Home Blog Page 2511

{DAAWO MUQAALKA} SoDMA oo war kasoo saaray Cabsida la xiriirta dadaadad ku dhufan kara qaar ka mid ah gobolada Dalka.

Sabti -27-April-2024 {HMC} SoDMA oo war kasoo saaray Cabsida la xiriirta dadaadad ku dhufan kara qaar ka mid ah gobolada Dalka.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUQAALKA} Askar iyo Saraakiil ku socda Dagaalka AS oo dar-daraan la siiyay.

Sabti -27-April-2024 {HMC} Askar iyo Saraakiil ku socda Dagaalka AS oo dar-daraan la siiyay.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Qorsho dadka danta yar looga badbaadiyo Saameynta Daadadka fatahaada wabiyadda oo laga shiray.

Sabti -27-April-2024 {HMC} Qorsho dadka danta yar looga badbaadiyo Saameynta Daadadka fatahaada wabiyadda oo laga shiray.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka 27_04_2024

Sabti -27-April-2024 {HMC} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka 27_04_2024

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Shir ku saabsan ilaalinta Hilibka iyo Caanaha oo Muqdisho ka fumay.

Sabti -27-April-2024 {HMC} Shir ku saabsan ilaalinta Hilibka iyo Caanaha oo Muqdisho ka fumay.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO SAWIRADA}MD Hirshabeele oo Maanta Booqday Xaruunta Hay,adda SODMA

Sabti -27-April-2024 {HMC} Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka SODMA mudane Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa kusoo dhaweeyay xarunta Hay’adda madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle mudane Cali Cabdullaahi Xuseen {Cali Guudlaawe}.

Ugu horreyn masuuliyiinta Hay’adda SODMA ayaa la wadaagay madaxweynaha warbixin guud oo ah sida ay u shaqeyso iyo howlaha ay horay uga fulisay deegaanada Dowladda Hirshabeelle iyo kuwa hadda u qorsheysan.

Maxamuud Macallin Cabdulle, guddoomiyaha Hay’adda SODMA ayaa sheegay in Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle inuu yahay madaxweynihii ugu horreeyay ee heer Dowlad-goballeed oo soo booqday xarunta Hay’adda.

“Ugu horreyn waan ka mahadcelinayaa sida la iigu soo dhaweeyay xarunta SODMA, sida aad la socotaan Roobka Gu-ga ayaa ka curtay deegaanada Dowladda Hirshabeelle durba webiga ayaa fatahaad ka saameeyay deegaano ku dhow magaalada Jowhar wadajir inaan kaalin ugu qaadano ayaan rajeynayaa.

Ugu dambeyn madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle mudane Cali Guudlaawe ayaa ku ammaanay masuuliyiinta iyo howlwadeennada SODMA qaabka ay ugu taagan yihiin garab-istaaga dadkooda dhibaateysan.

Boqolaal Ka Tirsanaa AS oo Doowlada Isku Dhiibay

Sabti -27-April-2024 {HMC} War-saxaafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ay ay soo dhaweynayaan maleeshiyaadka iyo horjoogayaasha ka soo baxaya safka Al Shabaab ee isku soo dhiibaya dowladda, kaddib markii Madaxweynaha Soomaaliya uu cafis u fidiyay qof kasta oo ay qaldeen cadowga oo doonaya in uu dadkiisa si nabad ah ugu laabto.

Dowladda ayaa sheegtay in toddobaadyadii ugu dambeeyay boqol maleeshiyaad iyo horjoogayaal isugu jira oo muddo dheer ka tirsanaa Al Shabaab ayaa iska soo dhiibay deegaannada Galmudug, Hirshabeelle, Koofur Galbeed, Jubbaland iyo Muqdisho, kuwaas oo soo dhaweyn iyo daryeel ka helay dowladdooda sidoo kalena ka badbaadey shartii ay u diyaarinayeen Khawaarijta.

Warka dowladda ayaa lagu sheegay in ay ku dhiira-gelinayso dhallinyarada ay qaldeen cadowga in ay isku soo dhiibaan dowladooda, sidoo kale dowladdu waxa ay bogaadineysaa kaalinta waalidiinta Soomaaliyeed ay ka qaateen in ay caruurtooda ka soo reebaan Al Shabaab.

Haweeney caan ka aheyd baraha bulshada oo la dilay iyo khubaro loo saaray kiiska baarista dilka

Sabti -27-April-2024 {HMC}  Haweeney caan ka aheyd baraha bulshada gaar ahaan barta Tiktok oo u dhalatay dalka Ciraaq, ayaa xalay lagu hor toogtay gurigeeda oo kuyaalla magaalada Bagdaad ee caasimadda dalkaasi.

Ghufran Sawadi oo caan ku aheyd magaca Om Fahad ayaa la dilay xalay xilli ay ku jirtay gaarigeeda oo yaallay bannaanka gurigeeda, waxaana la sheegay haweeneydan in rasaas ku furay nin hubeysan oo goobta deg deg uga baxsaday.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha dalka Ciraaq ayaa cambaareesay falkan lagu dilay gabadha caanka aheyd, waxa ayna wasaaradda sheegtay in guddi khubaro ah loo saaray baarista kiiska haweeneydan.

Haweeneydan la toogtay ayaa caan ka aheyn barta Tiktok ay heesatay dad badan oo ku xirnaa, waxa ayna inta badan caan ku aheyd in ay soo duubto muuqaalo qoob ka ciyaar iyo sidoo kale muusik wata.

Maxkamad kutaalla dalka Ciraaq ayaa gabadhan la toogtay sannadkii hore ee 2023-kii ku xukuntay lix bilood oo xabsi ah, kaddib markii lagu eedeeyay in barteeda ku baahisay muuqaallo wax u dhimaya anshaxa iyo dhaqanka dadka reer Ciraaq.

{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn 27-04-2024

KhAMIIS April 27, 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

Warka waxaa soo jeedinayo ::Yaasiiin Cali Axmad & mustaf cali cadoow

Farsamadii ::Mohamed Baryare 

HOOS KA DHAGEYSO WARKA Duhurnimo

{DAAWO MUQAALKA} Gogosha nabadeed ee aan wadno yaan la legdin, Cidii dagaal rabta Cali Jeyte ayaa jooga”Sanbaloolshe

Sabti -27-April-2024 {HMC} Gogosha nabadeed ee aan wadno yaan la legdin, Cidii dagaal rabta Cali Jeyte ayaa jooga”Sanbaloolshe

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA