Home Blog Page 2510

{DAAWO MUQAALKA} Beertiisii oo uu rajeynayay in dhawaan uu gurto ayuu tagay iyadda oo Daadad ay kala wareegeen.

0

Axad-28-April-2024 {HMC} Beertiisii oo uu rajeynayay in dhawaan uu gurto ayuu tagay iyadda oo Daadad ay kala wareegeen.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Biden oo lagu eedeeyay “inkirida” saxafiyiinta lagu dilay Gaza

Axad-28-April-2024 {HMC} Madaxweynaha Mareykanka oo Aqalka Cad ku martigeliyay munaasabad sanadle ah ku aaddan “xornimada saxaafadda iyo dimuqraadiyadda” ayaan soo hadal-qaadin dagaalka Israa’iil ee Gaza oo ay ku dhinteen ugu yaraan 97
wariye.

Tani ayaa waxay imaanaysaa iyadda oo bannaanbaxyo ay ka qeybgalayaan boqolaal dadwayne ah ay ka socdeen bannaanka hoteelka ay ka dhacdey casho-sharafta lagu qabanayo.

Isu-soo-baxan ayaa waxaa si xooggan lagu cambaareeyay maamulka Jeo Biden sidda uu u wajahayo dagaalka iyo ku boorinta martida inay qaadacaan munaasabadda.

Biden waxa uu khudbadiisa intiisa badan ku majaajilooday madaxweynihii isaga ka horreeyay iyo ninka ay xafiiltamaan ee Donald Trump, laakiin waxa uu sidoo kale ammaanay saxafiyiinta “kuwaas oo dhab ahaantii naftooda halis u geliyey” hawlahooda

“Qaar badan ayaa soo gaaray dhaawacyo halis ah, qaar kalena waxay waayeen xorriyaddooda. Suxufigu waxa cad in aanu dambi ahayn. Ma aha halkan, ma jiro, meel kasta oo adduunka ka mid ah, “ayuu yiri, isaga oo aan sheegin meesha “halkaas” laga
tixraacayo.

Xasan Sheekh oo Arrimo muhiim ah kala hadlay dhigiisa Tanzania.

Axad-28-April-2024 {HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Midowday ee Tanzania Marwo Samia Suluhu Hassan ayaa maanta wadahadal ku yeeshay Madaxtooyada magaalada Dar Es Salaam.

Kulankan ayaa waxaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka labada dal iyo la iska kaashado dhinacyo badan oo ay ka wada faa’iideysan karaan labada dhinac.

Dhinacyada ay labada dal isku af-garteen inay ka wada shaqeeyaan ayaa waxaa ka mid ah siyaasadda, amniga iyo difaaca, arrimaha bulshada, caafimaadka, waxbarashada, beeraha, dalxiiska iyo dhammaan arrimaha Iskaashiga guud ee labada dal ay wadaagi karaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka mahadceliyay martiqaadka iyo soo dhoweynta.

Dowladda Tanzania u fidisay isaga iyo wafdigiisa, iyo weliba sida ay Dowladda Tanzania u garab istaagtay qadiyadda dhowrista madax-banaanida iyo qaranimada Soomaaliya kadib xadgudubkii ay ku kacday Dowladda Ethiopia oo heshiis sharci darro ah la gashay maamulka Somaliland ee Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ka mahadceliyay doorkii ay Tanzania ka qaadatay in Soomaaliya ay ku biirto Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Africa ee EAC, isagoo dhanka kalena xusay in Tanzania ay tusaale lagu dayan karo u tahay waddamada Afrika intooda badan marka loo eego dhinacyada xasiloonida siyaasadda, wadajirka ummadeed iyo amniga. Waxaana uu soo dhoweeyay is-afgaradka labada waddan ee Iskaashiga iyo xoojinta xiriirka labada dal.

Madaxweyne Samia Suluhu Hassan ayaa dhankeeda ka mahadcelisay booqashada Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo ka qeyb-galkiisa xuskii sannad-guuradii 60-aad ee maalinta Midowga ee Jamhuuriyadda Tanzania.

Madaxweyne Samia ayaa xustay, isla markaana soo dhoweysay horumarka ay Soomaaliya ku tallaabsatay ee dhinaca amniga, diblomaasiyadda iyo adeegyada kale tan iyo markii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud dib loo doortay bishii May 2022-ka.

Madaxweynaha Tanzania ayaa sheegtay in dalkeeda uu si buuxda u garab taagan tahay Soomaaliya, ayna ku faraxsan tahay in bog cusub u bilowdo xiriirka labada dal, kaas oo ku saleysan iskaashi, wax wada qabsi iyo is ixtiraam.

Waxaa sidoo kale ay Madaxweyne Samia aqbashay martiqaad uu u fidiyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ah inay soo booqato Soomaaliya.

