Home Blog Page 2474

Wasiir Fiqi oo sharaxaad dheerad ah ka bixiyay heshiiska ay wada galeen soomaliya iyo kenya.

Talaado 7 May, 2024 {HMC} Dowladaha Kenya iyo Soomaaliya ayaa shalay magaalada Nairobi ku kala saxiixday heshiisyo ay ka mid yihiin iskaahsiga difaaca, amniga, iyo ganacsiga.

Heshiisyadaan ayaa daba socda booqashadii uu shalay Nairobi ku tegay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre, waxaana faahfaahin ka bixiyey wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi.

Wasiir Fiqi oo la hadlay Idaacadda VOA wuxuu ka mid ahaa wasiirradii wax ka saxiixay heshiisyada lagu gaaray Nairobi, wuxuuna bulshada Soomaaliyeed faahfaahin ka siiyey qodobada ay saxiixeen.

Heshiiskaan ayaa dhacay saddex shir kadib, waxaana heshiisyada la galay ay kala quseeyaan, qeybna ka ahaa dhinacyadii saxiixay wasaaradaha, Gaashaandhigga, Ganacsiga, Waxbarashada, Amniga, Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Kalluumeysiga iyo Arrimaha Dibadda.

“Arrimaha dibadda waxaa lagu heshiiyey in dalba dalka kale uu garab ka siiyo caqabadihii soo wajaha, dhanka gaashaandhigga iyo amniga waxaa diiradda la saaray fududeynta isku socodka bulshada iyo la dagaalanka argagixisada, waxaana la magacaabay labo guddi oo loo xil-saaray inay ka soo shaqeeyaan arrimahaas,” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Sidoo kale Fiqi ayaa sheegay in bisha 6-aad uu soo dhamaanayo shaqada guddiga loo xil-saaray iskaashiga gaashaandhigga, halka guddiyada loo xil-saaray isku socodka dadka, sida amniga iyo fududeynta safarrada dhulka ah iyo Fiisaha ay soca doonaan ilaa bisha October.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa Sooaamliya u saxiixay heshiiskan, halka uu Kenya u saxiixay Wasiirka Arrimaha Dibedda Mudane Musalia Mudavadi, heshiisyadan Is-afgarad ee ay gaareen labada dal, ayaa kor loogu qaadayaa xiriirka iskaashi iyo wax wada qabsiga ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Sidoo kale, Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir iyo Wasiirka Waxbarashada Kenya Mudane Ezekiel Machogu, ayaa kala saxiixday Heshiiska Is-afgaradka oo ku saabsan Iskaashiga Waxbarashada, Tababarka iyo Cilmi-baarista, kaas oo kor loogu qaadayo xoojinta iskaashiga dhinaca waxbarashada ee labada dal.

Heshiisyadan ayaa qeyb ka ah Socdaalka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, uu ku joogo dalka Kenya ee la xiriira adkaynta xiriirka labada dal, horumarinta iskaashiga dhinacyada badan leh.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {06-05-2024}

Isniin 6 May, 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ;Abdiqani Osoble

Farsamadii :Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA HABEENIMO

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {06-05-2024}

Isniin 6 May, 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ;Abdiqani Osoble

Farsamadii :Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA HABEENIMO

{DAAWO MUQAALKA} Soomaalida Sweden oo ka walaacsan Sharci Cusub oo ay Soo saartay Dowladda.

Isniin 6 May, 2024 {HMC} Soomaalida Sweden oo ka walaacsan Sharci Cusub oo ay Soo saartay Dowladda.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Maxkamad xabsi iyo ganaax ku xukuntay dhallinyaro taageero u muujiyay Soomaaliland.

Isniin 6 May, 2024 {HMC} Maxkamad xabsi iyo ganaax ku xukuntay dhallinyaro taageero u muujiyay Soomaaliland.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn 06-05-2024

Isniin 6 May, 2024 {HMC} Wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn 06-05-2024

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} FAAH FAAHIN Rag ka tirsan Kooxda AS oo rabay in ay Dil geystaan oo Gacanta lagu dhigay.

Isniin 6 May, 2024 {HMC} FAAH FAAHIN Rag ka tirsan Kooxda AS oo rabay in ay Dil geystaan oo Gacanta lagu dhigay.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Qofkii hadda kaddib Berdaale isbaare dhigta xukunkiisa waa Dil”Wasiirka Amniga KGS”

Isniin 6 May, 2024 {HMC} Qofkii hadda kaddib Berdaale isbaare dhigta xukunkiisa waa Dil”Wasiirka Amniga KGS”

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya oo kala saxiixday heshiisyo dhaxal-gal ah.

Isniin 6 May, 2024 {HMC} Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa galabta ku kala saxiixday magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya heshiisyo is-afgarad oo ku saabsan dhinacyada, Arrimaha dibedda, Nabadgalyada, Dhaqaalaha, Ganacsiga, Waxbarashada iyo arrimaha adeegga Bulshada.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa Sooaamliya u saxiixay heshiiskan.

Dhanka Kenya, waxaa heshiiskaan u saxiixay Wasiirka Arrimaha Dibedda Mudane Musalia Mudavadi, heshiisyadan Is-afgarad ee ay gaareen labada dal, ayaa kor loogu qaadayaa xiriirka iskaashi iyo wax wada qabsiga ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Sidoo kale, Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir iyo Wasiirka Waxbarashada Kenya Mudane Ezekiel Machogu, ayaa kala saxiixday Heshiiska Is-afgaradka oo ku saabsan Iskaashiga Waxbarashada, Tababarka iyo Cilmi-baarista.

Heshiiskaan waxaa kor loogu qaadayaa xoojinta iskaashiga dhinaca waxbarashada ee labada dal.

Heshiisyadan ayaa qeyb ka ah Socdaalka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, uu ku joogo dalka Kenya ee la xiriira adkaynta xiriirka labada dal iyo horumarinta iskaashiga dhinacyada badan leh.

{DAAWO MUQAALKA} Ganacsade Maalkiisa ku qoray Magaca SSC Khaatumo Fariina u diray shacabka iyo Madaxda Maamulkaas.

Isniin 6, May 2024 {HMC} Ganacsade Maalkiisa ku qoray Magaca SSC Khaatumo Fariina u diray shacabka iyo Madaxda Maamulkaas.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA