Home Blog Page 2516

At least 70 AS terrorists killed in Mudug region

0

Friday -26-Apr-2024 {HMC} At least 70 al-Shabab terrorists were killed and 30 others wounded in a military operation in Somalia’s northern Mudug region, the Somali government said on Thursday.

Ministry of Information, Culture and Tourism stated that the operation happened in the vicinity of Tabar-mooge, about 28 kilometers (17 miles) north of the recently liberated coastal town of Harardhere.

The ministry added that the operation was conducted by the national army and its international security partners.

Since 2007, al-Shabaab has been engaged in conflict with the Somali government and the African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS), a multifaceted mission authorized by the African Union and mandated by the UN Security Council.

Raashinkii La siin jiray ciidanka kumaandooska Danab oo La hakiyay.

0

Jimco -26-Apr-2024 {HMC} Dowladda Mareykanka ayaa hakisay cunnadii ay siin jirtay ciidanka kumaandooska Danab, kadib markii ay soo shaac baxday musuq-maasuq ku saabsan iibsashada gargaarka cuntada iyo shidaalka ee lasiiyo ciidamada Danab.

Go’aanka lagu hakiyay raashiinkii Danab ayaa waxaa loo gudbiyay wasiir ku xigeenka wasaaradda gaashaandhigga iyo taliyaha ciidamada xoogga dalka Ibraahim Sheekh Muxudiin oo ku sugan safaaradda Mareykanka ee magaalada Nairobi.

 

Joojinta kaalmada ayaa dhabar jab weyn ku ah ciidamada Danab oo muddo dheer ku tiirsanaa taageerada Mareykanka si ay u fuliyaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

 

Dhinaca kale, wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya ayaa tallaabadan ka dib bilowday baaritaan ku saabsan leexsashada raashiinka ciidanka Danab ee ciidamada xoogga dalka.

 

Wasaaradda gaashaandhigga waxay sheegtay baaritaanka ay sameysay in loo xiray saraakiil lagu eedeynayo ku lug lahaanshaha musuq maasuqa lunsashada raashinka ciidanka Danab.

 

Dowladdu waxay sheegtay in daneeyayaasha ay la wadaagi doonto natiijada kasoo baxa baaritaanka.

 

Islaan 60 jir ah oo Taajka Quruxda Haweenka u qaadday Argentina

Jimco -26-Apr-2024 {HMC} –  “Waxaan ahay jiilkii koowaad ee sidan sameeya,” ayay tiri qareen iyo weriye Alejandra Marisa Rodríguez kadib markii loo suray taajka quruxda ee dalka Argentina iyadoo 60 jir ah.

Alejandra Marisa Rodrigueza ayaa taariikh dhigtay iyadoo da’dan ah, waxa ayna qaadday koobka tartankan oo ay hablaha yaryar uun ka qeybgeli jireen.

Marisa Rodriguez ayaa tiri, “waan ku faraxsanahay inaan matalo casriga cusub ee quruxda. Maanta waxaan sameyneynaa billow cusub, iyadoo haweenka aanan keliya loo eegeyn da’da.

Mar ay ka hadleysay dareenkeeda, ayay Marisa Rodriguez tiri, “waan ku faraxsanahay inaan ka qeybgalo Miss Universe Argentina 2024.”

Hadda kahor keliya haweenka ay da’doodu u dhaxeyso 18 ilaa 28 sano ayaa ka qeybgeli jiray tartankan.

Bishii September 2023, Ururka Miss Universe ayaa xaddidaadda da’da ka saaray shuruuddaha ka qeybgalka tartankan.

Ciidamada Maraykanka oo qalabkooda ka xirxiranaya dalka Chad

Jimco -26-Apr-2024 {HMC} –  Maraykanka ayaa qorsheynaya in si kmg ah uu ciidamadiisa uga saaro dalka Chad sida khamiistii laga soo xigtay saraakiil maraykan ah, tallaabadan ayaa imaanaysa maalmo kaddib markii Washington lagu qasbay in ay ogolaato in ciidamadeeda ka saarto wadanka dariska la ah Chad ee Niger.

Horaan tii bishan taliyaha ciidamada cirka ee Chad ayaa ku amray Maraykanka in uu jaajiyo hawlihiisa garoonka ciidamada cirka ee ku yaala duleedka caasimadda N’Djamena, sida laga soo xigtay warqad ay dawladda kmg ah dirtay oo ay wakaaladda warrarka ee Reuters aragtay.

Afhayeenka Pentagon ka Maraykanka Janaraal Patrick Ryder ayaa sheegay in qayb kamid ah ciidanka laga saari doono dalka Chad.

Waxa uu sheegay in ay tahay ‘’tallaabo kmg ah’’ kaas oo qayb ka ah dib u eegis socota oo lagu sameynayo wadashaqaynta ay la leeyihiin Chad, taas oo dib u bilaaban doonta kaddib doorashada madaxtinimo ee dhacaysa 5 May.

Sarkaal ka tirsan Maraykanka oo diiday in magaciisa la xigto ayaa sheegay in daraasiin ciidanka gaarka ah, oo hadda Chad u jooga qorsheyn iyo la talin ay hadda u guurayaan dalka Jarmalka.

Dawladda Soomaaliya oo ka doonaysa Tansaaniya in ay soo wareejiso maxaabiista Soomaalida ah ee ku xiran dalkeeda

Jimco -26-Apr-2024 {HMC} –  Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray dalka Tansaaniya, ayaa halkaasi ka bilaabi doona kulamo muhiim ah.

Tansaaniya ayaa xarun u ah Dallada Bulshada Bariga Afrika ee dhawaan ay ku biirtay Soomaaliya, waxaana madaxweynaha uga bilaabatay booqasho rasmi ah.