Kulanka gaarka ah kadib, ayaa waxaa labada Madaxweyne ay si wadajir ah u guddoomiyeen wadahadal rasmi ah oo labada dal ay yeesheen oo looga hadley sidii loo fulin lahaa qodobada ay ka wadahadleen ee iskaashiga labada dal.

Kulankaasi waxaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku wehliyay Wasiirka Arrimaha Dibedda Mudane Axmed Macallin Fiqi, Wasiirka Caddaaladda Mudane Xasan Macallin, Wasiirka Warfaafinta Mudane Daud Aweis Jama, Danjiraha Soomaaliya u fadhida Tanzania Zahra Ali Hassan iyo saraakiil kale.

Dhanka Tanzania waxaa Madaxweyne Samia Suluhu Hassan wehliyay Wasiirka Arrimaha Dibedda Mudane January Yusuf Makamba, Wasiirka Caafimaadka Dr Ummy Mwalimu, Wasiirka Qorsheynta Dr Kitila Mkumbo iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale maanta booqday Hay’adda Kaydinta Dawoyinka Tanzania ee MSD iyo Isbitalka Muhimbili halkaas oo warbixin ku saabsan qaabka ay labada dal uga wadashaqeyn karaan iskaashiga kobcinta adeegyada caafimaadka kaga dhegeystay Wasiirka Caafimaadka ee Tanzania Dr Ummy Mwalimu.

Mareykanka oo war culus kasoo saaray musuq-maasuqa ka dhax jira ciidanka Danab.

Axad-28-April-2024 {HMC} Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay inay dib u qiimeyn doonto xiriirka iyo iskaashiga kala dhaxeeya ciidamada gaarka ah ee Soomaaliya ee Danab, kuwaas oo ay tababarto kadib fadeexad musuq-maasuq oo kusoo baxday.

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa dhowaan shaaca ka qaaday in la leexsaday qaar ka mid ah raashinkii ciidanka Danab.

Wasaaradda ayaa shaacisay in la xiray saraakiil sare oo lagu tuhunsan yahay kiiskan. Waxay kale oo ay sheegtay inay arrintan ku war-gelisay Mareykanka, islamarkaana inta baaritaanka uu socdo ay la wareegi doonto bixinta raashinka ciidanka.

Sarkaal Mareykan ah ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in Washington ay dhammaan eedaha musuq-maasuqa u qaadaneyso si dhab ah.

“Waxaan rajeyneynaa inaan kala shaqeyno Danab abuurista ilaalinta lagama maarmaanka ah iyo tallaabooyinka isla xisaabtanka si looga hortago dhacdooyinka mustaqbalka ee saameyn kara kaalmadeena,” ayuu yiri sarkaalka.

Ilo-wareedyo kala duwan ayaa sheegay in dowladda Mareykanka ay qorsheyneyso inay joojiso taageerada ay siiso ciidamada Danab marka la gaaro bisha June ee sanadka 2024-ka.

Bayaanka kasoo baxay ayey Wasaaradda Difaaca Soomaaliya ku sheegtay inay sameysay baaritaan dhaliyey in shaqada laga joojiyo oo la xiro dhowr sarkaal oo ka tirsan Danab.

Qoraalka ayaa intaas ku daray “Baaritaanadaan ayaa Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxa ay sheegeen in qayb ka mid ah raashinka Danab la leexsaday. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhacdaadaan ka falcelisay, waxa ayna isla markiiba billowday baaritaan taas oo keentay in shaqada laga joojiyo saraakiil ka tirsan Ciidanka si loo xaqiijiyo isla xisaabtanka iyo hufnaanta saadka ciidanka.”

Dowladda Soomaaliya ma aysan shaacin goorta ay dhacday leexsashada iyo nooca raashinka la leexsaday, balse waxay sheegtay inay “dhacdadan ku wargelisay dhinacyada ay khusayso, waxayna la wadaagi doontaa natiijada baaritaannadaas marka ay soo idlaadaan.”

Si kastaba, bayaanka ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya “ay qaadi doonto mas’uuliyadda bixinta raashinka Danab”.

“Wadahadalladii u dambeeyay ee labada dhinac ayaa DFS oo la tashi dhow la gashay dowladda Mareykanka waxa ay qaadi doontaa mas’uuliyadda bixinta raashinka Danab, waxaana ay hadda si dhow ula shaqeyneysaa Dowladda Mareykanka si ay ula wareegto mas’uuliyadda taakuleynta Ciidanka Danab ee CXD. DFS ayaa xoogga saarayso la wareegidda amniga iyo taakulaynta Ciidankeeda,” ayaa lagu yiri bayaanka.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {27-04-2024}

Sabti -27-April-2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ;Yaasiin Ali Ahmed

Farsamadii :Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA HABEENIMO

Baarlamaanka soomaaliya oo si kulul ugu hadlay musuqa ka dhax jira ciidanka DANAB

Sabti -27-April-2024 {HMC} Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si toos ah usoo faro-geliyay fadeexadda wayn ee hareysay taliska Danab, kadib markii la musuqmaasuqay raashinkii ciidankaasi, taa oo keentay in Mareykanku jaro taageeradiisa.

