Home Blog Page 2512

{DAAWO MUQAALKA} Maanta kadib Soomaalidu qaxooti kuma ahan midkii ay tagaan urur goboleedka EAC,” C?salaan Hadliye”

Sabti -27-April-2024 {HMC} Maanta kadib Soomaalidu qaxooti kuma ahan midkii ay tagaan urur goboleedka EAC,” C?salaan Hadliye”

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Kooxda AS oo sheegtay iney Muqdisho ku dishay Xildhibaan hore.

Sabti -27-April-2024 {HMC}  Kooxda AS oo sheegtay iney Muqdisho ku dishay Xildhibaan hore.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Xarunta Keydka Talaalka iyo Daawadda ee Gobolka Banaadir oo maanta la dhagax dhigay.

Sabti -27-April-2024 {HMC} Xarunta Keydka Talaalka iyo Daawadda ee Gobolka Banaadir oo maanta la dhagax dhigay.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Maxaa kasoo kordhay nabadeyntii ay waden Taliye Sanbaoolshe iyo gudoomiye Shuute.?

Sabti -27-April-2024 {HMC}  Maxaa kasoo kordhay nabadeyntii ay waden Taliye Sanbaoolshe iyo gudoomiye Shuute.?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Bandhigga ku saabsan Hidaha iyo Dhaqanka Soomaaliyeed oo lagu qabtay degmada Aadan yabaal

Sabti -27-April-2024 {HMC} Bandhigga ku saabsan Hidaha iyo Dhaqanka Soomaaliyeed oo lagu qabtay degmada Aadan yabaal

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Maxay tahay heshiiska ay wada gaareen Madaxweyne yaasha Soomaaliya iyo Tanzania.

Sabti -27-April-2024 {HMC} Maxay tahay heshiiska ay wada gaareen Madaxweyne yaasha Soomaaliya iyo Tanzania.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Safar dhulka ah iyo Bilicda Deegaanka oo roobeysan Halkaan waa Deegaanka Dubugal ee Gobalka Hiiraan.

Sabti -27-April-2024 {HMC} Safar dhulka ah iyo Bilicda Deegaanka oo roobeysan Halkaan waa Deegaanka Dubugal ee Gobalka Hiiraan.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUQAALKA} shaqaalaha iyo saraakiisha Dowladda ee dalka ka baxsadda oo la ogaaday wadada u fududeyso safarkooda Dibadda.

Sabti -27-April-2024 {HMC} shaqaalaha iyo saraakiisha Dowladda ee dalka ka baxsadda oo la ogaaday wadada u fududeyso safarkooda Dibadda.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

SOOOMAALIYA: Falalka amni darro iyo rabshadaha siyaasadeed oo sii kordhay tan iyo bilowgii xiisada Dastuurka.

Sabti -27-April-2024 {HMC} Soomaaliya ayaa bishii la soo dhaafay waxaa ka dhacay qalalaase xooggan oo ay ka dhasheen xasillooni darro siyaasadeed iyo dhaqdhaqaaqyo ciidan oo kordhay.

Muddadan, Mashruuca Xogta Goobta & Falalka Hubaysan (ACLED) ayaa diiwaan-geliyay in ka badan 205 dhacdooo rabshado siyaasadeed ah, taasoo keentay ugu yaraan 539 dhimasho ah.

Goobaha ugu badan ee ay dhibaatada ka dhacday ayaa ah gobolada Shabeelaha Hoose iyo Mudug oo ay kooxda AS xoojiyeen weerarada ka dhanka ah ciidamada amaanka.

Iyadoo Soomaaliya ay la daalaa dhacayso caqabadahan dhanka ammaanka ah, ayaa sidoo kale dalka waxaa soo food saaray qalalaase siyaasadeed oo xooggan, taasoo ka dhalatay dadaallo muran badan dhaliyay oo lagu doonayay in wax looga beddelo dastuurka KMG ah, kaasoo soo jiray tan iyo 2012-kii.

Wareegii ugu dambeeyay ee wax ka bedelka, oo uu Baarlamaanku ansixiyay 30-kii March, ayaa lagu doonayaa in sare loogu qaado awoodaha madaxweynaha iyo in laga gudbo doorasho guud.

Wax-ka-beddelladan ayaa sidoo kale soo jeedinaya in muddo xileedka madaxweynaha iyo baarlamaanka laga dhigo shan sano, iyadoo awoodaha qaar ee dhaqan ahaan Baarlamaanku leeyahay loo wareejiyay madaxtooyada.

Wax ka bedelka dastuurka ayaa waxa uu la kulmay mucaaradad xoogan, gaar ahaan maamulka Puntland oo ku dhawaaqay inay aqoonsiga kala laabteen dowladda Soomaaliya 31-kii March.

Talaabadan ayaa timid maalin kadib markii wax ka bedelka lagu sameeyay, taasoo noqonaysa markii labaad oo ay Puntland u sheegato madax banaanida cabashooyin noocaan oo kale ah.

Sikastaba ha ahaatee, kororka falalka amni daradda kadib markii uu dilaaco khilaaf siyaasadeed ayaa ka dhigan in laga maarmaan qaboojinta xasaradaha siyaasiga ah inuu socdo dagaalka kooxda AS.

Dowladda Burkina Faso ayaa shaqada ka joojisay BBC-da iyo VOA.

Sabti -27-April-2024 {HMC} Burkina Faso ayaa shaqada ka joojisay BBC-da iyo Voice of America, kaddib markii ay tabiyeen warbixin ay ku eedeysay ciidamadooda dil wadareed.

“Waxaa BBC iyo VOA laga joojiyay baahinta wararka, waxaana la mamnuucay mareegaha labada hay’adood muddo labo toddobaad ah,” sida ay saraakiishu sheegeen.

Warbixinta ay soo saartay Human Rights Watch (HRW) oo ah koox fadhigeedu yahay dalka Mareykanka, ayaa ku eedeysay militariga Burkina Faso inay xasuuqeen ugu yaraan 223 qof oo rayid ah bishii February

Milatarigu waxa ay awoodda dalka ku leeyihiin galbeedka Afrika tan iyo sannadkii 2022-kii inqilaabkii. Hase ahaatee, illaa waqti xaadirkan ma aysan ka hadlin eedeymaha HRW.

Agaasimaha isgaarsiinta ee ciidanka oo ay soo xigatay saxaafadda gudaha ayaa sheegay in uu dib ugu laaban doono BBC-da hadii iyo marka ay wax sheegaan.

Voice of America (VOA) waxay ku sheegtay “inay ku adkeysaneyso warbixinteeda ku saabsan Burkina Faso ayna ku talo jirto inay si buuxda oo cadaalad ah u tabiso hawlaha dalka”.

Sikastaba, Warbixinta HRW ayaa waxa ay sheegtay in militariga Burkina Faso ay 179 qof ku dileen Soro halka 44 kalena ay ku dileen tuulada Nondin ee ku taal waqooyiga dalkaas