Madaxweynaha oo martiqaad rasmi ah ka helay Madaxweynaha Tansaaniya Marwo Samia Suluhu Hassan ayaa la yeelan doona shir ku saabsan xaaladda gobolka iyo danaha wada-jirka ah ee ay wadaagaan labada dal, taasi oo ay kamid tahay Dallada ay ku mideysan yihiin ee Bulshada Bariga Afrika, sida lagu shaaciyay qoraal ay soo saartay Villa Somalia.

Tansaaniya ay lagu xasuusta inay ka mid aheyd dalalka doorka wanaagsan ka qaatay aqbalaadda codsiga Janhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo ayadu xubin buuxda ka noqotay Dallada Bulshada Bariga Afrika ee EAC.

Villa Somalia ayaa sidoo kale sheegtay in wafdiga madaxweynaha inta uu ku sugan yahay Daaru-salaam ay kulammo la qaadan doonaan madaxda dalkaas, iyagoo kala hadli doona xiriirka soo jireenka ah ee labada dal.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa hordhigi doona madaxdaasi arrimo ay kamid yihiin dardar-gelinta xubinnimada Soomaaliya ee Dallada Geeska Afrika, iskaashiga arrimaha dhaqaalaha iyo maalgashiga.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka qeyb-geli doona sannad-guurada 60-aad ee midowga iyo qarannimada dalka Tansaaniya.

 

Wadamada Galbeedka Afrika ee Benin, Liberia iyo Sierra Leone oo bilaabay tallaalka cudurka duumada

Jimco -26-Apr-2024 {HMC} – Benin, Liberia iyo Siera Leone ayaa bilaabay ol’ole ballaaran oo dhalaanka looga tallaalayo xanuunka duumada Khamiistii shalay ahayd, taas oo qayb ka ah barnaamijka Afrika ee lagu doonayo in lagu badbaadiyo tobannaan kun oo caruur ah sanad kasta qaaradda Afrika.

Sedexdan dal ee galbeedka Afrika ku yaala ayaa noqonaya kuwii ugu dambeeyay ee ka qaybgala barnaamijka dhalaanka looga tallaalayo duumada, kaas oo si guul leh looga fuliyay wadamada Burkino Faso, Cameroon, Ghana, Kenya iyo Malaawi, sida warbixinteeda ay ku sheegtay Hay’adda Tallaalka Dunida ee GAVI.

Ogolaanshiyaha Ururka caafimaadka aduunka ee tallaalkan ayaa ka dhigan in lagu garab wado dadaalladii horey u jiray ee maro kaneecada si loola tacaalo Duumada, taas oo Afrika ku disha sanad kasta ku dhawaad nus milyan caruurra oo da’doodu ka hooseyso shan sano.

‘’Tani waxa ay gacan ka geysan doontaa badbaadinta nafaf badan, waxayna nasteexo u noqon doontaa qoysas, bulshooyin iyo meellaha hannaanka caafimaad uu adag yahay,’’ ayuu yiri Aurelia Nguyen oo ah sarkaal ka tirsan GAVI.

Benin waxa ay haysataa 215,900 oo doos oo tallaalka duumada ah, taas oo loo heli karo dhalaanka 5 bilood jira, sida ay sheegtay GAVI.

Sierra Leone waxa ay haysataa 550,000 oo doos, dalka dariska la ahna ee Liberia waxa uu haystaa 112,000 oo doos.

{DAAWO SAWIRADA} Xukun Qasqaas ah oo maanta Lagu Fuliyay Askari ka tirsan Ciidamada Soomaaliya.

0

Jimco -26-Apr-2024 {HMC} Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida qaybta Galmudug ayaa maanta dil qisaas ah ku fulisay labo askari oo ka tirsanaa xoogga dalka.

dable Cabdikaafi Cali Cabdulle ayaa horay u dilay Cadnaan Cali Salaad, sidoo kale Iidle Cumar Idiris oo Gorgor ka tirsanaa ayaa asna hore u dilay Bilan Xaashi Salaad.

Alle ha u wada naxariisto ayaga iyo marxuumiintii hore gacantooda ugu baxey.

{DAAWO MUUQAALKA} Wasiir Fiqi oo xog cusub ka bixiyay Safarka Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku gaaray dalka Tansaaniya.

Jimco -26-Apr-2024 {HMC} Wasiir Fiqi oo xog cusub ka bixiyay Safarka Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku gaaray dalka Tansaaniya.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Odayaal dhaqameed taageeray DFS oo la amray in lasoo xero iyo cida sameysay arinkaas.

Jimco -26-Apr-2024 {HMC} Odayaal dhaqameed taageeray Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la amray in lasoo xero iyo cida sameysay arinkaas.

Seven killed in sleep after Ethiopia building collapses

0


Ameyu Etana
Friday April 26, 2024

A residential building that was under construction in Ethiopia’s capital city has collapsed, killing seven people sleeping in a house next door.

The disaster happened early on Wednesday at around 05:00 local time (02:00 BST) in Addis Ketema, one of the busiest neighbourhood’s in Addis Ababa, local media reported.

Nigatu Mamo, a spokesperson for the local authoritie, told the BBC the deceased include children aged four, 11 and 12.

“The victims lost their lives due to lack of air,” Mamo added.

Reports say the police have launched an investigation to determine the cause of the collapse.

It is not the first time the area has experienced an incident of this kind – in 2022 at least six people died and seven others were injured after a building fell in Merkato, one of Africa’s biggest open markets.

Experts have said that poor quality structures and weak regulations are likely to have caused the buildings to collapse.