Home Blog Page 2513

Xuutiyiinta Yemen oo gantaal ku dhuftay markab shidaal waday oo marayay Badda Cas.

Sabti -27-April-2024 {HMC} Ururka Xuutiyiinta Yemen ayaa aroornimadi hore ee Sabtida maanta ah sheegay, in ay gantaal ku dhufteen markab shidaal waday oo marayay Badda Cas.

Taliska Dhexe ee Mareykanka ayaa xaqiijiyay in Xuutiyiinta oo ah urur taageero ka hela Iran, ay saddex gantaal oo ah nuuca baalistiga ah oo ay kasoo tuureen gudaha Yemen, ku dhufteen markabka isla markaana ay markabka Andromeda Star soo gaartay waxyeello yar.

Milatariga Mareykanka waxay kaloo sheegeen, in gantaal kale uu ku habsaday markab kale oo lagu magacaabo MV Maisha, balse aysan waxyeello kasoo gaarin gantaalka.

Afhayeenka Xuutiyiinta, Yaxya Sariic ayaa sheegay, in markabka ay duqeeyeen Andromeda Star uu watay calanka Panama isla markaana laga leeyahay dalka Britain, laakin xog kale ayaa sheegeysa in dhawaan markabka la iibiyay.

Markabkaasi ayaa kasoo baxay Primorsk, Russia, kuna sii jeeday magaalada Vadinar, ee dalka Hindiya.

Warar dheerad ah oo kasoo baxaya Mas’uul Dowladeed oo xalay lagu dilay Muqdisho.

Sabti -27-April-2024 {HMC} Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dil qorsheysan oo xalay mas’uul hore uga tirsanaa maamulka Koonfur Galbeed loogu gaystay degmada Shibis, kaas oo ay toogasho ku dileen rag hubeysan oo haddana goobta isaga baxsaday.

Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cali Cumar Gaab, wuxuuna ahaa xildhibaan hore oo ka tirsanaa Koonfur Galbeed, sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.

Ragga dilka gaystay oo ku hubeysnaa bistoolado ayaa la sheegay inay weerar gaadmo ah kiu dileen marxuumka, kadibna ay carareen, sida aanu kasoo xiganay dadka deegaanka.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo baaritaano kooban ka sameeyay qaybo kamid ah degmada Shibis oo ah halka uu dilka ka dhacay.

Kooxda AS ayaa sheegatay mas’uuliyaddda dilka loo gaystay mas’uulkan, sida ay ku baahisay baraheeda bulshada.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha amniga Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed oo ku aadan dhacdadaasi iyo sheegashada AS.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa mararka qaar ka dhacay weeraro kala duwan oo isugu jiro qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo ay soo maleegayaan kooxda AS.

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {27-04-2024}

Sabti -27-April-2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo:Yaasiin Ali Ahmed

farsamadii :Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO

{DAAWO MUQAALKA} Beeraleyda qaadka Kenya oo Muqdisho yimid sheegayna arrin yaab leh oo ay rabaan

0

Sabti -27-April-2024 {HMC} Beeraleyda qaadka Kenya oo Muqdisho yimid sheegayna arrin yaab leh oo ay rabaan

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Wasiirka Amniga Israel oo dhaawacmay xilli uu kasoo laabtay goob Weerar ka dhacay ee magaalada Ramle

0

Sabti -27-April-2024 {HMC} Wasiirka Amniga Israel oo dhaawacmay xilli uu kasoo laabtay goob Weerar ka dhacay ee magaalada Ramle

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Maxkamad go’aamisay in aan la is qabi karin jacayl la’aan, lamaanena kala furtay.

0

Sabti -27-April-2024 {HMC} Maxkamad go’aamisay in aan la is qabi karin jacayl la’aan, lamaanena kala furtay.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Dowladda Turkiga oo cad usheegtay in gabi ahaanba ay jareen xariirkii kala dhaxeeyay Israa’iil.

Sabti -27-April-2024 {HMC} Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, oo khudbad ka jeediyay shirka 5-aad ee golaha baarlamaanka ee Qudus, si gaarana uga hadlayey xiriirka dalkiisa iyo Israa’iil ayaa yiri “Waxaan jarnay xiriirkii aan la lahayn Israa’iil, gaar ahaan dhanka ganacsiga, waanan jaraynaa”.

Erdogan waxa uu ku dooday in dunida Carabta oo ka kooban laba bilyan oo qof “ay si guul leh ugu gudbi karin tijaabada Qasa”.

Erdogan oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri, “Waqti dheer ka hor xasuuqii Qasa, waxaanu horeba u joojinay shixnadaha alaabta loo isticmaali karo ujeedooyinka militariga, waxaanu ku xoojinay hab-dhaqankan go’aanka xayiraadda dhoofinta ee aanu qaadanay 9-kii Abriil.”

Madaxweyne Erdogan ayaa markale Xamaas ugu yeeray “Xoogagga Qaranka Falastiin”.

Wuxuu intaa ku daray in Turkigu, Xamaas u arko inay yihiin ciidanka qaranka Falastiin.

Muxuu yahay dalabka Xamaas ay ka heshay Israa’iil ee la ogaaday?

Xamaas ayaa sheegtay in ay heshay jawaabta rasmiga ah ee Israa’iil Sabtidii lasoo dhaafay soo jeedinteedii ugu dambeysay ee xabbad joojinta ayna daraasad ku sameyn doonto ka hor inta aysan jawaabteeda gudbin, ku xigeenka madaxa kooxda ayaa sidaas ku sheegay hadal uu soo saaray.

“Xamas waxay heshay jawaabta rasmiga ah ee Israa’iil, ee soo jeedinta ay soo bandhigeen Masar iyo dhexdhexaadiyayaasha Qatar 13-kii April,” Khaliil Al-Hayya, oo hadda fadhigiisu yahay Qatar, ayaa sidaas ku sheegay bayaan ay kooxdu daabacday.

Ka dib in ka badan lix bilood oo ay Israa’iil dagaal kula jirtay ururka Xamaas ee Qasa, wada-xaajoodyadu wali waa kuwo aan is-af-garad lahayn, iyadoo Xamaas ay ku adkaysanayso dalabaadkeeda oo ah in heshiis kasta oo la gaarayo ii noqdo mid gabi ahaanba joojiya dagaalka.

Wafdi ka socda Masar ayaa booqday Israa’iil si ay ugala hadlaan mas’uuliyiinta Israa’iil Jimcihii, iyagoo raadinaya qaab ay dib ugu billaabaan wadahadallada si loo dhammeeyo khilaafka iyo soo celinta la haystayaashii ku haray gacanta Hamaas, kuwaas oo Xamaas qabsadeen markii ay gudaha u galeen magaalooyinka Israa’iil 7-dii Oktoobar, sida uu sheegay sarkaal ka hadlay kulammadaas.

Mas’uulkan oo diiday in magaciisa la shaaciyo ayaa sheegay in Israa’iil aysan hayn hindise cusub oo ay samayso, inkastoo ay diyaar u tahay in la tixgeliyo xabbad-joojin xaddidan oo lagu sii daayo 33 la haystayaal ah oo Xamaas ay ku sii dayn lahayd qorshaha xabad joojinta.

Khamiistii, Maraykanka iyo 17 dal oo kale ayaa ka codsaday Xamaas inay sii daayaan dhammaan dadka ay afduubka u haystaan si ay u noqoto waddo lagu soo afjaro colaada mudda ka badan lix bilood ka socota Qasa, taas oo dhalisay xaalad adag oo bini’aadannimo sida ay sheegeen haya’addaha Qaramada Midoobay.

Xamaas ayaa wacad ku martay in aysan ka laaban doonin cadaadiska caalamiga ah balse bayaan ay soo saartay Jimcihii ayay ku sheegtay in ay u furan tahay fikrad kasta ama soo jeedin kasta oo tixgelinaysa baahida iyo xuquuqda dadkeena.

Si kastaba ha ahaatee, waxay ku adkaysatay shuruudaheeda muhiimka ah ee ay horey Israa’iil u diiday, waxayna dhaleecaysay bayaan wadajir ah oo ay soo saareen Maraykanka iyo kuwa kale ee aan ku baaqin xabbad-joojin joogto ah iyo ka bixitaanka ciidamada Israa’iil ee Qasa.

La taliyaha amniga qaranka ee Aqalka Cad Jake Sullivan, ayaa sheegay Jimcihii in uu arkay dardar cusub oo wadahadal ah oo lagu soo afjarayo dagaalka laguna soo celinayo la haystayaasha haray.

Isaga oo soo xiganaya laba sarkaal oo Israa’iil ah, warsidaha Axios,ee Maraykana ayaa sheegay in Israa’iil ay u sheegtay dhexdhexaadiyayaasha Masar Jimcihii in ay diyaar u tahay in ay wadahadal ka furto la haystayaasha “fursad u dambaysa” si ay heshiis ula gaarto Xamaas ka hor inta aysan u dhaqaaqin duulaanka Rafax, halkaas oo hada gabaad magangalyo u ah ku dhawaad hal milyan. Falastiiniyiinta oo hore uga soo cararay ciidamada Israa’iil dagaalkii qaraaraa ee ka dhacay waqooyiga Qasa.

Dhinaca kale, magaalada Rafax, saraakiisha caafimaadka Falastiiniyiinta ayaa sheegay in duqeyn cirka ah oo Israa’iil ay ku qaadday guri ay ku dhinteen ugu yaraan shan qof, qaar kalena ay ku dhaawacmeen.

Dagaalyahannada Xamaas ayaa gudaha u galay magaalooyinka Israa’iil 7-dii Oktoobar, halkaas oo ay ku dileen 1,200 oo qof, halka 253 ay qafaasheen. Israa’iil ayaa wacad ku martay inay baabi’in doonto Xamaas weerar ay ku dhinteen in ka badan 34,000 oo Falastiiniyiin ah.

Wasiirka Amniga Israel oo dhaawacmay.

Sabti -27-April-2024 {HMC} Wasiirka Amniga maamulka Israel, Ben-Gvir ayaa shil gaari ku dhaawacmay, waxaana loola cararay xarun caafimaad oo lagula tacaalayo xaalada wasiirkan dhaawacmay sida ay ku warameen warbaahinta Israel.

Gaari uu la socday Ben-Gvir ayaa la rogmaday, waxaama soo gaaray dhaawac fudud sida booliiska sheegeen, waxaana wasiirka xaaladiisa si deg deg ah ula tacaalayay koox la socotay oo usii gudbiyay goob caafimaad.

Booliiska ayaa sheegay in ay baarayaan shilkan gaari uu ku dhaawacmay wasiirkan xagjirka ah, mana jiro faah faahino badan oo booliiska kasoo saareen shilkan gaari ee wasiirka amniga ku dhaawacmay.

Wasiirka amniga Isreal ayaa la sheegay xilliga shilka uu galayay uu kasoo laabtay magaalada Ramle oo u dhow Tel Aviv , halkaas oo ka dhacay weerar toorey oo lagu dhaawacay haweeney 18-sanno jir ah.

Sacuudi Carabiya oo digniin culus kasoo saartay arrimaha Xajka kabid markii…..

Sabti -27-April-2024 {HMC} War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha Xajka iyo Cumrada Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa loogu digay shirkadaha ku shaqeysta hanaanka been abuurka dal ku galka, kuwaasi oo baraha bulshada ku xayeysiiya adeegyadooda been abuurka ah.

“Dadka Muslimiinta ee sanadkan 1445/2024 doonaya inay xajiyaan waa inay adeegyadooda ay u doontaan xafiisyada rasmiga ah ee la siiyay ogalaasha bixinta Xajka,” ayaa lagu yiri bayaanka wasaaradda.

Xafiisyadan ayaa ah cidda keli ah ee xaqa u leh bixinta adeegyo sax ah, sida ay sheegtay wasaaradda, iyada oo uga digtay inay ku dhacaan kuwa dadka dhaca ee bixinaya adeegyo sax aanan aheyn.

Shirkadaha been abuurka ah ayey sheegtay inay ku shaqeystaan baraha bulshada, iyaga oo dadka la wadaagaya macluumaad been abuur ah, islamarkaana sheeganaya inay ogalaasha rasmi ah ka heystaan wasaaradda Xajka iyo Cumrada ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya, taasi oo ah mid aanan waxba ka jirin.

Sidoo kale wasaaradda ayaa ku boggaadisay dadaalka ay hay’adda sare ee arrimaha Xajka iyo Cumrada dalka Ciraaq kaga hortagtay qaar kamid ah shirkadaha been abuurka ku shaqeysta.

Shirkadahaas oo la xiray ayaa tiradooda lagu sheegay in ka badan 25 shirkadood oo been abuur ah.

Wasaaradda arrimaha Xajka iyo Cumrada ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa waxay ugu baaqday dalalka Islaamka inay la dagaalamaan kuwa caadeystay ku shaqeysiga been abuurka.

Sidoo kalena waxay dadyoowga adduunka ee doonaya inay xajiyaan sanadkaan ku adkeysay ka fejignaanta halista shirkadahaas ku shaqeysta hanaanka qaldan ee dadka lagu dhacayo.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26-04-2024}

Jimco -26-Apr-2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ;Abdirahmaan Mo,alim Muse Osman

Farsamadii :Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA HABEENIMO