Guddiga difaaca ee Golaha Shacabka oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa shaaca ka qaaday in wax laga xumaado ay tahay arrinta dhacday oo ay qiraal ka sameysay wasaaradda gaashaandhigga, oo iyadu shaacisay in saraakiil sare loo xiray falkaasi.

Warbixinta guddiga ayaa lagu sheegay in ay cadahay in la leexsaday raashinkii ciidanka, loona maamulay si ka baxsan nidaamka dowladnimda.

“Waxaa cadaatay in garaamkii loogu tala galay la musuqu-maasuqay, loona maamulay si baalmarsan nidaamka haykalnimada dowladnimada” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Guddiga oo toos ugu diray warqaddan wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya ayaa uga dalbaday in muddo 7 cisho looga soo jawaabay qoraalkan, si loo cadeeyo arrinta dhacday.

“Yaa ka mas’uul ah musuqmaasuqa sababay in la jaro taageeradii ciidanka Danab ee Mareykanku bixinaayay? ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka.

Ugu dambeyn guddiga difaaca ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dalbaday in lala soo socodsiiyo natiijada baaritaanka socda iyo magacyada saraakiisha ku eedeysan falkaasi.

Si kastaba, arrintan ayaa dhalisay hadal hayn xoogan iyo tallaabo deg-deg ah oo uu qaaday Mareykanka oo isla markiiba ku dhawaaqay inuu hakiyay taageeradii ciidanka Danab.

DEG DEG;Nin dhagar iyo qaraxyo maleegaayay oo galaaftay qoyskiisa.

Sabti -27-April-2024 {HMC} Sida ilo xog ogaal ah ay u xaqiijiyeen warbaaahinta deegaanka deegaanka Ceelsha Biyaha ee duleedka Muqdisho waxaa ka dhacday arrin mucjiso ah, kadib markii nin dhagar maleegayey uu laayey qoyskiisa.

Dad ku sugan Ceelasha Biyaha sheegay in qoys oo ka koobnaa Aabe, Hooyo iyo labo carruur ah uu galaaftay qarax uu sameynayey odaga reerka.

Odagii qaraxa sameynayey iyo labadii carruurta aheyd ayaa geeriyooday, halka hooyadii reerka dhaawac culus goobta looga qaaday. arrintaas ayaana aad ugu yaabisay dadka deeganka

Xogtaan waxay sheegeysaa in qaraxa uu sameynayey Aabaha reerka, balse uu ku qarxay isaga iyo reerkiisa oo kaliya, kadib markii ay ka halowday farsamadii.

Dadka deriska la ah reerkaas ayaa ku soo baxay markii ay maqleen qaraxa ka dhacay guriga dhexdiisa, waxaana loogu yimid hooyadii oo dhaawac ah iyo meydka odagii qaraxa sameynayey iyo labo carruur ah.

Arrintaan ayaa argaagax ku abuurtay dadkii deriska ahaa ee Ceelasha Biyaha la deganaa reerka ay heshay musiibadaan la sheegay inuu gacantiisa ku geystay odagii reerka.

Tani waxay si buuxda u muujineysaa saameynta ay qof kasta ku yeelan karto dhibaatada dhagarta ay kooxda AS u maleegeyso shacabka Soomaaliyeed ee aan waxaba galabsan.

Ciidanka booliska Soomaaliya oo goobta tegay ayaa la sheegay inay bilaabeen baaritaano culus oo arrintaan la xiriira, waxaana lagu wadaa in goordhow ay soo saaraan faahfaahin ku saabsan dhacdadaan yaabka leh.

{DAAWO MUQAALKA} Dhagaysiga eed loo haysto sadax ruux oo isugu jirta dil iyo dayacaad.

Sabti -27-April-2024 {HMC} Dhagaysiga eed loo haysto sadax ruux oo isugu jirta dil iyo dayacaad.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUQAALKA} Wasiirka Gaashaandhigga oo laga dalbaday in jawaab kasoo bixiyo Musuqmaasuq dhacay

Sabti -27-April-2024 {HMC} Wasiirka Gaashaandhigga oo laga dalbaday in jawaab kasoo bixiyo Musuqmaasuq dhacay

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Wasiir Maareeye “Dhulkii ugu qiimaha badnaa waxaa laga tacban la’yahay Khawaariijta sidaa darteed qof walba waxaa looga baahanyahay inuu qeyb ka noqdo dagaalka la gula jiro

Sabti -27-April-2024 {HMC} Wasiir Maareeye “Dhulkii ugu qiimaha badnaa waxaa laga tacban la’yahay Khawaariijta sidaa darteed qof walba waxaa looga baahanyahay inuu qeyb ka noqdo dagaalka la gula jiro

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA