Home Blog Page 2472

{DAAWO SAWIRADA} Duqa Muqdisho oo Xariga Ka Jaray Dhismayaal Casrib Ah.

Talaado 7 May, 2024 {HMC} Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale {Madaale} ayaa xariga ka jaray dhismayaal casri ah oo uu Bangiga {Premier Bank} ka hirgeliyay Degmada Wadajir ee Magaalada Muqdisho.

Duqa Muqdisho ayaa ku amaanay Premierbank doorka uu ka qaadanaaya dib-u-casriyeynta Caasimadda iyo in uu ku dhiirado Maalgashiga dalka, taasi oo ah mid dunida tusaysa Horumarka iyo Isbedelka Amni ee ka jira Magaalada Muqdisho.

Munaasabadda waxaa goob joog ka ahaa Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Madaxda Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed, Madaxda Bangiga, Guddoomiyaha Degmada Wadajir iyo marti sharaf kale.

{DAAWO MUQAALKA} 107 Muhaajiriin ah oo u badan Soomaali ayaa laga soo furtay xabsiyo ku yaala Libya

Talaado 7 May, 2024 {HMC} 107 Muhaajiriin ah oo u badan Soomaali ayaa laga soo furtay xabsiyo ku yaala Libya

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Dagaal ka dhan AS oo lagu dhawaaqay Taliyaha ciidanka dhulka oo gaaray Baydhabo

Talaado 7 May, 2024 {HMC} Dagaal ka dhan AS oo lagu dhawaaqay Taliyaha ciidanka dhulka oo gaaray Baydhabo

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Heshiis hordhac ah oo laga gaaray Dagaal beeleedyo dhawaan ka dhacay deegaano katirsan gobolka Galgaduud

Talaado 7 May, 2024 {HMC} Heshiis hordhac ah oo laga gaaray Dagaal beeleedyo dhawaan ka dhacay deegaano katirsan gobolka Galgaduud

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Wiil 15 jir ah oo aana qabiil loogu dilay Sh/dhexe iyo labada reer war kasoo saaray

Talaado 7 May, 2024 {HMC} Wiil 15 jir ah oo aana qabiil loogu dilay Sh/dhexe iyo labada reer war kasoo saaray

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Waa Kuma Dowladaha u ballanqaaday codkooda Musharax Fowsiya Yuusuf?

Talaado 7 May, 2024 {HMC}  Dowladda Soomaaliya ayaa olole xooggan ugu jirta sidii Xildhibaan Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan loogu dooran lahaa guddoomiyaha cusub ee Ururka Midowga Africa, doorashada soo socota oo ay loollan adag la gali doonto musharax dowladda Kenya wadato.

Ku-dhawaad 30 waddan oo Afrikaan ah, kana tirsan dalalka islaamka ee ku bahoobay Ururka Iskaashiga Islaamka ee OIC, ayaa caddeeyay in ay codkooda ku taageeri doonaan Murashax Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan, si ay kursiga guddoomiyaha EU ugu guuleesato.

Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan oo horey usoo noqotay Ra’isul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya , ayaa olole xooggan ugu jirta sidii ay u noqon laheyd guddoomiyaha ururka Midowga Afrika oo dalal kale u tartamayaan.

Soomaaliya ayaana taageero badan hadda ka heleysa dalalka Islaamka ee katirsan Midowga Afrika, kuwaa oo badankood u ballanqaadeen musharaxa Fowsiya Yuusuf in codkooda siin doonaan si ay ugu guuleesato kursiga hoggaaminta ee EU.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya Axmed Macallim Fiqi ayaa sheegay in ay Soomaaliya guul weyn u tahay taageerada ay ka heleen Ururka Iskaashiga Islaamka ee OIC oo ay ku bahoobeen 57 dal, oo 30 kamid ah kasoo jeedaan Qaaradda Afrika.

Taageerada dalalka Islaamka ee katirsan Qaarada Afrika mujiiyeen musharax Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan ayaa niyad jab ku riday musharaxa loollanka adag kula jira ee Raila Odinka oo mar soo noqday Ra’isul Wasaaraha dalka Kenya.

Xasan Sheekh oo culays siyaasadeed kala kulmaya dalka Imaaraadka carabta.

Talaado 7 May, 2024 {HMC} Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa siyaasad ahaan, amni ahaan iyo dhaqaale ahaanba si weyn iskugu dhiibay dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta markii uu kusoo laabtay xafiiska.

Bilowgii hore Abu Dhabi waxay u muujisay Muqdisho inay heegan u tahay inay si walba u garabsiiso, si gaar ah arrimaha dhaqaalaha iyo amniga.

Laakiin dhowrkii bilood ee u dambeysay waxay jarteen kabkii ciidanka, waxayna dib ula noqdeen waxyaabihii ay kaga qeyb qaadanayeen la-dagaalanka argagixisada.

Dadka sida weyn ula socda dhaq-dhaqaaqa Imaaraadka ee gudaha Soomaaliya ayaa isku xiraaya dib u gurashadooda iyo dhacdooyin ay kamid yihiin; musuq lagu sameeyay dhaqaalihii ay siinayeen ciidanka, xubnihii Muqdisho looga dilay iyo saameynta Turkiga ee arrimaha Soomaaliya oo sii xoogeysanaysay.

Inkasta oo garab istaaga Abu Dhabi ee dowladda madaxweyne Xasan Sheekh bilowgii hore looga arkaayay mid looga jawaabayo khilaafkii Farmaajo iyo Imaaraadka, dhinaca kalena lagu sii fogeynayo dowladda Qatar. Haddana Muqdisho hadda salka ayay soo taabatay.

Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu kusoo qancay in aanay dowladda Imaaraadka joojineyn fara-gelinta arrimaha gudaha, gaar ahaan midda Puntland, Somaliland iyo Jubbaland oo ay hadda xoog ugu faafeen, iyada oo uusan Xasan Sheekh taas caro badan ka muujinin ayay iyagii u gaabiyeen liifada.

Hadda illo ku dhow-dhow madaxweyne Xasan Sheekh waxay ku warameen inuu raadinaayo dal u bedela Imaaraadka oo bixin kara wixii laga heli jiray.

Haddii ay Turkiga kugu soo dhacaan meelaha qaar waa xalin karaan, laakiin waxayse xalin karin lacagaha gacanta laga bixiyo ee aan lasoo marin Bangiga Dhexe ee Soomaaliya. Dhaqankaas dalalka Khaliijka unbaa laga helaa.

Saddexda bilood ee soo aadan haddii uusan madaxweyne Xasan Sheekh helin dowlad si fiican u caawisa dhaqaale ahaan, waxaa la odorasaya inuu xaalka kusii adkaan doono nidaamkiisa, tii oo aanay soo dhoweyn lacagta shidaalka ee ay sida weyn u sugayso dowladdiisa.

Dowladaha Qatar, Sacuudiga iyo magacyo kale ayaa rejo laga qabaa, balse haddii la waayo waxaa lagu qasbanaan doonaa in Imaaraadka Carabta markale magan dhaqaale loo noqdo, sida ay dusinayaan qaar kamid ah saaxiibada madaxweyne Xasan Sheekh.

Dadka Soomaalida siyaasad ahaan aad uma jecla dowladda Imaaraadka Carabta, waxayna u arkaan mid dhaawaceysa midnimada iyo madax-banaanida dalka, waana sababtii uu Farmaajo shacbiyad badan ugu helay inuu hoos u dhigo cilaaqaadkooda.

Faransiiska oo Ukraine garab ku siinaysa dagaalka ay kula jiraan RUUSHKA.

Talaado 7 May, 2024 {HMC} Warbaahinta reer Galbeedka qaarkood ayaa si weyn u baahiyay wararka sheegaya in ciidamo ka socda dalka Faransiiska ay gaareen dalka Ukraine, kuwaa oo taageero siinaya ciidamada dagaalka kula jira milatariga Ruushka.

Ciidanka Faransiiska ee la geeyay dalka Ukraine ayaa la sheegay in ay gaarayaan 1,500 askari oo aad u hubeysan, waxaana jira warar sheegaya in ay jiraan ciidamo kale oo Faransiiska iyo dalal kale qorsheeyeen in ay u diraan dalka Ukraine.

Warkan ku aadan in dowladda Faransiiska ciidamo u direen dalka Ukraine ayaa si weyn ugu baahay caalamka, waxaana tallaabadan si weyn uga carrootay dowladda Ruushka oo durba si deg deg ah ugu yeertay safiirka Faransiiska u joogay Moskow.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda dowladda Faransiiska ayaa si adag loogu beeniyay warkan la baahiyay, waxa ayna Faransiiska sheegeen in aysan jirin wax ciidan ah ay u direen dalka Ukraine ee dagaalku ka socdo.

Dowladda Ruushka oo ka carrootay ciidamada la sheegay in Farandiiska u direen ayaa si deg deg ah ugu yeertay danjiraha Faransiiska u jooga Muskow Pierre Levy , waxaana danjiraha su’aalo laga weediyay jiritaanka ciidanka Faransiiska u direen Ukraine.

Madaxweynaha dalka Faransiiska ayaa horey u sheegay in ciidamo u dirayaan dalka Ukraine, haddii ay milatariga Ruushka soo jabiyaan ciidamada Ukraine ee dagaalka xooggan kula jira.

MADAALE oo guddoomiye cusub u magacaabay degmada kaaraan.

Talaado 7 May, 2024 {HMC} Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), ayaa wareegto uu soo saaray xilka uga qaaday guddoomiyihii degmada Karaaan Abshir Kaaraan , halka uu guddoomiye cusub u magacaabay degmadaasi.

Sida aan xogta ku helnay guddoomiye Yuusuf Madaale ayaa guddoomiyaha cusub ee degmada Kaaraan u magacaabay sargaal katirsanaa ciidanka booliiska oo lagu magacaabo gaashaanle Faarax Cadaani Maxamed .

Sargaalkan loo magacaabay guddoomiyaha cusub ee degmada Kaaraan ayaa horey usoo noqday taliyaha ciidanka booliiska ee saldhigyada degmada Yaqshiid iyo sidoo kale deegaanka Daarusalaam.

Degmada Kaaraan oo kamid ah degmooyinka ugu ammaanka xun gobolka Banaadir ayaa muddo sannado badan ah waxaa guddoomiye ka ahaa nin lagu magacaabo Abshir Kaaraan, kaa oo awood badan ku lahaa degmadaasi.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Madaale ayaa hadda bilaabay in isbadal ku sameeyo qaar kamid ah guddoomiyaasha degmooyinka gobolka Banaadir, waxaana la filayaa in maalmaha soo soca xilka ka qaado guddoomiyaal kale.

{DAAWO MUQAALKA} Dowlada Ruushka oo hanjabaad Culus u dirtay Mareeykanka.

Talaado 7 May, 2024 {HMC} Dowlada Ruushka oo hanjabaad Culus u dirtay Mareeykanka.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA