

0

Sabti 13, Dec 2025 {HMC} Ururka 164-aad Guutada 16’aad Kumaandooska Danab ayaa maanta si guul leh u fuliyay howlgallo culus oo qorshaysan oo ka dhacay deegaannada *Daaru Salaam iyo Xagarey , kuwaas oo hoos yimaada gobolka Shabeellaha Dhexe.

Howlgalladan oo lagu beegsaday kooxaha Khawaarijta ah ayaa lagu gaarsiiyay jab culus oo ah kii ugu darnaa muddooyinkii u dambeeyay.

Xogaha sirdoonka ee la helay waxay xaqiijinayaan in cadawgu uu ku waayay tiro badan oo meyd ah iyo dhaawacyo culus, iyadoo ay si isdaba joog ah u kordhayaan khasaaraha Khawaarijta.

Ciidamada Danab Gaar Ahaan ururka 164-aad waxay muujiyeen geesinimo, xirfad iyo istaraatijiyad sare taasoo keentay in si buuxda loo jabiyo iska caabbintii cadawga.

Guushaan waxay astaan u tahay adkaysiga iyo hannaanka joogtada ah ee lagu sifeynayo dalka.

Taliska Danab wuxuu mar kale ku celinayaa go’aankiisa ah in uusan marnaba u dulqaadan doonin wax kasta oo carqaladeeya xasilloonida dalka.

Howlgallada nadiifinta Khawaarijta ayaa sii socon doona ilaa laga xaqiijiyo amniga buuxa ee shacabka Soomaaliyeed.

Warka waxaa lagu baahiyay Warbaahinta Ciidanka DFS.

Askar Mareykan ah oo Lagu dilay dalka Syria.

0

Sabti 13, Dec 2025 {HMC} Maanta magaalada Palmyra ee dalka Syria, laba askari oo ka tirsan Ciidanka Mareykanka iyo hal turjubaan Mareykan ah oo rayid ah ayaa lagu dilay weerar, halka saddex kale ay ku dhaawacmeen.

Weerarka ayaa dhacay xilli askartaasi ay ku jireen kulan ay la lahaayeen hoggaamiyeyaal maxalli ah, taas oo qeyb ka ahayd howlgallo lagu taageerayo la-dagaallanka DaaC1Sh iyo argagixisada ee gobolkaas.

Magacyada askarta la dilay iyo xogta cutubyada ay ka tirsanaayeen lama shaacin doono ilaa ay ka dhammaato ogeysiinta ehelada, oo la qorsheeyay in la wargaliyo 24 saacadood kaddib.

Weerarkan ayaa haatan ku jira baaritaan rasmi ah.

Wasiir Fiqi oo la kulmay u-qaabilsanaha cusub arrimaha milatariga ee Safaaradda Talyaaniga.

0

Sabti 13, Dec 2025 {HMC} Wasiirka Gaashaandhigga XFS , Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay u-qaabilsanaha cusub arrimaha milatariga ee Safaaradda Talyaaniga, Navy Capt. Antonino Mazzocca.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga difaaca ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Talyaaniga, gaar ahaan dhinacyada tababarka, taageerada farsamo, iyo horumarinta awoodda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed.

 

{DAAWO MUQAALKA} Askari 2$ u diley Nin masaafur ahaa oo Maanta dil toogasho ah lagu fuliyey.

0

Sabti 13, Dec 2025 {HMC} Askari ka tirsanaa Ciidanka Maamulka koofur galbeed soomaaliya oo horay 2$ u diley Nin masaafur ahaa oo Maanta dil toogasho ah lagu fuliyey.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Muuqaal laga duubay Askari Soomaali ah oo ka tirsan ciidanka Kenya oo qabsaday Baraha Bulshada.

0

Sabti 13, Dec 2025 {HMC} Askari Soomaali ah oo ka tirsan ciidanka Kenya, kana mid ahaa askar muddo ku maqnaa dalka Haiti, ayaa sujuuday kadib markii diyaaradi sidday ay dib ugu soo laabatay magaalada Nairobi.

Askarigan ayaa aad ugu farxay inuu dib ugu soo laabtay waddankiisa, waxaana la arkayay isaga oo u mahadcelinaya Ilaahay.

Muuqaal laga duubay askarigan ayaa qabsaday baraha bulshada, waxaana ka falceliyay dad badan oo Kenyan ah.

Qaar kamid ah askarta Kenya ayaa loo diray dalka Haiti si ay ammaanka u sugaan.

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii ugu Dambeeyay 13/12/2025.

0

Sabti 13, Dec 2025 {HMC} Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

HOOS KA WARARKII UGU DAMBEEYAY

{DAAWO MUQAALKA} Haweenka Dhuusamareeb oo ka caraysan dilka wiil dhalinyara ayaa 12 saac uqabtay.

0

Sabti 13, Dec 2025 {HMC} Haweenka Dhuusamareeb oo ka caraysan dilka wiil dhalinyara ayaa 12 saac uqabtay.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Rabshado Xoogan ayaa ka dhashay Booqashadii Hindiya Ciyaaryahanka kubadda cagta ee Lionel Messi

0

Sabti 13, Dec 2025 {HMC} Ciyaaryahanka kubadda cagta Lionel Messi, ayaa booqasho ku tagay Hindiya , waxaa maanta la qorsheeyay garoon kubadda cagta ah oo ku yaal magaalada Kolkata , inuu kula kulmo kumannaan taageerrayaal ah oo doonayay inay arkaan , kuwaasoo garoonka ku galay $12 kun illaa $100 , balse wax ka yar 20 daqiiqo ayuu halkaa joogay.

isla markiiba waxaa laga saaray garoonka cabsi laga qabay badqabkiisa, laakin tani waxay ka caraysiisay dadkii doonayay inay arkaan ee lacagta badan bixiyay, kuwaasoo markii dambe gudaha u galay garoonka, halkaana burbur ka geystay , walise xaaladan ayaa taagan iyadoo dadka qaar ay sheegayaan mushaarkooda bisha oo dhan inay u bixiyeen si ay u arkaan Messi , laakin la dhacay oo ay doonayaan lacagtii ka baxday, maaddama aysan arkin.

Wasiiru dawlaha West Bengal, oo ah gobolka ay Kolkata ka tirsan tahay ayaa ka mid ah dadka dhibaatadan wajahay, waxaana garoonka laga saaray Messi inta wasiirkan uu waddada ku soo jiray , isagoo oo ay la socdaan carruurtiisa oo doonayay sawirro inay Messi la galaan , lagu wargeliyay mar horaba Messi inuu ka baxay garoonka.

Abaal Marin la Gudoonsiyey labo dhalinyaro Beeraleey ah oo AS ku Dilay Gobolka Hiiraan.

0

Saturday 13, Dec 2025 {HMC} Si loo dhiirrigeliyo geesiyadii fuliyay howlgalkii dhawaan ka dhacay deegaanka Dhoqor ee ka tirsan gobolka Hiiraan ayaa Taliyaha Qeybta 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, G/dhexe Cali Axmed Xaanshi (Cali Cageey), maanta guddoonsiiyay abaalmarin lacageed oo dhan 2,000 oo doolar laba wiil oo reer miyi ah.

Labadan wiil oo lagu kala magacaabo Salaad Maxamed Cali iyo Cabdi Cabdullaahi Cali ayaa si geesinimo ah ku muujiyay howlgalkii ay ku dileen laba dhagar-qabe oo ka tirsanaa kooxda Al shabaab, kuwaas oo xilligaas ku sugnaa deegaanka Dhoqor, kadib markii ay qoryaha ka furteen iyagoo ku guda jiray falashada beerahooda.

Munaasabadda abaalmarinta ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay laba qori oo nooca AK-47 ah, kuwaas oo ay geesiyadu ka furteen cadowga. Waxay faahfaahin ka bixiyeen sida ay ugu suuragashay inay khaarijiyaan dhagar-qabayaasha, isla markaana ay hubkooda gacanta ku dhigaan.

Geesiyadu waxay u mahadceliyeen Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan Taliska Ciidanka XDS, oo gudoonsiiyay abaalmarintan dhiirrigelinta ah.