Axad-28-April-2024 {HMC} Wasiirka Gaashaandhiga oo sheegay in masuuliyiin loo xiray dhaca raashiinka Danab
{DAAWO MUQAALKA} Kulan looga hadlayay amniga oo lagu qabtay Muqdisho iyo masuuliyiin fariin u diray shacabka
Axad-28-April-2024 {HMC} Kulan looga hadlayay amniga oo lagu qabtay Muqdisho iyo masuuliyiin fariin u diray shacabka
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} Mareeykanka oo Faah faahin ka Bixiyey Cidda Musuq maasuqday Raashiinkii Danab.
Axad-28-April-2024 {HMC} Mareeykanka oo Faah faahin ka Bixiyey Cidda Musuq maasuqday Raashiinkii Danab.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Madaxweyne BIIXI oo amar culus dul dhigay Maayar MOOGE
Axad-28-April-2024 {HMC} Madaxweynaha maamulka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta qaaday tallaabo culus oo ka dhan maayarka magaalada Hargeysa Cabdikariin Axmed Mooge, wuxuuna amray inuu joojiyo dhismo uu ka waday magaaladaas.
Biixi ayaa hakiyay dhismaha ay dowladda hoose u qorsheysneyso in ay ka dhisto suuqa Xisbiga, kaas oo uu ka dhashay muran xoogan.
Dhismaha ayaa ujeedkiisa waxa uu ahaa in halkaas oo ay hadda dagan yihiin dad shacab ah laga dhiso xarunta degmada 26 June.
Arrintan ayaa dhalisay xiisad xoogan, waxaana khilaaf uu soo kala dhex-galay Maayar Mooge iyo xildhibaano uu kamid yahay Barkhad Baatuun oo ka horimid dhismahaaasi iyo in la barakiciyo dad danyar ah oo haatan ku ganacsada suuqa laga rabo in la dhiso.
Muuse Biixi ayaa u muuqda in uu la saftay garabka xildhibaanada diidan in halkaasi laga dhiso xarunta degmada 26 June, isaga oo amar madaxweyne ku hakiyay qorshaha dowladda Hoose.
Go’aanka madaxweynaha ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan Axmed Mooge uu ka maqan yahay caasimada Somaliland, lamana oga tallaabada xigta ee uu qaadi doono.
Dhulka lagu murunsan yahay ayaa hadda ah suuq ay ku ganacsadan dadkii uu ka gubtay suuqa Waaheen, ee weli dhismihiisu qabyada yahay, wuxuuna maamulka dowladda Hoose ee Hargeysa u asteeyay in laga dhiso xarun degmo.
Maayirka Hargeysa Cabdikariin Axmed Mooge oo tan iyo markii uu ku guuleystay xilkaan horumar muuqda ka sameeyay caasimadda Hargeysa, ayaa haddana waxaa dul hoganaya eedeymo dhowr ah, oo ay qeyb ka tahay middaan.
Dowlada soomaaliya oo shir caalami ah ugu qayb gashay dalka Faransiiska.
Axad-28-April-2024 {HMC} Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Ahmed Said Mohamed oo uu wehliyo Lataliyaha Sare Mudane Mahad Abdi ayaa magaalada Lyon ee dalka Faransiiska uga qeybgalay shirka sanadlaha ah ee Interpol.
Shirkan oo ah kii 19aad oo ay kasoo qaybgaleen 196 dowladood oo xubin ka ah Interpol ayaa sanadkaan waxaa looga wadahadlay arrimo quseeya ka hortagga danbiyada socdaalka iyo xog isweydaarsiga.
Agaasimaha Guud ayaa kulamo gaar ah la yeeshay madaxda sare ee Interpol isaga oo kala hadlay kawada shaqaynta arrimaha socdaalka iyo isdhaafsiga xogta iyo wadaaga khibradaha.
Xamaas oo baahisey muuqaal caddaynaya tirada maxaabiista ay gacanta ku hayaan.
Axad-28-April-2024 {HMC} Xamaas ayaa baahisey muuqaal muujinaya caddayntii ugu horreysay ee nolosha labo ka mida maxaabiista ay gacanta ku hayaan ee lagu haysto Qasa.
Muuqaallada waxaa ka soo muuqday labo ka mida la haystayaal lagu kala magaacabo Keith Siegel iyo Omri Miran. Labaduba waxay ka mid ahaayeen maxaabiistii Xamaas ay ku soo qafaalatay weerrarkii ay ku qaadday koonfurta Israa’iil 7-dii October.
Labadan ninba waxay ka hadlayeen xaaladooda iyagoo dareenkooda ku muujiyey farriin ay u direen qoysaskooda, waxayna codsanayaan in ala sii daayo.
Miran, ayaa laga qafaashay gurigiisa oo ku yaala xaafadda Nahal Oz isaga oo ay hor taagan yihiin xaaskiisa iyo laba gabdhood oo yaryar intii lagu jiray weerrarkii Xamaas ku qaaday Israa’iil lix bilood ka hor.
Siegel, oo haysta labo dhalasho oo mid ka mida ay tahay Maraykan ayaa isaga iyo xaaskiisa Aviva, laga laga afduubay magaalo ku taalla xaduuda basle markii danbe ayaa la sii daayey xaaaskiisa intii lagu jiray xabbad joojin kooban oo bishii Nofembar ahayd
Warbixin muuqaal ah oo ay soo saartay xaaska Keith ee Aviva ayay ku tiri: “Keith, waan ku jeclahay, waan dagaalami doonnaa ilaa aad soo noqoto.”
Dani Miran, aabbaha Omri, oo ka hadlayey banaanbaxa toddobaadlaha ah ee Tel Aviv ee lagu dalbanayo in la qaado tallaabo lagu sii daynayo la haystayaasha ayaa jeediyey khudbad dareen leh, isagoo sheegay sida uu ugu faraxsan yahay in uu arko muuqaalka wiilkiisa, wuxuu rajo ka muujiyey inuu “noolaado”
Aabbahan la haysto wiilkiisa ayaa ugu baaqay dowladda, si gaar ahna u magac dhabay xubnaha ka mida wasiirada Israa’iil ee kala ah wasiirka Amniga Qaranka, Itamar ben Gvir iyo Wasiirka Maaliyadda, Bezalel Smotrich, inay xaqiijiyaan heshiiska si loo sii daayo la haystayaasha.
Sidoo kale waxa uu baaq u jeediyey ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu “inuu ansixiyo heshiis kasta oo macquul ah”.
“Hal tallaabo yar oo aan dhiig ku daadan u qaad labada shacab,” ayuu yiri, isagoo raaciyay: “Dhammaan dadka Israa’iil iyo quruumaha adduunku waxay doonayaan inay arkaan joojinta dhiigga daadanaya iyo gaar ahaan joojinta dhibaatada dadkaaga.”ayuu intaas raaciyey.
Muuqaalka la haystayaasha oo dhammaystiran ayaa lagu soo bandhigay shaashadaha waaweyn ee agagaarka fagaaraha isu soo baxayaashu ku sugnaayeen.
Qoysaska ay ka soo jeedaan dadka u afduuban Xamaas ayaa muuqaalka ka dib waxay xoojiyeen dalabkooda ah in dowladda Israa’iil ay tahay inay sameyso wax walba si ay u ansixiyaan heshiiska soo celinta dhammaan la haystayaasha.
{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {28-04-2024}
Axad-28-April-2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo:Mustaf Ali Addow
farsamadii :Mohamed Baryare Haamud
HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO
{DAAWO MUQAALKA} Nin dhagar iyo qarax uu sameeynaayay ku galaaftay noloshiisa iyoguud ahaan qoyskiisa.
Axad-28-April-2024 {HMC} Nin dhagar iyo qarax uu sameeynaayay ku galaaftay noloshiisa iyo guud ahaan qoyskiisa.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} Baarlamanka Soomaaliya oo u yeeray Saraakiil ka tirsan Dowlada.
Axad-28-April-2024 {HMC} Baarlamanka Soomaaliya oo u yeeray Saraakiil ka tirsan Dowlada.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} faah faahino laga helayo Dil ka dhacay Magaalada Baladweyen.
Axad-28-April-2024 {HMC} faah faahino laga helayo Dil ka dhacay Magaalada Baladweyen.



